Astaantani waxa ay ka kooban tahay saddex joogsi. Joogsi wal ba ku ma dheggana joogsiga kale. Masaafo yar baa loo kala dhexaysiiyaa saddexda ba ( . . . ). Qoraalka kiisa akadeemiga ah (academic writing) baa xeerkaa iska leh oo aad u soo celceliya. Qurux ahaanna, waxaa ba wacan in aan la isku dhejin ee masaafo yar loo kala dhexaysiiyo.

Calaamadaha qorayaasha Soomaaliyeed ay khaldaan, bb ay dambi badan ka galaan, baa ay tani ka mid tahay. Saddexdan hab ee soo socda ayaa loo isticmaalaa.

. . .

1: Waxa lagu muujiyaa hakad degdeg ah. Hakadkaa degdegga ah waxa keeni kara sababo badan: aamus degdeg ah, shakki degdeg ah, fikir degdeg ah, baqasho degdeg ah, qufac degdeg ah, oohin degdeg ah, amar degdeg ah, hadalkanoqosho degdeg ah, . . .

T.A.: Cabdiqaniyoow . . . ninkaa halkaa maraya miyaa aannu ahayn Foodhaadhi?

Hadluhu kolkii uu Cabdiqani magaciisa ugu yeedhay isla jeerkii ba waa uu hakaday. Ujeeddo ahaan: waa uu aamusay. Sababta hakadka degdegga ah keentay waa in uu Cabdiqani si fiican u soo jeediyo si uu u la arko ninka uu doonayo in uu bidhaantiisa tuso.

T.A.: Maalintii uu jeclaaday Xamda . . . aan dhaho Xaliimo . . . ka dib, Dhagjar waxa uu la soo baxay caadooyin cusub.

Hadluhu kolkii uu magacaabayay Dhagjar naagta uu jeclaaday isla jeerkii ba waa uu hakaday. Ujeeddo ahaan: waa uu aamusay. Sababta hakadka degdegga ah keentay waa in uu ka shakkiyay magaceedu in uu yahay Xamda iyo in uu khaldayo. Isla judhdhiiba waxa uu gartay in uu khaldayo oo magaceedu yahay Xaliimo—waa uu na ka laabtay magacii hore ee gefka ahaa ee Xamda.

T.A.: Buugga “Halgan Iyo Hagardaamo” waa aan hayaa, jaalle . . . laakiin ma hayo hadda oo waxa labo toddobaad ka hor iga qaatay Gabyaaye.

Hadluhu kolkii uu sheegay buugga “Halgan Iyo Hagardaamo” in uu hayo isla jeerkii ba waa uu hakaday. Ujeeddo ahaan: waa uu aamusay. Sababta hakadka degdegga ah keentay waa in uu maankiisa dib ugu noqday oo is wayddiiyay hadda in uu hayo iyo in kale. Jawaabtii uu isla markii ba helay waxa ay noqotay in aannu haynin hadda oo labo toddobaad ka hor uu ka qaatay nin la dhaho Gabyaaye. Dabadeed, saaxiibkii ayaa uu isla judhdhii ba u sheegay xogta xusuustiisu u soo dirtay.

. . .

2: Waxa lagu muujiyaa hadal aan loo baahnayn oo laga tagay. Inta badan waxa la adeegsadaa xaaladda xigashada—oo hadalka oo dhan la ma soo xigto haddii aan loo baahnayn; inta loo baahan yahay oo keli ah baa la soo xigtaa. Hadalka la xadfay ama la masaxay waxa uu noqon karaa eray, ama weedh, ama hawraar. Waxa kale oo uu noqon karaa hal tuduc ama wax ka badan ba.

Hadalka hoos ku qoran u fiirso.

– Hargeysa, maanta, waxa ay u baahan tahay biyo badan oo ku filan.

Waxa aan doonayaa hadalkaa in aan soo xigto oo erayga “maanta” oo aan u baahnayn in aan ka tago. Sidee baa aan, hadda ba, yeelayaa? Sida hoos ku qoran baa aan yeelayaa.

T.A.: “Hargeysa . . . waxa ay u baahan tahay biyo badan oo ku filan.”

Mar kale, hadalka hoos ku qoran u fiirso.

– Xamaraawi, waagii uu yaraa waxa loo yaqaannay Fooldheere, waa badhasaabka magaalada Hargeysa.

Waxa aan doonayaa hadalkaa in aan soo xigto oo weedha “waagii uu yaraa waxa loo yaqaannay Fooldheere” oo aan u baahnayn in aan ka tago. Sidee baa aan, hadda ba, yeelayaa? Sida hoos ku qoran baa aan yeelayaa.

T.A.: “Xamaraawi . . . waa badhasaabka magaalada Hargeysa.”

Mar saddexaad, hadalka hoos ku qoran u fiirso.

– Madaxweyne Cali KH. Galaydh waxa uu joogaa Maraykan. Dad aad u badan baa ku soo dhaweeyay halkaa. Waxa uu shirar kala duduwan la qaatay waxgaradka Saciid Harti.

