Inta badan waxaad maqashaan khilaafaad soo kala dhexgala lammaanayaasha isqaba balse ma garanaysaan sababta keena khilaafaadka qoyska.

  1. Kala shaki:- Shakiga  waa mida ugu weyn ee soo kala dhexgala labada lammaane, waana sababaha ugu weyn ee burburka qoyska keena. Waxaa laga yabaa in gabadhu ka shakido ninka, una qaadato in uu jiray meelkale ama  gabadh kale ku maqnaa. Taasna ay keento buuq iyo qeylo badan oo soo kala dhexgala labada lammaane, halkaasna ay ka dhalato in lakala tago.

Waxaa laga yabaa in ninka qudhiisa shaki kagalo xaaskiisa, ama uu isdhaho qoftaada meel kale ayay jirtay oo rag kale bay la socotay.

  1. Dirediraalaha {Saddexeeye}:- Saddexeeyaha waxaa loola jeeda qofka soo kala dhexgala labada qof oo isjecel, una kala qaada war been ah si uu ukala geeyo labada lammaane. Waxaa laga yabaa in uu war ka sooqaado gabadha uu dhaho ninkaaga waxa uu la saaxiib yahay naag kale oo watwataa ama ninka ayuu ku dhahaya xaaskaagu waxay la socotaa niman, suuqa ayay la aadaa, guriga ayuu yimaadaa IWM.
  2. Labada qoys: Waxaa iyana dhacda in wiilka iyo gabadha labadooda qoys ay isfahmi waayaan, khilaafaad ka dhex dhasho taasna ay sababto in khilaafkii labada qoys soo kala dhexgalay ay saameyn ku yeelato reerkii dhisnaa, halkaasna uu ku yimaado qoys burbur. Waxaa laga yabaa in wiilka ama gabadha cidka socota ay ku khasbaan in gabadha la furo, taasna waa mid inta badan bulshada aad ugu badan saameyntooda.

Imisaad arkaysaan gabadha reerka inta looyimaado in la dhoho naa ninkaan kuuma qalmo, naag dhabankaa leh baad tahaye iska siidaa oo iska fur mid kuu qalma ayaa suuqa ka helaysaa. Ama reerka wiilka ayaa ku khasba gabadha in uu iska furo iyagoo cilado kale umuujinaya shaydaana wehel uyahay.

Waxaa mararka qaar dhacda in ninka uu ka masayro naagtiisa, ama uu arko iyadoo rag kale la socota, iyana ay keento in lays waydaarsado hadalo xanaf keeni kara uuna ka dhasho ifur iyo waan ku furay.

  1. Dhaqaalaha:- Waxaa laga yaabaa in ninka uusan hayn wax shaqo ah ama ay tahay mid aad uyar, taasna ay keento khilaafaad soo kala dhexgala labada lammaane. Waxaa laga yaabaa in gabadhu ku khasabto ninka in uu furo, taasna ay sababtay dhaqaalo yarida qoyska. Waxyaalaha ugu badan oo qoys burburka keena waxaa ugu badan waa xagga dhaqaalaha.
  2. Maseyrka:- Masayrku waxa uu ka qeyb qaataa burburka qoyska. Waxaa laga yaabaa in wiilka uu guursado gabadh, ayna ka masayrto xaaskiisii hore halkaasna uu ka dhasho dagaal, qeylo iyo muran joogta ah, ayna sababto in lakala tago. Amaba in gabadhu ka shakido ninka in uu xaaskale leeyahay iyo inkale.

Waxaa mararka qaar dhacda in ninka uu ka masayro naagtiisa, ama uu arko iyadoo rag kale la socota, iyana ay keento in lays waydaarsado hadalo xanaf keeni kara uuna ka dhasho ifur iyo waan ku furay.

  1. Caadada: Xilliga gabadhu qaan gaadho waxaa ku dhaca dhiiga loo yaqaan xaydka ama caadada. Dhiiga caadada waxa uu keenaa isbeddel dhanka gabadha ah, waxaa lagayaabaa hormooniska gabadha ka imaanaya in ay u keento xanuun, taasna ay sababto in uu isbeddelo dhaqankeedii, feker badan ku dhasho, muran joogta ah ay la timaado ugu dambeyna ay keento in la kala tago ama lays furo.
  2. Wallaca:- Xilliga gabadhu uur yeelato waxay la timaadaa dhaqan cusub oo aan horay looga baran, dhaqankaas waxa uu inta badan ku salaysan yahay in gabadha jeclaato in ay cunto cunno uusan jeclaysan ninkeeda amaba ay la timaado muran iyo dagaal joogta ah. Arrimaha ugu badan oo ka dhasha waxaa ka mid ah:-

A}. In gabadhu cunto dhuxusha ama cusbada

B}. In gabadhu ku walacdo ninkeeda oo udiido in uu guriga ka baxo.

C}. Amaba gabadhu jeclaato in dharkiisa maalin walba dhaqdo.

D}. In gabadhu ku sanifto ninka oo aragiisa nacdo, kuleetigana ku dhegto oo ay dhahdo ifur maalin walba taagan. Waxaad arkaysaa gabadh 25 jir ah oo soo fureen 7 nin waxkalena kuma furin aan ka ahayn in ay ku cadaadisay in la furo, halkaasna lagu dalaaqo gabadhii. Marka uu walacu soo idlaadana in gabadhii dib ugarowsato in ay khalad gashay.

E}. Dumarka qaar marka ay walacaan waxay fariistaan meelaha dayacan, uskaga badan, kutaafadda ah, boorka iyo dambaska badan. Waxaa laga yaaabaa in ninku naco dhaqanka cusub ay la timaado kadibna isagoo ka cabsanaya in lagu dhaho waxaad qabtaa naag baali ah oo dayacan in uu furo.

