Joogsigu, calaamadda ugu caansan calaamadaha qoraalka weeye. Kol kale, sida la isku raacsan yahay, astaanta ugu fudud adeegsi ahaan weeye jeerka la barbardhigo astaamaha kale. Faa’iidadeeda ugu weyn waa “joogsi dhammaystiran”—joogsigaa oo akhristaha siinaya kansho uu ku nafiso, ku na neefsado.

Giddigeen waxa aynnu ognahay aadamuhu in uu yahay neefkunoole.

Neefta ku jirta haddii aannu saarin, neef kale na qaadanin, hubaal waxa ah in uu geeryoon doono. Sidaa darteed, joogsigu, qofka nool waxa ay ka dhawrtaa si dhib yar in uu u dhinto! (Haddii aad qof u qorto bog dhan oo bilaa joogsi ah, dabadeed qofkii uu dhinto, gacankudhiigle wax ku dilay joogsi la’aan ayaa aad noqonaysaa! Is jir!)

Astaantani horgal waxa ay u tahay labo astaamood oo kale oo hawraarta xaggeeda dambe gala. Labadaasi na waxa ay kala yihiin astaanta wayddiinta ( ? ), iyo astaanta fajaca ( ! ). Labadan dambe waxa jira xaalado gaar ah oo hawraarta xaggeeda dhexe ay galaan—waa na aynnu arki doonnaa, inshaa Allaah.

Shan hab oo kala duwan ayaa loo isticmaalaa joogsiga.

Habka kowaad: Joogsiga waxa la dhigaa dhammaadka jumladaha caadiga ah ee aan ay la soconin wayddiin toos ah ama fajac toos ah—bal se macne ahaan iyo dareen ahaan dhammaystiran.

T.A.: Cabdisamad waa arday wanaagsan. Sannad wal ba waxa uu galaa kaalinta kowaad. Macallimiintiisu na waxa ay u jecel yihiin si aad ah.

Saddexdaa jumladood mid wal ba waa jumlad caadi ah. Mid wal ba waxa ay noo sheegaysaa, ama ay noo qeexaysaa, wax.

 

Habka labaad: Joogsiga waxa la dhigaa dhammaadka erayada ama jumladaha amarka ah—bal se macne ahaan iyo dareen ahaan dhammaystiran.

T.A: Soco.

T.A.: Istaag.

T.A.: Soo qabo sakeelkan.

T.A.: Qalinka ii dhiib.

 

Habka Saddexaad: Joogsiga waxa la dhigaa dhammaadka jumlad ay ku jirto wayddiin dadban— bal se macne ahaan iyo dareen ahaan dhammaystiran.

T.A.: Gabyaaye waxa uu i wayddiiyay qofnimada Sagal.

T.A.: Iyaga su’aal waxa ay qabteen maanta.

T.A.: Yoonis waxa uu i warsaday sababta aan wax u qoro.

Mar kasta waxa aad ku haysaa maankaaga arrintan soo socota: Wayddiimaha dadban waxa la dhigaa dhammaadkooda “astaanta joogsiga,” ee la ma dhigo “astaanta wayddiinta.” Sidan soo socota waa khalad.

T.A.: Khaalid waxa uu i wayddiiyay in aan hayo buugga “Maana-Faay”? (sidan ayaa sax ah: Khaalid waxa uu i wayddiiyay in aan hayo buugga “Maana-Faay.”)

 

Habka Afaraad: Joogsiga waxa la dhigaa dhammaadka xaraf kasta oo u taagan eray buuxa—si akhristaha loo dareensiiyo (loo ogaysiiyo) xarafkaasi in aannu ahayn xaraf keli ah ee uu yahay xaraf u taagan eray leh macne jira.

T.A.: N. N. K. H. A. (Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato)

T.A.: I. R. H. K. N. (Ilaahay Raalli Ha Ka Noqdo)

T.A.: P. D. R. C. (Peace and Development Research Center)

T.A.: I. H. U. N. (Ilaahay Ha U Naxariisto)

T.A.: M. S. Barre (Maxamed Siyaad Barre)

Waxa jira xaalad gooni ah oo soo hoos galaysa qaaciiddadan oo ay tahay si fiican in loo fahmo. Kolka la soo gaabsado eray isaga oo aan higgaaddiisa la wada qorin, eraygaasi caynka uu doono ha noqdo e, xarafka ugu dambeeya eraygaa waa in la daba dhigaa joogsi.

