Qofka bani’aadamiga ahi xaaladdiisu ma aha caadi mar wal ba. Mararka qaar waxa uu la kulmaa wax ka nixiya, wax ka farxiya, wax ka qosliya, wax ka xanaajiya, ama wax ka oohiya. Xaaladahaa, iyo kuwo kale oo weheliya, jeerka la doonayo in lagu cabbiro qoraal, ayaa la adeegsadaa astaanta fajaca.

Astaantani waxa ay muujisaa dareen xoog badan: dareen ka baxay xaaladdii “qarsoonaanta.” Sababtaa darteed, qaar badan oo ka mid ah culimada qoraalku iyaga oo ka fajacay sida calaamaddani ay u keento bannaanka dareenka dhabta ah ee la qarinayay (ama qarsoonaa), ayaa waxa ay siiyeen ladhkan cajiibka ah: Astaantii Qiraalka!

Aynnu bal aragno siyaalaha kala duwan ee loo isticmaalo.

  • Qof ayaa soo galay qol. Ka dib waxa uu arkay mas. Aad ayaa uu u naxay. Hadalkan hoose ayaa uu yidhi.

– WAAAAA! Alla mas baa ku jira halkan.

Tusaale kale. Naag ayaa masaxaysay qolkeeda. Si kedis ah dabadeed waxa u soo galay walaalkeed. Kelyaha ayaa uu ka taabtay iyada oo maahsan. Cirka ayaa ay u boodday—masaxaaddii na si xoog ah ayaa ay u tuurtay, naxdin darteed. Hadalkan hoose ayaa ay tidhi.

– Hah! Waar maxaa aad nooga taabatay kelyaha?

  • Ismaaciil waxa uu ka yimid shaqadii. Ma uu san ogayn in ay foolatay ooridiisii, loo ma na sheegin in ay dhashay wiil. Kokii uu yimid ayaa loo warramay. Aad ayaa uu u farxay. Hadalkan hoose ayaa uu yidhi.
  • Al-xamdu lillaah! Ilaahayoow, wiilkan yar ii barakee.

Tusaale kale. Maryam duhurkii oo dhan waa ay hurudday. Roobkii xoogganaa ee da’ayay na ma ay san ka war qabin. Kolkii guriga ay ka soo baxday ayaa ay ku baraarugtay xaaladdaa. Waxa ay aad uga heshay jawiga macaan iyo meelaha badan ee biyuhu ka buuxsameen. Hadalkan hoose ayaa ay tidhi.

– Maashaa Allaah! Maanta jawigu waa kaalay arag.

  • Ilyaas waxa uu saaxiibtii Najma u sheegay in ay aad u qurux badan tahay. Iyo, weli ba, in ay lee dahay jidh macaan oo indhuhu aan ay ka jeedsan karin daqiiqad qudh ah. Najma waa ay qososhay. Hadalkan hoose ayaa ay tidhi.
  • AHAHAHAHA! Iga kala daa ammaanta badan, Ilyaasoow.

Tusaale kale. Sakariye waxa uu daawaday maanta Sh. Dabcasar. Sida uu gadhkiisa u salaaxayo, sida uu indhihiisa mar ba nooc uga dhigayo, iyo sida uu erayada kol ba si ugu dhawaaqayo, ayaa uu in badan ku qoslay. Waxa uu se in badan ku qoslay hadalkiisan, “Caabudwaaq waxa laga helayaa 20,000 oo wiil oo noqda ciidammada qaranka.” Hadalkan hoose ayaa uu yidhi.

  • UHUHUHUHU! Wallaahi, wadaadkani waa qayrul caadi.
  • Ikraan waxa ay qaadan wayday taladii hooyadeed. Waxa loo sheegay in ay iska dayso raacitaanka gabannada yaryar oo ay ka adkaato casharradeeda. Jawaabteedii waxa ay noqotay iinyo, iyo qof xor ah baa aan ahay. Hooyadeed waa ay xanaaqday. Hadalkan hoose ayaa ay tidhi.
  • Doqon! Ilkaha sare ayaa ku xalaalaynaya e, qof nool oo wax isku falaysa ma tihid.

Tusaale kale. Abtigii ayaa ku amray degdeg in uu u seexdo. Hadallo gunuunuc ah oo uu fahmi waayay ayaa uu ku soo celiyay. Inta uu xanaaqay ayaa uu dharbaaxay. Ka dib na kii yaraa oo ilmaynaya ayaa uu soo istaagay hortiisa. Hadalkan hoose ayaa uu ku yidhi.

– Aamus waaryaa! Hadda aniga oo ku arkaya jiifso.

  • Khadra waxa loo soo sheegay in la dilay walaalkeed. Weli ba isaga oo masjid ka soo baxay in ay dileen al-Shabaab. Argagax aan yarayn baa ku dhacay. Oohin ayaa ay miciin bidday. Hadalkan hoose ayaa ay tidhi.

– IHIHIIHIIHI! Walaalkayoow, maxaa laguu dilay?

Tusaale kale. Cunug aad u yar ayaa laga faramaroojiyay caagad yar oo uu jeclaa. Isla markii ba waxa uu bilaabay oohin.

– WAQAQAQAQAQAAQ!

Tusaalayaashaa badan ee aan keenay waa qaar ka mid ah dareemmada innagu badan. Kuwa kale oo dhanna uga qiyaas qaado.

