Weligaa ma u fiirsatay dadku marka ay hadlayaan? Sidee ayaa ay u hadlaan? Ma sidii foosto la dhaaminayo oo biyaha si degdeg ah loogu shubayo oo kale ayaa ay u hadlaan? Mise hadalkooda waa ay qaabeeyaan, waa na ay qurxiyaan? Adigu, abuur ahaan, sidee ayaa aad u hadashaa, jeerka aad doonayso hadalkaaga in aad deeqsiiso qof ama ummad?
Caqligal weeye dadka qayb ka mid ahi in ay iska hadlaan uun—oo hadalkooda aan wax ba laga garan; sababtu iyada oo ay tahay sida loo hadlo oo aan ay garanayn.
Shacabku kuwaa oo kale ma jecla in ay dhegaystaan, waqtigooda na wax ba ka ma siiyaan. Illow se waxa jira kuwo kale oo ay jecel yihiin in ay dhegaystaan, waqtigooda na wax badan ka siiyaan. Kuwaasi, hadda ba, waa kuwee?
Waa kuwa jeerka ay hadlayaan si tartiibsan oo farshaxamaysan u hadla. Hadalkooda waxa ay u yeelaan xiise iyo dhadhan badan, kol kale fikir iyo gorfayn badan. Iyaga oo qaabaynaya mise na qurxinaya hadalkooda, ayaa ay meelaha qaar joogsadaan, meelaha qaar hakadaan, meelaha qaar iftiimiyaan, meelaha qaar xoojiyaan, meelaha qaar amakaagaan, meelaha qaar shakkiyaan—oo meelaha qaar kala saaraan hadalkooda iyo xigashadooda.
Intaa waxa u raaca, codkooda oo ay bedbeddelaan: mar ay ka dhigaan mid sare iyo mar ay ka dhigaan mid hoose, iyo xattaa mar ay ka dhigaan mid isku dhex jira. Calaamadahaa badan ee kala cayncaynka ah sababta qudh ah ee loo adeegsanayo, hadalka socda in aan lagu caajisin ka sakow, macnihiisa iyo ujeeddadiisa saani in loo fahmo weeye. Maanta oo dhan wixii aad sheegaysay nuxurkii iyo, weli ba, dabuubtii aad ka lahayd haddiii dadku garan waayaan, tacab khasaar kuu dhiman miyaa aad garanaysaa?!
Kaasi waa hadalkii. Qoraalka aynnu u nimaadno. Sababta keli ah ee qoraalku ugu baahday astaamayn waa isla sababta keli ah ee hadalku ugu baahday astaamayn. Qudh ah waa waxa aad rabto in aad sheegto si qumman oo habaysan in loo fahmo macnihiisa iyo ujeeddadiisa. Farshaxannimada la sheegsheegaa na sawirrada iyo xogaha ku jira caqligaaga waa in aad si fudud u soo saartid, dabadeed waa in aad si fudud dadka caqliyadooda ugu shubtid. Qoraalku isaga ayaa uga baahi badan hadalka adeegsiga astaamaha kala duduwan.
Waayo? Qofku marka uu na la hadlayo, dhammaan siyaalooyin kala geddisan waxa uu u isticmaalayaa xubnaha jidhkiisa, xubin kastaa na waxa ay lee dahay dareen (ama dareemo). Dareenkaa aan helaynno ayaa naga kaalmaynaya wax badan in aan sii fahamno, wax badan oo kale na isla kolkooda in aan fahamno.
Laakiin qofku marka uu wax noo qorayo, dareenkaa sida tooska ah ee muuqata aan u helaynno, xaqiiqdii, waa uu ka maqan yahay. Waa na sababta ay u dhacdo, qoraal kaftan looga jeeday in la moodo run, ama mid run looga jeeday in la moodo kaftan. Ama hadal maad looga dan lahaa in laga xanaaqo—ama caksigeeda.
Sidaa darteed, astaamaynta qoraalka si fiican u barashadooda iyo si habboon u adeegsigooda ma aha uun shay wanaagsan, bal se waa shay waajib ku ah qof kasta oo doonaya in uu wax qoro. Qoriga Aakeega ah, xabbadaha ku jira si wanaagsan u rididdooda iyo qoriga laftirkiisa si xirfadaysan u qabsashadiisa, saw ku ma aha askariga waajib?
Qoraagu na waa tabtaa oo kale. Qoraaga aan wax ba ka aqoon cilmiga astaamaynta qoraalka, ama astaan kasta aan dhigi karin booskeeda saxda ah, waxa uu la mid yahay askari aan wax ba ka aqoon cilmiga rididda qoriga, oo xabbad kasta aan ku dili karin qofkeeda cadowga ah.
