Aragtideyda guud haddii aan fiiriyo ‘kacaankii warshadaha waxaa laga baran karaa qiimaha ay leedahay in bulshada kuwada noolaadaan sinaan iyo cadaalad. Caddaalada waa rugni ka mid ah saddexda maamul ee kala ah Sharci-dajinta, fulinta iyo garsoorka. Wey adag tahay in umad hormar garaan ayadoo ay maqan yihiin Caddaalada iyo Simnaanta.

 

Kacaankii Warshadaha

Sannadadii 1700 Waxa Yurub ku noolaa farsamo yaqaano badan oo dunta iyo dharka sameeya. Waqti kadib waxa la sameeyey mashiinno si dhaqsa ah wax u soo saara. Mashiin-umiyeedyada horumarin ayaa lagu sameeyay. Waa bilowgii kacaanka warshadaha. Waxuuna ka bilaabmay waddanka Ingiriiska.

 

Waa maxay sababta kacaankii warshadaha uga bilaabmay wadanka Ingiriiska?

Sawirka: mallenbaker.net Dumarku aad ayey uga mushahar yaraayeen ragga, inkastoo ay sida ragga u shaqaynayeen. Ninka waxa loo arkayey in uu yaahay madaxii guriga uu markaa ka mushahar bato xaaska. Inkastoo ay jireen dumar badan oo kali ku ah carruurtu hadan macno ma lahayn.

In kastoo Ingiriiska ka dad tiro yaraa wadamada kale ee yurub, hadana sababo dhowr ah ayaa keenay in kacaanka warshadaha ka bilaabmo halkaan. Kacaankii beeraha, awoodda badda, dhuxusha iyo siyaasad xor ah ayaa ka mid ahaa sababaha.

Waddanka Ingiriiska waxa ku noolaa beeraley fara badan. Dadka tujaarta ah ayaa iska lahaa dhul badan, halka ay beeralayda yari ay lahaayeen beero yar yar.

Kacaankii beeraha ayaa keenay in taajiriinta dhul farabadan helaan, beeralaydii yaryaraydna ay magaalooyinka u soo guuraan. Taasi waxay keentay in beeraleydii helaan dakhli badan, waxaanay isticmaaleen lacag badan oo ay ku gataan alaab. Taasi waxay kaloo keentay macaash badan iyo dhaqaale.

Bilowgii 1800 Ingiriiska waxa uu ahaa dalka ugu awoodda badan adduunka xagga badda. Awoodda badda ee Ingiriisku waxay sugtay safaradii ganacsi iyo gumaysi. Ganacsiga Ingiriisku waxa uu u sugay boqortooyada dhaqaalaha warshadaha culus.

Xaaba la’aanta ka jirtay Ingiriiska ayaa keentay inuu raadiyo kulayliyayaal kale. Si fudud ayuu wuxu uga helay dhulka hoostiisa lakabka ugu soo sareeya dhuxul-dhagax. Ka dib markii baahidii loo qabay dhuxul dhagaxu badatay, waxa hoos loo sii qoday dhulka godadkii.

Jawi siyaasadeed oo wanaagsan oo soo dhawaynaya fikradaha cusub ayaa ka jiray waddanka Ingiriiska. Xiriirka wanaagsan ee xorriyadda hadalka ee Ingiriiska ka jirtay illaa 1688dii, ayaa waxay keentay in talaabo aqooneed iyo mid fikir hore loogu qaado. Ingiriisku waxa kale oo uu lahaa dawlad deggen oo inta badan bulshadu xukumaysay iyada oo baarlamaanka soo dhex maraysa. Arimahaas oo dhan ayaa waxay sal adag u noqdeen hal abuur tiknoolajiyadda iyo warshadaynta.

Kadib mashiinaddii waxa la iskugu keenay warshadaha, magaalooyinka waaweynina way balaarteen. Bulshadii hore ee beeralayda ahayd waxa qasab ku noqotay bulsho warshadley ah. Dadku waxay heleen alaabo cusub dad badan ayaana nolol fiican helay.

 

Mashiinaddii waxa la dhigay warshadaha

Furfuridda dunta iyo samaynta dharku waxa ay ahayd shaqo dumar. Qaar badan oo ka mida qoysaska beeralayda ahi waxay dakhli dheeraad ah ka heli jireen dun furfuridda iyo dhar samaynta ay guryahooda ku qaban jireen. Laakiin mashiinadan cusub waxay u baahdeen xoog iyo muruq, raggii ayaana la wareegay shaqada inteeda badan. Warshadaha dunta waxa ka shaqaynayey boqolaal rag ah. Mashiinadu waxay miiqeen oo toleen dhar tayadiisu fiicanyahay. Warshadaha ingiriisku waxay ka gadeen dhar aduunka oo dhan. Ingiriiska ganacsigan dakhli fiican ayaa kasoo galay.

