Maxaad ka fahantay shirkada Facebooga sidda ay ulla shaqeynayso dalalka reer galbeedka markii ay dhibaayo ka dhacaan, madamaa shirkada Facebooga ay isticmaalaan dad badan? Waxaana laga isticmaalo dhammaan caalamka oo idil. Facebooga waxaa isticmaalo dhammaan gaal iyo Muslimba.

Isticmaalka Facebooga aad ayuu usii badanayaa sanadwalbo sanadka kasii dambeeyo. Waxaana la wada ogsoonyahay in dad badan maskaxdooda ay siisteen isticmaalka Facebooga. Facebooga waxa isticmaallo dad gaaraayo 1.55 bilyan oo bilwalbo ah oo micnhihiisa ah dadka dunidda ku nool 4 meelood markii loo qeybiyo meel ka mid ah.

This statistic shows a timeline with the worldwide number of active Facebook users from 2008 to 2015. As of the third quarter of 2015, Facebook had 1.55 billion monthly active users. In the third quarter of 2012, the number of active Facebook users had surpassed 1 billion. Active users are those which have logged in to Facebook during the last 30 days. Furthermore, as of that quarter the social network had 1.31 billion mobile MAU. The platform is also the most popular social network worldwide.

Paris waxaa ka dhacday dhibaayo weeraro oo ay sameeyaan dadka ka socday ururka Islaamka isku sheegay ISIS ama daacish sidda aad u taqanaan saacada markii ay ahayd 11: 45pm sidda lagu qiyaasay saacada, islamarkiiba shirkada Facebooga waxay kusoo kordhisay barnaamijka calanka Faransiiska oo micna ahaan u taagan u tuko paris “pray for Paris”

“Waxaana marqaati ka dhacay inay dad badan ay sidaas profileka facebooga ka dhigeen sidaas oo ay ku jiraan Muslim iyo gaalba”

Wadamada caalamka oo idil maalmahaan dambe waxaa ka dhaco dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin midka Paris ka dhacay mid la mid ah, wali kasii xun, laakiin caalamka waxaad u moodaa inay kuwada faraxsanyihiin dhammaan dhibaatooyinkaas ka dhacaayo caalamka Islaamka oo idil.

Qaraxa ka dhacay Paris waxaa ka horeeyay midkii ka dhacay caasimada dalka Lebnaan, Beirut waxaa ka dhacay qarac oo ay dad badan ku dhammadeen iyo kuwa kalle oo qaraxyo ka dhacaan oo ay ugu horeyso Soomaaliya. Sidaas darteeda Facebooga waxaad u moodaa inay ku farxaan oo ay ka aamusaan markii dhibaatadaas ka dhacaan caalamka Islaamka.

Dhibaatadii ka dhacday Paris dhammaan caalamka ayaa ka naxay oo u tacsiyadeeyay laakiin markii caalamka Islaamka dhibaato ka dhacdo cid isweydiinayso ma jiraan su’aasha meesha taallo oo loo baahanyahay in la isweydiiyo ayaa ah maxay tahay sawabta maxaana keena arintaas?

Aniga ma ihi aqoon yahaan aqoon sarre u leh waxyaabaha caalamka ka dhacaayo laakiin waxaan jeclahay inaan u iftiimini karo dadkeyga sidda loo baahanyahay inay hurdada ka kacaan. Maxaa yeelay caalamka dhibaatooyin hor leh inuu kasoo socdo dhexda ma taallo waxaana loo baahanyahay in cidwalbo u tashato dadkeeda iyo dalkeeda.

Mar walbo oo aad ku mashquulsantahay qaabkii aad u xaasidi lahayd horumarka walalkaa damacsanyahay adigana cid aadan aqoonin halka ay ka imaaday ayaa kugu mashquulsan. Maxaa maanta kaaga muuqdo wax ka dhacaayo caalamka iyo cidda ka dambeyso, maxayna tahay danaha laga leeyahay dunidda iyo cidda rabto inay dunidda gacanta ku qabato.

Waxaa hubaal ah su’aalahaas oo idil inaan ka wada jawaabi Karin laakiin qiyaasta iyo caqliga in la isticmaalo waa laga maarmaan. Marwalbo bini’aadamka isticmaalo xoogga iyo caqliga waxaa soo kordho in umadaas noqoto ummad horey u socoto oo taqaano danaha guud ee horyaallo.

Fikirkaada Waa Muhiim