Calaamaddan, sideeda ba, waxa lagu dhex qoraa “hadal dheeraad” ah. Hadalkaasi, dabcan, waxa uu ahaan karaa eray ama erayo. Waxa kale oo uu ahaan karaa weer ama weero. Waxa saddexaad oo uu ahaan karaa hawraar ama hawraarro.

Hadalkaa dheeriga ahi, ujeeddo ahaan, waxa suuragal ah in uu wax “caddaynayo.” Waxa kale oo suuragal ah in uu wax “sharxayo.” Waxa saddexaad oo suuragal ah in uu wax “iftiiminayo.” Mar afaraad na waxa suuragal ah in uu wax “turjumayo.” Midka ay noqoto ba, hadalkaa isaga ahi, waa mid qoraagu uu isku qanciyay in ay tahay muhiim in uu la wadaago akhristihiisa, si fahamkiisu u wacnaado.

Laakiin hadalka caadiga ah ee ay “dheeraadka” ku tahay muhiim u ma aha dhismihiisa iyo xattaa macnihiisa ba. Oo haddii laga saaro, wax nusqaan ah ku ma keenayso, habayaraato e.

Aan, hadda ba, keeno tusaalayaal badan oo hagaagsan—aanna mid kasta ba sheego hadalka dheeriga ahi ujeeddadiisa.

. . .

1: Wax baa lagu caddeeyaa.

T.A.: Kolka aan helo kansho (fursad) wacan baa aan ku soo wacayaa.

Erayga “kansho” ayaa aan isku qanciyay macnihiisu in aannu caddayn oo aan la wada fahmi karin. Kolkaa, akhristahayga aniga oo aan la doonayn eraygaa macnihiisa in uu ku dhibaatoodo, waxa aan eraygaa macnihiisa ku caddeeyay eray kale oo la mid ah se aad loo yaqaan.

T.A.: Ninkii Jimcaale ahaa cagaha ayaa uu wax ka dayay (waa uu cararay).

Sarbeebta ah “cagaha ayaa uu wax ka dayay” ayaa aan isku qanciyay akhristaha da’da yar ee maanta nooli in aannu si fiican u fahmi karin ujeeddadeeda. Dabadeed, macne kooban oo uu fahmi karo ayaa aan ugu caddeeyay ujeeddadeeda, si aannu u wareerin.

. . .

2: Wax baa lagu sharxaa.

T.A.: Cabdiqaadir (inankii shalay aad i bartay) ayaa aan caawa is aragnay.

Qofkii aan la hadlayay si aannu ii wayddiin Cabdiqaadirka aannu caawa is aragnay, waxa aan u sharxay ka uu yahay.

T.A.: Madaxweyne Biixi qaabkii uu ku yimid (fikir ahaantayda) waa qaab foolxun oo baalmarsan dastuurka Soomaalilaan.

Qofkii aan la hadlayay si aannu u moodin qiimaynta aan sameeyay in ay tahay mid cilmibaadhis cuskan, waxa aan u sharxay in ay tahay mid fikirkayga cuskan.

. . .

3: Wax baa lagu iftiimiyaa.

T.A.: Soomaalidu ilaa iyo inta ay is quudhsanayso (iyada oo aan ay jirin sabab ay isu quudhsanayso) ma ahaanayso ummad is jecel oo asaageed la tartanta.

Cid kasta oo qoraalkayga akhrida waxa aan u sheegay Soomaalidu in ay is quudhsato, waxa aanna u iftiimiyay in aan ay jirin sabab ay isu quudhsato. Taa macnaheedu waa in aan ay caafimaad qabin.

T.A.: Sacdiyo waxa ay ku dooddaa in ay tahay qoraa (laakiin sida ciyaalka ayaa ay wax u qortaa).

Cid kasta oo qoraalkayga akhrida waxa aan u sheegay Sacdiyo in ay ku dooddo in ay tahay qoraa, waxa aanna u iftiimiyay in ay sida ciyaalka wax u qorto. Taa macnaheedu waa in aan ay qoraa ahayn.

. . .

4: Wax baa lagu turjumaa.

T.A.: Waxa aan u baahan nahay fikrad siyaasadeed (political ideology) oo waaqiceenna la jaanqaadaysa.

“fikrad siyaasadeed” baa aan u sheegay akhristahayga afka Ingilishka waxa lagu dhaho, dunida siyaasadda marka la joogo.

T.A.: Wasiirkeennu waxa uu sheegay in loo baahan yahay political stability (xasillooni siyaasadeed) haddii la doonayo dalkeennu in uu hagaago.

“Political stability” ayaa aan u sheegay akhristahayga afkeenna hooyo waxa lagu dhaho, haddii uu wasiirkeennii dhammaa garan waayay.

. . .

OG: Waxa kale oo calaamaddan loo adeegsadaa marka faallo la dhiibanayo.

T.A.: Naciima waxa ay ii sheegtay in ay i jeceshahay (waxa aan se u malaynayaa in ay ii sheegayso been).

Hadalka dambe waa faallo aan ka dhiibtay warkii ay sheegtay Naciima.

. . .

OG: Waxa kale oo calaamaddan loo adeegsadaa marka xogbixin la samaynayo.

T.A.: Waxa aan booqday Muqdisho (caasimadda Soomaaliya) Arbacadii hore.

Muqdisho in ay tahay “caasimadda Soomaaliya” waa xog aan ku biiriyay akhristahayga.

. . .

Qormadeennan wacan waxa aan ku soo gebagebaynayaa calaamad tan la hoos geeyo oo aan u bixiyay “bilo labajibbaaran” ( [ ] ).

Bilo labajibbaaran waxa la isticmaalaa hal xaalad oo keli ah. Waa marka aad qorayso hadal xigasho ah oo aad aan adigu lahayn, isla jeerkaa na aad doonayso hadal aad adigu lee dahay in aad ku darsato hadalkaa xigashada ah. Si kooban, waa labo hadal oo mid uu yahay hadal aad soo xigatay, midka kale na uu yahay hadal aad adigu lee dahay oo aad ku dhex darsatay hadalkaa aad soo xigatay.

T.A.: Cabdullaahi waxa uu yidhi, “Anigu waxa aan ahay jaadgooni [waxa uu ka wadaa qof ka duwan dadka] jecel jaadgoonnimada.”

“Waxa uu ka wadaa qof ka duwan dadka,” waa hadalka aan anigu idhi, ee aan ku sharxay erayga jaadgooni. Hadal uu yidhi Cabdullaahi, oo hadalkiisii aan soo xigtay ku jiray, ma aha.

Fikirkaada Waa Muhiim