Magaalo warshadeedii weyneyd ee ugu horaysay waxay ahayd Manchaster. Kacaankii warshaduhu waxa uu ka bilaabmay warshadaha dharka. Bulshada ingiriisku waa ay kordheen, dadka badankiisuna waxa uu u baahnaa dhar raqiis ah. Tani waxa ay abuurtay suuq. Badeecadaha cudbiga ingiriiska waxa ay ka soo qaadan jireen dalalka ay gumaystaan. Qalabkii hore ee ay u isticmaalayeen in dharka lagu soo saaro ma uu ahayn mid wax ku ool ah, sidaa darteed alifayaasha Ingiriisku waxay soo saareen mashiino cusub oo dharka ah oo kordhiya wax soo saarka.

 

Wax Soo saarka Birta iyo dhuxusha

Mashiinada cusub waxa laga sameeyey biraha, bulshaduna hadda waxay u baahnayd qaar badan oo noocaan ah. Hadda waxa lahelay si cusub oo loo dhalaaliyo biraha. Nin goob shaqo lahaa oo magiciisa la oran jiray Abraham Darby ayaa wuxu tijaabiyey dhuxul dhagax. Waxa uu ogaaday haddi uu dhuxul dhagaxda u gadiyo ama ka dhigo coke (nooc kale dhuxul ah) in ay dhalaalin karto birta. Helitaankan ka dib waxa si weyn u kordhay wax soo saarkii biraha.

Dhuxul-dhagaxa waxa laga qodayey dhulka hoostiisa, oo mar walba sii dheeraanaysay. Biyaha kor uga soo baxayey godadka la qoday waxa lagu nuugayey tuunbooyin ku shaqaynayey mashiin-uumiyeed. Shaqada godad qodistu waxay ahayd shaqo culus oo khatar ah, laakiin waqti kadib waxa yimid mashiino ka cusub kuwii hore oo fududeeyey shaqadan.

 

Mishiin-uumiyeed

horumarka weyni waxa uu yimid sanadkii 1776 markii James Watt uu ka dhisay mashiin-uumiyeed cusub god dhuxuleed dhexdii magaalada Birmingham.

Mashiin-uumiyeedku waxa uu ahaa hal abuurkii hore u riixayey kacaankii warshadaha. Thomas Newcomen ayaa dhisay mashiin-umiyeedkii ugu horeeyey sanadkii 1712, waxaanu biyaha ka soo tuurayey godadka dhuxusha. Hase yeeshee horumarka weyni waxa uu yimid sanadkii 1776 markii James Watt uu ka dhisay mashiin-uumiyeed cusub god dhuxuleed dhexdii magaalada Birmingham. Mashiinkiisa wuxuu ka xoog badnaa kana wanaagsanaa kuwii hore. Waxa loo isticmaalayey kuwa dharsamaynta iyo bir soo saarkaba, waxa kale oo loo isticmaali karayey maraakiibta iyo tareenada. Waqti cusub ayaa bilaabmayey- waqtigii warshadaha ayaa bilaabmay.

Sanadkii 1851 waxa bandhig aduunka oo dhan ka soo qayb galay lagu qabtay magaalada London. Halkaasoo bulshada adduunka soo bandhigeen alaabtooda.

 

Waxa la dhisay nidaam gaadiid

Warshadaha cusub waxa ay u baahdeen nidaam gaadiid oo ka wanaagsan kii jiray. Waxa ay soo saareen alaabo ay tahay in dadka la gaarsiiyo iyaguna waxa ay u baahnaayeen badeecooyin kala duwan, Koonfurta iyo bartamaha Ingiriiska waxa laga dhisay biyo mareeno fara badan.

Injineer Iskotish ah oo magaciisa la yiraahdo John McAdam ayaa wuxu helay oo si fiican loo dhisi karo jidad. Waxa uu u dhisay hab aanu roobku waxba u yeelin. Gaadiidka dhulku wuxuu noqday mid fudud. Gaari farasyo waaweyn ayaa qaadayey dadka iyo boostada, jidadka dhinacyadoodana waxa laga dhisay boosteejooyin. Godadka gudahoodana gaari farasyo ayaa soo qaadayey dhuxusha. Mashiinkii uu sameeyey Watts waxa la dulsaaray baabuu ku xiran tareen. Wax kastaa way sahlanaadeen waxaanay noqdeen wax ku ool.