T.A.: Mufak. Cabdiraxmaan S. Bashiir waxa uu ka mid yahay aqoonyahannada runta ah ee ay lee dahay Soomaalidu. (Eraygu, caadi ahaan, waxa uu ahaa “mufakkir”—laakiin waa la soo gaabsaday.)

T.A.: Farxaan waxa uu dhintay Okt. 24, 1969. (Eraygu, caadi ahaan, waxa uu ahaa “Oktoobar”— laakiin waa la soo gaabsaday.)

T.A.: Buugaagta uu qoray Bs. Maansuur mid ba mid ka ma dhaco. (Eraygu, caadi ahaan, waxa uu ahaa “Barasare”—laakiin waa la soo gaabsaday.)

 

Habka Shanaad: Joogsiga waxa la dhigaa dhammaadka eray wal ba oo ka mid ah erayada cinwaannada degellada ah—si akhristuhu inta uu u minguuriyo uu dabadeed u booqdo degelka loo qoray.

T.A.: www.samiik.wordpress.com

T.A: www.ceelgaal100.blogspot.com

Joogsiga haddii aan ka tago, oo sidan aad arki doonto aan qoro: wwwceelgaal100blogspotcom, degelka sidaa ah internetka ka ma heli kartid. Markaa, qofkii aan u qoray degelkaa aan jirin, run ahaan waa aan luggooyay! Miyaa ay san ahayn?

Waxa kale oo iya na ay tahay in aan iftiiminno, tiradu marka ay wadato tobanle, si aan loo moodin tiro caadi ah, joogsiga ayaa la adeegsadaa.

T.A.: 100.26$ (boqol doollar, iyo labaatan iyo lix senti)

Ugu dambayntii, qormadeennan wacan waxa aan ku soo gebagebaynayaa xaalad cusub oo ku soo korodhay isticmaalka joogsiga, aalaa na waxa lagu arkaa buugaagta suugaanta (kuwooda sheekafaneedka ah). Joogsiga waxa ay ka dhigaan makiinad leh af badan erayada jumladaha si xoog ah u jarjaraysa. Akhristaha si ay akhriskiisa u macaaneeyaan, oo dareenkiisa u hiyikaciyaan, ayaa ay dhibsadaan dhererka badan ee jumladaha, oo jeclaystaan in ay qoraan jumlado gaagaaban—walow ba mid walba yaa   aan   ay   yeelan   macne   iyo   dareen   buuxa   e.

 

Tusaalahan soo socda bal u fiirso.

T.A.: Albaabka ayaa uu laad ku soo jabiyay. Isaga oo ordaya ayaa uu daf soo yidhi qolka hurdada. Waa uu xanaaqsan yahay. Xoog u ciilaysan yahay. Oo aad u murugaysan yahay. Xaaskiisii oo ka yaabtay qubqacda badan ayaa degdeg uga hor timid. Isla kolkii uu arkay ayaa uu ku salaamay dharbaaxo kulul.

Dabadeed laad dabada u qabtay. Hadda na feedh kala daalay markii ay dhulka xoog ugu dhacday. Qayladeedii xoogganayd ayaa dariskii oo dhan soo wada toosisay. Gurigii ayaa hal mar daaraddiisii la soo buuxiyay. Judhdhii uu arkay arrintaa ayaa uu cagaha wax ka dayay. Dig dig dig dig!

In badan oo ka mid ahi ma aha hawraarro leh macne iyo dareen dhammaystiran. Hadda na sidaa oo ay tahay, beryahan dambe waa arrin ku soo noqnoqota qoraalka kiisa suugaanta ah, aad na mooddo in la dhaqan geliyay. Aragti ahaantayda, u ma arko dhaqankaa mid xun—waxa aan u arkaa dhaqan wanaagsan oo qofka jeclaysiinaya akhriska, siinaya na tamar badan oo uu ku sii wado akhriskiisa.

Waxa aan dhihi karnaa: Akhristaha ayaa ay ka caawinaysaa akhriskiisa in uu dedejiyo isaga oo helaya hadalka qoran dabuubtiisa.

Hadafka ugu weyn ee la doonayo qoraalku in uu xaqiijiyo na, akhristaha in uu raalli geliyo weeye, oo u abuuro jawi macaan oo ka saacidi kara in uu dhammaystiro akhriskiisa wacan.

Fikirkaada Waa Muhiim