Waxkasta waxa ay kala leeyihiin dabeecado kala jaad ah oo aan isku mid ahayn. Bini’aadanka waa kala duwanyahay ilaa xad, isku midna ma ahan xaqiiqdii. Waxa jira dad jecel khiyaaliga iyo sheekooyinka iyo dad jecel xaqiiqooyinka iyo qisaska iyo kuwo aanba intaas midna jeclayn.

Dadka jecel khiyaaliga waa dad inta badan xiiseeya waxyaalaha been abuurka ah ama xiiseeya wixii markaas soo baxa un. Waxa lagayaabaa in aad la kulanto dad meel ku sheekaysanaya oo dhammaantood aan ka hadlayn run balse ka hadlaya oo keliya sheekooyin ban abuur ah iyo falsafad aan sal iyo raadtoona lahayn.

Dadka jecel khiyaaliga waa dad inta badan xiiseeya waxyaalaha been abuurka ah ama xiiseeya wixii markaas soo baxa un.

Waxa lagayaabaa in aad la kulanto dad meel ku sheekaysanaya oo dhammaantood aan ka hadlayn run balse ka hadlaya oo keliya sheekooyin ban abuur ah iyo falsafad aan sal iyo raadtoona lahayn.

Waxay kaloo ka hadlaan had iyo jeer wararka kutiri kuteenka ah iyo hebel wuxuu yidhi? Iyo heblaayo waxay tidhi? IWM.

Dadka cayn kaas ah waxa ku badan dadka fadhi kudirirka isugu yimaada, meel kasta oo fadhi kudirir ka jiro waxaad ugu imaan been, baala xooftan iyo arrimo kale, dhaleecayn iyo difaac.

Haddii aad ufiirsato dadka goobahaas ubadan waa dadka aan jeclayn in maankooda ka shaqeeyaan, caqligooda maamulaan, fikir wanaagsan aan keenin.

Waxayna iska jecelyihiin in la dhaho hebel waa aftahan oo fadhi kudirirka laguma haysto, waa khatar, loomana geli karo, isaga intaas oo qura {Qudha} baa ugu filan faan iyo ammaan. Wuxuuna isku haystaa in uu yahay halyey aan loo gali karin.

Inta badan haddii ninka noocaas ah la keeno goobaha dadweynaha isugu yimaadaan ama xafladaha oo la dhaho hebel kaalay la hadal dadkaan oo wax usheeg, waxa lagayaabaa in uusan isku aadin labo erey waayo waa qof ku caan baxay in uu usheekeeyo koox yar oo boqolaal mowduuc oo aan islahayn halmar madaxa laysku gesho  balse uusan ubaran in ummad meel isugu timid ujeediyo hal mowduuc taasina ay ka dhigto mid isku dhexyaaca oo aan lahayn hadaf.

Waxa dhacda in dadka noocaas ah ay ku fashilmaan goobaha laysugu yimaado ama fagaare ka hadalka.

Haddaba waxa jira kuwa jecel aaladaha layska daawado in ay waxku gudbiyaan sida muuq-baahiyaha, maqal-baahiyada iyo aaladaha kale sida Facebook-life IWM.

Waxa dhacda in dadka badankooda aysan ka hadli karin dadka hortooda balse keligood kolka ay yihiin ay maskaxdoodu aad ushaqeynayso.

Waxa jira dad aan tagin goobaha fagaare ka hadalka ama fadhi kudirirada, goobaha cawaysyada, xafladaha iyo meelaha dalxiiska oo aanba jeclayn tamashlaynta iyo in ay meel kasta tagaan dadka noocaas ah aad bay ugu badanyihiin bulshada dhexdooda.

Waxa jira kuwa afgaaban oo aan hadal badnayn, dadkana aan dhexgelin, inta badana aan lagu arkin goobaha xafladaha, barnaamijta lagu hayo balse taga meelaha lagu casuumo ama u arkaan in aqoon ka soo faa’idayaan, dadka noocaas ah aad bay ugu badanyihiin Soomaalida.

