Sida caadada ah habeenka kowaad ee arooska, waa ka duwan yahay habeenada kale. Waayo waxaa isku cusub lammaanayaasha isguursaday khaasatan gabadha caruusadda ahi waxay dareentaa baqdin iyo yaxyax tira badan. Welwel saa’id ah, waxaana kabata xishoodka.

Ninka waa in uu la socdaa dareenka xaaskiisa cusub noloshuna ku cusubtahay. Isku day in aad dareensiiso in aysan biqin, garabkeedana joogto, wehel iyo lammaanena utahay.

Waxyaalaha ugu badan oo gabadha cabsida ku abuuraya waxaa keena:

  1. Waxay arkaysaa ummad badan, taasna waxay keentaa in ay dareento baqdin saa’id ah, farxaduna way yaraataa.
  2. Waxay cabsi ka qabtaa ninkeeda oo aysan garanayn waxa ay kala kulmi doonto.
  3. Gabadha cadrada ahi waa ka duwantahay gabadha carmalka ah. Gabadha carmalka ahi waxay horay usoomartay nolol lamida tay habeenkaa ku jirto. Waxayna noqonaysaa qof aan baqdin ka qabin habeenka kowaad ee aqalgalkeeda balse cadradu way ka duwantahay midda carmalka ah, waayo waa habeenkii ugu horaysay ee ay uhoyoto hoygeedii ay ku soo barbaartay, waxayna ka tagtay aabbeheed, hooyadeed, walaalaheed, dhammaan asxaabteedii. Waxay gashay jawi cusub, nolol cusub, guri cusub iyo qoys cusub.

Si baqdinta gabadha looga saaro waa in aad taxadar dheeri ah qabto la socoto xaaladeeda caafimaad. Waxaa laga yaabaa in ay ka baqayso dadka badan oo meesha isugu yimid iyo sowjkeeda cusub oo aysan horay ula dhaqmin. Dareensii farxad gaar ah, kana ilaali in ay cabsi dareento wewel. Waa habeen ka duwan habeenada kale.

17 Arrimood Oo Ninka Looga Baahan Yahay Inuu Sameeyo Habeenka Aqal Galka:

  1. Xishoodka gabadha: Waxaa inta badan dhacda in gabadhu aad uxishooto iyadoo ka cabsi qabta xaalada cusub ee markaas ay gashay iyo ninka ay uhoyanayso.
  2. Badqin: Xaaska kolka loo soo galbiyo guriga waxay dareentaa murugo saa’id ah waayo waxay ka cabsi qabta wajiyada badan ee isheedu qabanayaan iyo sowjkeeda oo markaas ku cusub.
  3. Dareensii farxad: Maadaama ay kuu tahay marti oo kaaga timid gurigoodii waxaa waajib ah in aad umuujiso farxad iyo dhoolacadayn adoo usheekaynaya.
  4. Hana dareensiin cabsi iyo in ay argagax kaa siiqaado gabadha.
  5. Xiro dharka aad ugu talo gashay jiifka, iyo wixii udug ah oo aad haysatana marso.
  6. Dhunko markasta xaajiyadaada adoo qabanaya gacanteeda, si naxariislehna u dhunko adoo la hadlaya.
  7. Iska ilaali in gabadha aad kula degdegto galmo iyo in degdeg waxkasta kugu siiso.
  8. Si waqti ay isku kaa diyaariso, adiguna isku diyaari oo xiro dharka aad ugu talogashay shaqada.
  9. Waxa lagayaabaa in gabadhu ay dareemayso xanuun ama ay qabto caado, haddaba hadday kuu dan sheegato haku khasbin gabadha in xoog wax uga qaadato.
  10. Waxaa lagayaabaa in aad is tiraahdo adoo nin rag ah sidee wax laguugu diidikaraa.
  11. Saaladda : Inta badan waxaa dhacda in dadka arooska galaya in ay ilaawaan cibaadada Alle iyo cabsidiisa. Qofka bini’aadamka ah iyo Alle waxa isku xira waa salaada haddaad ka tagto maxaa isku kiin xiraya adi iyo Alle?
  12. Haddii xaaska aysan qabin caado ama xanuun daran oo miyirkeeda uusan maqnayn haka yeelin in salaada ay ka tagto.
  13. Unaxariiso xaaskaaga mar walba. Kolkasta oo aad unaxariisato boqoradaada waxay jeclaysanaysaa oo dareemaysaa in ay haysato lammaane jecel oo ka taxadaraya nafteeda.
  14. Haka aamusin xaaskaaga marka laguu keeno, horay kala hadal usheekee farxadna dareensii, haddii ay kula hadli waydo ha canaanan waayo waxay kuu tahay marti noloshaada ayay ku soo biirtay waana kugu cusubtahay lammaanahaaga. Ujilicsanow sida hooyo ilmaheed oo kale, garabkana uraarici sida shimbirta ay ugu raariciso ilmaha yar ee shimbirta, il naxariislehna ku eeg sida ay sagaaradu u eegto kolka ay ilmaheeda laga qaato wiiqdana maqlayso.
  15. Inta aydan xaajadiina gudan waa inaad siisaa naxariis badan iyo dhunkasho, si naxariis leh u taabo, fiiri xaaladeeda oo dhagayso waxay ku tiraahdo, una tudh hadday baqayso ama ay walwalsantahay, ihtimaam sii dareenkeeda.
  16. Mar kasta dhunko xaajiyadaada adoo sujuuda ka shuminaya, si naxariislehna utaabo oo dareenleh.
  17. Sii cuno, hadday kaa diidana haku khasbin una kaadi in cabaar ah.

