Nadaafadda afka iyo booqashooyinka joogtada ah ee dhakhtarka ilkaha ayaa kaa caawin karto inaad ilaaliso ilkaha iyo ciridka caafimaadka.

Waa kuwan tabaha kaa caawinaya inaad ilkahaaga daryeesho.

Cadayee ugu yaraan laba jeer maalintii. Waqtiga ugu fiican ee la cadayeeyo ilkaha waa cuntada kadib. Xulo caday burush ah oo leh madax yar si aad si fiican u nadiifis ilkaha dhexdooda.

Adeegso daawada cadayga. Fluoride waxay ka caawineysaa adkeynta dhaldhalaalka ilkaha waxayna yareysaa halista bakteriyada ilkaha.

Si fiican u cadayee. Cadeyga ilkuha waa in uu qaataa inta u dhexeysa labo iyo saddex daqiiqo ugu yaraan.

Maalin kasta ilkahaaga fandhacil( . Adigoo adeeg sanayo dun jilicsan. Oo ilkahakaaga nadiifinayo.

Yaree cabitaannada aashatada ah sida cabitaannada fudud. Cabitaanka Aashatada waxay jilcisaa macdanta ilkaha waxayna ku milmaan macdanta ku jirta dhalaalaka ilkaha.

Yaree cuntada sokorta leh. Bakteeriyada ku jirta huurada ilkaha waxay sonkorta u beddelaan acids. Kadibna waxay ku sababee ilko burbur.

Ka ilaali ilkaha dhaawaca. Xidho af-ilaaliye ama koofiyad wejiga markaad ciyaareyso.

Isku day inaad keydiso iliga haduu jabo amd dib ugu celiso meeshii uu ka soo baxay. Intaada ka tageysid dhaqtar ilkeeda. Haddii taasi aysan suurtogal ahayn, iliga ku duub caag ama ku rid caano oo isla markiiba raadso dhaqtar ilko.

Iska ilaali inaad ilkahaaga u isticmaasho wax aan ahayn rugis ama calalin. Haddii aad u isticmaashid inay ku jabto ayaa suurto gal ah, ka ilaali ilkaha wax adag in aad ku qabatid ama ku goysid. Maxaa yeelay waxay halis u yihiin in ay ku jabaan.

Ku xirnow dhaqtar:
Waa in aad sidoo kale booqataa dhakhtarka ilkaha haddii aad leedahay dhibaato ilkeed sida ilko xanuun ama cirrid dhiig.

Fikirkaada Waa Muhiim