Inkastoo ay erey bixinada qalaad ee ku jira caafimaadka aysan lahyn turjumaan ama fasiraad, hadana waxa aan isku dayey in aan u sameeyo macno ereyga(antibiotic), waxaana ila haboonatay in aan qaadanno ereyga Bakteeriyo-dilayaal.

Bakteeriyo dilyaaashu waa daawo xoog leh oo lagu daaweeyo infekshanka ay sababto bekteeriyada ilma aragtada ah,mararka qaar bakteeriyo-dilayaasha waxa ay badbaadiyaan nolosha Aadanaha haddii loo isticmaalo si habboon, ayada oo ay daawadu yareeyneeyso korintaanka bakteeriyada jirka dhexdiisa ah ama waxa ay burburisaa bakteeriyada soo weerartay jirka Aadanaha.

Bakteeriyo-diliyaasha sida nooga muuqato magaca daawada waxa kali ah ay daaweyso waxa ay tahay cudurada ay sababto bakteeriyada, wallow ay jiraan qaar kamid ah bakteero-diliyaasha oo tira ahaan aad u yar oo lagu daaweeyo cudurada ay keenaan baarasayt (Parasite) sida cudurka Malaria oo kale.

Daawadii ugu horeeysay oo bakteeriyo-dilayaasha kamid ah waxa ay aheeyd beensiliin notaatum (penicillium notatum),waxa aana hadda loo yaqanaa bensilin(penicillin) waxaa soo iqtiraacay Alexander Fleming sanadaddii 1928-dii.

Cuduradda Ugu Badan Ee Lagu Daaweeyo Bakteeri Dilayaasha Waxaa Kamid Ah:
1. Kolba’aariyada.
2. Dhaawacyada furan ee jirka soo gaaro.
3. Caabuqa ku dhaca qumanka.
4. Infekshanka raaco dhiigga.
5. Infekshanka ku dhaca kaadi mareenka.
6. Maskax garaadka ku dhaca canugga dhasho(neonatal meningitis).
7. Xiiq dheerta.
8. Caabuqa dhagaha.
9. Caabuqa isha.
10. Caabuq ku imaado wadnaha.
11. Jabtada.
12. Isfiiltada.
13. Finanka badan.
14. Shubanka.
15. Gubashada.

Halkan kuma soo koobi karno cudurada ay daaweeyso bakteeriyo-dilayaasha balse waa tusaalooyin ayaan usoo qaadanay intaan.
Haddaba Kaalay Aan Isla Aragnee Saameeyn Ay Bakteeriyo-Dilayaashu Jirka Aadanaha Ay Ku Reebto:
1. Xasaasiyad.
2. Madax xanuun.
3. Matag.
4. Lallabo.
5. Murqa xanuun.
6. Shuban.
7. Jirka oo qofka cun cuno.
8. Qandho.
9. cunno xumo.

Cawaaqibo Noocee Ah Ayaa Ka Dhasha Bakteeriyo-Dilayaasha Haddii Si Joogta ah Loo Qaato?

1. Qofka in daawada jirkiisa ay la qabsato oo lagu daaweeyn waayo cudurada loogu talagalay daawadaan.
2. Qofka oo shaqo gab uu ku imaado xubnaha muhiimka u ah nolosha sida: beerka,wadnaha, iyo maskaxda.
3. Qofka in ay yaraato shaqada kiliyihisa.

Fikirkaada Waa Muhiim