Calaamaddani waxa ay u shaqaysaa sida xidhiidhiyaha “ama.” Wax kasta oo uu xidhiidhiyahaasi qabto ayaa ay qabataa. Haddaa waa wax kasta!

Hadalka ayaa ay kala qoqobtaa oo kala dhex gashaa, aslan ba.

Waxa ay tilmaantaa labo eray (ama labo weedhood) oo isku macne ah oo isku dhigmi kara. Ama waxa ay tilmaantaa labo eray (ama labo weedhood) oo iska soo horjeeda oo la kala dooran karo.

Bal u fiirso tusaalayaashan hoose.

. . .

T.A.: Muna waxa ay rabtaa/doonaysaa in aad u shaqayso.

Waxa ay la macne tahay: Muna waxa ay rabtaa ama doonaysaa in aad u shaqayso. Labada eray ee “rabtaa” iyo “doonaysaa” waa isku macne oo waa ay isku dhigmi karaan.

T.A.: Mahad waxa uu qorayaa buug/dhigane.

Waxa ay la macne tahay: Mahad waxa uu qorayaa buug ama dhigane. Labada eray ee “buug” iyo “dhigane” waa isku macne oo waa ay isku dhigmi karaan.

T.A.: Isaga/iyada had ba kii soo horreeya ayaa aan cashadan siinayaa.

Waxa ay la macne tahay: Isaga ama iyada had ba kii soo horreeya ayaa aan cashadan siinayaa. Labada eray ee “isaga” iyo “iyada” waa magacuyaallo u taagan labo qof oo la kala dooranayo.

T.A.: Taladaydu waxa ay tahay qisadan in aad dib u tifaftirto/ in aad dib u qorto.

Waxa ay la macne tahay: Taladaydu waxa ay tahay qisadan in aad dib u tifaftirto, ama in aad dib u qorto. Labada weedhood ee “in aad dib u tifaftirto” iyo “in aad dib u qorto” waa labo fikradood oo mid wal ba u baahan tahay shaqo badan oo la kala dooranayo.

. . .

Waxa kale oo ay tilmaantaa meerisyo maanso oo la kala qoqobayo si aan ay u wada noqon hal meeris oo keli ah iyo, sida oo kale, fikirro wada socda si aan loo moodin hal fikrad oo keli ah.

Bal u fiirso tusaalayaashan hoose.

. . .

T.A.: “Giddigiin ka soo guda halkaa goor horraan idhiye / Adigaa garaad lehee Cabdiyoow nimankan gaagaaban / Guddoon wax’aad u sheegtaa ergada kii aad garan weydo / Galoof yahow garaadkaa int’aad gaar isu la shawrto / Shakki hadduu ba kaa galo adoon goolka dhalinaynin / Kubbaddaa gabaacuulsan laad haw giraangirin dheh.” —Filasoof Dhoodaan (I. H. U. N.)

Lixdaa meeris ee gabay ee wada socda, ee meeris kasta ba sidiisa miisaan ahaan u dhisan yahay, ayaa aan ku kala qoqobay.

T.A.: “In kast’oo sabaannadan saranseer la soo maray

/ Amuu soomalhaadiyo jiray saxal Rabbaaniya / Amay saar xanuun iyo surucyada ku raageen / Ummaddu na sax iyo khalad kala saari waayeen / Ma saluugo midabkiyo sinjiga iyo magacoo / Soomaali baan ahay ummadaha la simanoo!—Gabayaa Kediye (I. H. I.)

Lixdaa meeris ee masafo ee wada socda, ee meeris kasta ba sidiisa miisaan ahaan u dhisan yahay, ayaa aan ku kala qoqobay.

T.A.: Haddii aad doonayso in aad noqoto qoraa wanaagsan wax badan ka baro aqoonta qoraalka / Samee akhris badan oo wata baadhis badan / Oo maalin kasta wax badan qor si aad u samayso khaladaad badan.

Saddexdaa fikir ee wada socda, ee mid kasta ba sidiisa fikir ahaan u dhisan yahay, ayaa aan ku kala qoqobay.

T.A.: Jaamacadda Muqdisho gal / Kulliyadda Dhaqaalaha Iyo Aqoonta Maammulka is qor / Oo ku dedaal simistar kasta kaalinta kowaad in aad gasho.

Saddexdaa fikir ee wada socda, ee mid kasta ba sidiisa fikir ahaan u dhisan yahay, ayaa aan ku kala qoqobay.

. . .

Waxa saddexaad oo ay tilmaantaa erayo isku macne ah oo la is daba gelinayo. Ama erayo isku xaalad ah oo la is dabagelinayo. Mid kasta ba waxa laga lee yahay ujeeddo.

T.A.: Xaas/afo/marwo/xilo/oori, intu ba, waa isku macne; kii aad qaadataa ba waa sax.

Intaa oo eray oo kala duwan higgaad ahaan waa isku mid macne ahaan. Ujeeddada laga lee yahay na waa in aad adeegsan karto kii aad doonto.

T.A.: Abwaan/qoraa/maansayahan/mufakkir/filasoof, intu ba, waa erayo qiimahoodii la tirtiray; oo cid wal ba maanta iska sheegato.

Intaa oo eray oo kala duwan macne ahaan waa isku mid xaalad ahaan. Ujeeddada laga lee yahay na waa in aad ka fogaato in aad isku sifayso.

. . .

Waxa afaraad oo ay tilmaantaa iyada oo kala qoqobaysa tirada sarreeyaha ah (numerator) iyo tirada hooseeyaha ah (denominator) sida ay u kala horreeyaan. Waa marka la joogo xisaabta jajabka.

T.A.: 8/4

Tirada siddeed baa sarreeye ah; tirada afar na hooseeye.

T.A.: 6/3

Tirada lix baa sarreeye ah; tirada saddex na hooseeye.

. . .

Waxa shanaad oo ay tilmaantaa iyada oo kala qoqobaysa erayada “iyo” iyo “ama” marka ay is raacaan shaqada ay qabtaan.

T.A.: Arday kastaa waa in uu keenaa berri afar kun iyo/ama koob biyo ah.

Waxa ay la ujeeddo tahay: Ardaygii keeni kara afar kun iyo koob biyo ah, ha wada keeno; ardaygii aan wada keeni karinna, ka u fudud ha keeno.

T.A.: Macallimku waa in uu ardada siiyaa maanta jimicsi fiican iyo/ama waano taabbagal ah.

Waxa ay la ujeeddo tahay: “Macallimku haddii uu ardada maanta wada siin karo jimicsi iyo waano, ha wada siiyo; haddii kale se, midka loo baahan yahay maanta ha doorto.

. . .

Qormadan waxa aan ku soo gebagebaynayaa labo arrimood oo muhiim ah.

Arrinta kowaad: Waxa kale oo loo adeegsadaa in lagu kala qoqobo maalinta, bisha, iyo sannadka, marka taariikhda la qorayo.

T.A.: Taariikhda maanta waxa weeye 27/02/2018.

Waxa ay la ujeeddo tahay: Taariikhda maanta waxa weeye 27dii bishii 2aad ee sannadka 2018.

. . .

Arrinta labaad: Iska ilaali adiga oo raba calaamadda loo yaqaanno “qoqobka hore—forward slash ( / )” in aad adeegsato calaamadda kale ee loo yaqaanno “qoqobka dambe—backslash ( \ ).”

Khalad: Haddii\goortii Maxamed yimaaddo, waa aan tagayaa.

Sax: Haddii/goortii Maxamed yimaaddo, waa aan tagayaa.

Fikirkaada Waa Muhiim