Astaamaynta qoraalku, qeexid ahaan, calaamado kala muuqaal iyo hawl duwan weeye, kuwaa oo loo adeegsado qoraalka, qoraalku si uu u noqdo mid si wacan loo akhrin karo erayadiisa, dhan kale na si uu u noqdo mid si cad loo fahmi karo ujeeddadiisa. Astaan la muuqaal ah astaan kale ma ay jirto. Tusaale ahaan, astaanta joogsiga ( . ) waa mid ka muuqaal duwan astaanta joogsihakadka ( ; ). Sida oo kale, astaan la shaqo ah astaan kale ma ay jirto.
Mid wali ba waxa ay lee dahay shaqooyinkeeda gaarka ah. Meelayow hawl isku mid ah ay ka qabtaan waa ay jiraan—waa se wax naadir ah. Giddigood ujeeddada midka ah ee ay u adeegayaan, hadalka qoran akhriskiisa in ay fudaydiyaan weeye iyo, tabta oo kale, macnihiisa in ay caddeeyaan. Waa ba Intaa uun!
Muhiimadda astaamaynta qoraalka waa mid aynnu si dadban u soo sheegnay. Ruux kasta oo qoraa ahi waxa uu aad u jecel yahay in la wada fahmo hadalkiisa—oo weli ba la wada fahmo macnihii iyo ujeeddadii uu lahaa. Sidaa haddii ay dhici waydo, qawmamo badan ayaa uu dareemayaa; taa oo soo noqnoqota na suuragal waxa ah qalinka iyo qoraalka ba in uu iska daayo. Hadda ba, waaqiciyyan, calaamadaha qoraalku waa kuwa kaa ilaalinaya qawmamadaa ku soo waajihi lahayd—ee kuu ba diiddi lahayd waxqorista. Saw markaa ma aha muhiiim? Waxa aan ujeedaa: Saw markaa ma leh mudnaan ama waxtar badan? Waxa aan filayaa warcelintu in ay tahay, “HAA!”
Qormadaydan aan ku soo afmeero sheeko dhacday waa hore oo inoo sheegaysa waxtarka calaamadaha qoraalka. Siyaabo badan ayaa loo wariyaa, se qaab guud ayaa aan u warinayaa anigu. Magaceeda waxa la dhahaa: “Hakad Waxa Uu Dili Karaa Qof!” Magaalo ka mid ah magaalooyinka dunida ayaa waxa ka baxsaday nin aad loo doondoonayay oo halis ahaa. Dabadeed, kooxo badan oo ciidan ah ayaa hal mar loo wada diray raadinta iyo sooqabashada maxbuuskaa daran. Saraakiisha guud ee ciidanku mar ba waxa ay raacayeen cutub gaar ah.
Doondoonistii iyada oo lagu jiro, ayaa cutub aan ay la soconin saraakiishii sarsare, waxa ay arkeen oo qabteen shakhsigii cadowga ahaa ee la baadigoobayay. Bacdayn, arrintii waxa ay gaadhay madaxdii sare, hoggaamiyihii ciidanku na waxa uu kornaylkii cutubka u soo qoray warqad ay ku qornayd, “Kill him, not wait for me!”—oo af Soomaali ku noqonaysa: “Dila, aniga ha i sugina!” Laakiin, dhab ahaantii, isagu ma uu doonayn sidaa.
Ujeeddadiisu waxa ay ahayd in uu qoro sidan, “Kill him not, wait for me!”—oo af Soomaali ku noqonaysa: “Ha dilina, aniga i suga!” Kornaylkii cutubku markii ay soo gaadhay ee uu akhriyay warqadda, amarkii ayaa uu u hoggaansamay—oo ninkii cadowga ahaa ayaa uu isla ilbidhiqsigii ba amray in la dilo, waa na la dilay. Ninkii dhimay; hakad ayaa galaaftay aan la dhigin booskiisii saxda ahaa!
Ma arkaysaan sida wax ay u dhaceen?
Hal calaamad oo aan loo adeegsan si fiican, oo la dhigay meel gef ah, ayaa qof dhan oo nool galaafatay noloshiisii oo dhan— oo saartay “baska aakhiro!” Ka warrama haddii loo adeegsan lahaa si qumman? Xaqiiqadu waxa ay tahay shakhsigaasi ma uu dhinteen, saw ma aha? Hadda ba, astaan keli ah haddii ay qof dili karto, ama noolayn karto, ma waxtar intaa ka weyn baa aad garanaysaa adigu oo mawduucani uu lee yahay?
Waxa aan u malaynayaa jawaabtu waa, “MAYA!” Jaalle, hadda ba, astaamaynta qoraalka u baro ruux nool oo Ilaahay karaameeyay sabab in aad aan u noqonin dilkiisa—oo dunida korkeeda aad aan ku noqonin “gacankudhiigle weyn!” Gacankudhiigle wax ku dilay calaamad!!!

Fikirkaada Waa Muhiim