Haddii aad doonayso in aad qorto qoraal rasmi ah oo akadeemi ah, waaweynaynta xuruufaha gooraha la isticmaalo iyo siyaalooyinka loo isticmaalo in aad barataa, waa kugu waajib. Jaalle, tani waa xirfad aad u baahan tahay!
Qodobkani, berigii hore, ka ma uu san mid ahayn, lagu ma na dhex daraasayn jirin, cilmiga qoran ee “astaamaynta qoraalka.” Bal se muhiimaddiisa oo aad loo ogaaday ayaa sababtay in lagu dhex daro—loo na aqoonsado ladhkan: Furaha Astaamaynta Qoraalka.
Maadaama uu yahay fure, weli ba fure wanaagsan, waa sababta aynnu u doorannay casharro badan oo ku saabsan cilmigan aynnu ku dhex jirno in aan uga dhigno “bilaw.”
Xeerar badan ayaa la qoraa, ama qoran. Badankood ku ma kala duwana sidaa wax u sii weyn. Aniga oo jecel maaddadan in loo fahmo si aad u heer sarraysa, xeerarka wixii is leh waxa aan ka dhigayaa “hal xeer”—si aan loogu wareerin badnaanshahooda.
Saddexdan xeer ee soo socda, ruuxii si wanaagsan u fahma, dhab ahaantii waa uu fahmay qodobkan. Aynnu, hadda ba, gude galno. (Erayada aan soo gaabsaday ee “T.A.” waxa aan uga jeedaa: tusaale ahaan.)
Xeerka 1aad = Bilawga wax kasta ba Qoraal kasta oo la qoro waxa uu ka bilawdaa eray. Eraygaa xarafkiisa ugu horreeya waa in la weyneeyaa.
T.A.: Dadkeennu waxa ay isku khaldaan qabiil iyo qabyaalad.
Erayga “dadkeennu” xarafkiisa kowaad oo ah “d” waxa aynnu ka dhignay xaraf weyn. Sabab? Hawraartaa aan qornay eraygeeda ugu horreeya ayaa uu yahay xarafkiisa ugu horreeya.
Mar kale: Waxa aynnu og nahay joogsi dabadii waxa bilawda jumlad cusub, saw ma aha? Jumladdaa cusub ee bilaabantay, eraygeeda ugu horreeya xarafkiisa ugu horreeya waa in la weyneeyaa.
T.A.: Samiik waxa uu aaminsan yahay ku na qanacsan yahay fikirka Soomaaliweyn. Had iyo jeer waxa uu ku doodaa fikirkaasi in uu yahay ka keli ah ee Soomaalida u soo celin kara sharaftii ay ku lahayd adduunyada. Waa uu ku ad’adag yahay oo waxa uu rumaysan yahay in uu yahay fikir socon kara haddii si xor ah loo fikiro.
Xarfaha “h” iyo “w” ayaa aan mid kasta ba ka dhignay xaraf weyn. Sabab? Mid kasta ba bilaw waxa uu u ahaa jumlad cusub oo bilaabantay joogsi dabadii.
Mar saddexaad: Hadalladeenna si loo rumaysto waxa aynnu dad aqoonyahanno ah ka soo xigannaa hadallo dhabgal ah, saw ma aha? Hadda ba, xigasho kasta oo aynnu qoraynno, erayadeedu ama ha yaraadaan ama ha bataan e, eraygeeda kowaad xarafkiisa kowaad waa in la weyneeyaa.
T.A.: Wadaad Cabdiraxmaan S. Bashiir waxa uu yidhi, “Ma aha eedaheenna in aan ku shaambadaynno dad kale. Annagu waa in aan qirnaa wax kasta oo dhacay in aan ka nahay mas’uul!”
Erayga “ma” xarafkiisa kowaad ee “m” waa la weyneeyay. Sabab? Hadalka aan ka soo xigannay aqoonyahan Cabdiraxmaan ayaa uu eraygiisa kowaad yahay xarafkiisa kowaad.
