Tarabiyaynta, daryeelidda, kobcinta garaadka caruurta waa asaaska guriga. Barbaarinta awlaada waa lagama maarmaan, waxayna uhorseedaa adduun iyo aakhiraba in uu liibaano. Si taas loo helana waa in la helaa 6 daan qodob.

  1. Hooyo wanaagsan: Hooyada wanaagsani waxay ka qeyb qaadataa  korinta ilmaha, waana tiirka kowaad sababtoo ah hooyadu haddii ay xumaato ilmuhuna waa xumaanaya hadday wanaagsanaatana ubadku waa wanaagsanaadaa. Qoysku waxa uu ka kooban yahay Aabbe, Hooyo iyo Awlaad, haddii mid kamid ah uu meesha ka baxo ama uu xumaado waxaa lumaya meeshana ka baxaya tarabiyadda caruurta. Aabbe si aad u hesho caruur wanaagsan, dooro hooyo wanaagsan, tarabiyaysan, akhlaaq wanaagsanna leh.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى
اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( تُنْكَحُ الْمَرْأَةُ لِأَرْبَعٍ :
لِمَالِهَا ، وَلِحَسَبِهَا ، وَلِجَمَالِهَا ، وَلِدِينِهَا ، فَاظْفَرْ
بِذَاتِ الدِّينِ تَرِبَتْ يَدَاكَ.

 Rasuulkeena suuban wuxuu yiri: Afar baa haweeneyda loo guursadaa; Maalkeeda, Quruxdeeda, Nasabkeeda iyo Diinteeda, balse ku dadaal midda diinta leh. Haweenaydu waxay mas’uul katahay guriga iyo wixii yaal oo dhan. Waa in ay ka soo baxdaa waajibaadkeeda. Sida ilaalinta nafteeda, awlaadeeda, gurigeeda, ammaanada IWM.Nebigu wuxuu yiri:

والمرأةُ راعيةً في بيتِ زوجها ومسؤولةٌ عن رعيتها)) البخاري ومسلم

Qiso yar

Nin baa guursaday naag markii uu inbadan qabay bay gabadhii uur yeelatay, maalintay uurka  yeelatay ninkii waxaa la soodarsay siduu ku barbaarin lahaa ilmaha yar ee caloosha hooyadii kujira, markaas  buu utagay nin saaxiibkii ah  waxa  uu ku yiri ninyahow waxaan qabaa xaas, waxayna iileedahay uur marke seebaan ilmahaa uurka ku jira u tarabiyeeyaa?

Macalinka waxbaraya waa in uu yahay mid ka muuqato akhlaaq iyo diin wanaagsan, si ilmuhu ugu deydo. Waa halka ay Soomaalidu ka dhahdo Ninka kabta ka tolanayso kabtiisaa la eegaa oo ay ula jeedaan ruuxa wax tarabiyaynaya waa in isagu tarabiyad qabaa.

Ninkii ayaa ugu jawaabay hadda su’aashaas iima taal, waxaa lagaa rabay hadda ka hor inta aadan naag guursan in aad ila timaado laakiin maanta adoo naag qaba haddii aad dhahdo ilatali waa igu adag tahay taas.  Dulucda sheekadaan yar waxay inoo muujinaysaa in inta aadan guursan aad ka fiirsato xaaska  aad yeelanayso si aad u  heshaan awlaad  barakaysan.

  1. Aabbe wanaagsan: Hooyo ka feker ubadkaaga, ma doonaysaa in aad hesho aabbe kula koriya caruurtaada si ay unoqdaan kuwo ka dhisan meel walba sida Akhlaaq, dhowrsanaan, sharaf iyo mustaqbal suuban. Aabbe ma doonaysaa in ay ilmahaagu kuu noqdaan kuwo baariyiin ah, ku anfaca, baariyiina kuu noqda ka qeyb qaado korintooda iyo taakulayntooda. Aabbuhuna waxa uu mas’uul ka yahay ehelkiisa waana laweydiinayaa.

