Astaamihii ugu horreeyay ee bani’aadamku adeegsado ayaa ay ka mid tahay jiitinta dheeri, sida la hubo. Inta badanna, qoraallada rasmiga aan ahayn (sida: sheekooyinka, riwaayadaha, iyo iimayllada) baa si fiican u isticmaala. Astaantii labadhibcoodka ee aynnu soo aragnay, ee cajiibka ahayd, iyo astaamaha hakadka, bilaha, iyo joogsihakadka ayaa ay shaqooyinkoodii siiyaan—oo gebigeeda ba waxa ay ka dhigaan “astaan federaal ah.”

Balse qoraallada rasmiga ah ee cilmiyaysan, ee dunidu maanta siiso mudnaan badan, calaamaddaa waxa ay u sameeyeen “shaqooyin xaddidan.” Shaqooyinkaa ayaa aynnu, hadda ba, is baraynnaa maanta, oo si fiican u qeexaynnaa.

. . .

  • Waxa lagu dhex xareeyaa macluumaad ama fikirro aan muhiim u ahayn hawraarta dhismaheeda iyo fahamkeeda, bal se akhristaha la la jeclaaday in uu ogaado. Waxa dhici karta sababta loo la jeclaaday in ay tahay dib in loo xusuusiyo, ama in ay tahay hadda in loo qisho. Labadaa sababood baa, badanaa, farsamadan keena.

T.A.: Fikirradii waagii hore aan aaminsanaa— sacabku in uu yahay xaaraan, heestu sidaa oo kale, wadaadku in uu yahay indheergarad, iyo dadka kale dhan in ay yihiin caammo—ayaa ay dad badani aaminsan yihiin maanta.

Saaxiibkay, illeen waa aadame wax hilmaami kara ee, waxa aan dib u soo xusuusiyay fikirradii waagii hore aan aaminsanaa. Kolkaa ayaa aan u sheegay fikirradaa in ay jiraan dad badan oo aaminsan maanta. Fikirradaa waxa aan dhex geliyay labo jiitimood oo dheer; haddii aan sidaa yeeli lahayn, qoraalka waxa ay ku keeni lahaayeen macne-culays oo akhristuhu horay wax ba u ma fahmeen. Calaamaddan cajiibka ah baa aan ku asturay—ama se ku habeeyay.

T.A.: Afartii dhaqammood ee aan ku furay xaaskaygii hore—ixtiraam la’aan, nadaafad la’aan, karti la’aan, iyo garasho la’aan—ayaa aan ku arkay xaaskaygan dambe.

Saaxiibkay, illeen wax ba ka garan maayo xaaskaygii hore ee, waxa aan u qishay dhaqammadii aan ku furay. Kolkaa ayaa aan u sheegay dhaqammadaa in aan ku arkay xaaskaygan dambe. Dhaqammadaa waxa aan dhex geliyay labo jiitimood oo dheer; haddii aan sidaa yeeli lahayn, qoraalka waxa ay ku keeni lahaayeen macne-culays oo akhristuhu horay wax ba u ma fahmeen. Calaamaddan cajiibka ah baa aan ku asturay—ama se ku habeeyay.

Fikirrada ku jira hawraarta hore haddii aan ka saaro hawraartaa, hawraartaa wax ba u ma dhimayaan dhisme ahaan iyo faham ahaan labada ba; oo sababta loogu daray ba waa in qofka la la hadlayay dib loo xusuusiyo. Sida oo kale, dhaqammada ku jira hawraarta dambe haddii aan ka saaro hawraartaa, hawraartaa wax ba u ma dhimayaan dhisme ahaan iyo faham ahaan labada ba;; oo sababta loogu daray ba waa in qofka la la hadlayay wax loo qisho. Macluumaad ama fikirro kasta oo sidaa ah, la doonayo akhristaha si leh farshaxannimo in dib loo xusuusiyo ama in hadda loo sheego, ayaa habkan loo isticmaali karaa.

Tusaalayaashan kale waa kuwo dheeri ah.

T.A.: Boqollaal arday—oo Booskii, ina Faarax Cawad; Deeqadii, ina Jimcaale Geelle; iyo Caligii, ina Hurre Maxamed ka mid yihiin—ayaa saaka ka qalinbeddeshay Jaamacadda Muqdisho.

T.A.: Gabadhaydii—xaggay aadday horta? Mar allaale iyo marka loo baahdo ayaa la waayayaa!— waxa ay doonaysaa in ay eeddadeed kuugu sii dhiibto hadyad.

. . .

