In badan waxaad arkaysaa waalid badan oo ka cabanaya awlaadooda, waxayna dhahayaan waa caasiyiin, wax nama taraan, nama soo xiriiriyaan, waa nagu afceliyaan iyo ereyo lamida. Waalidku waxa uu kaaga baahan yahay xanaanayn badan, taakuleyn, latacaalid xaaladdiisa caafimaad, daryeelid dhan walba ah, ka fekeridda cunadda uu cunaayo, waxa uu jecelyahay iyo waxa uu necebyahay.

Waaridku iyagaa usabab ahaa in aad adduunka timaado Alle ka sokow, iyagaana intaan ku soo leekeeyay, iyagaana dhib iyo rafaad kula soo maray adoon aan dad ahayn, jirin, waxna aqoon.

Kawaran haddii aad markii ay ku koriyeen, wax ku bareen, qof muqdar ah noqotid, haddii meeshaad uga abaalgudi lahayd ugu beddesho waalid caasi iyo in aadanba eegin. Ma ogtahay qofka soo gaara labadiisa waarid oo ka duceysta, una samafala, daryeela in uu janada Eebbe galaayo. Balse ruuxii soo gaara haddana aan ka faa’ideysan in laga dheereynaayo naxariista Eebbe.

Ila eeg xadiiskaan, wuxuu yiri Nabigu (NNKH), Saddex ruux Illaahay Kuma eego naxariis maalinta qiyaamaha, waxaa la yiri: Waayo Rasuulkii Allow?

Wuxuu yiri: Ruuxa ku caasiyooba labadiisa waalid, naagta ninka iska dhigta iyo dayuuska. Ma nahay dad garan kara xaqa ay nagu leeyihiin Waalidkeen? Su’aashu waa maya ma nihin, waayo waxaad arkaysaa dad badan oo Soomaali ah oo dhahaya maxaa naga galay duqda ama duqa?

In badan waxaad arkaysaa waalid badan oo ka cabanaya awlaadooda, waxayna dhahayaan waa caasiyiin, wax nama taraan, nama soo xiriiriyaan, waa nagu afceliyaan iyo ereyo lamida, maxaase keenay arrimahaan oo dhan?

Ma naga mudanyihiin waalidkeen in aan saas dhahno, Bil xaqiiq ruuxii aan ka faa’ideysan ducada iyo xanaanaynta labadiisa waalid ama midka uu soogaaro isaga oo caafimaad qaba in uu la kulmaayo ciqaab adduun iyo mid aakhiro. Alle ayaan ka magan galnay ciqaabta ka dhalata waalidka oo aan loosama falin baarina loo noqon.

Wuxuu yiri Nabigu: Labo Illaahay waa soo dadajiyaa (Cuquubadooda) xadgudubka iyo waalid caasiyidda.

Waalidka oo la caasiyaa waxaa ka dhalata dhibaato aad uweyn, Alle waxaan ka baryaynaa in uu na fahansiiyo xaqa waalidka, hana naga dhigo kuwii guta Maba gudikarnee xaqoodee. Ruux aan waalidkiisa aan ka fekerin, daryeelin, liida, ka sooqaada waxaan jirin, caaya, aflagaadeeya, yiraahda duq baatihiin, wax aad gudaan ma jiraan. Maxaa u dambeyn doona ruuxaas, bal ila eeg xadiiskaan?

Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: Saddex Eebbe kama aqbalo faral iyo sunne midna, Qofka caasiya waalidkiis, qofka abaalka sheegta iyo qofka qadarta beeniya.

Werin kale waxay leedahay ( Naclad haku dhacdo ruuxa caasiya waalidkiis, Illaahay ha lacnado ruuxa caaya Aabbihii, Illaahay ha lacnado ruuxa caaya hooyadi. Alle ayaan ka magan galnay naclad, Allaahu  akbar, haddaba haddii aan ogaanay in waalidka oo lacaayaa, oo aan loo samo falin ay ka dhalankarto dhibaato aad uweyn, miyay san nala habooneyn in aan iska dhaafno, kana fakerno sidii aan uga duceysan lahayn waalidkeen.

Waan hubaa ruuxii Alle ka baqa, waaridkiisa ka duceysta, dhib iyo rafaad ka ilaasha, daryeela, waajibka lagu leeyahayna guta in uu galaayo janada Eebbe.

