Horay sidii aan u soo sheegnay, astaanta farshaxannimada qoraalka ku caanbaxday ee labadhibcoodka loo yaqaan waxa isku dhererisa, oo awooddaa kula tartanta, astaanta joogsihakadka. Tani waa tu adag oo, qorayaasha yaryar marka dhan la iska dhigo, qorayaasha waaweyn xattaa ka qayliyeen.

Kuwaa waaweyn qaar ka mid ah baqdinta ay ka qabaan calaamaddan, iyo isticmaalkeeda saxsan, waxa ay ka gaadhay in ay soojeediyaan in laga saaro astaamaynta qoraalka!

Waa astaan leh amakaag badan oo leh raad weyn. Akhristaha waxa ay siisaa, ama se dheh hadyad waxa ay uga dhigtaa, istaagid (hakasho) ka gaaban ta joogsiga ee buuxda (.), ka na dheer ta hakadka ee kooban (,). Labadoodaa ayaa ay u dhexaysaa, si kooban haddii aan uga hadalno abtirsiinyaheeda. Marka la qorayo na, illeen waa labo calaamadood oo la isku daray oo dabadeed laga dhex sameeyay calaamad cusub ee, jeerka kowaad waxa la qoraa astaanta joogsiga, jeerka labaad na astaanta hakadka.

Labadaa qodob maanka aniga oo si fiican ugu haya, dhaqanna ay ii tahay erayada qalaad ee loo baahan yahay macnahooda iyo ujeedkooda in aan eraybixiyo, erayga ajnabiga ah ee “semicolon” waxa aan ku af Soomaaliyeeyay “joogsihakad.” War fiican dheh!

Si aan, hadda ba, uga boganno, waxa aan isku dayayaa qaababka loo adeegsado si wanaagsan in aan u qeexo iyo, sida oo kale, qaab wal ba in aan ka bixiyo labo tusaale oo fiican. Idinna, jaallayaal, waxa aad isku daydaan tan iyo saaxiibbadeed ba adeegsigooda saxsan marar badan in aad akhrisaan. Iyo, dhaqangelin badan oo joogtaysan in aad ku samaysaan, buugaagta sida wacan loo qoray na had iyo jeer aad u fiirsataan sida ay u isticmaalayaan astaamaha iyo, mid kasta ba, halka ay dhigayaan iyo halkaasi macnaha ay u samaynayso qoraalka. Saddexdaa ummuurood oo is kaabaya uun ayaa kaa kaalmayn kara si qumman in aad u fahamto, u na adeegsato, astaamaynta qoraalka.

. . .

  • Waxa ay isku xidhdhaa labo hawraarrood oo dhisme ahaan kala madaxbannaan, se mawduuc ahaan xidhiidh leh, si loo muujiyo cilaaqada ka dhexaysa. Shardi waxa ah labadaa jumladood aslan ba in aan ay lahayn xidhiidhiye (ujeeddo: in aan la adeegsan erayada “iyo,” “ama,” “laakiin,” iyo kuwa la midka ah). Waayo? Astaantan ayaa shaqadoodii qabanaysa oo labada hawraar ee ay isku xidhayso xidhiidhinaysa. Macnaha dhaw ee ay wadaagaan waxa laga sii dhex curin karaa macne qarsoon oo qiimi badan.

T.A.: Dadka badh ka mid ah marka ay wax qorayaan waxa ay adeegsadaan kombiyuutar; badhka kale na waxa ay adeegsadaan qalin iyo xaashi.

Labadaa jumladood dhisme ahaan waa ay kala madaxbannaan yihiin—oo mid kasta ba si gaar ah baa loo qori karaa. (Dadka badh ka mid ah marka ay wax qorayaan waxa ay adeegsadaan kombiyuutar. Badhka kale na waxa ay adeegsadaan qalin iyo xaashi). Maxaa, hadda ba, loo xidhiidhiyay oo hal hawraar oo dheer looga dhigay?

Jawaabtu waa in labadu ba hal mawduuc ka wada hadlayaan: qaababka aadamuhu wax u qoro. Mawduucaa ayaa dabcan xidhiidhinaya, mid kasta na wax ka sheegayaa. Labadaa jumladood iskudarkoodu waxa uu noo faa’iideeyay macne ah, in aad wax ku qorto kombiyuutar iyo in aad wax ku qorto xaashi in ay yihiin labada qaab ee keli ah ee wax lagu qori karo maanta, haddii la rabo in loo faa’iideeyo ummadda.