Sookoobid: Bilaw kasta ba oo la samaynayo, ha noqoto qoraal cusub, ama ha noqoto jumlad cusub, ama ha noqoto xigasho cusub, mid kasta ba eraygeeda kowaad xarafkiisa kowaad waa in la weyneeyaa. Xeerkani waxa uu na barayaa waa ba intaa uun! Ma fahamtay?
Xeerka 2aad = Magacyada gaarka ah
Goorma ayaa uu noqon karaa magacu mid gaar ah? Waa su’aal ay tahay in aynnu is wayddiinno. Jawaabta oo koobani waa marka sifadu ay noqoto mid ay iska lee dahay cid, meel, ama arrin gaar ah. Bani’aadamku mid wal ba waxa uu lee yahay magac gaar ah, saw ma aha? Sidaa oo kale, degaan wal ba waxa uu lee yahay magac gaar ah. Dal wal ba waxa uu lee yahay magac gaar ah. Meel wal ba waxa ay lee dahay magac gaar ah. Maalin wal ba waxa ay lee dahay magac gaar ah. Bil wal ba waxa ay lee dahay magac gaar ah.
Bulsho wal ba waxa ay lee dahay magac gaar ah. Xarun wal ba waxa ay lee dahay magac gaar ah. Qaarad wal ba waxa ay lee dahay magac gaar ah. Dhacdo wal ba waxa ay lee dahay magac gaar ah. Oo diin wal ba waxa ay lee dahay magac gaar ah. Intaa miyaa aan isku diiddan nahay? Magacaa ayaa ku wal ba kaga soocan yahay kuwo kale. Hadda ba, magac kasta oo gaar ah xarafkiisa kowaad waa in la weyneeyaa.
T.A.: Cubayd (magac qofeed); Yagoori (magac degaaneed); Soomaaliya (magac daleed); Baar Hargeysa (magac meeleed); Arbaco (magac maalineed); Jeenaweri (magac bileed); Kiinyaati (magac bulsheed); Jaamacadda Muqdisho (magac xaruneed); Afrika (magac qaaradeed); Dagaalkii Kowaad ee Adduunka (magac dhacdeed); Muslim (magac diineed).
Mar kale: Waxsoosaar wal ba (waxsoosaarkaasi ha noqdo buug, ama riwaayad, ama filim, ama qoraal, ama maanso, ama wax kale ba e) maadaama uu lee yahay qiime badan, iyo maadaama mid kasta ba uu leeyahay magac gaar ah, eraygiisa kowaad xarafkiisa kowaad waa in la weyneeyaa. Xattaa haddii magacaasi
uu ka kooban yahay dhawr eray, eray wal ba xarafkiisa kowaad waa in la weyneeyaa.
T.A.: Aanadii Negeeye (magac buugeed); Xuskii Jacaylka (magac riwaayadeed); Captain Philips (magac filimeed); Qabiil Iyo Qabyaalad: Ma Isku Mid Baa . . ?! (magac qoraaleed); Dabahuwan (magac maanseed).
Mar saddexaad: Waxa jira magacyo si gaar ah u muujiya “tilmaan darajo.” Kuwaa, eraygooda kowaad xarafkiisa kowaad waa in la weyneeyaa.
T.A.: Garoowe waxa isku arkay oo kulammo badan wada qaatay Dr. Cabdiweli M. C. Gaas iyo Madaxweyne Farmaajo.
Xarafyada “d” iyo “m” mid kasta ba waxa aan ka dhignay xaraf weyn. Sabab? Mid kasta ba eraygiisu waxa uu tilmaamayaa darajo ay adag tahay in la gaadho. Laakiin goorta erayadaa iyo kuwa la midka ah xarafkooda kowaad la weynaynayo, waa goorta ay ka horreeyaan qofka ay darajaynayaan magaciisa. Haddii ay yihiin keligood, la ma weynaynayo, sida ku cad tusaalahan hoose.