ومن السنة يقولُ- صلى الله عليه وسلم-: (( الرجل راعٍ في أهله ومسؤولٌ عن رعيته

3. Iskuulka: Haddii uu iskuulku yahay mid aan macalimiin iyo maamul fiicanna lahayn ubadku waa ku duloobaan, ma noqdaan kuwo si wanaagsan utarabiyaysan.
4. Dugsiga qur’aanka: Ilmaha inta uu yaryahay ayaa labaraa akhlaaqda wanaagsan, dhowrsanaanta, dulqaadka, xilkasnimada, deganaanta. Sidoo kalena inta aan maadiga lagayn waxaa haboon in aad ilmaha geyso dugsiga si qur’aanka loobaro, tafsiirkiisa, axkaamta IWM.

Macalinka waxbaraya waa in uu yahay mid ka muuqato akhlaaq iyo diin
wanaagsan, si ilmuhu ugu deydo. Waa halka ay Soomaalidu ka dhahdo
Ninka kabta ka tolanayso kabtiisaa la eegaa oo ay ula jeedaan ruuxa
wax tarabiyaynaya waa in isagu tarabiyad qabaa.

5. Deriska: Derisku waxay ka qeyb qaataan tarabiyadda awlaada, haddii aad ladagan tahay deris wanaagsan, leh awlaad tarabiyaysan waxaa xaqiiq ah in ilmahaas uu noqonaayo mid tarabiyaysan, dhowrsan sidoo kalena akhlaaq leh. Balse haddii ay yihiin kuwo xun waxay saameyn ugeysanayaan caruurta, waxayna dhalan rogayaan hab dhaqankoodii wanaagsanaa, sidoo kalena waxay ka luminayaan jidkii wanaagsanaa iyo barbaarintii wacnayd. Haddii aad deris latahay reero xun, ka taxadar ama ka guur si aysan kaaga fadarayn awlaadaada.

6. Saaxiibka: Caruurtu waxay jecelyihiin in ay yeeshaan saaxiib si ay uwada socdaan, usheekaystaan, u ciyaaraan. Haddaba haddii uu saaxiibku xun yahay waxaa xumaanaya ilmaha waayo dhaqankiisa xun ayuu ku dayanayaan. Si ilmahaagu kugu hagaago waa in aad adi la saaxiibtaa, la sheekeysataa halkii uu ka raadsan lahaa saaxiib kale waa in uu adi kuu
yimaada oo waqtigiisa kula qaataa.

Alle subxaana watacaallaa wuxuu qur’aanka ku yiri:

(( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قُوا أَنْفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَاراً ))

(Kuwii Illaahay rumeeyayow uga baqa naftiina, ehelkiina naar).

Alle markale waxa uu yiri:

وقال عز وجل :  يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلادِكُمْ

(Illaahay wuxuu idiin dardaarmay awlaadiina).

Waa in aad ka taxadartaa awlaada, haddii aad fasahaadiso waxaad ogaataa in aad fasahaadisay adduunka oo dhan. Shar iyo Kheyr wixii ay la yimaadaan adaa ka masuul ah.Alle subxaana watacaalaa waxa uu qur’aanka ku yiri:

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ

“Waxaa kuu sugnaatay akhlaaq teeda ugu saraysa” Nabiguna waxa uu yiri isaga oo ka hadlaya akhlaaqda wanaagsan.
إنما بعثت لأتمم مكارم الأخلاق.

Akhlaadu waa qeyb muhiim ah oo lagama maarmaan u ah ubadka barbaarintooda. Haddii aad rabtaan in aad heshaan awlaad baariyiin ah, hagaagsan, hadhowna idin anfaca ka taxadara barbaarintooda si ay idiin anfacaan birito.

