Jiitinta gaabani waa hal xarriiq oo keli ah. Waa astaan muhiim ah oo loo baahan yahay—oo hawlo yara adag fududaysa. Hababkan soo socda ayaa loo isticmaalaa.

. . .

  • Waxa lagu xidhiidhiyaa erayo kala duwan oo mid kastaa ba uu lee yahay macne gaar ah, se wadartooda la doonayo macne cusub in laga dhaliyo.

T.A.: Iskaa-wax-u-qabso. Waa afar eray oo mid kastaa ba uu lee yahay macne gaar ah. Laakiin kolkii la isku daray waxa ay sameeyeen macne cusub.

T.A.: Calooshii-u-shaqayste. Waa saddex eray oo mid kastaa ba uu lee yahay macne gaar ah. Laakiin kolkii la isku daray waxa ay sameeyeen macne cusub.

F.G.: Erayada lammaan ee labada eray uun ka kooban, ee carrabku hal mar si fudud u wada akhriyi karo, leh na macne caanbaxay oo markii ba la wada garan karo, ma habboona in loo dhexaysiiyo jiitin gaaban.

Khalad: madax-weyne

Sax: Madaxweyne

Khalad: Aqoon-yahan

Sax: Aqoonyahan

Khalad: Ab-waan

Sax: Abwaan

Khalad: Indheer-garad

Sax: Indheergarad

. . .

  • Waxa lagu xidhiidhiyaa labo tiro oo kala duwan iyada oo markan la macne ah erayga “ilaa.”

T.A.: 50-60 qof baa hoolkan ku jira.

Waxa ay la macne tahay: Konton ilaa lixdan qof baa hoolkan ku jira.

T.A.: Shirkeennu waxa uu socon doonaa Feebarweri 26-Maarso 10.

Waxa ay la macne tahay: Shirkeennu waxa uu socon doonaa Feebarweri 26 ilaa Maarso 10.

. . .

  • Waxa lagu xidhiidhiyaa eray horgale ah oo si toos ah ugu xidhmaya eray kale, isla jeerkaa na abuuraya dhadhan macneed oo gaar ah. Dhadhankaa ayaa la doonayaa akhristaha hadalka qoran akhrisanaya markii ba in uu fahmo.

T.A.: Arrintaasi waa ma-dhacdo.

Erayga “ma” ee diidmada ahi waxa uu ku xidhmayaa erayga kale ee “dhacdo.” Hawraartaasi na waxa ay la macne tahay: Arrintaasi ma aha mid dhici karta.

T.A.: Oo sidaasi markaa waa ku-dhimo.

Erayga “ku” ee falkaabka ahi waxa uu ku xidhmayaa erayga kale ee “dhimo” Hawraartaasi na waxa ay la macne tahay: Xaal haddii uu sidaa yahay naftaada u baq.

Labada horgale haddii labada eray laga jaro, dhadhankii gaarka ahaa ee hawraarta macnaheeda lagu gudbinayay ayaa lumaya, akhristuhu na waa uu wareeri doonaa.

. . .

  • Waxa lagu yeedhiyaa eray ama hawraar. Marka eray ama hawraar si xarafxaraf ah loo yeedhinayo ayaa la adeegsadaa.

T.A.: “Erayga halkaa ku qoran ii yeedhi, adiga oo raalli ah.”

T.A.: “S-a-m-i-i-k.”

Erayga “Samiik” baa xarafxaraf loo yeedhiyay.

T.A.: “Hawraartaa ii higgaadi, Hayboow.”

T.A.: “N-a-a-g-a-h-e-e-n-n-u w-a-a g-o-b.”

Hawraarta “Naagaheennu waa gob” baa xarafxaraf loo yeedhiyay.

. . .

  • Waxa lagu kala qaybiyaa eray xuruuftiisa marka uu sadarku wada qaadi waayo.

T.A.: Guddoo-miye

Sadarkii ayaa ii oggolaan waayay erayga “guddoomiye” xuruuftiisa oo idil in aan ku wada qoro. Kolkaa, xuruuftii ayaa aan kala qaybiyay, oo intii uu qaadi karayay sadarku ayaa aan ku qoray—si aan u muujiyo xuruuf kale in ay maqan yihiin oo erayga higgaaddiisu wada dhammaynna, waxa aan adeegsaday jiitin gaaban.

T.A.: Borofee-sar

Sadarkii ayaa ii oggolaan waayay erayga “borofeesar” xuruuftiisa oo idil in aan ku wada qoro. Kolkaa, xuruuftii ayaa aan kala qaybiyay, oo intii uu qaadi karayay sadarku ayaa aan ku qoray—si aan u muujiyo xuruuf kale in ay maqan yihiin oo erayga higgaaddiisu wada dhammaynna, waxa aan adeegsaday jiitin gaaban.

. . .

Qormadeennan wacan waxa aan ku soo gebagebaynayaa hal arrin oo muhiim ah. Calaamaddan, waa in erayada ama tirooyinka ay xidhiidhinayso la dhigaa dhexdooda, iyada oo aan laga durkinayn dhan kasta ba.

Khalad: Iskaa – wax – u – qabso

Sax: Iskaa-wax-u-qabso

Khalad: 50 – 60 qof baa hoolkan ku jira.

Sax: 50-60 qof baa hoolkan ku jira.

Fikirkaada Waa Muhiim