Hadalku, caadi ahaan, ka ma maarmo farshaxan. Farshaxanku, inta badan, ka ma yimaaddo hadalka lagu hadlayo, ee waxa uu ka yimaaddaa hadalkaa qoraalkiisa iyo quruxdiisa sida loo ogaasimo. Hadda ba, astaantan labadhibcoodka ah ee aynnu arki doonno sida loo adeegsado, culimada qoraalku waxa ay siiyeen cinwaan cajiib ah:

Astaantii Farshaxanka! Sababtu na, jaalle, si kale ma ahan e, waa meelaha ay dhacdo iyo meelahaasi sida la yaabka leh ee hadalka qoran ay u qurxiyaan u na qaabeeyaan.

Farshaxannimadaa cuddoon waxa la wadaagta astaan tan ku xigi doonta oo iyadu na leh ashqaraarkeeda weyn. Waa astaanta inta badan la khaldo adeegsigeeda ee aan u bixiyay “joogsihakad” ( ; ). Qormada aan kaga hadli doono isticmaalkeeda saxsan baa aan ku faahfaahin doonaa sababta aan u sameeyay “eraybixintaa fiican.”

Aynnu, hadda ba, isla aragno sida loo adeegsado labadhibcoodka.

  • Waxa laga hormariyaa labo iyo wax ka badan oo si

”isdabasocod” ah loo taxayo, si akhristaha loo soo jeediyo dareenkiisa, si kolkaa lagu jalbeebo xogtii uu sugayay.

T.A.: Saddex arrimood baa sababay in aan noqdo akhriyaa weyn: waxa aan fahmay akhriska qiimihiisa iyo qaayihiisa, dabadeed waxa aan bartay sida wax loo akhriyo, ugu dambaynna waxa aan dejistay qorshe-akhriseed dhammaystiran.

Qofka aan la hadlayay waxa aan u sheegay jiritaanka saddex ummuurood oo iga caawiyay in aan noqdo akhriyaa weyn. Waa xog ii qarsoon oo aad u ah muhiim. Maadaama aan jecel ahay sidayda oo kale in noqdo akhriste weyn, waxa aan u wacay dareenkiisa. Kolkii dareenkiisu dhankayga u soo jeestay na, waxa aan la wadaagay xogtii qaaliga ahayd.

T.A.: Labo wadaad oo Soomaali ah baa aan aad u

dhegaystaa hadaljeedinnadooda: wadaad Mustafe I.

Haaruun, iyo wadaad Cabdiraxmaan S. Bashiir.

Qofka aan la hadlayay waxa aan u sheegay jiritaanka labo sheekh oo aan xoog u dhegaysto muxaadirooyinkooda. Waa labo caalim oo aan jecel ahay oo aan wax badan ka faa’iiday. Si aan u baro, waxa aan u yeedhay dareenkiisa. Kolkii dareenkiisu i soo qaabbilay na, labadii buuni ayaa aan u sheegay magacyadooda.

Ma i la socotaa?

F.G. (1): Astaantani, markan, waxa ay u shaqaysaa sidii “wicitaanka.” Qof jeerka uu ku soo waco, maxaa aad ka sugtaa? Saw ma aha in uu kuu warramo oo uu ku sheego macluumaaad? Waa sidaa oo kale. Waxa la adeegsadaa marka aad hayso xog—weli ba xog aad u ah muhiim. Qofka ayaa dareenkiisa lagu soo jeediyaa, si uu u qaabbilo xogta qaaliga ah ee la doonayo in loo sheego.

F.G. (2): Sidaa aan soo sheegnay marka loo isticmaalayo astaantan, waxa jira xeer adag oo ay tahay fulintiisa in loo hoggaansamo. Xeerkaasi waxa uu nagu xujjaynayaa, astaanta labadhibcoodka hadalka ka horreeya in uu ahaado hadal samayn kara macne iyo dareen buuxa. Macne iyo dareen buuxa haddii aannu samayn karin, ma isticmaali kartid astaantan, baa uu na lee yahay. Hadda ba, sidee ku ogaanaysaa in uu samayn karo macne iyo dareen buuxa?

Waxa aad ku ogaanaysaa hadalkaa gooni in aad u qorto, dabadeed na in aad isticmaasho joogsi. Joogsigaa aad samaysay haddii uu noqdo ansax, labadhibcoodku na waxa uu noqonayaa ansax. Waa sidaa!

Khalad: Habeenkii waxa aan ku fikiraa: guri in aan dhisto, gabadh in aan guursado, iyo gaadhi in aan yeesho.

Waa run—oo waa khalad! Khaladku xaggee ayaa uu ka yimid? Hadalka ka horreeya astaanta ma aha hadal leh macne iyo dareen buuxa. Oo sidee ayaa aan ku ogaannay? Joogsi ayaa aan ku miisaannay.

Habeenkii waxa aan ku fikiraa. (Waa anigaa joogsi sameeyay. Ma arkaysaa? Joogsigaasi ma ansax baa? Hadalkaasi miyaa uu lee yahay macne iyo dareen buuxa? Waa maya!)