T.A.: Waxa aan lee yahay imtixaan adag berri; waa in aan wax badan akhriyaa maanta.

Labadaa jumladood dhisme ahaan waa ay kala madaxbannaan yihiin—oo mid kasta ba si gaar ah baa loo qori karaa. (Waxa aan lee yahay imtixaan adag berri. Waa in aan wax badan akhriyaa maanta.) Maxaa, hadda ba, loo xidhiidhiyay oo hal hawraar oo dheer looga dhigay? Jawaabtu waa in labadu ba hal mawduuc ka wada hadlayaan: u diyaargarow imtixaan. Mawduucaa ayaa dabcan xidhiidhinaya, mid kasta na wax ka sheegayaa. Labadaa jumladood iskudarkoodu waxa uu noo faa’iideeyay macne ah, imtixaanka adagi in uu u baahan yahay akhris badan, haddii la rabo in la keeno dhibco sare.

. . .

  • Waa isla habka hore, laakiin markan labada jumladood waxa xidhiidhinaya falkaab-xidhiidhiye (conjunctive adverb), ama weedh-hagideed (transitional phrase).

T.A.: Labadeennu waa aynnu is qaddarinnaa; dhab ahaan, waxa aan u malaynayaa waxa aan noqon doonnaa jaallayaal is jecel.

Labadaa jumladood dhisme ahaan waa ay kala madaxbannaan yihiin—oo mid kasta ba si gaar ah baa loo qori karaa. (Labadeennu waa aynnu is qaddarinnaa. Waxa aan u malaynayaa waxa aan noqon doonnaa jaallayaal is jecel.) Si loo xidhiidhiyo, is jacaylkaasi loo caddeeyo mawduuc ahaan meesha uu ka imanayo, waxa loo baahday falkaab-xidhiidhiye. Waxa la isticmaalay “dhab ahaan.”

Labadaa jumladood iskudarkoodu waxa uu noo faa’iideeyay macne ah, is qaddarintu in ay keeni karto is jacayl, haddii la rabo in la is jeclaado.

Falkaabyada noocan ah ee wax xidhiidhiyaa waa ay badan yihiin. Waxa ka mid ah dhab ahaan, sidaa darteed, si kasta ba ha ahaatee, hasayeeshee, dhanka kale, sida kale, haddii kale, mar kale, taa beddelkeed, si wal ba, . . . Falkaab kasta waxa uu xidhiidhiyaa labo hawraar oo kala xor ah, waxa uu na sheegaa wax ay wadaagaan, ama wax ay ku kala duwan yihiin, ama nooc uun oo xidhiidh ah—tusaale ahaan: sida ay u kala horreeyaan, ama sida ay isu sababeeyaan (ama isu saameeyaan). Mid kasta oo sidaa ahi marka loo adeegsanayo sida aan soo aragnay, hortii waxaa khasab ah in la dhigo joogsihakad, gadaashii na hakad (sida ku cad tusaalaha sare).

T.A.: Ibraahim ma aannu gaadhin yoolkiisii uu jeclaa; maxaa yeelay, waxa uu ka jawaabi waayay caqabadihii la soo darsay.

Labadaa jumladood dhisme ahaan waa ay kala madaxbannaan yihiin—oo mid kasta ba si gaar ah baa loo qori karaa. (Ibraahim ma aannu gaadhin yoolkiisii Waxa uu ka jawaabi waayay caqabadihii la soo darsay.) Si loo xidhiidhiyo, oo guuldarradaasi loo caddeeyo mawduuc ahaan meesha ay ka imanayso, waxa loo baahday weedh-hagideed. Waxa la isticmaalay “maxaa yeelay.” Labadaa jumladood iskudarkoodu waxa uu noo faa’iideeyay macne ah, yool kasta in la gaadho in ay ka horrayso caqabadaha ku gudban yoolkaa in laga jawaabo, haddii la rabo in la guulaysto.

Weedhaha noocan ah ee akhristaha haga waa weedho loo isticmaalo in ay isku xidhaan fikrad iyo fikrad kale, ama jumlad iyo jumlad kale, ama tuduc iyo tuduc kale, ama cutub iyo cutub kale. Weedh kasta akhristaha waxa ay ku hagtaa in uu fahmo waxa la isku xidhayo, iyo waxaa sida la isugu xidhayo.