Waxa aan doonayaa hadalkaa in aan soo xigto oo hawraarta “Dad aad u badan baa ku soo dhaweeyay halkaa” oo aan u baahnayn in aan ka tago. Sidee baa aan, hadda ba, yeelayaa? Sida hoos ku qoran baa aan yeelayaa.

T.A.: “Madaxweyne Cali KH. Galaydh waxa uu joogaa Maraykan. . . . Waxa uu shirar kala duduwan la qaatay waxgaradka Saciid Harti.”

Afartaa joogsi ee halkaa ku qoran, mid waa joogsigii caadiga ahaa ee aynnu garanaynnay, oo waxa iska leh oo uu dhammeeyay hawraarta hore (Madaxweyne Cali KH. Galaydh waxa uu joogaa Maraykan[.]). Saddexda kale na, waa joogsiyadii astaantan, oo beddel waxa ay u yihiin hadalka maqan ee la xadfay. Sideeda ba, haddii ay hawraartu wadato joogsi, oo dabadeed la doono hadal ka dambeeya in la xadfo, waa in la qoraa “afar joogsi oo wada socda”—joogsigii caadiga ahaa ee astaanta joogsiga, iyo saddexdii joogsi ee astaanta saddexdhibcoodka.

. . .

3: Waxa lagu muujiyaa badnaansho. Ujeeddo ahaan: wax badan oo haddii la doono in wada la tiriyo aan la wada tirin karin; iyada oo sababtu tahay badnaanshaha. Markan waxa ay la macne tahay erayga “sii wad.”

T.A.: Nicmooyinka Alle uu na siiyay waxa ka mid ah nicmada abuurka, nicmada bani’aadamnimada, nicmada Islaamka, nicmada iimaanka, nicmada caafimaadka, nicmada caqliga, nicmada dhulka, nicmada Soomaalinnimada, . . .

Waxa aan doonay in aan tiriyo nicmooyinka Alle uu na siiyay. Waa aan tirin kari waayay; maadaama ay aad u badan yihiin. Qaar badan, oo aad wax ku fahmi karto, qiimaynna aad ku samayn karto, inta aan kuu sheegay, ayaa aan saddexdhibcood ku soo xidhay hawraartayda.

T.A.: Ifraax, dhabtii, waa naag aan diin lahayn, waa naag aan akhlaaq ahayn, waa naag aan gobannimo lahayn, waa naag aan dhiirranaan lahayn, waa naag aan karti lahayn, . . .

Waxa aan doonay in aan tiriyo dhaliilaha ay lee dahay Ifraax. Waa aan tirin kari waayay; maadaama ay aad u badan yihiin. Qaar badan, oo aad wax ku fahmi karto, qiimaynna aad ku samayn karto, inta aan kuu sheegay, ayaa aan saddexdhibcood ku soo xidhay hawraartayda.

T.A.: Soomaalilaan qaanuun ka ma jiro, caddaalad ma taallo, sinnaan ha ba sheegin, maammulwanaag la mid, xorriyad ha ba soo hadal qaadin, . . .

Waxa aan doonay in aan tiriyo xaqiiqooyinka ka jira Soomaalilaan. Waa aan tirin kari waayay; maadaama ay aad u badan yihiin. Qaar badan, oo aad wax ku fahmi karto, qiimaynna aad ku samayn karto, inta aan kuu sheegay, ayaa aan saddexdhibcood ku soo xidhay hawraartayda.

. . .

Qormadaydan wacan waxa aan ku soo gebagebaynayaa labo arrimood oo muhiim ah.

Arrinta kowaad: Saddexda dhibcood waxa aynnu soo sheegnay in aan ay habboonayn in la isku dhejiyo ee mid wal ba la siiyo masaafo yar. Sidan waa khalad (…); sidan kale ayaa sax ah ( . . . ). Sida oo kale, saddexdaa dhibcood qoraalka dhexdiisa marka la gelinayo, qoraalka labadiisa dhinac waa in aan lagu dhejin, ee mid kasta ba masaafo yar loo dhexaysiiyaa.

Khalad: Saciid…waxa uu rabaa toban doollar.

Sax: Saciid . . . waxa uu rabaa toban doollar.. . .

Arrinta labaad: Marka qof mawduuc uu ka hadlayay si degdeg ah uga baxo oo mid kale u galo, waxa la isticmaalaa astaantan. Inta badan ma dhacdo oo waa xaalad naadir ah.

T.A.: Khadra waa naag xun oo inta xalay ay i ballamisay, oo igu tidhi gurigayaga hortiisa soo taag, baa . . . ninkii Cabdullaahi ahaa in uu yimid saw ma ogid?

Hadluhu isaga oo Khadra mawduuceeda ku jiray oo saaxiibkii u sheegayay xumaanteeda, ayaa kolkii uu marayay erayga “baa” ayaa ay iyadii (waa Khadra e) timid goobta; dabadeed mawduucii ayaa uu si degdeg ah u beddelay. Mawduuc kale ayaa uu u wareegay oo ah Cabdullaahi iyo imaatinkiisii. Si fiican baa uu u wareegay!

Fikirkaada Waa Muhiim