Xaaladdu sidan oo kale marka ay tahay, sidan hoose ayaa la sameeyaa.

Sax: Habeenkii waxa aan ku fikiraa guri in aan dhisto, gabadh in aan guursado, iyo gaadhi in aan yeesho.

OG: Weligaa marka aad wax taxayso, ee aad rabto labadhibcood in aad adeegsato, ha isticmaalin fal soconaya oo si toos ah wax u taxaya. Waa digniin!

Sax: Habeenkii waxa aan ku fikiraa arrimo badan: guri in aan dhisto, gabadh in aan guursado, iyo gaadhi in aan yeesho.

. . .

  • Waxa laga hormariyaa erayada, tirooyinka, ama xuruufaha wax lagu tiriyo.

T.A.: Haddii aad doonayso in aad noqoto qof xor ah, waxa aan kula wadaagayaa afar talo oo muhiim ah. Kow: Wax badan akhri. Labo: Wax badan baadh. Saddex: Cabsida ka fogow. Afar: Keligaa fikir.

T.A.: Ma doonaysaa in aad noqoto qoraa? Saddexdan shay samee. 1: Aqoonta qoraalka si fiican oo tifaftiran u baro. 2: Afka aad rabto in aad wax ku qorto u yeelo garasho badan oo hagaagsan. 3: Wax badan, badan, oo badan qor.

T.A.: Saaxiibadday Khadra waxa aan ku nacay shan waxyaalood. B: Is ma qurxiso. T: Ku ma fiicna waxbarashada. J: Waalidkeed ma ixtiraamto. X: Qof isku kalsoon ma aha. KH: Ma ilaaliso ballanta.

. . .

  • Waxa laga hormariyaa hawraar si toos ah u macnaynaysa, u qeexaysa, ama u faahfaahinaysa hawraar ka horraysa.

T.A.: Adeegsiga Faysbuuggu waa mid fudud: Qof wal ba markii ba waa uu la jaanqaadi karaa.

Hawraarta dambe waxa ay macnaynaysaa hawraarta hore. Qof wal ba haddii uu Faysbuugga isla markii ba la qabsan karo, waxa iska cad isticmaalka Faysbuuggu in aannu adkayn. Macnahaa ayaa ay noo sheegaysaa.

T.A.: Farmaajo waa madaxweyne aad loo jecel yahay:

Dadka ayaa uu dhex galayaa oo laabta galinayaa.

Hawraarta dambe waxa ay qeexaysaa hawraarta dambe. Dadka haddii aad dhex geli karto oo mid wal ba ku aamini karto laabtaada, waxa iska cad in aad tahay qof la jecel yahay oo aan xumaan la la rabin. Arrintaa ayaa ay noo qeexaysaa.

T.A.: Hargeysa waa magaalo weyn: Laascaaanood saddex laabkeed weeye.

Hawraarta dambe waxa ay faahfaahinaysaa hawraarta hore. Laascaanoood oo ah magaalo weyn haddii ay Hargeysa saddex jeer iyada ka weyn tahay, waxa iska cad in ay tahay magaalo weyn oo lagu lumi karo. Muuqaalkaa ayaa ay noo faahfaahinaysa.

. . .

  • Waxa laga hormariyaa hadal badan oo si toos ah loo soo xigtay.

T.A.: Jimcaale waxa laga wariyay xaqiiqadan weyn: “Soomaalilaan been baa ay ka sheegtay dimuqraaddiyadda ay tidhi waa aan qaadannay. Maraykan nin wariye ah ayaa BUUG WEYN ka qoray Madaxweyne Taraam. Dunida waxa uu u sheegay in yahay madaxweyne DOQON ah oo WAALLAN. Cidi ma ay xidhin. Xattaa loo ma hanjabin. Waayo? Dalku waa dal dimuqraaddi ah. Laakiin Soomaalilaan waxa ay xidhaa qof dadkiisa u sheegay riyo uu ku riyooday. Waxa ay xidhaa qof cabbiray aragtidiisa iyo dareenkiisa.

Waxa ay xidhaa qof dhaliilay dawladdiisa oo qoraallo ku qoray Faysbuugga. Markaa, qof kasta waa uu og yahay Soomaalilaan in aan ay ku dhaqmin nidaamka dimuqraaddiyadda. Waxaa ba la odhan karaa waa sabab ka mid ah sababaha loo ICTIRAAFI la’ yahay!”

T.A.: Hooyo ayaa sidan kula talisay inanteeda. “Hooyo, ma tihid quraarad jabaysa. Waxa aad tahay qof insaan ah oo kaamil ah. Weligaa diid in lagu quudhsado oo laguu arko miskiin yar oo aan lahayn itaal ay wax ku doonto, ama wax isaga difaacdo. Naag baa aad tahay oo ma aad tihid nin. Naagnimadaada ku faan oo yaa aan lagu necbaysiin. Ragga la sheekayso si fiican u baro dabcigooda iyo dhaqankooda. Kii naftaada iyo noloshaada qanciya ka xulo.