Raac qodobadaan:
1. Ilmaha marka uu dhasho ku adin dhegta bidix, kuna aqin dhegta midig. Markaas kadib ku qabo timir ama caano IWM. Ka dibna uduceeya ilmaha in uu Alle hanuunsho, ilmo baariyana Alle idinka dhigo.
2. Ilmaha ku ababiya hadal wanaagsan, mar walba isku daya in aad u sheegtaan wax wanaagsan. Waayo ilmuhu marka uu yaryahay waa cajilad, waxa uu duubaa waxa la dhoho afkaaga ayuuna la soconayaa mar walba. Haddaba ku dedaal in aad barto wax fiican.
3. Bar in Alle weyne jiro ilmaha. Ilmuhu marka uu yaryahay waxaa dhici karta in uu san waxba kala aqoon. laakiin waa wixii lagu ababiyo. Usheeg in Alle keliya uu jiro, abuurayna waxa koonka yaal oo dhan, si naxariisleh ugu sheeg. Sidoo kalena u sheeg in uu jiro Nabi Muxamed (NNKH).
4. Bar ilmaha in Alle la rumeeyo iyo Rasuulkiisa (NNKH), waajibna tahay in aan Alle wax lala wadaajin, sidoo kalena la rumeeyo Nabigeena.
5. Ilmaha yar waxa uu jecelyahay in uu wax ku weydiiyo mar walba, isku day in aad uga jawaabto. Sidoo kalena ka qanci waxkasta oo uu mugdi uga jiro cunuga.
6. Ilmaha inta uu yaryahay bar ixtiraamka iyo sida dadka loola dhaqmo. U sharax faa’idada ay leedahay in la qadariyo dadka qofka weyn iyo kan yar.
7. Bar ilmaha diinta, qur’aanka, salaada. Marka uu gaaro 7 sano ku khasba in uu tukado. Kuna dhiirigeliya ubadka in ay tukadaan si ay ilmaha ula qabsado salaada.
8. Uga sheekee qisaska. Ilmaha yar qisooyinka ambiyada, asxaabtii Rasuulka, taabiciintii iyo dhammaan dadka wanaagsan.
9. Isku daya ilmaha qudhiisa aad dhahdaan noo sheeg wixii aan kuu sheegnay si uu uxafido qisaska. Mar walba ugu soo celcesha qisooyinka nooceeda saameynta ku reebaya.
10. Jeclaysii diinta. Ilmaha yar fahamsii diinta islaamka, ku barbaari cunuga qur’aanka.
11. Uga sheekee aakhiro. Ilmaha u sheeg in maalin la isxisaabin doono, lana hortagaayo Alle subxaana watacaala. Qof walbana camalka uu adduunka ku shaqaysto in uu aakhirona latagaayo.

