Marar badan waxa aan isa su’aalay qofka insaanka ahi maxaa ku dhaliya wayddiin? Waxa aan u dan lee yahay: Wayddiinta laftirkeeda maxaa sababa?

Baadhis dheer ka dib, labadan arrimood ee soo socda ayaa aan helay, waa na xeerarka aan rabo astaantan in aan ku fadhiisiyo.

Arrinta Kowaad: Waxa aynnu ugu yeedhaynnaa “wayddiimo toos ah.” Waa wayddiimo ku abuurma qofka oo badanaa ka yimaadda wax uu akhriyay, ama wax uu baadhay, ama wax uu arkay, ama wax uu dareemay—iyo, xattaa ama wax loo sheegay, ama wax ku soo dhacay maankiisa ba. Bal tusaalayaashan soo socda u fiirso.

B: Cabdiqaadir waa nin wanaagsan.

  • Ma Cabdiqaadir baa ah nin wanaagsan?

. . .

  • Xalay oo dhan ma aan seexan.
  • Oo maxaa aad qabanaysay?
  • Abtigay oo xanuunsan ayaa aan hayay.

. . .

  • Sidee ayaa aan u noqon karaa qoraa wanaagsan?
  • Marka hore, baro aqoonta qoraalka. Marka labaad, baro aqoonta afkaaga. Marka saddexaad na, wax badan qor.

. . .

B: Saciidoow, horta waallidu waa maxay?

  • Waallidu wax kale ma aha aan ahayn in aad samayso dhaqan aan laga aqoon degaankaaga. Tusaale ahaan, degaanka aad ku nooshahay dadkiisu haddii ay dhar xidhaan, adigu na aad is qaawiso oo aad dhar xidhan waydo, waa lagu la yaabi doonaa, waxa na laguu arki doonaa “qof waallan.” Sida oo kale, haddii aad tagto degaan dadkiisu wada qaawan yihiin, adigu na aad dhar xidhato oo aad is qaawin waydo, waa lagu la yaabi doonaa, waxa na laguu arki doonaa “qof waallan.” Sidaa darteed, waallidu, waa in aad samayso dhaqan aan laga aqoon (ama laga jeclayn) bay’ada aad ku nooshahay.

. . .

  • Imisa bog ayaa aad akhrisaa ayaan kasta?
  • Konton bog. Adigu na?
  • Anigu bogagga ma tirsado. Hal buug ayaa aan akhriyaa maalin wal ba.

Sookoobid: Wayddiinta waxa la dhigaa dhammaadka erayga (t.a., sidee?) ama hawraarta (t.a., magacaaga ii sheeg?) ay ku jirto wayddiin toos ah. Wayddiin dadban haddii ay ku jirto, waxa aad dhigaysaa joogsi, sidii aan ku soo sheegnay casharkeennii ku saabsanaa astaanta joogsiga.

Arrinta labaad: Waxa aynnu ugu yeedhaynnaa “wayddiimo shakki ah.” Aadamuhu, aalaa, waa shakki badan yahay. Waxa dhacda qof uu doonayo in ka warramo in uu sixi kari waayo magaciisa. Waxa kale oo dhacda taariikh uu doonayay in uu qoro in uu ku kalsoon waayo saxnimadeeda. Sidaa ku sii wad! Sidaa darteed, si uu u muujiyo shakki, oo akhristaha ugu sheego xogtan uu la wadaagay in aannu hubin sax iyo khalad ka ay tahay, ayaa uu adeegsadaa astaanta wayddiinta. Bal tusaalayaashan soo socda u fiirso.

T.A.: Cabdullaahi waxa uu dhintay (2005tii?).

Qoruhu waxa uu noo sheegay in aannu hubin sannadka saxda ah ee uu dhintay Cabdullaahi— laakiin uu u malaynayo in uu ahaa 2005tii.

T.A.: Cabdiweli waxa ay walaalo yihiin nin lagu magacaabo Yaasir(?) oo labo gu’ ka yar. Ninkaasi waa nin da’ yar oo aad u akhlaaq badan. Hooyadii waxa ay sheegtay ubadka ay dhashay in ay ugu jeceshahay isaga.