Astaamaha dabeecadahooda:

Fadhi kudirirka

  1. Waxay jecelyihiin in ay ka hadlaan wixii markaas taagan oo siyaasada ah hadday ahaan lahayd arrimo xasaasi ah oo markaas dunida ama gobolka ka taagan in ay ka faaloodaan iyagoo ukala baxaya kuwo wax taageersan iyo kuwo aan taageersanayn waxa markaas taagan.
  2. Faanka, waxay jecelyihiin in la dhaho hebel waa aftahan looma geli karo, lalama doodi karo, qofkasta meel buu ku xirayaa, guushooda ugu weyn waa intaas.
  3. Dadka noocaas ah waxa u badan dhalinyarada camal la’aanta ah oo waqtigooda halkaas kulumiya iyo dadka balwada leh oo iyaga marqaanku ka dhex  tusay wax aan jirin. Iyo siyaasiyiin ku soo hungoobay saaxadda siyaasada oo goobahaas ku qaata nafis si ay isaga saaraan waxa uurka ugu jira.
  4. Waa dad had iyo jeer jecel in ay ka sheekeeyaan wax aan jirin ama loo yaqaan sheeko khiyaaliyeed. Waxayna aad ubuunbuuniyaan oo run kadhigaan been cad iyagoo ugeliya dhar si looga dhaadhiciyo dadkaas in waxaan yihiin xaqiiqo dhab ah oo dhacday. Waxayna isugu daraan dhaar, qosol iyo gows qaniin iyagoo isku dayaya in beentooda ka dhaadhiciyaan qofka ay uwaramayaan si loo rumaysto. Bulshada Soomaaliyeedna waxayba ku qaaday kooba adduunka dhankaas.
  5. Ma tagaan dadkaas noocaas ah goobaha cibaadada, aqoon korarsiga, lamana kulmaan dadka cilmiga usaaxiibka ah, caqligaleh, waayo araga ah iyo waxna ka faa’idayaan.
  6. Waxayna had iyo jeer dhagaystaan siyaasiyiinta iyagoo awoodda qalbigooda iyo maankooda isugu geeya waxa ay leeyihiin si ay ufalanqeeyaan hadhow.
  7. Waa dad jecel kutiri kuteenta iyo hebel wuxuu dhahay, waxayna raadshaan xanta iyo ceebaha qof leeyahay ama dowladda IWM.

 Dadka baraha bulshada adeegsada.

  1. Waxay jecelyihiin in had iyo jeer soogalaan life,  ama wax qoraan maqaalo been ah ama kuwa run ah.
  2. Waxayna dadka ku khasbaan kuwa isticmaala live-ka in loo baahiyo {Share} gareeyo waxa ay soodhigaan. Waxaana aragtaa iyaga oo dhahaya share dhaha wallaahi waxba ka hadlimaayo. Haddii aad rabtaan in aan idin sheego waa in aad faafisaan waxa dhahaayo.
  3. Waxayna aad uga hadlaan dadka noocaas ah qabiilada, cayda qof ama bulsho meel degan si ay ku helaan faalo iyo falcelin iyo baahinba.
  4. Waxayna intooda badan jecelyihiin in ay qabiil caayaan iyagoo u arka in loogu yeedho hebel waa belaayo sida uu baalaha uga rifay qabiil habel ma aragtay. Waxa lagayaabaa in xumahaas lagaarsiiyo malaayiin ummad ah halka kheyrka aysanba baahin.
  5. Bulshaduna waa jeceshay badankooda ninka qabiilada caaya waayo bulsho qabaliya oo aan eegin wax ka baxsan qabiilkooda iyo dantooda.
  6. Dadka noocaan ah waa dadka ugu afgaroocsan kolka ummadda la soo hor istaajiyo, waxna kuma hadlaan luqunta ayay marba gees uleexleexshaan iyagoo gorodda  laadlaadinaya.
  7. Waana dadka ku khiifa ama waasha kolka uu ku bato Face-book lifeka, dharkayna dhigaan sida aad ku aragtaan dad badan oo baraha bulshada aad u isticmaala.
  8. Dadkaan waxay kala midyihiin fadhi kudirirkii matagaan goobaha kheyrka lagu kala faa’idaysto iyo dadka xigmadaha lehna maba raadsadaan buufle iyo faanoole aan ahayn.