Samafalida Waalidka

Usama-falidda waalidka waa mid waajib ah lagana rabo qof kasta oo muslim ah, oo doonaya in uu liibaano adduun iyo aakhiroba. Waxaa lagu galaa jannadda Eebbe , wanaag usamaynta iyo barbaarinta labada waalid. Wuxuu yiri Rasuulkii Allaah; Waxaa halaagsamay, waxaa halaagsamay, waxaa halaagsamay qof soo gaaray waalidkiis mid ka mid ah ama labadooda oo aan janno ku galin.

Waxay sabab kugu noqdaan raalli ahaanshaha Allaah. Wuxuu yiri Rasuulkii Allaah: Raalli ahaanshaha Eebbe waa raali ahaanshaha waalidka, carada Eebbana waa carada waalidka. Waxay kuu keentaa in Illaah kuu waasiciyo nolosha (Risqiga).

Wuxuu yiri Nebiga (NNKH): Qofkii jecel in nolosha loo ballaariyo cimrigana loo dheereeyo ha xiriiriyo riximka. Waxay keentaa baari u samaynta waalidku in Eebbe kaa aqbalo ducadaada.

Cumar Ibnu Khadaab wuxuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Allaah oo leh: Waxaa idiin imaan doona Uways Bin Caamir oo la socda wafti Yaman ah oo ka yimid Muraaf gaar ahaana Qarni, wuxuu qabi jiray Baras, waana ka biskooday meel hal dirham le’eg mooye, wuxuu leeyahay hooyo uu baari u yahay. Hadduu Eebbe ku dhaarto, Allaah wuu ka aqbalayaa wuxuu rabo. Haddii aad awoodo in uu Allaah kuu baryo  samee sidaas.

Labada waalid si guud ayay xaq u wada leeyihiin, haddana hooyadu waxay leedahay xaq dheeraad ah, sababtuna waxay tahay hooyo waa ayadii ku xanbaartay xilli aan qofna qof xambaarin, waxay cunto ku siisay waqti aan cidna cid cunto siin, ayada oo weliba baahan, waxay hooyo u soo jeedaa si aad u seexatid, waxay kaaga dhigtay dhabteeda gogol. Waxaa lagaa soo jaray jirkeeda, waxay kugu qaaday uurkeeda, waliba ku faraxday marka ay hubsatay in aad ku nooshahay caloosheeda. Waxay kuu muujisay naaskeeda oo aad ka cabtay caano, biyo iyo macdano isku dhis ah oo aan cidna aadan ka heli karin. Waxay kugu samirtay waxaan qofna qof ugu samrin, hooyo waa midda ku bartay afka aad ku hadasho.

Hooyadu waxay aad kaaga murugtaa marka iyada oo uurka kugu sida iyo iyada oo dhabarka kugu sida ay  turunturooto naxdinta ay qaado ayaa la yiri in aadan waligaa samayn karin abaalkeeda wax walba oo aad samayso. Sheeko yar nin Hooyadiis  tuurta ku qaaday oo geeyay xajka.

Waxaa la sheegaa in nin yiri waa in aan hooyaday xaqeeda gudaa. Waxa uu go’ aansaday in uu hooyada xajka geeyo isaga oo xambaarsan. Wuxuu geeyay xajka isaga oo dusha ku wada, waxa uu ku soo wareejiyay xajka isaga oo xambaarsan, markii ay soo guteen cimradii ayuu dib u sooceshay isaga oo dusha ku sooqaaday.

Waxa uu keenay gurigii, markaas ayuu utagay shiikh, kuna yiri shiikhow saw hooyo xaqeedii iga ma dhicin haddii aan dhabarka ku qaaday geeyayna xajka, kuna soo ceshay anoo xambaarsan?

Shiikhii ayaa yiri, Hooyo abaalkeeda ma gudi kartid, maxaa yeelay inta aad samaysay ma dhamma halmar iyada oo ku xambarsan go’a ay kugu xambaarsantahay oo waxyar debcay, naxdinta ay naxday darteed.

Samafalida Waalidka Iyo Xiriirinta Rixinka

Wanaajinta iyo u sama falka waalidka iyo xiriirinta qaraabada waa mid waajib ah. Qofka muslimka ah waxaa laga doonayaa in uu xiriiriyo waalidka, usamafalo daryeelo, kana fakaro noloshooda.