In badan oo ka mid ah ragga waa iimaanlaawayaal e, yur ku dheh kii aad fahmi waydo. Ilaasho sharaftaada iyo karaamadaada. Sharaftaada iyo karaamadaada ha u ilaalin reerkaaga dartii, ee uu ilaali adiga dartaa. Noolow, hooyo!”

F.G.: Hadalka la soo xiganayo haddii uu yahay hadal aan badnayn, waxa habboon in la adeegsado astaanta hakadka.

T.A.: Caa’isha waxa ay tidhi, “Illeen guurku waa dawo!”

. . .

  • Waxa laga hormariyaa eray, weedh, ama hawraar la doonayo in lagu nuuxnuuxsado.

T.A.: Xuseen hal shay ayaa uu aad u jecel yahay: dalxiiska

Qoruhu waxa uu sarbeebay Xuseen in uu jecel yahay ash’yaa badan, laakiin si gaar ah waxa uu ugu nuuxnuuxsaday in uu jecel yahay dalxiiska. “Dalxiiska,” eraygaa, ayaa aad loogu nuuxnuuxsaday oo aad loo weyneeyay.

T.A.:   Maryam    hal    mas’alo    ayaa    ay    aad     ugu dedaashaa: cilmi badan in ay yeelato.

Qoruhu waxa uu sarbeebay Maryam in ay ku dedaasho mas’alooyin badan, laakiin si gaar ah waxa ugu nuuxnuuxsaday in ay ku dedaasho cilmi badan in ay yeelato. “Cilmi badan in ay yeelato,” weedhaa, ayaa aad loogu nuuxnuuxsaday oo aad loo weyneeyay.

T.A.: Docol hal arrin baa maankiisa ka guuxaysa: waxa uu rabaa in uu guursado.

Qoruhu waxa uu sarbeebay Docol maankiisa in ay ka guuxayaan arrimo badan, laakiin si gaar ah waxa uu ugu nuuxnuuxsaday in ay aad uga guuxayso in uu rabo in uu guursado. “Waxa uu rabaa in uu guursado,” hawraartaa, ayaa aad loogu nuuxnuuxsaday oo aad loo weyneeyay.

Xaaladdan waxa la isticmaalaa marka la doonayo arrin (ama arrimo) muhiim ah in la sheego oo la iftiimiyo. Nuuxnuuxsigu na waa carrab ku adkayn uun.

. . .

  • Waxa lagu kala saaraa cinwaanka weyn iyo cinwaanka yar, iyo saacadda iyo daqiiqadaha.

T.A.: Hibadu: Ma Deeq baa, Mise Waa Dedaal?

Cinwaanka weyn ee laga hadlayo waa “hibada.” Mawduucu maadaama uu yahay mid weyn, xagasha wax laga qorayo waa in la caddeeyo asal ahaan hibadu in ay tahay wax lagu dhasho, ama in ay tahay wax la baran karo.

T.A.: Saacaddu waa 08: 30 Saacadda laga hadlayo waa siddeeddii. Maadaama saacad wali ba ay lee dahay lixdan daqiiqo, imminka waxa lagu jiraa daqiiqaddii 30aad.

Isla xeerkan innaga oo ku jirna, astaantan waxa laga dibmariyaa cinwaan-hoosaadyada.

T.A.: Qeexidda Hibada:

T.A: Noocyada Hibada:

T.A.: Koboca Hibada:

Sida oo kale, qaybaha uu curisku u qaybsamo ee saddexda ah (hordhac, ubuc, iyo gebagebo), mid wal ba waxa laga dibmariyaa astaantan. Tani ma aha khasab, bal se waa mid wanaagsan.

. . .

Lixdaa xeer ee wada muhiimka ah baa loo isticmaalaa calaamaddan cajiibka ah. Waa lix meelood oo hadalka u yeela qurux iyo qaabayn wanaagsan. Farshaxannimada la sheegsheegaa na waa intaa uun.

Qormadeennan wacan waxa aan ku soo gunaanadayaa mas’alo aad u ah muhiim. Waxaa jira erayo gaar ah oo wax tusaaleeya, ama wax sharxa, kuwaa oo laga dibmariyo astaantan. Waxaa ka mid ah “sida, tusaale ahaan, metalan, iyo kuwa la xajmiga iyo awoodda ah.”

T.A.: Wax akhri macnaheedu ma aha wax wal ba akhri. Waxa laga wadaa wixii leh waxtar fiican akhri—tusaale ahaan: wixii kordhinaya iimaankaaga iyo garaadkaaga.

T.A.: Ilaahay waxa uu na siiyay nicmooyin badan (sida: indho, dhego, san, carrab, luqad, xorriyad, . . . ) la inooga baahan yahay in aan u adeegsanno si qumman.

Fikirkaada Waa Muhiim