Ka Digtoonow Qodobadaan Soo Socda.

  1. Gurigaaga haku dhisin fisqi iyo xumaan. Waxaa dhacda inta badan qoysas Soomaaliyeed in ay habeenka arooska laysugu yeero inta iblays shaqada ku leeyahay sida; Fanaaniin, dad xumato shiil ah, aan garaad lahayn. Waxaa inta badan la sameeyaa in arooska laga jaaso, niiko la sameeyo, heeso laqaado iyo waxkasta oo aan Alle raaligelin.

إِنّ اللّهَ لاَ يُحِبّ الْمُفْسِدِينَ”
المائدة – الأية:
64.

{Illaahay ma jecla kuwa fasaadka wada}.

Iska ilaali oo ka feejignow in aad gurigaaga ka yeesho hoy shaydaan, oo yuusan Alle ku caroon caro gaarta in uu gurigu kaadumo ama ay kuu dhashaan caruur caasiyiin ah oo aan waalidna ixtiraamin Allena aqoon.

  1. Habeenka arooska waxaa dhacda in marar badan la arkaa in hablaha loo xiro Taaj kaas oo ah mid khafiif ah, dhammaan jirkeedana uu muuqanayo wax u qarsoona lahayn. Waa in aadan marnaba ka yeelin xaaskaaga in loo xiro Taajka. Haddiiba aysan lagama maarmaan noqona u xir Taajka nooca adag oo aan laga arki karin jirka gabadha. Asturayana dhammaan jirkeeda iyo badankeedaba.

Ha yeelin oo ha ogolaan in xaaskaaga iyada oo qaawan laguu keeno oo ay arkaan malaayiin rag iyo dumar kale ah.

(( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قُوا أَنْفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَاراً ))

{Kuwii Illaahay rumeeyayow ubaqa naftiina iyo ehelkiina naar uga cabsada}.

  1. Tagrifalidda dhisidda guriga. Waxaa inta badan dhacda in aroos lagu bixiyo malaayiin doolar oo lacag ah, taas oo ah ku xadgudub iyo tagro falid saa’id ah. Looma baahna in hanti saa’id ah ku bixiso dhisidda qoyska.