12. Sidoo kale uga sheekee jannada: Usheeg in Alle qofkii caabuda oo aan cidna wax lawadaajin (La shiriig yeelin), lana yimaada wixii la amray . Sidoo kalena ka reebtoonaada wixii laga reebay in uu jannada gelaayo. Usheeg in ay taal nimco aad ubalaaran jannada. ku barbaari ilmahaaga in uu u shaqaysto sidii uu Alle uraali gelinlahaa jannadiisana uhelilahaa.
13. U sheeg in ay jirto cadaab. Ilmaha fahamsii in qofkii Alle caasiya, xumaha ubareera, wanaaga ka dheeraada in uu galaayo cadaabta. Cadaabtuna ay aad udarantahay. Alle hana dheereeyee. Ku boori ilmaha in uu ka dheeraado wixii xun oo dhan iyo wax kasta oo Alle lagu caasiyo.
14. Tus ilmaha in uu yahay mas’uul. Kolka ilmaha la dhoho waxaad tahay qof muhiim ah, bulshadana kaalin wacan uga jira. tus sida wax loo maamulo  iyo sida loo maareeyo dhaqaalaha. Sii lacag una sheeg in uu barto sida loo maamusho lacagta. Mararka qaar wax ka weydiiya arrimaha qoyska iyo sida loo hormarinkaro.
15. Uqabta tartan caruurta. Ku tartansii diinta islaamka qeybaheeda kala duwan si loo kobciyo garaadkooda.
16. Abaal marino sii caruurta. Qofkii arrin wanaagsan sameeya in la abaalmariyo waayo ilmaha markii la abaal mariyo waxa uu ku dhiiranayaa in uu sameeyo wixii wax ka wanaagsan.
17. Ukeen hadyado: Ilmaha yar ka farxintooda waa shay muhiim ah. Waana lagama maarmaan in carruurta la siiyo hadyad si ay carruurtu u aragto in la jecelyahay. Farxadda ay farxayaana ay tahay mid wanaagsan. Haddii ay wiilal iyo gabdho ay jiraan ku hormari hadyadda gabadha waayo ruuxii gabar ka farxiyaa waxa uu lamid yahay qof Alle ka cabsi dartiis u ooyay. Mar walba isku day in aad gabadha raaligeliso, kana fekerto, ilgooniyana ku eegto. Marka aan leenahay gabadha ku hormari taas macnaheedu ma ahan in gabadha loo badiyo balse carruurta in loo cadaalad falaa waa mid waajib ah si isku midana wax loo siiyo.
18. La saaxiib ilmaha: Waa lagama maarmaan in aad la saaxiibto caruurta. Saaxiibtinimada ma ahan tan ay yuhuudu ku dhaqanto balse tan waa in aad ilmahaaga mar walba la sheekeysato, weydiiso waxa uu ubaahan yahay, meesha uu aadayo, waxa uu soo qabanaayo iyo waxa uu jecelyahay. Isku day in aad arrimaha hoose wax ka ogaato ilmahaaga si uu san ilmuhu u aadin ruux kale oo u sheegto waxa uu rabo in uu ku dhaqaaqo.
La sheekeysiga ilmaha waa mid lagama maarmaan ah, laf dhabarna u ah carruurta. Sidoo kalena waxay ka qeyb qaadanaysaa barbaarinta carruurta. Waxaad arkaysaa waalid carruurta iska fogeeya, la sheekeysan, hadday wax weydiiyaana garaaca ama ka aamusa, taasi waa dhaqan xumo kuma haboona ilmaha in sidaas iyo silamida lagula dhaqmo. Waayo waa muhiim ilmuhu. Haddii aad rabto in uu ku maqlo, ku addeec wixii lagu faro adi markaaga wixii wanaagsanna ku adeec.
19. Carrabka ku adkee xalaasha: Ma wanaagsana in marwalba la yiraahdo “kani waa xaaraan, kaasi waa xaaraan”. Inkasta oo lagaa rabo inaad xaaraanta barto, haddana sidoo kale u tilmaan waxa xalaashaa. Si ay u kala gartaan waxa xun iyo wixii ay badalkiisa samayn lahaayeen ee xalaal ah. Islaamka waxaa ka buuxa waxyaabo badan oo xalaal ah, Ilamahaagana u sheeg inay Illaahay (sareeye) ugu mahadnaqaan xuduudka uu u gooyay  ee cunada iyo dharka oo kaliya ku ekayn. Usheeg inay mahad ka sheegtaan indhaha ay wax ku arkaan, dhagaha ay wax ku maqlaan, gacmaha iyo lugaha, iyo nimcada ugu wayn oo ah inay Muslim yahiin.
20. Tusaale u noqo: Maadaama aad waarid tahay, waxa aad tahay tusaalaha ugu haboon ee caruurtu ku dayato. Haddii aad waaridkaa si xun ula dhaqanto, caruurtaada ka filo inay adigana sidaa oo kale kuula dhaqmayaan. Haddii aad dadka kale aadan xushmayn, caruurtaadu way kugu dayanaysaa.
Islaamka waxaa ka buuxa waanooyin badan oo xag Rabi (sareeye) ka yimid oo ku baraya sida caruurta loo barbaariyo. Waxaa waajib waaridiinta saaran ah inay noqdaan Muslimiin wanaagsan, si caruurtoodu ugu dayato.
Haddii aadan adigu diinta ku dhaqmin, caruurtaaduna muhiim u arki mayso. Waa in labaro  halyeeyada Muslimiinta ah oo ay ku daydaan. Maadaama aad adigu waaridkii tahayna waa in aad noqotaa halyeeygii ugu horeeyay ee ay Islaamka uga daydaan.
21. Isla tukada: Ilamaha cibaadada wada sameeya. Marka ay yar yihiin, ha arkaan adiga oo tukanaya. Durbadiiba, waxa aad arkaysaa iyaga oo kugu dayanaya. Salaadda subax u toosi, Idinka oo qoys ahna wada tukada (Tani waa mid ay waaridiin badan aanay samayn, waxayna keentay in dhalintu salaaddii iyo cibaadadii ka tagto, waayo, waaridkii ayaa kaligiis salaadda subax walba masaajidka aadaya, caruurtii oo salaad gaartayna waa iska hurdaan). Uga sheekee waajibnimada iyo abaalmarinta salaaddu leedahay, si ay u ogaadaan muhiimadda.
22. Ha halayn: Caruurta si sahlan ayaa loo halayn karaa, haddii la siiyo shay walba oo ay dalbadaan, waxay kaa filayaan inay marwalba waajib kugu tahay in waxay rabaan aad bixiso. Aad uga fakar waxa aad u gadayso. Ka fogow inaad ka badbadiso oo aad galiso raaxo xuduudka dhaafsan. Uwad oo tus qaybaha magaalada ee ay dadka aan cayrta ah ku noolyihiin, si ay u arkaan nimcada ay haystaan.
23. Cayaaraha: Rasuulku (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) waxuu dhiiri galiyay cayaaraha ay ka midka yihiin dabaasha, orodka iyo fardo-fuulka. Cayaaraha kale ee jirka quweeya, dabcigana dhisa sidoo kale waa wanaagsan yihiin; hase ahaatee, ka taxadar in aysan dhumin anshaxa Islaamka, dhar ku haboon gashadaan, rag iyo dumarna aan la isku dhexdarin.
24.  Ilmaha ha fadeexayn: Sidoo kale, dadka hortiisa ha ku fadeexayn. Caruurtu qalad way sameeyaan. Mararka qaarkood waxay qalad sameeyaan, iyaga oo isku dayaya inay waaridka raali galiyaan. Haddii aad caruurta u caraysan tahay si khaas ah kaligood ugu sheeg.
25. Ammaan ilmaha: Amaantu waa arrin caruurta aad muhiim ugu ah, khaasatan dadka hortiisa. Caruurtu qabkooda ayaa dhisma marka waaridkood dadka hortiisa ku amaano, waxayna isku dayidoonaan inay wanaagaa sii wadaan. Hase ahaatee, waa in amaantu ku salaysan tahay dhaqamada Islaamka waafaqsan iyo falalka dhaqan wanaagga ah.

