Waxaad hoosta ka xariiqda oo aad (Xaddi-daa) hadaf-yada aad leedahay adigoo u qaybinayaa kuwa waa wayn iyo kuwa yar yar kuwa yar yarna markaas aad ugu soconayso xaqiijinta kuwa waa wayn mar walbaana is waydii maxaan sameeyaa? Sideen wax u sameeyaa?

  • Wakhtigaaga nadaami
  • Xoojina xidhiidhka dadka waanwanaagsan oo kasboo saaxiib wanaagsan
  • Noqo mid mar walba isku daya oo ku socda waxa uu qabaanaayo

 

Waa maxay kala duwanaanshaha u dhaxeeya raaxada iyo guusha?

Farqiga u dhaxeeya waxa u ku cad yahay sida aynnu uga soo sheegaynay mid walba marka waxannu soo koobikarnaa qofkasta oo guuleysta ahi maaha raaxeystee, raaxeyste kastana maha guuleysteen.

 

Waa maxay farxaddu?

  • Farxaddu waa dareen fiican oo waqti kooban
  • Farxaddu waa degenaansho uu darreemo qofku.
  • Hanashada himilada iyo hadafka.
  • Farxaddu waa ku noolaansho nololeed oo wax kasta oo u baahan tahay kuu diyaar yihiin.

 

Maxaa keena faraxadda?

Waxa laga helaa farxadda iimaanka,camalwanaaga, qalbi furnaanta iyo kalsoonida dadkuna way kala duwan yihiin, oo qofba waxba farxadgeliya, waxa uuna ku yimaaddaa dhacdo gaar ah ama kelmad ama warfiican oo lamaqlo.

 

Waa maxay faraqa uu dhaxeeya farxadda iyo guusha?

  • Farxaddu waa natiijada guusha marka labaad farxada waxaa keena waxa ay niyadaadu doonayso guulbaa yaanay ahaane.
  • Farxaddu waa dareen waqti koobaan, guushu waa dareen wanaagsan oo waqti dheer.
  • Farxadi ma-jirto haadan guul iyo rajo-jirin.

 

Xaggay ka bilaabantaa nolosha horumarkeeddu?

Nolosha horumarkeeddu waxa uu ka bilaabantaa guriga ama qoyska, waayo nolosha bini’aadankuba dhammaanteed waxa ay ka soo jeedaa guuri Xaawo iyo Nabi Aadan CSW marka waxa aannu ognahay in aynnu isku raacsanahay in noloshu ka bilaabmato qoyska, haddaba horumarka nololeed ee la raadinayaa waxa gundhig uu ah qab nololeed ka guriga,haddii gurigu hagaago dhammaan nolooshenuna way hagaagaysaa oo horumarka aynnu doonayna weynnu helaynaa, waayo qofku haddii uu bilowga katooso waxa aan huba in wax nolosha ku adkanayaabaanayjirin oo dhammaad ka wax kasta oo uu qabanayaana ay yihiin qaar tubtatoosan ku dhaca, maxaa looga baahanyahay gabadha iyo ninka ku heshiiyey in ay is guursadaan ama nolol wadaagaan is lamarkay isguursadaan? waxalooga baahanyahay in ay sameeyaan dhawrkan qodob:-

  • Marka hore inta anay labadan qof is guursan waa in waxa xaqiiqa jirta laysu sheega oo anay jirin wax buun bunina ee uu inanku dabeecadisa iyo waxa uu inantankuarko runta kasheega iyo hadday jiraan wax yaabo noloshiisa uu qarsoon, waa in uu iyada uu so bandhiga waayo tani waa nolol dhaba oo ay doonayaan labada qof in ay wadda nooladan inta ay nool yihiin oo dhan marka inantuna waa in ay dabeecaddeda la socod siisa inanka.

  • In la badooduba ay wax weyn ka bartan dhismaha qoyska iyo qabka loo wada noolaado, iyaga oo awoodda saaraya dhammaan diinta islaamka inta ku saabsan dhismaha qoyska, oo runtii ay ka heli doonan labadooduba waxa ay xaq u leeyihiin, waayo diinteenna macaan mid walba waxa ay siisay xaq iyo xaquuq dhameystiran marka wa in ay awoodda saran

  • In labadooda mid ba midka kale kalsooni kasameysto, waayo labadan qof wey isku cusubyihiin waxanay ku soo koreen meelkala duwan marka waxa lo baahanyahay in mid kasta u fiirsado qofkan kale dhaqankiisa oo dabadeedna qorto, kaddib ay miideyaan dhaqamadooda isaga oo midiba midka kale uu sheegaya waxa uu jeclaanlaha in uu iska beddelo qofkani iyo waxa u jecel yahay in uu ku soo kordhiyo noloshiisa ee isaga farxad gelinaya.