T.A.:  Anigu  maalin  uun  waxa  aan  noqon  doonaa

madaxweyne (la ma odhan: Madaxweyne!).

Mar afaraad: Shirkad kasta iyo urur kasta waxa ay lee dahay magac gaar ah. Magacaasi haddii aannu ahayn xuruuf mid wal ba loo soo gaagaabiyay erayo, keli ah eray wal ba xarafkisa kowaad waa in la weyneeyaa.

T.A.: Shirkadda Golis waa mid ka mid ah shirkadaha dhanka isgaadhsiinta ee sannad wal ba hela lacago aad u badan. Magacaasi haddii uu ka kooban yahay xuruuf iyada oo xaraf wali ba u taagan yahay eray, xaraf wal ba waa in la weyneeyaa, dabadeed joogsi waa in la daba dhigaa.
T.A.: Ururka I. G. A. D. waxa uu Soomaaliya ka dhex wadaa labo mashruuc oo aad u ah muhiim.
Waxa jira xuruuf xaraf wali ba u taagan yahay eray oo aan shardi ahayn in uu noqdo magac shirkad, ama magac urur. Kuwaa waxa ka mid ah G. M. T. (Greenwich Mean Time), iyo G. D. P. (Gross Domestic Product). Magac wal ba oo ka kooban xuruuf xaraf wali ba u taagan yahay eray dhammaystiran, xaraf wal ba marka hore waa in aad weynaysaa, marka dambe na joogsi waa in aad daba dhigtaa.
Mar shanaad: Waxa jira maalmo leh xus gaar ah— ama dheh dabbaaldeg gaar ah. Maalmahaa maadaama aad loo weyneeyo, xarafkooda kowaad waa in la weyneeyaa.
T.A.: Masiixiyiintu giddigood waxa ay u dabbaaldegayaan Maalinta Kirismaska. (Maalinta Kirismaska: Waa maalin caqiido oo dadka Masiixiyiinta ahi ay sameeyaan fantasyo aad u waaweyn!)
Maalmahaa waxa ka mid ah Maalinta Jacaylka Adduunka (iyo kuwa la nooca ah), iyo Maalinta Dambe (oo laga wado: qiyaamaha, iyo kuwa la nooca ah).
Sookoobid: Meel kasta oo aad ku aragto magac gaar ah (magacaasi waxa uu doono ha noqdo e), ama tilmaan gaar ah (tilmaantaasi waxa ay doonto ha noqoto e), ama xus gaar ah (xuskaasi waxa uu doono ha noqdo e), eray wal ba xarafkiisa kowaad waa in aad weynaysaa. Haddii ay jiraan xuruufo xaraf wali ba u taagan yahay eray buuxa na, waa in aad xuruuftaa wada weynaysaa oo dabadeed joogsi ku daba qabataa mid wal ba. Xeerkani waxa uu na barayaa waa ba intaa uun! Ma fahamtay?
Xeerka 3aad = Xaalado kooban Waxa jira xaalado kooban oo si gaar ah loo barto.
Labadan soo socda weeye. Xaaladda kowaad: Waxa jira magacyo xushmeed. Sababta xarafkooda kowaad loo weyneeyo keli ah waa mudnaan ama xushmad ay lee yihiin. Magacyadaa qaaliga ah waxa ka mid ah magacyada badan ee ummad wali ba ay Ilaahay u taqaanno (innagu,

Soomaali ahaan, aynnu dhahno “Eebbe”), magacyada asalaynka (Qur’aanka iyo Sunnada) ku soo arooray ee Ilaahay iyo arrimaha la xidhiidha loo nisbaynayo, iyo wixii kale oo loo hayo maamuus iyo mudnaan weyn.

T.A.: Waajib waxa ku ah Muslimiinta in ay ka cabsoodaan Eebbe.
