Dhammaanteen waan wahsannaa mararka qaar, balse waxay dhib noqoneysaa haddii ay caado kuu noqoto inaad dib u dhigato howlaha kuu yaalla adiga oo og caqabadaha aad kala kulmi karto haddii aadan howlaha waqtigooda ku qaban. Wahsiga badan wuxuu xitaa u daran yahay caafimaadkaaga, isaga oo kuu sababaya walwal, kuguna dhiirrigelinaya inaadan jimicsi sameyn amaba aadan cunin cunto caafimaad leh amaba xitaa inaad ka daahdo ballanta dhaqtarka adiga oo xanuun dareemaya.

Haddaba, baaritaanka cilmu-nafsiga ma ka caawin karaa qofka inuu wahsiga yareeyo? Waa kuwan siyaabo aad isaga deyn karto dabeecadda wahsiga.

1. Keliya ha ku tashan inaad is xakameyn karto

Ian Taylor, oo ah dhaqtar cilmu-nafsiga yaqaanna waxna ka barta Loughborough University, ayaa ogaaday in dadka ay aalaaba qiyaasaan in awooddooda ay ku tashan karaan. Taas beddelkeed waxaad isku daydaa inaad iska indhatirto dhanka xun ee howsha, u feker inay yihiin kuwo muhiim ah qeybna ka ah guushaada.

Haddii aad ordeysay 30 daqiiqo oo murquhu ay ku xanuunaan, taasi maaha wax xun oo mudan inaad ka gilgilato, ee waxay qeyb ka tahay inaad jirkaaga dhisto.

2. Dhanka wanaagsan ka fiiri howsha aad mar walba dib u dhigto

Sababta dhabta ah ee aad howsha isaga deyneyso ma baqdin aad ka qabto inaad guuldarreysataa?

Fuschia Sirois, oo ka tirsan University of Sheffield ayaa baaritaan ku sameysay wahsiga muddo 15 sano ah, waxayna ogaatay in dhibku uusan mar walba ahayn caajiska amaba maamul xumo dhanka waqtiga ah – balse ay mararka qaar qeyb ka tahay xakameynta dareemaha qofka.

Haddii aad ka walwalsan tahay inaad guuldarreysan doonto, waxaad heleysaa marmarsiyo aad dib ugu dhigto howsha adiga oo ka fogaanaya inaadan dhibaato kala kulmin.

Balse waxay tani kuu horseedi kartaa dhibaato: sababtoo ah haddii aad howsha dib u dhigto waxaad haysataa waqti yar oo aad ku qabato, taasoo kuu horseedeysa inaad culeys dareento walaac badanna kugu abuurto.

Si aad wax uga qabato dareemahaas, howsha ka eeg dhanka wanaagsan: waxaa laga yaabaa inaad wax ka barato ama xitaa ku raaxeysato si ka fiican sidii aad fileysay.

3. Qorshe sii samee

Haddii aad ogtahay in wax gaar ah uu kugu kallifayo inaad wahsato, waxaad u baahan tahay inaad la qabsato istaraatiijiyadda cilmu-nafsiga ee ah – in aad sii qorsheyso waxa aad qaban doonto haddii aad la kulanto wax kugu riixaya inaad iska deyso.

Waxaa laga yaabaa tusaale ahaan haddii uu qof kugu casuumo inaad shaah isla soo cabtaan dhammaadka toddobaadka adiga oo og inaad rabto inaad casharradaada akhrisato, waxaa laga yaabaa inaad doorbiddo inaad kulantaan fiidkii.

4. Yareey dadaalka aad gelineyso

Si fudud u bilow howsha. Ku lebiso dharkaaga orordka haddii aad dooneyso inaad subixii orod sameyso; amaba meel aad arki karto sii dhigo waxyaabaha aad dooneyso inaad ka shaqeyso, si markaad subixii soo kacdo ay u noqdaan waxa ugu horreeya ee aad aragto. Xusuusnow inaadan dheg u dhigin wax walboo ku carqaladeyn kara – kumbiyuutarkaaga demi, telefoonkaaga aamusii, iskana xir baraha bulshada.

