Hamsuhu waa astaan leh la yaab badan oo qoraalka Soomaaligeenna ku leh dawr aad u wacan. La’aantii waxa la arki lahaa, hubanti na ah, dhibaatooyin badan. Qaababkan ayaa aan u qaabeeyay isticmaalka saxsan calaamaddan aniga oo ka duulaya dhismaha iyo abuurka erayga Soomaaliyeed.

. . .

Waxa lagu kala basriyaa dhawaqyo-shaqaleed oo aan bataatan ba is raaci karin, iyaga oo ku wada jira hal eray oo keli ah. Haddii la doono in la is raaciyo, xaqiiqo waxa ah eraygu in uu beddelmayo macnihii iyo ujeeddadii uu ku lahaa afka; ama eraygu in uu ahaanayo mid aan ba la akhrin karin. Labada jeer ba, waxa abuurmaya eray cusub oo kakan oo aan ku jirin qaamuuska afka. Eray garanwaa ah!

T.A.: Waxa aan ka cabanayaa beryahan hurdo la’aan.

“La’aan.” Ka warran haddii aan u qori lahaa sidan “laaan”? Saddex shaqal oo isku mid ah baa is raacay, saw ma aha? Bal ku dhawaaq! Halkaa waxa ka soo baxay eray cusub oo aan macne iyo ujeeddo ba lahayn aan la garanayn xididkiisa, sifadiisa, iyo dhaqankiisa afeed. Dhawaqyadaa shaqaleed waxa lagu kala basriyay hamse. Af Soomaaligeenna marka lagu noqdo xeerarkiisa, saddex shaqal oo isku mid ah is ma ba raaci karaan. Saw sidaa ma ogid?

T.A.: Ra’iisulwasaaraheennu waa in uu qaataa go’aan degdeg ah.

“Go’aan.” Ka warran haddii aan u qori lahaa sidan “goaan”? saddex shaqal oo labo isku mid tahay mid na ka duwan yahay ayaa is raacay, saw ma aha? Bal ku dhawaaq! La ma ba akhrin karo, saw ma aha? Halkaa waxaa ka soo baxay eray dhan oo aan higgaaddiisa la kicin karin, iska ba daa macne iyo ujeeddo in uu yeesho e. Af Soomaaligeenna marka lagu noqdo xeerarkiisa, saddex shaqal oo kala duwan is ma ba raaci karaan. Saw sidaa ma ogid?

. . .

Waxa lagu kala basriyaa dhawaqyo-shibbaneed oo aan bataatan ba is raaci karin, iyaga oo ku wada jira hal eray oo keli ah. Haddii la doono in la is raaciyo, xaqiiqo waxa ah eraygu in uu beddelmayo macnihii iyo ujeeddadii uu ku lahaa afka; ama eraygu in uu ahaanayo mid aan ba la akhrin karin. Labada jeer ba, waxa abuurmaya eray cusub oo kakan oo aan ku jirin qaamuuska afka. Eray garanwaa ah!

T.A.: Soomaalidu waxa ay haysataa Mad’habta Shaaficiyada.

“Mad’habta.” Ka warran haddii aan u qori lahaa sidan “madhabta”? Sidan baa aad u akhrin lahayd: ma-dhab-ta, saw ma aha? Halkaa maxaa ka soo baxay? Waxa ka soo baxay eray aan ahayn kii aan rabnay oo ah ku’ cusub. Sidaa darteed, hamse markii aan adeegsan waynnay, eraygii aan rabnay si kale ayaa aan u qornay; sidaa ayaa keentay eraygii in uu beddelmo macne ahaan iyo ujeeddo ahaan labada ba. Ma i la socotaa? Af Soomaaligeenna marka lagu noqdo xeerarkiisa, labo shibbane is ma ba raaci karaan marka laga tago xarfaha “KH”, “DH,” iyo “SH” oo iyagu hal xaraf isku ah; iyo marka laga tago erayada soo noqnoqda, sida: yaryar, marmar, iyo carcar. Kolkol baa la arkaa labo shibbane oo duruuftu keentay in la is raacsiiyo iyaga oo aan is diiddayn (t.a., xadkabax, foolkafool, iyo marla’arag) Saw sidaa ma ogid?

T.A.: Si xad’dhaaf ah baa uu ii jecel yahay.

“Xad’dhaaf.” Eraygaasi, abuur ahaan, waxa uu ka yimid erayada “xad” iyo “dhaaf” oo la isku lammaaniyay oo wada sameeyay macne cusub (oo la mid ah: “xadkabax”). Waxa uu noqday hal eray oo aan aslan ba la kala jari karin. Laakiin qoraalkiisii ayaa noqday mid adag ka dib markii ay is raaceen labo shibbane. Jiitin gaabanna ma wacna in lagu kala basriyo (t.a., xad-dhaaf) oo xaaladdaa waa uu ka soo gudbay oo eraygu dhawaq ahaan waa mid carrabku akhrin karo. Sida ugu fiicani waa in labadaa shibbane lagu kala saaro hamse si eraygu u noqdo mid qormi kara. Haddii se sidan loo qoro “xaddhaaf,” halkaa waxaa ka soo baxaya eray aan ba la akhrin karin, oo higgaaddiisa aan ba la kicin karin. Saw ma aad aan fahmin?

. . .

Waxa lagu muujiyaa eray leh hakasho yar, oo aan hal mar carrabku si boobsiis ah u wada akhrin karin xuruuftiisa, se qaar ka mid ah xuruufta ku yara hakanayo. Ujeeddada sidaa loo samaynayo waa in akhristaha la fahamsiiyo erayga dhawaqiisa saxda ah iyo, sida oo kale, akhriskiisa in loo fudaydiyo oo aannu ku margan.

T.A.: Shimbirka hud’hudka aad baa aan u jecel ahay.

“Hud’hudka.” Carrabku marka uu inta hore (hud) akhriyo ayaa uu yara hakanayaa, dabadeed inta dambe (hudka) ayaa uu ka daba gaynayaa. Bal tijaabi!

T.A.: Siddiiq waa hal’abuur weyn oo Soomaaliyeed.

“Hal’abuur.” Carrabku marka uu inta hore (hal) akhriyo ayaa uu yara hakanayaa, dabadeed inta dambe (abuur) ayaa uu ka daba gaynayaa. Bal tijaabi!

. . .

Qormadan wacan waxa aan ku soo gebagebaynayaa labo arrimood oo muhiim ah.

Arrinta kowaad: Waxa kale oo astaantan loo adeegsadaa in lagu muujiyo cod adag oo hal mar wada go’aya.

T.A.: Lo’daasi waa lo’ weyn.

T.A.: Sidaasi ma aha si’ wanaagsan.

. . .

Arrinta labaad: Hamsaha waxa la dhigaa xarafka korkiisa ee la ma dhigo xarafka hoostiisa.

Khalad: Waxa aan ahay hal,abuur sare.

Sax: Waxa aan ahay hal’abuur sare.

Fikirkaada Waa Muhiim