Ilma galeenka waa xubin u gaara ah dumarka,waana hooyga iyo halka uu ku koro cunugga anaan wali dhalan. Ilma galeenka  mararka qaar waxaa ku sameeysma buro,taasoo ay  ugu wacantahay koriinka faraha badan ee ku imaado murqaha jilicsan iyo nuudaayasha ilma-galeenka. 

 Burada ku sameeysmato  ilma-galeenka waxa ay kamid tahay cudurada ugu caansan oo ku dhaca ilma-galeenka, 20%  waxa ay ku dhacdaa Dumarka da’ahaan ka weyn 30sano.Badanaa  waxaa ay ilma galeenka ku sameysmataa waqtiga dhalmada (childbearing life), da’ahaan waa inta u dhaxeyso 15-45 sano, waana xilliga uu diyaar yahay  ilma- galeenka  in ay ilmo soo galaan.

 Maxaa Sababo Burada Minka?.

Ilma galeenka in uu bura ku sameysmo sababta ugu weyn illaa hadda  lama yaqaano, laakiin waxaa jiro sababo lagu tiriyo in ay ka qeyb qaataan burada ku sameysmata ilma-galeenka Hooyada ,sidda Isir ahaan in ay ku imaado (Genetic  Predisposition) korniinka  badan ee ilma galeenka, ugu danbeynti in ay isku badsho  korniinka badan buro.

Caalamadaha Lagu Garto Burada Ku Sameysmata Ilma-Galeenka Waxaa Kamid Ah :

  • Hooyada in ay isku aragto dhiigga caadada oo aad u badan.

  • Xanuun xilliga caadada in ay la kulanto hooyada.

  • Hooyada oo uur qaaddi weydo.

  • Hooyada oo dareenta barar xaga ilma-galeenka.

  • Hooyada in ay isku aragto qoyaan badan.(discharge).

Sidee Ayaa Lagu Ogaan Karaa Burada Ilmaga-Galeenka Ku Sameeysmato:

  • Hooyada in laga qaaddo Xog wareeysi (History Taken).
  • Baaritaan in loo sameeyo(Examination).
  • Kombuutarka caloosha Hooyada in la saaro( Abdominal Ultrasound)
  • Dhiiggag in laga qaaddo hooyada .

Waa Maxay Cawaaqibaha Ka Dhasha Burada Ilma-Galeenka Ku Sameysmata?.

Burada  ku sameysmato imla-galeenka haddii aan la daaweyn waxaa ka dhalato cawaaqibo ay kamid yihiin:

  • Dhicis soo noq-noqdo waqti badan.

  • Ilmaha oo ku dhex kori waaya caloosha Hooyada .

  • Hooyada oo ku adkaato dhalitaanka.

  • Dhiigg bax ku imaado hooyada xilliga dhalmada ka dib.

Siddee  Ayaa Loo Daaweyn Karaa Burada Ilmagaleenka Ku Sameeysmata?.

Daaweynta burada ilma-galeenka waxa ay ku xiran tahay:

  • Da’ada bukaanka.

  • Xajmiga burada.

  • Badanaa waxaa lagu bixiyaa  burada ilma galeenka ku sameeysamata qalliin.

Fikirkaada Waa Muhiim