Qoruhu waxa uu noo sheegay in aannu hubin Cabdiweli ninka ay walaalaha yihiin magaciisu in uu yahay Yaasir—laakiin uu u malaynayo in uu yahay sidaa.

Si akhristuhu u garto meesha uu ku jiro mugdigu (shakkigu), waxa wanaagsan meeshaa in la geliyo astaanta bilaha, dabadeed na labadaa bilood dhexdooda la dhigo astaanta wayddiinta. Sookoobid: Wayddiinta waxa la dhigaa dhammaadka erayga ama hawraarta aad aan hubin xog ahaan in ay sax tahay. Xogtaasi waxa ay noqon kartaa magac aad aan hubin in uu sax yahay; eray aad aan hubin in uu higgaad ahaan (ama dhawaaq ahaan) sax yahay; taariikh aad aan hubin in ay sax tahay; iyo wixii la mid ah. Wixii mugdi uu kaa galo oo dhan, astaantan u adeegso.

Saddex xaaladood oo gaar ah ayaa jira oo la adeegsado astaantan.

Xaaladda kowaad: Marmarka qaar waxa la arkaa hawraar dhammaystiran oo xagga dambe laga raaciyo weedh-wayddiineed. Bal tusaalayaashan soo socda u fiirso.

  • Jaallahay waa fariid, saw ma aha?

. . .

  • Waxa aynnu orodnay masaafo dheer, ma nasannaa?

T: Haa.

Xaaladda labaad: Waqtiyada qaar waxa la isku daraa labada caalamadood ee wayddiinta iyo fajaca (?!). Sababtu maxaa ay tahay? Waa arrin dhan ka ah wayddiin, dhan kale na ka ah fajac. Labadaa ummuurood ee kala duwan jeerka ay kulmaan, ayaa labadan calaamadood oo isku dheggan la isticmaalaa. Bal tusaalayaashan soo socda u fiirso.

T.A.: Ma gabadhii uu wax u dhigi jiray ayaa uu kufsaday?!

Qofkaa hadlay waxa loo sheegay macallim aad u weynaa oo aad loo qaddarin jiray in uu kufsaday ardayad uu wax bari jiray. Kolkaa, waxa uu la anfariiray macallimkii weynaa ee edabta badnaa in uu ku kacay dambi aad u weyn oo aad u edab xun. Waxa maankiisa geli la’ oo wayddiintan fajacu ku lammaan yahay ka keenay hebelkii dhawrsoonaa ee uu yaqaannay in uu inan yar faraxumeeyay.

T.A.: Ma adigaagan sidan u eg ayaa ay naag qurux badani ku jeclaatay?!

Qofkaa hadlay waxa fajac badan ku abuuray ninka la hadlay ee uu sheegay in ay jeclaatay naag qurux badan. Waxa uu og yahay in uu yahay nin aad u foolxun oo naag qurux badan iska daa oo, naag foolxumi xattaa aan ay meel cidlo ah ka qaadateen. Kolkaa, waxa maankisa geli la’ ninkii aad taqaannay ee fooshaxumaa ayaa naag qurux badani ay jeclaatay.

Xaaladda Saddexaad: Waxa jira jumlado caadi ah laakiin qaabkii wayddiinta oo kale leh—qofku na uu sugayo ama uu rejaynayo in wayddiintiisaa nooca kale ahi looga jawaabo. Bal tusaalayaashan soo socda u fiirso.

  • Adigu waa aad ii ballanqaadaysaa in aad i jeclaato?
  • Haa, waa aan kuu ballanqaadayaa.

. . .

  • Iyadu waa naag doqon ah?
  • Nacam, Ilaahay baa aan ku dhaartay e, waa doqon.

Ugu dambayntii, qormadeennan wacan waxa aan ku soo gunaanadayaa hal arrin oo dignin ah. Astaanta wayddiinta waxa ay la mid tahay, awood ahaan, astaanta joogsiga. Sida joogsiga aan ay suuragal ahayn astaan kale in la dhigo gadaasheeda, ayaa ay tani na aan ay suuragal ahayn astaan kale in la dhigo gadaasheeda (marka laga reebo xaaladda gaarka ah ee labada astaamood ee wayddiinta iyo fajaca la isku daro, ee aynnu ka soo hadalnay).

Fikirkaada Waa Muhiim