Wax kasta ba haddii ay lee yihiin laandheere, calaamaddani waxa ay u tahay laandheere calaamadaha kale. Labo aqoonyahan ah na arrintaa ku ma muransana. Shaqooyinka ugu badan ee ay qabtaan astaamuhu marka loo qaybiyo saddex meelood, labo meelood oo dhan waxaa qabata astaantan.

Sababtaa ayaa ay ku noqotay laandheere— ku na noqotay calaamadda loogu gefafka badan yahay.

Neefta bani’aadamku waa ay xaddidan tahay, aalaa. Ruuxu jeerka uu hadlayo, meelo badan baa uu ku hakadaa, sababo badan baa na dhaliya hakashadaa. Sababahaa ayaa sameeya astaantan cajiibka ah. Kuwaa ayaa aan qodobbaynaynnaa—qodob kasta na saddex tusaale oo fiican ka bixinaynnaa. Calaamaddan in aan baranno oo si wanaagsan u adeegsanno waa aynnu ku khasban nahay. Waayo?

Sidii aan ku soo sheegnay qormadeennii kowaad ee hordhaca u ahayd casharradan taxanaha ah, adeegsigeeda khaldani sabab waxa uu u noqon karaa qof nool in la dilo.

. . .

  • Waxa lagu taxaa magacyo, falal, ama tilmaamo la doonayo in la xidhiidhiyo.

T.A.: Bandhiggii shalay waxa aan isku aragnay Mustafe, Guuleed, Cabdisamad, Jimcaale, Axmed, iyo Cabdullaahi.

T.A.: Khadar inta uu cadayday, quraacday, jimicsaday, qubaystay, oo lebbistay ayaa uu aaday dugsiga.

T.A. Maryam waxa ay i siisay telefoon cusub, cad, ballaadhan, oo qurux badan.

 

Isla xeerkan innaga oo ku dhex jirna, hakadku waxa xidhiidhin karaa labo hawraarrood oo kala madaxbannaan. Wax se khasab ah helitaanka mid ka mid ah erayada wax xidhiidhiya: iyo, ama, bal se, laakiin, hadda na, hadda ba, se, na, . . .

T.A.: Sacdiyo waxa ay igu casuumtay xafladdeeda arooska, bal se waxa aan u sheegay in aan iman karin mashquul dartii.

. . .

  • Waxa lagu mideeyaa hawraarro badan oo ka hadlaya hal qof iyo wax la xidhiidha qofkaa. Ujeeddadu waa in hadalka la soo ururiyo si loo fudaydiyo akhriska, iyo si loo fahmo macnaha.

T.A.: Naciima waxa ay aadday, ka soo iibsatay buug, oo ka soo noqotay suuqa.

Asalka hawraarrahani sidan hoose ayaa ay u qornaayeen.

Naciima waxa ay aadday suuqa. Naciima waxa ay soo iibsatay buug. Naciima waxa ay ka soo noqotay suuqa.

T.A.: Cabdullaahi waxa uu tagay jaamacadda, waxa ka soo dhigtay labo maaddo, waxa uu na ku soo laabtay gurigiisii.

 

Asalka hawraarrahani sidan hoose ayaa ay u qornaayeen.

Cabdullaahi waxa uu tagay jaamacadda. Labo maaddo ayaa uu ka soo dhigtay. Dabadeed waxa uu ku soo laabtay gurigiisii.

T.A.: Salwa waxa ay booqatay, u soo tacsiyaysay, oo hadyado u gaysay saaxiibteed Nadiira.

 

Asalka hawraarrahani sidan hoose ayaa ay u qornaayeen.

Salwa waxa ay booqatay Nadiira. Saaxiibteed waa ay u soo tacsiyaysay. Hadyado na waa ay u gaysay.

. . .

  • Waxa lagu kala basriyaa qof si toos ah loo la hadlayo ama laga hadlayo, iyo qofkaa wixii loo sheegayay ama laga sheegayay.

T.A.: Siddiiq, si fiican ii dhegayso.