Alle subxaana watacaalaa wuxuu yiri: (Alle u adeeg oo mididin u ahow. Waxbana hala wadaajin. una muuji, naxariis iyo samaan waalidka iyo qaraabada, agoonta, baahanaha iyo deriska qaraabada kula ah iyo deriska aan qaraabada ahayn, saaxiibkaa safarka iyo masaafurka (Tub ku joogga), iyo addoomaha ay gacantiinu hanato).

Suradda al an-Nisaa aayada 36aad.

وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا ۖ وَبِالْوَالِدَيْنِ
إِحْسَانًا وَبِذِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينِ
وَالْجَارِ ذِي الْقُرْبَىٰ وَالْجَارِ الْجُنُبِ وَالصَّاحِبِ
بِالْجَنبِ وَابْنِ السَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ ۗ إِنَّ
اللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ مُخْتَالًا فَخُورًا (
36.

Markale Alle wuxuu qur’aanka ku yiri:

“Dhab u tixgeli xilka iyo waajibka Alle korkaada uu yeelay, iyo guud ahaan arrimahuu ku faray, Allahaasoo aad (Xaquuqdiinna) mid kiinba kan kale ku weydiisto, sidoo kalena dhowra xuquuqda qaraabada”.

Alnisaa aayada1.
يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُواْ رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن
نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا
رِجَالاً كَثِيرًا وَنِسَاء وَاتَّقُواْ اللَّهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ
بِهِ وَالأَرْحَامَ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا
.

Markale Alle wuxuu yiri:
” Aadanaha waxaan kala dardaarannay wanaajinta waalidkiis iyo inuu
naxariis u muujiyo iyo samaan”.  Suurada cankabuut.

………….وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ حُسْنًا

Markale Alle wuxuu yiri:
(فَلَا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا) سورة الإسراء،23 .

Markale Alle wuxuu yiri:

” Aadanaha waxaan kala dardaarannay waalidkiis, hooyadiis waxay ku qaaday tabar yari tabar yari loo geeyay.  Ka gurintiisuna naaska waa laba sano dhexdood igu shukri aniga iyo labadaada waalidba”.

Suuradda luqmaan.

وَوَصَّيْنَا الْإِنْسَانَ بِوَالِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُ وَهْنًا
عَلَىٰ وَهْنٍ وَفِصَالُهُ فِي عَامَيْنِ أَنِ اشْكُرْ لِي
وَلِوَالِدَيْكَ إِلَيَّ الْمَصِيرُ
.

Abuu Hurayrah Alle raali haka noqdee wuxuu yiri: (Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: “Wiil ma jiro u abaal gudi kara Aabiii (Wuxuu wanaag iyo jaceyl galay awgeed) inuu helo maahe Aabihi oo addoon ah oo uu soo iibsado oo markaas xoreeyo”.

Abuu Cabdurraxman Cabdullaah ibnu Mascuud ( Alle raali haka noqdee wuxuu yiri: Inuu weydiiyey Nebiga (NNKH), Alle agtii camalkeebaa camaladda u wanaagsan oo loo jecel yahay? Wuxuu ku jawaabay ” Salaadda oo waqtigeeda la tukado”. Waxaan weydiiyay misna kee? Wuxuu yiri “Labada waalid oo baari loo noqdo”. Dabadeedna waxaan iri misna kee?
Wuxuu yiri: Jidka Alle (Koryeelidda diinta) oo loo halgamo ama loo diriro”. Bukhaari iyo muslim.

Haddaba haddii aan soo sheegnay muhiimada ay leedahay sama falidda waalidka iyo xiriirinta qaraabada. waxaa nala karabaa in aan u ixsaan samayno waalidkeen baarina unoqono, una duceyno.