  • In ay is ixtiraam iyo is tixgelin ay isu muujiyaan midba midkakale, Ixtiraam kasi hanoqdo mid muuqda iyo mid qarsoone oo u ku welweelaayo hadalkiisa iyo wax kasta oo u sheegayo ama haddii wax uu kacabanaya uu jiro lamanaha mid kamiddi waa in ka kale uu dhaga nuglaado oo uu dhagaysto, kaddibna waxa lamaanihiisa kale jeclayn ee u kaga cabanayo aannu dhayelsane uu wax ka qabtaa oo lana dhaqmo maalin kasta in ay imika uun is guursadeen , waayo waxaaan layabay ee aan arkay waxa weeyaan labada qof markay sheekaysanayaa mid waliba waa kiiisagu adduunka ugu wanagsana maana ka muuqdaan wax dhaliilo ah, kaddib waxa lasku guursanaya iyaga oo labadooduba anay dhaliil lahayn mararka qaar waxanis weyddiinaya dadka Soomaalida ma jacaylka ayey khalad fahmeen oo waxa ay uu yaqanan jacaylka bilowgiisu in uu yahay marka labada qof ay sheekeysanayaadhammaad kiisana ma waxa ay uu yaqaaniin marka lays guursado, waayo waxan in badan indho-indheeyey arrinkan, marka waxa iga so baxday in ay dadka Soomaalidu uu yaqaanniin jacaylka dhammaadkiisaguurka, marka haddii jacaylka dhammaadkiisu yahay gurka haddaba Soomaalidu noloshan ay doonaysaa halkay ka imanaysa, waa waxa maalin kasta aannu u aragno maxaakabaddehena oo buuxa, waayo halkay maalinta ay is guursadaan nolosha farxadeeda iyo jacaylkeeduba u bilaabmilahayeen ayey dhammaadeen markaa sideelaysu fahmayaa ee laysula keenaya nolol bilaa jacayl ah, waa waxa ay soomaalidu uu dhadhamin ladahay raaxada guriga ee ay raaxada uga badh-baadhayaa meelokale.

  • Waa inay lamaanuhu isfahmaan:oo jacaylkuna u bilaabmaa maalinta ay is guursadaan si ay noloshooda uqutan jacayl midha-dhala,waana in midba midka kale ku faano oo casharro laga barto,lammaaneyaasha wax ka yara ka qalloocanyihiinna ay ku waakale toosin uu noqdaan, laakiin haddii lanoqdo isma dhanto iyo dhasheedii wax horumara oo lagaadhaya majiro, qofkuna magaadhikaro horumar nololeed hadannu lammaanihisu barbar tagney, waayo qof had iyo jeer ka feker guurikiisa dhibaatada ka taagannaftiisana meel gaadhsinmaayo cid kale oo uu waxtarna haba sheegin.

  • Haddaba labada qof waa in ay wadda tashi sameeyaan, Waa in ay wax walba ka wadda tashadaan oo ay rogrogaan maha wax layaraysan karo ee waa nolol dhameystiran marka waa in laga wadatashadaad hadba waxa yaa la ee u baahan in wax laga qabto mid walibana ku dedaala waajibkiisa sii ay noloshooda uu baran masuuliyada, haddii qofku uu si hufan uga so bixiwaayana masuuliyadda qoyska masuuliyad kalana ma qaadikaro raggiyo dumar ku doonaba hanoqdee, waayo halkan ayaa ah Jamacaddii masuuliyada ee galaska koobaad ilaa Jamacaddii marka qofka dhacay ilaa galas ulo ilaa Jamacaddii, maa maamuli karaa shirkad ama cid kalemasuul Mala laga dhigan karaa ?Jawaabtu waa maya ee xataa in waardiye laga dhigto mafiicna, waayo dadka kale ayuu lugoynayaa.