26. Qoysku waa inuu is raaco: Marka aad meel aadaysaan, halkii ay ilmuhu saaxiibadood la socon lahaayeen, adiga iyo qoyska ha idinla socdaan (waayo inta caruurtu saaxiibadood la socoto, dhaqan xumooyin ayay ka baran karaan). Caruurtaadu ha ku dhexjiraan qoyska iyo saaxiibo wanaagsan oo aad ogtahay in wax xun aanay ka baranayn. Xasuusnow in caruurtaadu ay la midnoqonayso dadka ka agdhow oo ay raac-raacaan. Marka iska jir kuwa ay saaxiibka la yihiin, waxaana sidoo kale muhiim ah inaad adigu la socoto caruurtaada.

27. Caruurtu dadka waaweyn ha la fariisteen: Waxaa haboon in caruurtu ay dadka waawayn ku dhex jiraan, gaar ahaan marka muxaadarooyinka Islaamiga ah la qaadanayo. Nabigu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), wuxuu inta badan caruurta fariisin jiray safka hore marka uu dadka la hadlayo.
28.  Ilmaha u naxariiso: Naxariistu waxay dhashaa naxariis. Haddii aan ilmaheena u naxariisano, iyaguna dadka kale ayay u naxariisanayaan. Nabigeenu (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) wuxuu ahaa tusaalaha ugu wanaagsan ee u naxariisashada ilmaha.