      Raac talaabooyinkaan hoose:

  1. U raarici garabkaaga waalidka: Noqo mid unaxariisasho badan labadiisa waalid, una muuji wanaag iyo jiljileec.
  2. Ka fogee buuqa: Waalidka ku hay guri aan lahayn buuq iyo sawaxan, xataa haddii aadan awoodin isku day in aad ka yarayso qeylada, meelaha lagu ciyaaro, kana fogayso caruurta si aysan u dhibin
  3. Ka farxi waalidka: Marka ay taabato da’da  haku oran waalidka uf IWM. Alle wuxuu yiri:

(فَلَا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا) سورة الإسراء،23

Ku qaabil waji farxadleh: Mar walba oo aad u tagto waalidka ula tag waji furfuran, farxad ka muuqato, wanaagna ku dheehan yahay. Ha ula tagin waalidka waji xirxiran, cabuus ah oo aan naxariis ka muuqan.
5. Ixtiraam umuuji labada waalid, hooyada iyo aabbaha: Waalidka waa inaad fariisisaa meel ku haboon, marka ay kuu yimaadaan soodhawee soodhaweyn aad u saraysa. Mar walba isku day adoo ku faraxsan imaatinkooda fariiso hortooda.

6. Waani labada waalid: Haddii ay yihiin labada waalid, kuwo aan aqoon fiican ulahayn diinta bar, una sharax adoo fahamsiinaya, una nugul, dareenkoodana la socda had iyo jeer.

7. Wanaag u samee hooyada: Marka aad u qabanayso waalidka wanaag iyo samafal, ku hor mar labada waalid hooyada. Waayo hooyada xaq bey kugu leedahay kan ka badan Aabbaha.

Abuu Hurayra Alle raali haka noqdee wuxuu yiri: ” Nin ayaa u yimid Rasuulka Alle, wuxuuna yiri: Yaa dadka igu xaq badan? Nebigu NNKH wuxuu yiri: Hooyada. Yaa kale: Wuxuu yiri Hooyada, yaa kale? Wuxuu yiri: Hooyada, misna yaa kale, Wuxuu yiri Nebigu Aabbaha”.

أبي هريرة رضي الله عنه قال: (جاء رجلٌ إلى رسولِ اللهِ – صلَّى اللهُ
عليه وسلَّمَ – فقال: مَن أَحَقُّ الناسِ بحُسنِ صحابتي؟ قال: أمُّك،
قال: ثمّ من؟ قال: ثمّ أمُّكَ، قال: ثمّ من؟ قال: ثمّ أمُّكَ، قال: ثمّ
من؟ قال: ثمّ أبوك) رواه مسلم
.

8. Ka ilaali waxkasta oo dhib u keeni kara: Ka fogee mushkiladaha saamaynta u gaysan kara waalidka, iyo waxkasta oo ay dhibsanayaan.
9. Adeec marka ay kuu yeeraan: Haddii aad ku jirto mashquul, ama shaqo hayso, ama shir ku jirto waa in aad adeegtaa waalidka una degdegtaa. Waana Kugu khasab in aad yeeritaankooda qaabisho adoo faraxsan.

10. Xiriiri dadka ay xiriirin jireen waalidkaa: Isku day in aad xiriiriso dad ay jeclaayeen oo ay xiriirin jireen, una wanaag samee marwalba.
11. Idan weydiiso: Marka aad u soogalayso waalidka, isku day in aad idan weydiisato, kuna dhahdo Aabbe iyo Hooyo ma soo gali karaa?. Sababta oo ah waxaa dhici karta in ay howl gaar ah ay ku jireen.
12. Xusuusi mar walba xuska Alle: Marka ay waalidku gaboobaan waxay hilmaamaan waxkasta, isku day in aad xusuusiso in ay tukadaan, Wardiyaan, Xuska Alle badshaan.
13. La tasho waalidka: Marka aad baxayso isku day in aad latashato waalidka, weydiisana in aad meel ka soonoqonayso. Isku day in aad mar walba ka ducaysato.

14. Haku degdegin waxay kaaga digaan: Labada waalid marka ay arrin kaaga digaan isku day in aad ka dheeraato waxay kaaga digeen haddaysan sharciga Alle ka hor imaanayn.

15. Qaado taladooda: Waalidku waxay had iyo goor jecelyihiin in ay lataliyaan awlaadooda, qaado wixii waano ah oo ay ku siiyaan.
16. U keen hadyado: Mararka qaar waalidka u saar banaanka hadday awoodaan, geena meelaha araga u roon, si ay ugu il qabowsadaan, welwelkana uga haro. Si lama filaan ah ugu gee hadyado waxay jecelyihiin in ay helaan. Ha dhayalsan arrintaas waxaa ku jirta cilmi weyn.

Fikirkaada Waa Muhiim