Siddiiq baa si toos ah loo la hadlay. Maxaa loo sheegay? Waxa loo sheegay si fiican in uu wax u dhegaysto.

T.A.: Cabdiqaadir, waa nin aad u jecel barashada dadka iyo dalka.

Cabdiqaadir baa si toos ah looga hadlay. Maxaa laga sheegay? Waxa laga sheegay nin aad u jecel barashada dadka iyo dalka in uu yahay.

 

F.G.: Cabdiqaadir si toos ah haddii aan wax looga sheegayn, ee hadalku uu yahay hadal caadi ah oo ka warramaya Cabdiqaadir, hakadkaasi waa uu suulayaa—loo ma baahna.

T.A.: Cabdiqaadir waa nin aad u jecel barashada dadka iyo dalka.

Labada hawraarrood ee dambe maxaa ay ku kala duwan yihiin? Hawraarta hore cid gaar ah baa ay “si toos ah” u baraysaa ninka lagu magacaabo Cabdiqaadir waxa uu yahay. Xogta laga sheegayo waa xog ay si gaar ah u danaynayaan. Laakiin hawraarta dambe “si caadi ah” baa ay u faallaynaysaa ninka lagu magacaabo Cabdiqaadir. Xogtiisa cid si gaar ah u danaynaysaa ma ay jirto. Kaladuwanaanshuhu waa sidaa.

Isla xeerkan innaga oo ku dhex jirna, hakadka waxa lagu kala basriyaa erayga iskii isu taagi kara (sida: haa, maya, iinyo, waayo, sabab, . . . ) iyo hadalka ka dambeeya eraygaa. Sida oo kale, waxa lagu kala basriyaa eray muujinaya dareen gaar ah, iyo hadalka ka dambeeya eraygaa. Mar saddexaad, waxa lagu kala basriyaa qof magaciisa ama si kale loogu yeedhay, iyo hadalka ka dambeeya yeedhmadaa.

T.A.: Haa, aniga ayaa arkay.

T.A.: Maya, ku ma siinayo lacag.

T.A. Qadhaadhaa, yaa cuntadan kariyay?

T.A.: Qaaq, waar ninku maxaa uu ku hadlay?

T.A.: Fartuuneey, si dhab baa aan kuu jecel ahay.

T.A.: Kaagaa dheeroow, kaalay qashinkan qaad.

. . .

  • Waxa lagu kala jaraa hawraarta iyo weedha. Hawraar waxa aan ka wadaa hadal dhammaystiran oo leh macne iyo dareen buuxa (sentence). Weedh na waxa aan ka wadaa hadal dhiman oo aan lahayn macne iyo dareen buuxa (phrase).

T.A.: Afar sanno ka hor, Gabyaaye waxa uu ahaa guddoomiyaha xaafadda Iftin.

Hakadka inta ka horraysa waa “weedh,” inta ka dambaysa na waa “hawraar.”

T.A: Bishii hore, anigu waxa aan la kulmay xaaskayga Muna.

Hakadka inta ka horraysa waa “weedh,” inta ka dambaysa na waa “hawraar.”

F.G.: Weedhu haddii ay timaaddo hawraarta gadaasheeda, hakad loo ma baahna.

T.A.: Gabyaaye waxa uu ahaa guddoomiyaha xaafadda Iftin afar sanno ka hor.

T.A.: Anigu waxa aan la kulmay xaaskayga Muna bishii hore.

. . .

  • Waxa laga hormariyaa ama laga dibmariyaa hadalka xigashada tooska ah ee aan aadka u badnayn. Hadalka la soo xiganayaa haddii uu aad u badan

yahay, waxa habboon astaanta labadhibcoodka ( : ) in la adeegsado.

T.A.: Cawad waxa uu yidhi, “Soomaalidu waa munaafiqiin!”

T.A.: “Soomaalidu xoog baa ay u neceb yihiin qofka runta u sheega,” waxaa yidhi Saleebaan.

T.A.: “Qof insaan ah oo lagu xidhay keli ah aragtidiisa ayaa uu dhiibtay,” waxa ku dooday Samiik, “waa dulmi aad iyo aad u weyn!”

. . .