  • Waxa lagu kala badhaa jumlad keli ah. Waa haddii ay lee dahay labo qaybood oo la kala jari karo, qayb wal ba na lee dahay macne gaar ah.

T.A.: Kulaylkani waa mid aad u daran—oo cid wal ba ka qaylisay.

Waa jumlad dheer oo labo qaybood loo kala jaray. Qaybta hore waxa ay sheegaysaa kulaylku in uu yahay mid daran. Qaybta dambe na waxa ay sheegaysaa darnaantiisaa yar iyo weyn in ay wada arkeen.

T.A.: Hargeysi waa magaalo aad u weyn—se dadkeedu waxa ay ka cabanayaan biyo la’aan.

Waa jumlad dheer oo labo qaybood loo kala jaray. Qaybta hore waxa ay sheegaysaa Hargeysi in ay tahay magaalo aad u weyn. Qaybta dambe na waxa ay sheegaysaa dadka ku nool magaaladaa aadka u weyni in aan ay haysanin biyo ku filan.

Tusaalayaashan kale waa kuwo dheeri ah.

T.A.: Ninkaasi wallaahay waa doqon—oo waxar jabtay xattaa lagu ma aamini karo.

T.A.: Maanta oo dhan baa aan ku sugaynnay—adigu na ciyaal baa aad iska raacday.

. . .

  • Waxa lagu kala saaraa hadal iyo erayo/weedho dheeraad ah oo hadalkaa wax ka sheegaya. Waxa dhici karta erayadaa/weedhahaa in ay wax iftiiminayaan, ama in ay wax xoojinayaan.

T.A.: Weedhsame ilaa yaraantiisii ayaa aan aqaanay—saaxibul caqli weeye.

Weedha jiitinta ka dambaysa waxa ay iftiiminaysaa Weedhsame in uu yahay maskaxmaal weyn.

T.A.: Fahiimaay, sida aan kuu jecel ahay ma qiyaasi kartid—run weyn!

Erayada jiitinta ka dambeeya waxa ay xoojinayaan jacaylka loo qabo Fahiima.

Tusaalayaashan kale waa kuwo dheeri ah.

T.A.: Boqollaal sanno ayaa Soomaalida qabyaalad iyo qaad laga waaninayay—wax ba ba ma maqlaan!

T.A.: Heesihii hore aad baa aan u jecel ahay—aad iyo aad.

. . .

  • Waxa lagu kala qaybiyaa hadal hore iyo hadal ka dambeeyay. Ama dheh fikir hore iyo fikir ka dambeeyay. Inta badanna, sabab baa keenta wixii hore in laga noqdo.

T.A.: Kitaabkaa cas ii soo qabo—maya, kaa cad ii soo qabo.

Hadluhu waxa uu jaallihii markii hore ka codsaday kitaabka cas in uu u soo qabto. Isla markii ayaa uu xusuustay kaasi in aannu ahayn kii uu doonayay, ee ka uu doonayo yahay ka cad.

T.A.: Koortaydii bal ka fiiri halkaa—iska daa jeebkayga ayaa uu ku jiraa ba.

Hadluhu waxa uu jaallihii markii hore ka codsaday telefoonkiisa in uu uga raadiyo meel uu u tilmaamay. In yar ka dib baa uu jeebkiisa gacanta geliyay, mise telefoonkii la raadinayay ayaa ba ku jira.

Tusaalayaashan kale waa kuwo dheeri ah.

T.A.: Shaadhkaa ii tiigso, jaalle—iska dhaaf.

T.A.: Waaryaahee, waxa aan ku wayddiiyay—ama iska daa.

. . .

  • Waxa lagu muujiyaa hadal aan loo dhihin si caadi ah. Ujeeddo: si qumman. Xaalado badan baa keeni kara hadalka in aan loo odhan si hagaag ah.

T.A.: H—hhha—weeyaay, w—www—aan ku j—jjj— ecel ah—hhh—ay

Sida aad garan karto, waa qof haghago leh, oo xuruufta qaar ay ku adag tahay ku dhawaaqistooda. Waxa uu doonayay in uu dhaho, “Haweeyaay, waa aan ku jecel ahay.”

T.A.: Hoo—ooo—yoo—ooy, id—daa—aa—aa

Waa wiil yar oo ooyaya oo hooyadii ay dilayso. Waxa uu doonayaa in uu dhaho, “Hooyooy, i daa.”

Tusaalayaashan kale waa kuwo dheeri ah.

T.A.: Nin—ninkii waa uu—waa uu —dhin—dhintay!

T.A.: Sicdiya—maya Sacdiya ayaa ii timid.

Xaalad kasta oo qofka ka weecisa hadalka in uu u dhaho si qumman baa loo isticmaali karaa habkan.

