Qummanka waa qanjiro ku yaallo dhinacyada dhuunta, waxa ayna xoojiyaan unugayada difaaca jirka, waxa ayna ka hortagaan infeshanka ku dhaco sanbabada iyo caloosha.

Mararka qaar qummanka waxaa ku imaado caabuq, waxaa aana sababo fayrus ama bakteeriyo ilma aragta ah, wallow ay sababta ugu badan ay tahay bakteeriyo, Bakteeriyada waxa ay ka dhalataa wax-yaabaha qabowga badan ee uu qofka cabo. Waligaa ma aragtay qof uu ku dhacay caabuqa qummanka?
Adiguse makugu dhacay caabaqa qummanka?

Mararka qaar qummanka waxaa ku imaado caabuq, waxaa aana sababo fayrus ama bakteeriyo ilma aragta ah, wallow ay sababta ugu  badan ay tahay bakteeriyo,  Bakteeriyada waxa ay ka dhalataa wax-yaabaha  qabowga badan ee uu qofka cabo.

Waligaa ma aragtay qof  uu ku dhacay caabuqa qummanka?

Adiguse makugu  dhacay caabaqa qummanka?

Ma is weeydisay caabuqa qummanka  dhibaatada ka dhalan karto?

Haddaba Kaalay Aan Isla Aragnee Calaamadaha Lagu Garto Caabuqa Qummanka.

  • Xumad daran.
  • Calool xanuun gaar ahaan caruurta yar yar.
  • Qofka oo ay liqidda ku adkaato.
  • Qumanka oo gaduuto.
  • Qofka oo ay  ku adkaato dhaqdhaqaaqa luqunta.
  • Mararka qaar waxa ay keentaa codka ruuxa oo xabeeb yeesho.
  • Qanjirada qummanka oo soo weeynaado.
  • Qofka oo lagu arko Af ur
  • Madax xanun.

 Cawaaqibaha Caafimaad  Daro oo Ka Dhasha  Caabuqa  Qummanka waxaa kamid ah:

  • Caabuqa ku imaaado wadanahaaga.
  • Qofka oo neefisiga ku adkaado.
  • Caabuqa ku imaado dhagahaada .
  • Qofka oo huradada ku yaraato.
  • Dheecaanno in ay ku aruuraan  agagaarka  qanjirada qumanka.

 

Sidee Loo Daaweeyaa Caabuqa Qummanka Ku Imaado?

  1. Daaweeynta caabuqa qummanka waxa ay ku xirantahay waxa sababay, sida haddii ay bakteeriyo sababtay waxa la  siiyaa qofka  daawooyin bakteeriyo-dilayaal ah.

  2. Daaweynta waxaa kaloo kamid ah ruuxa in uu qaato nasiino.

  3. Ruuxa in uu iska illaaliyo cabitaanka  biyaha qabowga ah, sidoo kale inuu badsado biyaha diiran..

  4. Ilmaha in aad ku dhiirigaliso in ay seexdaan waqtiga aad ogaato in uu ku imaaday quman xanuun.

  5. Cunugga in aad siiso biyo diiran oo cusbo leh si uu ugu luqluqdo,taasi waxa ayna ka qeeyb qaadanaysaa yaraynayta caabuqa qummanka.

  6. ka fogee gurigaada qiiq walbo oo dhuunta ku kicin karo qufac.

Fikirkaada Waa Muhiim