  • Waxa lagu kala habeeyaa hawraar dhammaystiran iyo hadal aad soo dhex gelinayso. Markan si loo muujiyo hadalka dheeriga ah ee hawraarta buuxda lagu darsaday—ee ujeeddada laga lahaan karo noqon karto in ay wax iftiimiso, ama in ay codsi soo gudbiso, ama in ay wax sharraxdo—, waxa la adeegsadaa “labo hakad.”

T.A.: Cafish waxa uu doonayaa, sida aan is lee yahay, in aad u timaaddo.

Asalka hawraartu sidan hoose ayaa ay ahayd.

Cafish waxa uu doonayaa in aad u timaaddo. (Weedha “sida aan is lee yahay” aniga ayaa ku darsaday, iftiimin baa aan uga gol lee yahay, hawraarta asalkeeda na ka ma mid aha. Taa macnaheedu waa in haddii la tiro hawraarta aan ay wax ba u dhimayn macne ahaan iyo dareen ahaan ba.)

T.A.: Waxa aan kaa rabaa, haddii aad haysatid, lix doollar.

Asalka hawraartu sidan hoose ayaa ay ahayd.

Waxa aan kaa rabaa lix doollar. (Weedha “haddii aad haysatid” aniga ayaa ku darsaday, codsi baa aan uga gol lee yahay, hawraarta asalkeeda na ka ma mid aha. Taa macnaheedu waa in haddii la tiro hawraarta aan ay wax ba u dhimayn macne ahaan iyo dareen ahaan ba.)

T.A.: Hargeysa, caasimadda Soomaalilaan, waxa dorraad lagu xidhay naag wax ku qorta Faysbuugga.

Asalka hawraartu sidan hoose ayaa ay ahayd.

Hargeysa waxa dorraad lagu xidhay naag wax ku qorta Faysbuugga. (Weedha “caasimadda Soomaalilaan” aniga ayaa ku darsaday, sharraxaad baa aan uga gol lee yahay, hawraarta asalkeeda na ka ma mid aha. Taa macnaheedu waa in haddii la tiro hawraarta aan ay wax ba u dhimayn macne ahaan iyo dareen ahaan ba.)

F.G.: Xaaladda noocan ah ee loo isticmaalo “labada hakad” waxa kale oo kuu furan in aad u isticmaasho astaanta bilaha. Waa adiga iyo doorashadaa.

T.A.: Cafish waxa uu doonayaa (sida aan is lee yahay) in aad u timaaddo.

T.A.: Waxa aan kaa rabaa (haddii aad haysatid) lix doollar.

T.A.: Hargeysa (caasimadda Soomaalilaan) waxa dorraad lagu xidhay naag wax ku qorta Faysbuugga.

. . .

  • Waxa lagu ilaaliyaa hadalka habdhiciisa si loo bandhigo macnihiisa, iyo si loo qurxiyo balaaqadiisa.

T.A.: Maraykanku, dhab ahaantii, sida la wada og yahay, waa dawlad xoog badan.

Saddex hakad ayaa ku jira hawraartaa. Midka hore waxa keenay Maraykanka oo si toos ah wax looga odhan doono. Midka xiga waxa keenay waxa laga odhan doono oo la caddaynayo run ahaanshahooda. Midka ugu dambeeya na waxa keenay waxa laga odhan doono ee la caddeeyay run ahaanshahooda oo mar kale la caddaynayo in la wada og yahay. Warkii laga sheegayay na waxa uu noqday dawlad xoog badan in ay tahay. Warkaasi saw run ma aha? Saw la ma wada oga?

Labadan tusaale ee kale kaa uga qiyaas qaado.

T.A.: Soomaalidu waxa ay, badankood, isku raacsan yihiin, dawladdii Siyaad in ay ahayd dawlad diktaytar ah oo xun.

T.A.: Taraam, sida dunida oo idil wada og tahay, xattaa annaga, waa madaxweyne waallan oo sida uu doono u hadla u na dhaqma.

. . .

  • Waxa lagu kala saaraa labo ama wax ka badan oo sifo ah oo sifaynaya qof ama shay keli ah.