. . .

  • Waxa lagu iftiimiyaa hadal maqan ama ogaan loo qariyay.

T.A.: Cumar waxa uu i yidhi, “Waxa aan aadayaa Muqdisho dhawr cisho ka dib. Waxa i casuumay — — —.”

Hadalkii Cumar markii aan soo xiganayay, markii aan sheegi lahaa ciddii ku casuumtay Muqdisho ayaa aan ciddii liqay ba. Waa aan garan waayay magacoodii. Dabadeed, booskoodii waxa aan dhigay jiitimo dheer.

T.A.: Afadaydu waa naag dhexdhexaad ah jidh ahaan iyo joog ahaan ba, leh kub weyn iyo dhex yar, iyo weli ba naaso — — —.

Dadka markii aan u sheegayay xaaskayga muuqaalkeeda jidheed, waxa aan ka qariyay naasaheedu sida ay yihiin.

Tusaalayaashan kale waa kuwo dheeri ah.

T.A.: Madaxweynaha Soomaalilaan waa madaxweyne — — —

T.A.: Shalay waxa aan ka shaahaynnay maqaaxida Nabad — Nolol.

Habkan Soomaalidu aad baa ay u garanaysaa—oo waxa ay u taqaan “buuxi meelaha bannaan.” Macallimiinta ayaa, aalaa, isticmaala. Eray qudh ah haddii xuruuftiisa qaar la garan waayo ama ogaan loo qariyo, waxa wanaagsan in la isticmaalo calaamadda xiddigta (*). Eray dhan haddii xuruuftiisa la garan waayo ama ogaan loo qariyo, waxa khasab ah in la adeegsado hal jiitin oo dheer ( — ). Hal eray wixii ka badan oo maqan ama kas looga tagay ayaa loo isticmaali karaa saddex jiitimood oo dhaadheer ( — —

— ).

. . .

  • Waxa lagu caddeeyaa qof hadlayay oo aan hadalkiisa joojin, wax joojin karaa na aannu jirin, oo cid kale ka joojisay.

T.A.: “Weedhsan waxa ay doonaysaa—”

T.A.: “Maxaa ay doonaysaa?”

Qofkii hadlayay isaga oo rabay in uu sheego Weedhsan waxa ay doonayso ayaa laga soo dhex galay. Durba wayddiin degdeg ah baa laga hor keenay. “Maxaa ay doonaysaa?”

T.A.: “Caaddifadda waxaa keena—”

T.A.: “Wax ba ba ma keenaan!”

Qofkii hadlayay isaga oo rabay in uu sheego caaddifadda waxa keena ayaa laga soo dhex galay. Durba muran degdeg ah baa laga hor keenay. “Wax ba ba ma keenaan!”

Tusaalayaashan kale waa kuwo dheeri ah.

T.A.: “Maanta waa maalin—”

T.A.: “Axad ah.”

T.A.: “Ninkii shalay wallaahi waa nin—”

T.A.: “Waar ninkaasi waa nin cajiib ah.”

Sheekafaneedda iyo riwaayadda ayaa habkan caan ku ah. Haasaawaha jilayaasha ayaa aad ku arki kartaan qof hadlayay oo qof ama dad kale hadalkiisa ka jiidhayaan.

Hadalka sabab uun loo joojiyo—tusaale ahaan: qofkii hadlayay oo xabeebsaday, ama doonaya codka in uu beddesho, ama fikirkii oo la yara fogaaday—waxa loo isticmaalaa astaanta saddexdhibcoodka.

. . .

Qormadeennan wacan waxa aan ku soo gebagebaynayaa labo arrimood oo muhiim ah.

Arrinta kowaad: Marka hadal qalaad loo haltebinayo afkeenna, ama afkeenna loo haltebinayo af qalaad, waxa la adeegsadaa astaantan.

T.A.: Good country—dal wanaagsan.

T.A.: Waa in aynnu hadalnaa—We have to speak.

. . .

Arrinta labaad: Marka jiitinta dheer la adeegsanayo, iyada iyo hadalka (midka ka horreeya iyo midka ka dambeeya ba) waa in la isku dhejiyaa, oo aan wax masaafo ah loo dhexaysiin.

Khalad: Afartaa nin — Cabdirisaaq, Cabdiqaadir, Maxamuud, iyo Dalab — waxa ay qabteen shaqo qaran.

Sax: Afartaa nin—Cabdirisaaq, Cabdiqaadir, Maxamuud, iyo Dalab —waxa ay qabteen shaqo qaran.”

Fikirkaada Waa Muhiim