Sanadkii 1814 nin la yiraahdo George Stephenson ayaa wuxu sameeyey tareen-uumiyeedkii ugu horeeyey. Shan sanno kadib waxa uu dhisay jidkii tareenka ee ugu horeeyey. Waxa uu isku xiraayey magaalooyinka Stockton iyo Darlington ee dalka Ireland. Meelo badan ayaa waxa laga dhisay jidad tareen. Kadib dadka dalka oo dhan ayaa waxay heleen alaab mashiin lagu sameeyey. Waxa kale oo suurta gashay in alaabta lagu dalbado taar. Dadku waxay wax u gadanayeen sidii hore si ka badan.

 

1712 Mashiin-uumiyeedkii ugu horeeyey ee Thomas Newcomen ayaa loo isticmaalay in uu biyha ka soo nuugo godadka dhuxusha laga qodayey
1764 Mashiinka dunta duuba <<Spinning Jenny>>, gacanta ayuu ku shaqaynayey
1768 Mashiinka dunta duuba ayaa lagu xiriiriyey xoogga biyaha
1771 Warshadii u horaysay
1785 Mashiin-uumiyeedkii James Watts ayaa loo isticmaalay in la duubo dunta.

 

Shaqaalaha cusub

Beeraley badan, duubayaal iyo furfurayaal ayaa ka soo guuray tuulooyinka una soo guuray magaalooyinka si ay shaqo u helaan. Magaalooyinka waxa ay ka heleen nolol ka duwan tii tuulooyinka. Warshadlaydu waxa ay jeclaayeen in ay lacagta ugu badan helaan. Sidaa darteed waa in shaqaaluhu shaqeeyaa 14 illaa 15 saacadood maalintii. Mushaharku aad ayuu u yaraa. Qaar badani shaqooyin dheeraad ah ayey ka shaqaynayeen si ay u helaan lacag noloshooda ku filan, nasashana ma jirin inta la shaqaynayo maalintii. Fasax marka ay tahayna haba sheegin.

Maalmaha shaqo oo dheer darteed dadku inta badan gudaha ayey ku jireen. Warshadaha gudahuudu kulayl ayey ahaayeen, hawadan saxar gaas ayaa ka buuxay. Lama ogolayn in la furo daaqadaha, waxaanay keentay in shaqaale badan dhibaato neefsasho iyo sambabo xanuun ku yimaad.

Waxa kale oo taa dheeraa mashiinada oo qatar ahaa inta badana shilal ayaa dhici jiray. Laakiin cid ku dhacda in ay cabataa ma jirin, waayo shaqaaluhu waxay ka baqayeen in ay shaqada dhumiyaan. Haddii qof sameeyo shaqo xun ama uu si tartiiba u shaqeeyo, waa la dili jiray, ama si kale loo ciqaabi jiray. Shaqaaluhu wax xuquuq ah ma lahayn.

 

Magaalooyinka warshadaha leh way weynaadeen

Shaqaalaha cusubi waxa ay u baahdeen meel ay degaan. Waxa ay ag dageen washadaha halkaasoo tiradii dadku si xowliya u korortay. Tirada dadka magaalada London waxay kor u kacday hal milyan oo qof qaybtii hore ee 1800 kii. Sannadkii 1850 kala bar bulshada ingiriiska waxay degenayd magaalooyinka.

Guryahan cusub ee shaqaaluhu ma ay fiicnayn. Kuwa guryaha dhisa ayaa si ay lacag degdeg ah uga helaan shaqaalaha waxay u dhiseen guryo aan lahayn nal, hawo, biyo iyo bulaacado.

Qoyska oo dhan waxa ay degenaayeen hal qol. Qaar badani waxa ay degenaayeen maqsinka ugu hooseeya guriga oo qabow ah, oo caaryo leh. Guryaha hortooda waxa ku daboolaa qaac madow oo ka soo baxayey warshadaha. Dadkii way jiradeen, qaar badanina waxay u dhinteen tiifoow, daacuun ama qaaxo.

 

Dumarka iyo caruurta ayaa aad u dhibtooday

Dumarku aad ayey uga mushahar yaraayeen ragga, inkastoo ay sida ragga u shaqaynayeen. Ninka waxa loo arkayey in uu yaahay madaxii guriga uu markaa ka mushahar bato xaaska. Inkastoo ay jireen dumar badan oo kali ku ah carruurtu hadan macno ma lahayn.