T.A.: Cabdicasiis waa nin wax akhriya, wax na dhegaysta.

Qofka la sifaynayo waa Cabdicasiis uun. Labo jeer baa la sifeeyay. Mar waxa lagu tilmaamay in uu yahay nin wax akhriya, mar kale na nin wax dhegaysta.

T.A.: Ibraahim waa ruux aamus badan, faham badan, oo xikmad badan.

Qofka la sifaynayo waa Ibraahim uun. Saddex jeer baa la sifeeyay. Marka hore waxa lagu tilmaamay in

  • yahay aamusane, marka xigta faahim, marka u dambaysa na xakiim.

T.A.: Dhagaxani waa mid adag, bilaa faa’iido na ah.

Waxa la sifaynayo waa dhagax uun. Labo jeer baa la sifeeyay. Mar waxa lagu tilmaamay adayg, mar kale na bilaa dheef.

. . .

  • Waxa lagu kala saaraa magaalo iyo gobol ay ka tirsan tahay, gobol iyo dal uu ka tirsan yahay, iyo dal iyo qaarad uu ka tirsan yahay. Sida oo kale, waxa lagu kala saaraa maalin iyo bil ay ka tirsan tahay, iyo bil iyo sannad ay ka tirsan tahay.

T.A.. Waxa aan ku nool ahay Hargeysa, Waqooyigalbeed, Soomaaliya.

T.A.: Qormadan waxa aan qorayaa maanta oo ah Lamme, Jeenaweri 29, 2018.

T.A.: Soomaaliya, Geeska Afrika, Afrika. (Qofka intaa akhriya waxa uu fahmayaa Soomaaliya in ay ku taallo Geeska Afrika, Geesku na in uu ka tirsan yahay qaaradda Afrika.)

. . .

  • Waxa lagu qurxiyaa salaamaha iyada oo salaanta xaggeeda dambe la dhigo—waa marka la qorayo warqad rasmi ah oo caadi ah e. Sida oo kale, cinwaannada ayaa lagu qurxiyaa iyada oo lagu kala qaybinayo—waa marka cinwaanku qaybsami karo e.

T.A.: Salaan sare Jaalle Hebel, Hakadka waxa la dhigay xagga dambe ee salaanta. Waa salaan lagu furay warqad rasmi ah oo caadi ah. Warqaddaa marka la soo xidhayo na, hakad ayaa lagu soo xidhaa. Sidan hoose baa la sameeyaa.

T.A.: Daacadi korkaaga ha ahaato,

T.A.: Ma Shalay Ayaa Uu Waalnaa, Mise Maanta Ayaa Uu Waallan Yahay?!

Waa cinwaan maqaal oo labo qaybood u kala qaybsan.

Labo ka badanna isla qaabkan baa loo kala qaybiyaa.

Sidan hoose baa la sameeyaa.

T.A.: Dorraad Muslim, Shalay Masiixi, Maanta Mulxid, Berri Dhankee?!

. . .

Tobankaa xeer qofkii si wacan u fahma waxa uu si wacan u fahmay isticmaalka saxsan ee astaanta hakadka. Awood weynna waxa uu u yeelanayaa hakad wal ba in uu dhigo booskiisa saxda ah. Qormadan wacan waxa aan doonayaa in aan ku soo afmeero labo ogaysiis oo muhiim ah.

Ogaysiiska kowaad: Hawraar haddii ay wada socoto, ay lee dahay labo fal, ma aha labadaa fal in loo kala dhexaysiiyo hakad.

Khalad: Suleekha ayaa cayday, oo dishay Weedhsan.

Sax: Suleekha ayaa cayday oo dishay Weedhsan.

Ogaysiiska labaad: Hawraar haddii ay wada socoto, ay lee dahay labo falsameeye, ma aha labadaa falsameeye in loo kala dhexaysiiyo hakad.

Khalad: Khadar, iyo Kaariye ayaa kufsaday Kaltuun.

Sax: Khadar iyo Kaariye ayaa kufsaday Kaltuun.

Fikirkaada Waa Muhiim