  • In ay dejiyaan qabka ay guud ahaan u noolanayaa, waxa lagayaaba in marka aad akhridaanin aad tidhaahdaan waa maxay waxa ay ka sheekeynaysaa waligeed ayaa la so wada noolaaye, haddaba way yartahay dad soomaaliya oo dhadhamiyey nolosha Illaahay inoogu talo galay ee guriga raaxadiisa, haddaba Illaahay guryihiina waxa uu ugutalogalay in ay noqdaan meel lagu raaxaysto oo lagunasto, ee ugumu talogelin in ay noqoto meel marwalba buuq iyo sawaxan ka taganyahay ee waa meel nolosha lagu gorfeeyo, qaybeheeda kala duwan, Haddaba diinteennu waxa ay ina faraysaa in labada qof wada tashadaan markaan leeyahay maha in aan leeyahay cid waliba haka gudubto masuuliyadda garka ay ulahayeen ee waa inlafalanqeeya heer kasta oo noloshoodu mareyso, waxa najira in mid waliba leeyahay masuuliyad gaara oo ninku yahay kan ah, maamulaha guud ee reerka gabadhuna ay tahay ku xigeenka, marka maha talaado lawadaaga in lakala maroorsanaayo qofwaliba xaquuqdiisa ee waa in lawadaago dhammaan waxa uu baahan in la xalliyo, waana qabka ugu haboon ee horumar lagu gaadhayo,waa in ragu kaga daydaanNabi

Maxamed (S.C.W)sida dumarkiisa ula dhaqmijiray oo runtii ahayd nolol dhameystiraan, dumarkuna ay kudaydaan dumarkii Nabiga marka waxa ay dhadhamin doonan dhadhamo tii ugu fiicnaad nolosha, markey igudhalatay in aan qodobkan buugayga gun-dhig ugadhigo waxa ay ahayd mar aan booqday maxkamadda maagaladda hargeysa ayaa waxa aan ku arkay wax iga yaabiyey waxa maxakamadda joogay dad aad ubadanoo in ta ugu badanina ay tahay qoysas is furaya,carruur isku haysta,bil kii carruurta isku haysta caanihii carruurta dhammaan waxa iyo qar kalo badan markaas aya aan oogadey buuggan ka had laaya horumarka ee aan diyaarinayo in uu laangadhee yahay ilaa lagudaro qodobkan, oo aad nolosha horumarkeeda mihiim ugu ah, waxa aanogaaday in dhammaan dadkani anay wada xumayn ee ujiro is fahan la’aan iyo in ta badan oo aan garanayn waxa ay xaq u leeyihiin iyo waxa loogu leeyahay, marka waxa aan qodobkan kagabaxaya in aad taxdaan wax kasta oo aad doonaysan in uu ka mid noqdo qab nololeed kiina, kaddibna ku dhejistaa qolkiina hurdada iyo maskaxddiinaba qabta wax kayddisaa haddaba haddii noloshani hagaagto waa hubaal in ay hagaagayso dhammaan noloshu lana gaadhayo horumar nololeed.

Is dhul-dhig

Waa in qof waliba qofka kale u dabacsanaada oo u isu dhul-dhigaa oo u dhegeystaa hadalkiisuna la waynaadda oo uu ka horumariyaa naftiisa waxa uu lajecel yahay uu isaga la jeclaada oo isu dhaga nuglaada, waxa aan kor ku so sheegayo dhan, waxa aan jeclaan lahaa in ay labada qof dejiyaanmarka ay saa isu guuradaan ee anay ubadka lagadhan, waayo ilmuhu waxa ay fiicantahay in uu ku so biro dawlad sharciyadeheeda oo dhammi oo dhameystiranyihiin oo madax waynihii leh ku xigeen kiina leh si ay iyaguna wasiirro uganoqdaan, oo ay u la jaanqadan sharciga, ixtiraama,kala danbaynta iyo qabka nololeed ee macaan, ee guriga kajira oo ay iyana sifiican ugu dhaqmaan.

Maansada Taamilo

Waxa tiriyeey Xasan Daahir weedhsame markan maansadan dib u milicsado ruun tii magaceeda iyo tuducyadeedaba waxa aan ka dhex dheehday in ay ka hadlayso qof dhameystiraan oo ay dhinac walba diiradda saarayso markan arkay miisanka maansadan runtii waxa ugu adkaatay san u sharrixi lahaa waxa laga yaaba in aad ku aragtan meelo kala duwan buuggan.