T.A: Maalin wal ba waxa aan akhriyaa jus Qur’aan ah.
T.A.: Qof kasta oo suubban waxa uu jecel yahay Suubbanaheenna.
Erayada “eebbe,” “qur’aan,” iyo “suubbanaheenna” mid kasta ba xarafkiisa kowaad waa la weyneeyay. Sabab? Waa xushmad iyo qaddarin buuxda oo ay lee yihiin.
Mar kale: Waalidkeen, dhammaanteen waa aan jecel nahay, saw ma aha? Kolka aynnu qoraynno magacyadooda waa in aan ka horraysiinno
tilmaantooda waalidnimo—tilmaantaanna xarafkeeda kowaad waa in aan weynaynno.
T.A.: Berrito waxa aan warqad u qori doonaa Hooyo Mako.
T.A: Daqiiqado ka hor waxa i la soo hadlay Aabbe Cabdirisaaq.
T.A.: Bilooyin ka dib waxa aan booqan doonaa Eeddo Canab.
Xaaladda labaad: Waxa jira marmar aynnu xoog u dhawaaqno. Kolkol hadalka si qabow oo qunyar ah ayaa loo dhahaa. Kolkol kale na si kulul oo qaylo ah. Hadda ba, mar kasta oo hadalka kor loo qaado oo qaylo badan ama cod sare la maqlayo, hadalka oo dhan waa in lagu qoraa xuruuf wada waaweyn. Sidaa
oo keli ah ayaa lagu garan karaa hadalkaa qoran markii lagu hadlayay, si xoog ah oo kor ah in loogu hadlay.
T.A.: NAAYAA, MAXAA HALKAN KU KEENAY?
T.A.: WAARYAA, MAXAAD TUUGGA U QABAN WAYDAY?
T.A.: FADHIGA KA KACAAY!!!
Sookoobid: Magac kasta oo leh xushmad iyo xurmad aad u weyn, eraygiisa kowaad xarafkiisa kowaad waa in aad weynaysaa. Hadal kasta oo markii la odhanayay codka kor loo qaaday na, erayadiisa oo dhan xarafxaraf waa in aad u weynaysaa. Xeerkani waxa uu na barayaa waa ba intaa uun! Ma fahamtay?
. . .
Ugu dambayntii, qormadeennan wacan aynnu ku soo afmeerno hal arrin oo leh mudaanteeda. Waxa jira mar eray dhan xuruuftiisa la wada weyneeyo iyada oo cod ahaan kor loo qaadin, bal se la doonayo dadku markii ba in ay arkaan, maskaxdu na markii ba in ay xifdiso oo gadaal ka xusuusato. Keli ah waa kol la doonayo arrin loo dan lee yahay akhristaha si fiican in loo fahamsiiyo. Tusaalahan hoose ayaa aad ku garan doontaa iftiimintan loo baahan yahay.
T.A.: Weligeen ka ma adkaanaynno ALSHABAAB inta innagu aynnu is QABYAALADAYNAYNNO.
Sababta labada eray loo weyneeyay, ee la doonayo indhaheennu isla markii ba in ay arkaan, waa in hawraartu ay samaynayso macne aan inoo muuqan— se la doonayo in aynnu la soo baxno. Waa macne ah: Xilliga aynnu ka xorownno qabyaalad, waa xilliga aynnu iska celin karno al-Shabaab. (Qabyaaladdu inta ay jirto, al-Shabaab na waa ay jiraysaa!)
Saddexdaa xeer ee aynnu soo aragnay ayaa sababa xaraf ama xuruufo in la weyneeyo. Waxa aan u malaynayaa xeer wal ba in aan sharxay, iyo qodob wal ba in aan ka bixiyay tusaalayaal wanaagsan. Maanta ka dib waa in aan ku dhaqannaa xeerarkaa oo siinnaa mudnaan badan.

Fikirkaada Waa Muhiim