5. Abaalmari naftaada

Baaritaan cusub oo ay Kaitlin Woolley ka sameysay Cornell University ayaa muujinaya in, sida aad fileysaba, abaalmarinta degdegga ah ay qofka ku dhiirrigelineyso inuu dadaalkiisa kordhiyo si ka badan abaalmarinta u baahan in la sugo.

Marka aad dib u dhigto howl ku sugeysa waxaad dareemeysaa inaad naftaada abaalmarisay – sidaas daraaddeed waxaad u baahan tahay inaad ka falceliso oo aad abaamarin kale ku beddesho.

Daraasad ay Catherine Milkman, ka sameysay University of Pennsylvania, ayay ku ogaatay in haddii dadka la siiyo cajalado ay ku duuban tahay sheeko taxane ah oo ay ku dhegeystaan jiimka dhexdiisa (keliya jiimka dhexdiisa), waxaa laga yaabaa inay degdeg u soo laabtaan si ay u ogaadaan waxa xiga ee dhacaya – sheekada ayaa u ahayd abaalmarin degdeg ah.

Sidaas daraaddeed ogow waxa kugu habboon naftaadana la sheekeyso.

6. Feker dhab ah oo mustaqbalka ah sawiro

Badankeen waxaan jecel nahay inaan rumeysanno inaan mustaqbalka heli doonno waqti badan: waxaan is tusnaa inaan noqon doonno dad isku toosan, tamar badan haya, kuna nool nolol wanaagsan oo aan wax dhib ah lahayn.

Tani dabcan ma dhacayso. Taasina waa sababta aan u dhayalsanno inta ay howshu qaadan karto. Waxaa loo yaqaannaa Qorsheynta beenta ah.

Tusaalaha ugu wanaagsan ee aan u so qaadan karno qorsheynta beenta ah waa daabacaaddii ugu horreysay ee Qaamuuska Ingiriiska Oxford: sanadkii 1860 waxaa lagu dhawaaqay in labo sano ay qaadan doonto si loo dhammeystiro, balse lama dhammeynin ilaa laga gaaro sanadkii 1928.

7. U naxariiso naftaada

Tani waxay u muuqataa waxa ugu dambeeya ee ay tahay inaad sameyso haddii aad kala bar ka mid ah maalinta aad ku bixisay internet-ka adigoo lagaa rabay inaad shaqo qabato, balse xaqiiqdii waxaa la ogaaday in dadka wahsiga badan aysan naftooda jecleyn.

Waxaa intaa dheer, dadku waxayba ka xumaadaan howsha ay hayaan, sidaas daraaddeed haddii aad dhanka xun ka sii eegto, taasi kuma caawin doonto.

Daraasad laga sameeyay arday aanan imtixaanka daraaseynin, ayaa lagu ogaaday in kuwa naftooda ka cafiyay wahsiga ay awoodeen inaysan mar dambe khaladkaas sameyn marka loo barbardhigo kuwa dareemay inaysan awoodin inay iska illaawaan oo ay hore u socdaan.

Sida ay Sirois tilmaantay, saaxiibbadeen si xun ulama dhaqanno sida aan aalaaba nafteenna ula dhaqanno, “waa inaan isla naxariistaas tusnaa nafteenna”.

8. Naftaada si fiican uga hadal

Xitaa waxyaabo yaryar oo ay ka mid yihiin erayada aad adeegsato ayaa sameyn kara isbeddel. Sidaas daraaddeed, haku qeexin naftaada inay tahay qof mar walba ka qeyb qaata orordka, cuntadana koontaroola, balse ku qeex inay tahay “orordyahan” ama “qof cunto caafimaad leh cuna” waxaana laga yaabaa inaad mar walba joogteyso caadadaas. Ian Taylor ayaa sheegay in arrintaasi ay shaqeyneyso, sababtoo ah waxay xiriir ka dhex abuureysaa adiga iyo dabeecadda aad is tusisay.

Fikirkaada Waa Muhiim