F}. In gabadhu jeclaato cunno uusaan awoodin ninku   in uu siiyo. Qeyb dumarka kamid ah waxay jeclaystaan in subax walba ay hesho beer, balse waxaa laga yaabaa in uusan awood ba ulahayn in subax walba beer usoogato. Dhaqaalo yarida jirta awgeed in  ay sababto in la furo gabadha.

Sheeko yar

Waxaan safar cirka ah wadagalnay gabar aad u da’yar oo wadata labo cunug midna uu jiro labo sano midna afar sano. Islamarkaana gabadhu waxay leedahay uur. Waxaan weydiiyay meesha ay usocoto balse waxay iisheegtay in ay usocoto gurigii aabbeheed iyo hooyadeed. Markaas ayaan ku dhahay ma booqasho ayaad u aadaysaa?

Waxay igu wercelisay may. Waxaan isqabnay wiil, muddo yarna waan udhaxay balse waxaan yeeshay uur yar waana walacay. Marka aan walaco ninku waxa uu ila noqdaa bahal, waan ku sanifaa, dagaal joogta ah iyo muran aan kala har lahayn baan la imaadaa xilliga aan walaca ahay. Waxayna keentay in aan guursaday shan nin mid walbana aan kala tagno kolka aan walaco.

Marka uu walacu iga baaba’o ayaan ku soonoqdaa sidaydii hore, waxaana dib uxasuustaa khaladaadkii aan ku kacay.

Haddii ay jiraan dumar noocaas ah, waa in gabadhu usheegtaa iimaheeda si xal loogu helo furitaanka badan. Ninku kolka ay naagtu walacdo waa in uu ka dheeraadaa magaalada ay joogto mooye magaalo kale waa in uu aadaa si inta ay walaca tahay aysan u arag ama guriga ugatago isagoo ku gadanaya waajibka saaran.

G}. Dumarka qaar walaca waa ku xanuunsadaan, waxayna gaaraan tabcaan. Waxaa laga yaabaa in shaqadii ay lahayd gabto amaba halleeli weydo in ay qabsato shaqadii guriga. Ninkana uu naco naagta ama isagatagto xaafada marka uu waayo wax cunno usameeya. Muran iyo qeylo badana uu ka dhasho halka uu ninku wax ka soo cuno, shakina uu yimaado aakhirna dagaal aloosma halkaa ka dhasho.

  1. Xanuun joogta ah: Waxaa laga yaabaa in mid kamid ah labada lammaane in uu xanuunsado, xanuunkaasna uu ka soo kici waayo muddo dheer, halkaasna uu ku yimaado in lakala tago oo lays furo.

Waxaa lagayaabaa in gabadhu qabto jiniyo ku kaca saacad walba, ayna keento in ninku udulqaadan kari waayo dhacidda iyo suuxitaanka badan ee joogtada ah. Amase waxaa laga yaabaa in ninka qudhiisa xanuun la soo darso uuna gabo shaqadii ku waajibtay, ayna gabadhu dalbato furitaan.

  1. Cibaadada Alle: Inta badan waxaad arkaysaa lammaane dood iyo buuq ka dhexjiro markaad ukuurgashana waxaad ogaanaysaa in laysku hayo salaadda tuko iyo ma adaa igu leh. Waxaa laga yaabaa in ninka ama gabadha midkoodna tukan laguna soo kari waayay sallaadda. Addoonka iyo Allena waxa keliya oo ka dhexeeyana waa cibaadada Alle. Qofku hadduu la imaan waayo cibaadadii lagu lahaa waxaa dhacda in la kala tago. Xataa haddii labada qof isqaba midkoodna tukan in ay iska dhalaan caruur aan xalaal ku dhalan. Waayo labada qof waxay isku xalaashadeen waa kallaamka Alle, haddii kalaamka Alle iyo wixii uu nafaray meesha ka baxo waxa laysla joogaa waa fisqi IWM.
  2. Ku xad gudubka qofka ama reerkiisa: Waxaad arkaysaa nin caayaya xaaskiisa, ereyada ka soobaxayana aadan udulqaadan karin amaba waxa uu waxka sheegayaa gabadha qoyskeeda. Waxaana halkaa ka dhasha muran, dagaal iyo reerkayaga ayaad necebtahay. Waxayna sababtaa in lakala tago qoys burburna uu halkaa ka dhasho.
  3. Dalabka badan ee xaaska:- Dalabaadka badan ee ka imaanaya gabadha waxay keentaa in reerku ku burburo. Waayo mararka qaar waxaa laga yaabaa in ninku uusan awoodin waxyaalaha ay codsanayso xaaskiisa haddii aysan ukeenina uu halkaa ku burburaayo qoyska. Su’aasha badana wax faa’ido ah malahan.
  4. Gogol dhaafka: Waxaa laga yaabaa in midkood labada lammaane uu sameeyo gogol dhaaf, ayna keento in lays qabqabsado ama lagu kala tago.
  5. Maandooriyaha: Waxa ugu badan oo ka qeyb qaata qoys burburka waxaa ka mid ah maan dooriyaha noockasta uu yahay. Haddii ninku leeyahay balwad ama gabadhu leedahay balwad nooc kasta ay tahayba waxay keentaa khilaaf joogta ah. Waxaana ku daran dumarka, haddi gabadhu balwad leedahay waa adagtahay in ay reerka maamusho ama ka soo baxdo waajibaadkii guriga.

 

Fikirkaada Waa Muhiim