Cudurka Gaaska ‘Gastritis’ waa magaca ugu weyn ee loo isticmaalo xaalad kasta oo ku lug leh caloosha. Cudurka ‘Gastritis’ wuxuu noqon karaa mid deg deg ah (wuxuu u dhacayaa si lama filaan ah) ama muddo dheer (wuxuu dhacaa wakhti dheere ka dib). Waxaa jira cuduro kala geddisan oo caloosha ku dhaca. Waxaan sababo waxyaalo kaladuwan.

Dadka Soomaaliyeed badan koodu waxay ka cabtaan cudurka gaaska. Gaaska waxa uu ka mid yahay cudurada caloosha. Waxuun ka yimaadaa Acidka caloosha oo lasoo daayo qofkoo bahan. Taasi oo sabab u noqtay in xuubka caloosha booga yeeshto.

Helicobacter pylori (H. pylori). H. pylori waa bakteeriyada keenta infekshinka habka dheef-shiidka taasoo oo u horseedi karto calool xanuun ama boog calooleed. Waan mida ugu badan wadamada horumaray.

Cuntadoo wakhtigeeda la qaato waxay muhiim utahay dheefshiidka iyo guud ahaan caafimaadka. Waxa caloosha galo waxay isbedel ku sameyn kartaa caafimaadka iyo nidaamka dheef-shiidka. Tusaale ahaan, qof haduu ilaaliyo wakhtiga cuntada waxuu ka badbaadayaa cudurka gaaska iyo kuwa kale.
Qofka gaaska qabo waa in uu ka fogaado cunnooyinka qaarkood iyo cabitaannada Aashatada leh. Kuwaas oo ku sababi karo in gaaska ku kaco.

Waa maxay cuntada qofka gaaska qabo?

Waxaa jira cunnooyin qaarkood oo kaa caawin karo in aad maareyso gaaska oo yareynayo astaamihiisa.
Kuwaas waxaa ka mid ah:

  • Cunnooyin ay ku badan tahay fiber-ka sida tufaaxa, karootada, iyo digirta.
  • Cuntooyinka dufanka ku yartahay sida kalluunka, digaagga.
  • Cuntooyinka ay ku yar tahay aashatada, sida khudradda.
  • Kuwani waa kuwa ugu muhiimsan ee ka caawinkaro maareynta gaaska.
    Cun cunto caafimaad leh oo ay ka buuxaan fiitamiinnada waxtarka leh.

Waa maxay cuntoyinka gaaska kiciyaan?

Waxaa jiro cuntoyin badan oo kiciyo gaaska waxaan ka mid ah:

  1. Kafeega.
  2. Cuntooyinka aashitada sida qaar ka mid ah cabitaanada casiirka laga sameeyo
  3. Cunnooyinka dufanka leh
  4. Cuntooyinka shiilan
  5. Cuntooyinka basbaaska leh .
  6. khamri iyo daroogo kala duwan
  7. Qaar kamid ah Daawoyinka sida Asbiriin iyo xanuun joojiyaasha.

Sidoo kale qofka gaaska waxuu ku kacaa markii la gaaro wakhtigii cuntada uu qadan jirey. Haduusan wax cunin.

Sidee loo daaweeyaa Gaaska?

Cudurka gaaska ‘Gastritis’ waxaa lagu daaweeyaa dawooyin ay ku jiraan dawooyinka ‘antacids’ oo lidku ah dawooyinka acidka. Cudurka ‘gastritis’ ee uu sababo H. pylori, waxaa haboon in aad kala tashato dhaqtarkaag si uu kugu qoro daawooyinka kugu haboona.
Waxaad sidoo kale loo bahan yahay in qofku uu ka fogaado wax yaalaha kiciyo gaaska oo aan kor ku soo sheegnay.

Fikirkaada Waa Muhiim