Caafimaadka bulshada waa qeyb kamid ah daryeelka caafimaadka la siiyo bulshada,ayadoo laga hortaggaayo cudaradda bulshada ku dhaco , sidoo kale waa qorsheeynta iyo  maareynta  heerarka kale gadisan ee caafimaadka bulshada si loo helo caafimaad buuxo bulshada dhexdeedda. Waxa ayna ka kooban tahay : ka hortagg, daaweyn, iyo  wacyigalin.

Waa Maxay Bulsho?

 Bulshadu waa tiro dad ah  kuwaas oo kuu nool hal meel ah, waxa ayna wadaaggaan luuqadda hadalka,deegaanka iyo dhaqanka.

Waa Maxay Hererka Kali Gadisan Ee Uu Soo Maro Cudurka?

Cuduradda waxa ay soo maraan saddax  heer oo  kali gadisan:

1- Qofka  marka uu cudurka  ku dhaco in uu ka bogsooda (Recovery)  sidda caadiga ah oo aan maalin walbo aragno.

2- Qofka  marka uu ku dhaco cudurka  in uu naafeeyo (Disability) sidda cudurka booliyadda.

3- Qofka in uu cudurka u dhinto(Death). 

Waxaa Jiro Arimo Saameyn Karo Caafimaadkaada  Shaqsiga Ah:

Dadka qaar  waa kuwa la  xanuunsan cuduro ku dhacay, xataa  si dhaqsa ah ayeey ugu  dhiman karaan xanuunkaa dartii.Tusaalle: Ilmaha ku nool wadamadda soo koraayo waxa ugu badan oo ay u dhintaan waxa ay tahay  shubanka iyo nafaqa darada. Halka dadka waaweyn ay u dhintaan  cudurka qaaxadda iyo dhiigga la’aanta.

Caafimaadkaada Shaqsiga  Ah Wax-yaalaha  Saameyo Waxaa Kamid Ah:

  • Deegaanka aad ku nooshahay haddii uu yahay deegaanka uu   wasaqeysan yahay  hawadiisa, ama ay dadkiisa ay qabaan cuduradda faafa waxa ay saameyn doontaa caafimaadkaada shaqsiga ah.
  • Dhaqanka bulshada aad ku dhax-nooshahay waxa ay ka qeyb qaadataa caafimaadkaada shaqsiga. Tusaalle: Hilibka doofarka  diin ahaan iyo dhaqan ahaan uma cunnaan dadkeenna Soomaaliyeed , balse waxaa jiro dadyow duniddaan ku nool oo cunno haddana waxaa laga qaaddaa cuduro.
  • Dhaqaalahaaga waxa uu ka qeyb qaataa hormarka  caafimaadkaada shaqsiga ah, kawaran haddii aadan haysan qarashkii aad ku soo iibsan lahayd cunno dheelirtan, waxaa jirkaada ku dhici doona dhiigg la’aan  taaso kugu keeni karto  difaac yari in uu jirkaada ku imaado.
  • Cudurdda qaar  waxa ay ku imaadaan fir, sida dhiikarka iyo cudurka macaanka

Fikirkaada Waa Muhiim