Dadka dhalanteedka jecel

  1. Waxa jira dad jecel dhaldhalaalka markaas arkaan, waxayna iska jecelyihiin baashaalka aan sii fogayn.
  2. Waxay had iyo jeer laga waayin goobaha loo dalxiistago, xafladaha, aroosyada, meel kastana sawir bay la taaganyihiin.
  3. Waxayna aad uga helaan in la dhaho hebel waxa uu joogay meel hebla wallaahi waa kala kacsantahay meeshaas.
  4. Waa dad jecel faanka, islawaynida iyo halagaa sheego.
  5. Waxa lagayaabaa in aad ku aragto dadkaas goobaha fagaare ka hadalka, xafladaha waa weyn, meelaha cilmiga laysugu yimaado balse kama faa’idaystaan. Ujeedkooduna waxa weeye waxaan ka qeyb galay barnaamijkaas noocaas iyo noocaas ah balse haddii la dhaho maxaa laga hadlaayay aan ku siinayn jawaab sax ah.
  6. Waa dad jecel sheeko faneedka iyo khiyaaliga waxayna taas kala midyihiin fadhi kudirirka.

Dadka afka gaaban

  1. Waxa jira dad aan hadal badnayn, afgaaban, wixii la waydiiyo bes ka jawaaba.
  2. Waxayna dadka noocaas ah isugu jiraan kuwo aqoonyahano ah, xigmad badan, abwaano iyo kuwo aan intaas ahayn.
  3. Dadka xigmada badan, aadka ufekerka badan, ka fiirsashada badan waa dadka had iyo jeer aamuska badan ilaa mar dhif ah mooyaane.
  4. Meel kasta ma tagaan ilaa meel looga yeedhay oo lagu khasbay maahane. Waana dadka jecel un in ay ka hadlaan wixii wanaag u arkaan, dadkuna ay ka faa’idayaan, waxaana lagayaabaa in dad badan iswaydiiyaan qofkaan ma nacasbaa, ma murugo ayaa haysata mise waa qof madaxa looga jiro mise waa maskiin. Wuxuu doono ha ahaado balse dadkaan waa qof ku socda ra’yigiisa bes aan qaadan qof kale waxa uu usheegay ilaa arrin laga fursan waayo maahane.
  5. Dadkaan ma socod badna, goobtooda shaqo, gurigood, goobaha cilmiga baad ku arkaysaan un bes.
  6. Ma ubadna xafladaha, goobaha aan dan ugu jirin, sheekooyinka khiyaaliga ah, beenta iyo islawaynida.
  7. Waxay jecelyihiin in keligood ahaadaan kolka ay fakarayaan oo ma jecla in laga qaso, ma jecla waydiimaha badan oo waa dad maskaxdooda aad uga shaqeysiiya. Waxayna jecelyihiin in la waydiiyo waxa macquul ah, jawaabtana lama soo degdegaan ilaa mid ay ka fiirsadaan maahane.
  8. Ma saaxiib badna dadkaas waayo ma ahan dad dhexgala bulshada inyar oo isfahmi karaan mooyaane. Waana dad wanaaga un jecel bes. Waxayna jecelyihiin qofkasta in ay isku bartaan wanaag iyo Alle dartiis.
  9. Waa dad jecel akhriska, qoraalka, iyo mala’awaalka. Waxayna sii doorbidaan in keligood fekeraan oo aysan dadka dhexgelin.
  10. Dadka noocaan ah qof kasta iskuma dhacaan hadday isku dhacaana waa dhif iyo naadir, maalintaas ayaana kugu dambaysa. Waana dadka hal mar kaca.
  11. Ma jecla waxka sheega dadka iyo faafinta siraha iyo ceebaha dadka kale. Waxayna jecelyihiin waxay dadkaas raaali kayihiin un in la faafiyo.
  12. Dadkuse qofkaas oo kale waxyaalo badan bay ka aaminaan, qof nacas ah, maskiin ah, qof aan waxba la joogin, jaahil ah, duluf ah, qof maskaxda looga jiro, qof welwel haysta, qof isku dhexyaacsan IWM. Balse sida mooday ma ahan.

Waxa lagayabaa in aad isku aragto dabeecado aad leedahay iyo kuwa aadan lahayn intabada, weligaana ka qaado inta wanaagsan ee ha eegin inta xun ama  ku quseen.

Waxbadan akhri, qalbigu hakuu noqdee mid hodan ah oo xigmad badan. Inta aad wax akhriso ayuu caqligaagu noqon.

Fikirkaada Waa Muhiim