Cunnadu waxa ay muhiim u tahay nolosha Aadanaha, haddii aad rabto in uu  jirkaada helo caafimaad iyo fir-fircooni jogta ah waa in aad cuntaa cunno dheelitiran, inta aad cunnada cunin ka hor waa muhiim in aan hubinno cunnada in ay tahay mid dheelitiran, sidookale waa in ay tahay mid laga illaaliyey bakteeriyada.

Wax Ka Ogow Shaqada Cunnada Ay U Qabato Jirkeena:

  1. Cunnada waxa ay ka qeeyb qaadataa koritaanka jirka.
  2. Waxa ay kor u qaaddaa shaqada maskaxda, sidoo kale Waxa ay xoojisaa xasuusta.
  3. Waxa ay jirka u tahay tabar(Energy), tabar taas oo lagu socon lahaa,wax lagu baran lahaa,iyo tabartii lagu shaqeyn lahaa.
  4. Waxa ay cunnada jirka ay u sameeysaa unugyo cusub(Build new cell).
  5. Cunnada waxa ay xoojisaa difaaca jirka, sidoo kale waxa ay ka qeeyb qaadataa ka hortagga cudurada jirka soo weeraro.
  6. Cunnada waxa ay hormarisaa shaqada murqaha.
  7. Cunnadu waxa ay xoojisaa lafaha iyo Ilkaha.
  8. Cunnada waxa ay ka qeeyb qaadataa soo kabsashada dhaawaca qofka gaaro.
  9. Cunnada waxa ay hormarisaa qaab shaqeeynta xubnaha muhiimka u ah nolosha sida: Wadanaha,Beerka, iyo killiyaha.
  10. Cunnada waxa ay ka hortagtaa dhiigga la’aanta.

Waa Maxay Cunno Dheelitiran?.

Cunnada aad cuneeyso waa in ay ka koobantahay 6 qaybood oo kale ah:

  1. Kaarboonheydareetis(Carbonhydrates) sida ;Bariiska,Galleyda, iyo Qamadiga
  2. Boratiin(protein) sida: Caanaha,Hilibka,Ukunta iyo Digirta.
  3. Faat(Fat) sida : Subagga,Saliidda iyo Farmaajada.
  4. Macdan(Minernals) Sida : Beerka,looska.
  5. fatimiin(vatimine) sida : Qudaarta Cagaraan.
  6. Biyo.

Cunnada  aad cunto maalin walbo waa in ay ahaato mid dheelitiran. Ku dadaal naadafadda cunnadaada si caafimaadkaada uu kor ugu qaadmo.

Fikirkaada Waa Muhiim