. . .

Xaalado gaar ah ayaa jira oo la adeegsado astaantan cajiibka ah.

Xaaladda kowaad: Waxa lagu muujiyaa xaalad adag oo hadda na degdeg ah.

T.A.: Afar saacadood ka dib waxa aan weeraraynnaa Tukaraq. (dagaal adag oo degdeg ah)

T.A.: Jaamacadda waa in aad aaddaa isla hadda. (amar adag oo degdeg ah)

Xaaladda labaad: Waxa lagu muujiyaa diidmo ama quudhsi.

T.A.: Ma xilligan ayaa aad tagaysaa suuqa!

Iyada oo magaaladu amni ahaan xun tahay ayaa uu xilli habeennimo ah doonay in uu aado suuqa. Dabadeed, qofkii arkay ayaa aad u la yaabay, oo hadalkaa kakan ku yidhi. Nuxurka hadalkiisu waa sidan: Xilligan ha aadin suuqa.

T.A.: Ma sidan baa aad ku sheegataa qoraa!

Qofka lagu yidhi hawraartani waa qof aan ku fiicnayn qoraalka oo hadda na is moodaya in uu yahay qoraa weyn. Dabadeed, akhristihii cilmiga badnaa ee akhriyay qoraalkiisa, ayaa ka yaabay xaalkiisa, oo aad u quudhsaday. Waxa uu ka xanaaqsan yahay darajada sare ee uu isa siiyay. Nuxurka hadalkiisu waa sidan: Ma tihid qoraa.

Labada jumladood waxa ay ka siman yihiin in ay yihiin jumlado-wayddiineed. Sababta se loo siin waayay astaantii wayddiinta ee ay xaqqa u lahaayeen, loo siiyay astaanta fajaca, waa in la muujinayo “diidmo” ama “quudhsi.” Labadaa xaaladood kolka la cabbirayo, hawraartu dhisme ahaan iyo/ama muuq ahaan u eg tahay ama ay tahay hawraar-wayddiineed, astaanta wayddiinta booskeedii waxa la dhigayaa astaanta fajaca. Ma fahamtay?

Xaaladda saddexaad: Waxa lagu muujiyaa qaadanwaa.

T.A.: Anigu waxa aan ahay naag wanaagsan(!) oo la jecel yahay.

Isaga oo og naagtaasi in ay tahay dhillo weyn, oo habeen wal ba martigelisa nin dhilley ah, ayaa uu qaadan waayay nafteeda in ay ku sifayso wanaag. Ma naag dhillo ah baa noqon karta naag wanaagsan? ayaa ay naftiisu isla kolkii ba ku soo celisay.

T.A.: Intii aan xilka hayay waxa aan sameeyay toban(!) mashruuc.

Isaga oo og, mashruuc uu sameeyo ha dambayso e, kuwii hore ee fiicnaa ee socday in uu joojiyay, ayaa uu qaadan waayay dadkiisa in uu ugu sheekeeyo beentaa weyn ee cad. Mashruucee samaysay oo run ah? ayaa uu hooshoos u su’aalayaa mas’uulkaa hadlay.

Wax kasta oo aad qaadan kari waydo, iyo xattaa kolalka qaar eray ama weedh kuu sameeya dhadhan ama dareen kugu cusub (oo fanifani ah), ayaa aad u isticmaali kartaa astaantan. Shardigu se waxa uu yahay, erayga ama weedha aad u dan lee dahay dhammaadkiisa labo bilood inta aad furto, calaamaddan in aad dhex geliso—sida ku cad labadaa tusaale ee kore.

Xaaladda afaraad: Waxa lagu muujiyaa kaftan.

T.A.: Waaryaa caloolbuur! Ma sidii ayaa aad u calool buuran tahay?

Labo nin oo jaalle ah oo kaftanka isla yaqaanna ayaa kaftamaya. Kii salaanta ku horreeyay ayaa bilaabay kaftanka—oo saaxiibkii daandaansaday.

T.A.: I guuro aa! Ma magaaladaan ka waayay nin.

Wiil iyo gabadh saaxiibo ah oo kaftanka isla yaqaanna ayaa kaftamaya. Aan ku guursado ayaa uu ku yidhi— isaga oo iyada yoolbaadhaya. Iya na waa ay u duurxushay.

Ugu dambayntii, qormadeennan wacan waxa aan ku soo gunaanadayaa hal arrin oo dignin ah. Astaanta fajaca waxa ay la mid tahay, awood ahaan, astaanta joogsiga. Sida joogsiga aan ay suuragal ahayn astaan kale in la dhigo gadaasheeda, ayaa ay tani na aan ay suuragal ahayn astaan kale in la dhigo gadaasheeda.

Fajacaagu haddii uu yahay qayrul caadi, hal mar ka badan waa aad adeegsan kartaa astaantan—oo, tusaale ahaan, sidan waa aad odhan kartaa: Ummaddeennu giddi waa munaafiqiin!!! (Ma jiro xeer ku xidhaya oo kuu xaddidaya inta goor ee aad soo celcelin karto astaanta fajaca. Hal mar ayaa aad qori kartaa, haddii aad u baahan tahay; haddii kale na, inta aad doonto.)

Fikirkaada Waa Muhiim