عن جرير بن عبد الله رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه
وسلم : (( من لا يرحم الناس : لا يرحمه الله )) ( 1 ) . متفق عليه
{Qofkii aan dadka unaxariisan Alle uma naxariisto}.
29.  Ciyaartu, hal-abuurka iyo fadhiga ayay ilmaha bartaa: Marka ilmuhu ciyaar gaaro, ku dhiirigeli inay ku ciyaaraan qalabka kor u qaadaya fakarkooda iyo waxqabadkooda, waxa keliya oo aad ka taxadartaa in qalabka ciyaartu uu diinta waafaqsan yahay, dhibna aanu u keenayn. Ciyaarsiinta ilmaha waa hadiyad ka mid ah hadiyadaha uu waalidku ilmihiisa siinkaro. Ciyaartu waxay ilmaha ka caawisaa inay yeeshaan hal-abuur, ilmaha way ku dagaan, waxayna galisaa himad ay ku arkaan waxa ay awoodaan.
30. U akhrinta buugta iyo u sheekayntu waa muhiim: U bilow inaad ilmaha buugta ciyaalka u akhrido; iyaga oo yarna u sheekayso, si ay luuqadda iyo dhagaysiga u bartaan. Inaad horay ugu bilowdo ayaa aad u haboon. Buug u akhrinta caruurta waxa ay ilmaha iyaga oo aad u yar tusaysaa in waxbarashadu xiiso leedahay, waxayna baranayaan sida wax loo dhagaysto, oo loo qaato waxbarashada. 
Muhiimadda wax akhriska waarid walba wuu ogyahay. In caruurta buugta loo akhriyo waa jidka ugu wanaagsan oo ay guul ku gaaraan  aqoon ahaan iyo qof ahaanba. Talooyinkaan aan soo koobnay waa dulmar, laakiin waxaa haboon haddii aad rabtid in ilmahaagu aakhiro iyo adduun ku anfacaan, dad Muslimiin ah oo ay bulshadu wanaag ka sheegtana ay noqdaan, inaad fadlan barato casharada iyo buugta diiniga ah ee tarbiyadda caruurta ka hadlaya; waa waajib ku saran.

Ujeedada ilmaha loo dhalayana ma ahan tiro ee waa inay noqdaan kuwo tayo leh, si ay kuu anfacaan aakhiro iyo adduunkaba. Maanta waxaa badan dadka carabka ku dhufta tirade caruurtooda, iyaga oo inta badan hilmaama in tayaduna muhiim tahay. Caruurtu waa amaano Illaahay (sareeye) noo dhiibay.Waxaan ku barbaarin karnaa inay noqdaan dad Muslimiin ah oo sharaf leh, ama waan dayici karnaa oo waxaan ka dhigi karnaa dad aan wax qiimo iyo sharaf ah lahayn, oo diinta, bulshada iyo magaca qoyskaagaba fadeexo ku ah.

Muhiimadda waaridku intaas ayay le’eg tahay. Mas’uuliyaddaasi Aabbaha iyo hooyadaba waa saaran tahay, oo ma ahan mid hooyada ama aabbaha oo keliya lagu halaynayo. Caruurta ay dhaleen waaridiin tarbiyadda saxda ah yaqaana waxaa la gartaa marka ay bulshada soo dhexgalaan; halka kuwa waaridkood dayacay oo aan wax aadaab ah la barin ay bulshadu ka dayriso. Haddaba walaal, maanta bilow inaad mas’uuliyadda Illaahay (sareeye) ku waydiindoono aad ka soo baxdo. Haddii qoys walba caruurtiisa ku dadaalo, waxaa soo baxaya bulsho hagaagsan, taasina waxay dhalaysaa Ummad Muslimiin ah oo hagaagsan.

Fikirkaada Waa Muhiim