Eernadu waxaa lagu qeexaa marka ay xubin ka durugtay booskeeda caadiga ahayd oo  uu Alle uga talagallay. Tusaalle: xiidmaha marrarka qaar waxa soo gallaan darbiga caloosha. Eernada meelaha ugu badan oo lagu arko waa dhanka coloosha sababtoo ah caloosha waxa ay leedahay darbi jilicsan, xubno badan ayaana daris la’ah caloosha. Eernada qaar waxa ay halis galiyaan nolosha, waxa aana lagu sameeyaa qalliin dag dag ah, si looga hortaggo cawaaqibaha ka dhalan karo.

Noocyada  Eerada Ugu Caansan Waxaa Kamid Ah:

1-Eernada loo yaqaano inguwaanal eenriya waa nooc ugu caansan 70% ayaa lagu arkaa dadka eernadaan, eernadaan waxaa ay dhacdaa marka ay xiidamaha kusoo riixmaan darbiga jilicsan ee caloosha ama marka uu jeexmo gidaarka hoose ee caloosha oo ay so gallaan xiidmaha. Noocaan waxa ay u ku badan tahay raga marka loo eego dumarka.

2- Eernada caloosha ay soo gasho darbiga saableeyda (Hiatal hernia). Waa nooc kamid noocyada  eernada waxa aana badanaa lagu arkaa dadka da’ahaan ka weyn 50sano, waxa ay dhacdaa eernadaan marka ay caloosha soo gasho darbiga saableyda ama daloolka xabka (Chest Cavity).

3- Ernada xadunta( Umblical Hernia ) Waa nooc kamid eernada. Eernadaan waxaa aydhacdaa marka ay ka soo baxdo xadunta booskeeda. Waxa ayna ku dhacdaa  badanaa caruurta ka yar lix sano, iyo Hooyoyiinka uurka  badan qaadday sidda in ay Hooya oo dhasho 15cunugg iyo wixii ka badan. Sababtuna waxa ay tahay  qaaddista badan ee uurka Hooyada waxa ay jiliciyaan murqaha caloosha.

4-  Nooca 4aad ee ugu caansan eernooyinka waa  eernada loo yaqaan insiishan(Incisional hernia) eeranada waxaa lagu arkaa qofka marka qalliin lagu sameeyo caloosha ka dib. Qalliinka marka uu qofka ka reysto meesha waxa ay yeelataa raad afka qalaad loo yaqaano (Scar),marka ay   raadka qallinka uu reebey ay soo  riixmaan  mindhicarad  ama ay soo gallaan ayaa waxaa dhacdo eernadaan loo yaqaano insiishan.

Haddaba Maxaa Sababo Eerna Aan Kor Kusoo Xusnay?.

Wax-yaalaha sababo eernada waxa ay tahay murqaha caloosha oo daciifo wax-yaalaha keeni karana waxaa kamid ah:

1-      Da’daada oo ka weyn50 sanno.

2-      Qufac joogta ah.

3-      Ilamaha oo waqti badan oohinta lagu daayo.

4-      Hooyada dhalmada badan  waxaa  jilco murqaha caloosha.

5-      Dhaawac ka imaaday qalliin hore.

6-      Sigaar cabidda.

Fikirkaada Waa Muhiim