Sawirka: everystockphoto.com caruurta ka shaqeyn jirtay wakhtigii kacaanka warshadaha. Caruur ayaa warshadaha iyana ka shaqayn jiray. Caruurta waa ay u fududayd in ay mashiinada qatarta ah hoos galaan. Caruurta waxa la siinayey mushahar aad u hooseeya. Caruurta ka shaqaysa godadka ayaa ugu darnaa.

Dumarka uurka lihi waxa ay shaqaynayeen illaa uu ilmuhu ka dhalanayo. Marka ay dhalaan laba usbuuc ayey guriga ilmaha la joogayeen mushahar la’aan. Marka ay shaqada ku soo noqdaan ilmaha shaqada ayey u soo qaadanayeen ama qof u haya ayey u dhiibi jireen.

Caruur ayaa warshadaha iyana ka shaqayn jiray. Caruurta waa ay u fududayd in ay mashiinada qatarta ah hoos galaan. Caruurta waxa la siinayey mushahar aad u hooseeya. Caruurta ka shaqaysa godadka ayaa ugu darnaa. Laga bilaabo marka ay shan jirsadaan waxa ay dhuxusha saarayeen gaariyada aanay jiidayeen godadka meelaha aanay dadka waaweyni ageli karin. Haddii ay caajisaan ama daalaan waa la karbaashi jiray. Waalidiin badan ayaa ilmahooda shaqada u ogolaa si ay qoyska dakhli u soo geliyaan. Waalidku wuu u baahnaa lacagtaa dheeraadka ah ee ay ilmaha soo shaqaynayaan.

 

Shaqaalihii wuu mudaharaaday

Shaqaaluhu wuxu ku noolaa nolol adag. Lacag lama siin jirin marka ay jirran yihiin, wax xuquuqana ma ay lahayn. Maalinta inteeda badan waxay joogeen shaqada. Markii danbe qaar badan ayaa waxay bilaabeen in ay ka mudharaadaan noloshii xumayd ee ay ku noolaayeen. Gaar ahaan qaar badan ayaa waxay u arkayeen inn mushaharka la siiyo caruurta iyo dumarku uu aad u hooseeyo. Hadda shaqaaluhu waxay u baahdeen sharci ilaaliya.

Waxa ay go,aan ku gaadheen in ilma ka yar sideed sanno aanu warshadaha ka shaqayn. iyo in caruurta u dhaxaysa sideed sanno ilaa sedex yo toban sano ay waxbarsho garab socota shaqada ay helaaan. Sanadkii 1850 kii ayaa waxaa la go,aamiyey in dumarka iyo caruurtu aanay shaqayn karin wax ka badan 10,5 saacadood maalintii, raguna aanay shaqayn karin wax ka badan 12 saacadood.

Sawirka: ganacsi 50minutes.com Karl Marx wuxuu qabay in lacagta soo gasha warshadaha shaqaalaha oo dhami si isleeg u qaybsado. Waxa uu ugu yeeray tujaartii warshadaha lahayd qawlaystayaal, shaqaalihii faqiirka ahaana danyar.

 

Karl Marx waxa uu noqday fayosoofkii shaqaalaha

Shaqaalaha dalal kala duwan ayaa waxa haysatay dhibaato isku mid ah. Sidaa darteed waxay dareemayeen in ay si qaraabo u yihiin. Faylosoofkii Karl Marx waxa uu laha fikraddo ku saabsan xiriirka shaqaalaha.

Karl Marx wuxuu qabay in lacagta soo gasha warshadaha shaqaalaha oo dhami si isleeg u qaybsado. Waxa uu ugu yeeray tujaartii warshadaha lahayd qawlaystayaal, shaqaalihii faqiirka ahaana danyar.

Karl Marx waxa uu qabay in shaqaalaha iyo warshadaha kuwalihi wada leeyihiin warshadaha iyo mashiinada. Markaa cidina cid ma duudsiyeyso.

Marx wxu yiri “Danyarta adduunka oo dhaneey is kaashada.”

 

 

 

 

 

 

 

 

Su’aalo cadeynaayo inaad fahantay maqaalkaan cilmiga ku salaysan.  Qeybta hoose ee fikradaha noogu reeb jawaabtaada.

  1. Yaa ka shaqaynaayey warshadaha cusub?
  2. Magacow magaalo ka mid ah dalka Ingiriiska oo bulshada ku nooli aad u korodhay?
  3. Qeex sababta sida ay ahayd nolosha dadka ka shaqaynayey warshadaha?
  4. Maxay u kala badnayd mushaarka ragga iyo dumarku inkastoo ay shaqo isku mida ah qabanayeen?
  5. Muxuu Karl Marx caan ku ahaa?

Fikirkaada Waa Muhiim