Nin ku tebay ku taageer

Nin ku tiray war kuu tebi

Nin ku tuugay taajiyo

Derajaabu kuu tolay

Qof haddii uu tar-sheegtana

Wuxu tarayba waa tiix.

Wax shalayto kaa tegay

 

Inta aad tiigso leedahay

Arrin haatan taagaani

Armuu kaa taraaraa?

Tagto way tagtee tuur

 

Ka tir maanka teedii

Ha u taahin taa daa

Berri iyo timaadada

Ha u tiirin hawlaha

 

Kadinkaaga soo tubaan

Telagiyo dharaaraha

Ha u tirin xilkaagii

Ha u tegin talaafiif

Xaajada togdheer taal

 

Ha ka didin tabaalaha

Ama tawsta waayaha

Goortay ku taabtan

Cidna ha u tawaawicin.

Naftu way tasawdaa

 

Ama toobbad seegtaa

Mar haddaan taxaabiyo

U tallawda ruuxaan

Kuu teello-dhigaanayn

 

Toganaha u geediyo

Tabanaha ka goodaa

Taamilo ku deeqdiyo

Curfi laga dhex tuujaa.

 

Noloshana tafteediyo

Nin tunkeeda daawaday

Dhabta taal kasheediyo

Runta wuu takooraa.

Ha tiiftiifin noolaha

 

Ha ku tumaan asaagaa

Ha tandhaafin digashada

Hadba hadal tumaatiya

Tiiqtiiqsi ha u odhan

Arxaankiyo tudhaaluhu

 

Yaanay kaa tafiir gu’in

Damiir taagle loo hayn Tafaantoofka caydhiyo Mar hadday haan tooji i Taladaada yeeshan Tiiraanyadaadaa Qoor taagga kibirkiyo Qabku yaanu kula tegin Ha is taawin aadmiga Tayo inad wax dheertahay Qof ku taray waxa uu taray Ha ka dhigin bar kuma taal Xurmo waa tixgelinteedee Taalladeeda muunee Qofka kuu tanaasula Sida taayir ha u marin Dadku waa tolkaa iyo Ciddii aad ka taraantee Tafaraaruqoodiyo

Ha ka talin wax dhaawaca.

Ha ku taamin godobaha Ha tafniidin boogaha

Hana tuulaan gocoshada

Tibta eelka ha ku durin

 

Tif wax leegna ha u dudin

Dul u yeelo tabashada

Xalka taabka ha u jarin

Misna toorin ha u qoraan

 

Ku tuntuunso hanashada

Wax la taabo ka u mudaan

Wax la tuuro ha ka dhigin.

Marka ruuxu teel teel

 

Gafka ugu tallaabsado

Ha ku tolin garoomada

Lagu taxo qof daalina.

Adba waad taraartaa

Tumaatida ilduufkoo

Dadku waa tabtaadaa,

 

Nolol tababarkeedaana

Way turunturroodaan.

Inta lagu tafaafulo

Garashada tiriiga ah

 

Tuhunkaa ka kowoo

Hadba xaajo tuurluu

Xinka toorey ha u tumaan

Berri teello u yar dhigo

Wax-san taako uga durug.

Dadka toojo ha u qabin

 

Kuu toosiyaayoo

Tubta lagu yakoobee

Kaska lagu takhsiiruu

Si yar kuugu tuuraa.

 

Isku tali dabeed tali

Ma tashade ha ii talin

Hadal toosan weeyaan,

 

Haddaan saarku kula tagin

Kabihiisa kaan tolaan

Adna yaanu kuu tolin,

Tukuhuba dadkuu baray

 

Tartiib mayd la aastee

Ka tix-raac qudhanjada

Tacabkiyo wax kaydsiga

La tashoo aboorkana

Tacliintiisa weydii.

Inta loo tartami karo

Yaanu tiigsi kugu gabin

 

Tamartaada curintiyo

Tacabkaaga cududiyo

Taladaada fikirkiyo

Hal-abuurka taraantari

Tarmi yaanay talax-gabin

 

Ka tir boodhka ulashada

Tirtir quusta baqashada

Adba taada ka hirgeli

Halka ruushku tubaan yahay.

Fikirkaada Waa Muhiim