Aad baa ay u badan yihiin. Waxa ka mid ah maxaa yeelay, tusaale ahaan, weli, taa oo, iyada oo, in kasta oo, ugu horrayn, ugu dambayn, marka kowaad (marka labaad, sii wad), isla markii (isla markaa, isla markuu, sii wad), ka sokow, taasi, . . . Mid kasta oo sidaa ahi marka loo adeegsanayo sida aan soo aragnay, hortii waxaa khasab ah in la dhigo joogsihakad, gadaashii na hakad (sida ku cad tusaalaha sare).

. . .

  • Waxa lagu kala saaraa erayo, weedho, ama hawraarro qaab taxane ah u wada socda, iyada oo horay la soo isticmaalay hakad. Sababta sidaa loo yeelayo waa in akhristaha laga ilaaliyo wareer badan oo ku dhici lahaa, akhriskiisa na loo fudaydiyo (dheh loo macaaneeyo).

T.A.: Bilihii ugu dambeeyay waxa aan booqday magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Laascaanood, caasimadda gobolka Sool; Ceerigaabo, caasimadda gobolka Sanaag; Burco, caasimadda gobolka Togdheer; Hargeysa, caasimadda gobolka Waqooyigalbeed; iyo Boorama, caasimadda gobolka Awdal.

Hawraartaa waxa aan ku sheegay magacyada shan caasimadood oo aan booqday. Shantaa sheegistooda haddii aan ku ekaan lahaa, u ma aan baahdeen joogsihakad. Laakiin kolkii aan doonay caasimad wal ba in aan sheego gobolka ay caasimad u tahay, aniga labadoodaa hakad u dhexaysiiyay (caasimadda, iyo gobolka ay caasimadda u tahay), waxa aan u baahday joogsihakad. Joogsihakad haddii aan aan samayn lahayn, akhristahaygu aad baa uu u wareeri lahaa. Bal hawraartan hoose akhri.

(Bilihii ugu dambeeyay waxa aan booqday magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Laascaanood, caasimadda gobolka Sool, Ceerigaabo, caasimadda gobolka Sanaag, Burco, caasimadda gobolka Togdheer, Hargeysa, caasimadda gobolka Waqooyigalbeed, iyo Boorama, caasimadda gobolka Awdal.) Waa bilaa joogsihakad, saw ma aha? Maxaa aad, hadda ba, ka fahamtay? Saw ku ma aad aan dawakhin?

T.A.: Maxkamaddu waxa ay shalay deldelaad ku xukuntay Siddiiq, ina Foosiya Aadam; Sakariye, ina Naciima Cabdiraxmaan; iyo Saciid, ina Nawaal Faarax.

Tusaalahan dambe waxa uu la mid yahay ka hore. Joogsihakadka waxa keenay markii aan qof wal ba sheegay magaca hooyadii, si loo garto. Haddii qof wal ba aan sheegi lahaa magaciisa oo keli ah, hakadka uun baa igu filnaan lahaa.

. . .

  • Waxa lagu calaamadiyaa hadal qaybtiisa hore uu yeeshay macne fiican oo lagu “hakan” karo, weli se aan yeelan macne buuxa oo lagu “qanci” karo.”

T.A.: Aqoonyahanku ma aha ruuxa wax bartay ee shahaadooyin sare sita uun: aqoonyahanku waa ruuxa aqoontii uu bartay iyo waaqiciisa is waafajiya oo ummaddiisa gorfeeye weyn u noqda. Hadalkaa qaybtiisa hore waa lagu hakan karaa, laakiin dhab ahaan maskaxdu ma qanci karto oo waxa ay is wayddiinaysaa, “Aqoonyahanku, hadda ba, waa kee?” Qaybta dambe ayaa ka jawaabtay su’aashaa culus.

T.A.: Guushu ku ma timaaddo dheeldheel, kaftan, iyo mala’awaal; guushu waxa ay ku timaaddaa han, hadaf, iyo hawlkar oo sida ay u kala horreeyaan loo kala hormariyo.

Tusaalahan dambe waxa uu la mid yahay ka hore. Hadalkaa qaybtiisa hore waa diidmo lagu hakan karo, laakiin dhab ahaan maskaxdu ma qanci karto oo waxa ay is wayddiinaysaa, “Guushu, hadda ba, maxaa ay ku timaaddaa?” Qaybta dambe ayaa ka jawaabtay su’aashaa culus.

. . .