” إِنَّهُ لا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ ”
سورة الأنعام الآية
141.

{Illaahay ma jecla kuwa xadgudbay}.

Samee waxkasta oo aan Alle kugu caroonayn, kana farxi qoyskaaga adoon marnaba ku xadgudbayn nimcada Alle kusiiyay. Haddiiba aadan sadaqaysanayn balse aytahay ku macaash habeenka. Ogsoonow in lagu waydiin doono maalin aan maanta ahayn laguna oran doono xagee maalka ka keentay? Xageese ku bixisay IWM.

  1. Ka tagidda cibaadada Alle. Waxaa inta badan dhacda habeenka aqalkalka ilaa todoba baxa arooska in dadka qaarba aysan tukan. Ha ogolaanin in midkiin katago salaadda waayo addoonka iyo Allaah waxa u dhexeeya waa salaada oo qudha. Haddii aad ka tagto waxaad goysay xarigii Eebbe. Qofkii kataga hal salaad ulakac waxa uu lamid yahay gaalka aan Alle iyo Rasuulkiisa aqoonin.
  2. Haku dhisin gurigaaga maal xaaraan ah. Masiirka gurigaaga asaas ha uga dhigin maal booli ah oo la soo dhacay ama aad ogtahay in uu yahay xaaraan. Waxkasta oo wanaagsan Alle waa jecel yahay, waxa uu inoo xalaaleeyay waxbadan. Waxa uu inaka xarimay wax yar kuwaas oo iyana nafteena udaran caafimaad ahaan.

Alle isaga oo ka hadlaya  waxa uu yiri:

المائدة (آية:87): يا ايها الذين امنوا لا تحرموا طيبات ما احل الله لكم ولا تعتدوا ان الله لا يحب المعتدين.

{Kuwa muuminiitaayow ha iska xarimina wixii wanaagsan oo Alle inii xalaaleeyay.  Hana ku xadgudbinina Illaahay ma jecla xadgudubkee.}

Sida aayadda kucad waa in aan wixii xalaal ah oo wanaagsan isticmaalnaa, sida cuno iyo lebis iyo hoyba. Sidoo kalena waxaa nala karabaa in aan iska ilaalino inta wanaagsan oo xalaasha ah lidkeeda oo ku yimaada booli. Waana xaaraan gurigii lagu dhisanaa waxa uu lamid yahay guri booli lagu dhisay oo kale. Haddaba iska jir in aad gurigaaga ka yeesho guri macsi iyo xaraan lagu unkay.

  1. Waxaa dhacda in xaaskaagu ay xanuunsantahay habeenka aqalgalka ama ay caado qabto. Ha ku dhibin xaajo adoo shahwaadkaaga gudanaya. Waxaa laga yabaa in gabadhu ay xanuunsan tahay oo aysan xamili karin shaqada gogosha taasna ay kuu muujiso dareenkeeda. Ama waxaa lagayaabaa in gabadhu habeenkaa caado qabto, kuuna sheegto in ay caado qabto haku khasbin gabadha in ay ku siiso jirkeeda iyadoo kuu sheegtay in dhiiga caadada uujiro.

Ka digtoonow mar walba arrimahaas oo kale waana wax yimaada inta badanna dhaca. Sida aan ku arkay dad badan oo arrimahaas ku dheceen.

Nasteexada iyo naxariistu waa shay qaaliya. Una xariiso xaaskaaga. Qofkii aan dadka unaxariisana Alle uma naxariisto. Waxaa daliil u ah xadiiskii uu soo wareyay saxaabigii Jariir Bin Cabdullahi Alle raali haka noqdee {wuxuu yiri Nabigu (NNKH)  Qofkii aan unaxariisan dadka Alle uma naxariisto.}

عن جرير بن عبد الله رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (( من لا يرحم الناس : لا يرحمه الله )) ( 1 ) . متفق عليه

 

Fikirkaada Waa Muhiim