Maantay waxa aan is dultaageynaa maadada  “Nutrition-ka” ama Nafaqada.

Nafaqada waa cilmiga lagu barto sida jirkeenna uu u isticmaalaa cuntooyinka aanu cunno.

Waxaa jiro shirkado badan oo kashaqeeya soo saarista cuntooyin baakadeysan, kuwaas oo waxaa shaqaale u ah dadka barta nafaqada iyo cuntooyinka.

Sidookale dadka  barta maadadaan waxa ey kashaqeyn karaan tacliinta, cilmi barista iyo latalinta.

Hadaba Meeqo Nuuc Ayaa Looqeybiyaa Nafaqada:

Waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo aad uwaaweyn, waxaana lagu kala magacaabaa:

  • Macro-nutrients.
  • Micro-nutrients.

Marki aan sii sharaxno waxa loola jeedo macno ahaan labadaan eray ee aan kor kusoo xusnay, waxa aan ku qeexi karnaa in “Macronutrients” uu jirkeenna xaddi badan uga baahanyahay si’aan uga dhiganno tamar, waana halka ey isugu soo aruureyso tamarta jirka meesha uu kahelo.

Macronutrients: waxaa hoos yimaado nuucyo cunta ah oo loo yaqaan Carbohydrates, Protiens, Fats.

Sidookale “Micronutrients” waa qeyb kamid ah cuntooyinka, jirkeenana waxa uu uga baahanyahay qaddar yar. Macnaheedu ma’ahan in uu jirka kamaarmo laakiin waa in aan uga baahannahay qaddar yar.

Micronutrients: waxaa hoos yimaado nuucyo cunta ah oo jirkeenna difaaciisa iyo hormarinta caafimaadkiisa muhiim ah sida Vitamins, Minirals.

Jirkeenna waxa kale ee muhiimka u ah waa biyaha, waxa uuna jirkeenna xaddi ahaan uga baahanyahay qaddar badan in aan cabno, qiyaas ahaan waxaa jirkeenna kufilan ayaa lasheegaa illaa 12galaas maalinkii in aan cabno.

Fikirkaada Waa Muhiim