  • Waxa lagu balballaadhiyaa sabab dhalisay natiijo ama natiijo leh sabab. Labo hawraarrood oo ta hore ay sababtay ta dambe, ama ta dambe ay sababtay ta hore, ayaa lagu kala basriyaa. Sababta ama natiijada midka aad doonto ayaa aad soo hormarin karaa—wax se loo baahan yahay astaantan in aad aan illaawin.

T.A.: Anigu ma jecli xaaskayga; jeer wal ba waa ay i xamataa.

Waxa la soo hormariyay natiijada. Ka dib na waxa la sheegay sababta keentay in uu jeclaan waayo xaaskiisa. Halkaa waxa laga fahmayaa, haddii xaaskiisu ay ka joojin lahayd xanta, in uu jeclaan lahaa.

T.A.: Hantidiisii oo dhan khamaar ayaa uu geliyay; maanta dadka ayaa uu tuugsadaa.

Markan waxa la soo hormariyay sababta. Ka dib na waxa la sheegay natiijada ah maanta in uu yahay tuugsade. Halkaa waxa laga fahmayaa, haddii uu hantidiisa ka dayn lahaa khamaarka, maanta in uu noqon lahaa bilyaneer weyn.

. . .

  • Waxa lagu kala qaybiyaa waxsoosaarro ka badan hal oo laga soo xigtay xog isku mid ah.

T.A.: Hawd, Aanadii Negeeye, 2007; Afax, Maana-Faay, 1981; iyo Ubax, Gaax, 2017 Saddexdaa sheeko marka aan ka soo qaato hal xog, ama arrin ay si fiican u iftiimiyeen xigashadeeda siinayo, sidaa kore ayaa aan ugu xusayaa qoraalka dhexdiisa.

T.A.: Guudcadde, Garashada Wax Laguu Gartay, 2015; Siibed, Himiladaada Hano, 2013; iyo Waaberi, Irridaha Farxadda, 2014

Tusaalahan dambe waxa uu la mid yahay ka hore.

. . .

  • Waxa laga hormariyaa eray la macne ah eray ka horreeya, ama weedh la macne ah weedh ka horraysa, ama hawraar la macne ah hawraar ka horraysa. Inta badan qaabkan waxa adeegsada, oo caan ku ah, qaamuusyada.

T.A.: Xikmad; murti Xikmad iyo murti waa labo eray oo isku mid ah macne ahaan. Daliil waxa u ah joogsihakadka ka horreeya eraga “murti.”

T.A.: Waxa uu tegay; waxa uu aaday Tusaalahan dambe waxa uu la mid yahay ka hore.

Labada weedhood waa isku mid macne ahaan.

T.A.: Iga iibi joodhaa bur ah; iga gad rufuc daqiiq ah.

Tusaalan kale na waxa uu la mid yahay labada hore.

Labada jumladood waa isku mid macne ahaan.

. . .

Qormadeennan wacan waxa aan ku soo gebagebaynayaa labo arrimood oo aan ka digayo.

Arrinta kowaad: Xidhiidhiyayaasha caadiga ah ee aan wada naqaanno (“iyo,” “laakiin,” “ama,” “oo,” “ee,” iyo kuwa la midka ah), marka ay labo jumladood xidhiidhinayaan, joogsihakad ha isticmaalin ee isticmaal hakad.

Khalad: Cabdisamad waa nin wanaagsan; laakiin wax ba ma akhriyo.

Sax: Cabdisamad waa nin wanaagsan, laakiin wax ba ma akhriyo.

Khalad: Si aynnu u badinno waa in aynnu helnaa beeso badan; ama waa in aynnu helnaa caqli culus.

Sax: Si aynnu u badinno waa in aynnu helnaa beeso badan, ama waa in aynnu helnaa caqli culus.

 

Arrinta labaad: Marka aad wax taxayso, iyo marka aad hadalka ku nuuxnuuxsanayso, joogsihakad ha isticmaalin ee isticmaal labadhibcood.

Khalad: Dhiganahan waxa aan u hibaynayaa carruurtayda aan jecel ahay; Cabdullaahi, Sacdiyo, Faarax, Ayaan, Guuleed, iyo Canab.

Sax: Dhiganahan waxa aan u hibaynayaa carruurtayda aan jecel ahay: Cabdullaahi, Sacdiyo, Faarax, Ayaan, Guuleed, iyo Canab.

Khalad: Labo waddo oo keli ah baa kuu furan; reerkan ka tirsanow, ama dayday ahow.

Sax: Labo waddo oo keli ah baa kuu furan: reerkan ka tirsanow, ama dayday ahow.

Fikirkaada Waa Muhiim