Diinta islaamku waxay aad u dhiira galisay wax akhriska, waxaana caddeyn u ah ayaddo quraan, axaadiis, iyo ku camal falkii dadkii hore iyo kuwii danbe ee wanaagsanaa raadadka ay ka tageen.

Eraygii ugu horreeyey ee lasoo dajiyo oo waxyi ah wuxuu ahaa Akhri (IQRA), taas oo si cad noo tusineysa inuu islaamku yahay diin dhiira galisa akhriska.

Eraygii ugu horreeyey ee lasoo dajiyo oo waxyi ah wuxuu ahaa Akhri (IQRA), taas oo si cad noo tusineysa inuu islaamku yahay diin dhiira galisa akhriska.

In yar haddeynu milicsanno Eraygii ugu horeeyey ee Quraanka Karimka ahaa ee lagu soo dajiyey rasuulka (CSW) wuxuu ahaa AKHRI oo waliba ficil amar ah, rasuulkana(CSW) lagu ciqaabay inuu akhriyo isagoon akhris garaneynin.

Uuna (CSW) ku celcelinayey anigu ma ihi qof wax akhriya ilaa sadex jeer uu Jabriil (CS) uu buquujiyey Rasuulka.

Taasi waxay na tusineysaa Islaamka muhiimadda uu siiyey akhriska, iyo inuu akhrisku yahay furaha cilmiga.

Sidoo kale waxaan wada ogsoonahay sida ku cad siirada rasuulkeena (CSW) inuu aad u dhiira galin jiray akhriska waxaana daliil kuugu filan markii uu rasuulka iyo asaxaabtiisa ku guulaysteen dagaalkii Bader, ayna gacanta ku dhigeen in badan oo gaaladii ah, kaddibna Rasuulkeenu(CSW) uu go’aansaday in ragga qaarkood in ay isku madax furtaan in ay baraan 10 caruurta muslimiinta ka mida Akhrinta iyo Qoridda.

Marka aad eegtid Culimadeennii hore iyagaa kugu filan tusaale cad dhanka muhiimadda ay akhrintu leedahay iyo isbeddaladii ka dhashay akhriskooda,

Xiligii Haaruun Rashiid ee khilaafadii cabbaasiyiinta waxaa lagu tilmaamaa Xiligii dahabiga ahaa (The Golden era) sababtuna ay tahay in ay muslimiinta gaadheen ugu sarreynta Ilbaxnimada, Cilmiga, Aqoonta, ilaa caasimaddii Baqdaad ee dowladdii cabbaasiyintu ay noqoto isha ilbaxnimada, hoyga culimada, iyo xarunta cilmiga ee ardayda aduunka usoo safri jirtay.

Baqdaad xilligaas waxay aheyd meel ay ku noolyihiin 2 malyan oo dad ah, halka France ay ka aheyd tuulo, Washiton iyo newyork ay ka ahaayeen meel Duur ah.

Baqdaad waxaa ku yaalay 20 kun oo masjid, mowlac (guri ay culumadu duruusta ku bixiyaan), iyo dhismayaal kala duwan oo culumada, kuwa gabya, suugaan yahanka, kuwa falsafada, iyo kuwa seyniska, taariikhda, juqraafiga, iyo kuwa kale oo aad u fara badan oo ku howlanaa barida cilmiyada kala duwan ardayda.

Fikirkaada Waa Muhiim