HORDHAC: Waxa aad arkeysaa mararka qaar in ardaydu ey ka aammin sanyihiin barashada caafimaadka wax adag oo aan lagu dhiiran  karin barashadiiisa,  hasa ahaatee baahida looqabo in labarto caafimaadka ayaa ah mid aad muhiim u ah, gaar ahaan marki lafiirinaayo dalkeenna oo intabadan si-kadis ah kudhacaan waxyeelo nafeed, oo halisa ah, una baahan in xaaladdaas uu qofka helo GARGAAR DEG-DEG AH AMA CAAWINAAD DHAQSO AH, Balse dhibaatada ayaa ah in caawinaad dhaqso ah lasameeyo iska daaye, xitaa hadii aad ubaahato qof kuduro{injection}in aad weyso ama mudo ay kugu qaadato in aad hesho qofkaas, waxaana hubaal ah qofkii caafimaadka barto inuu naftiisa iyo bulshadiisaba wax tarikaro.

Maada-daan waa maadada lagu barto qaabdhismeedka jirka aadanaha, annaga oona ku gorfeyn doonno qeybo kamid ah barashada iyo qaabdhismeedka Jirka aadmiga.

Barashada jirka iyo sida uu ushaqeeyo waa qeybta ugu muhiimsan ee caafimadka, waayoo marka aqoontu dadku uleeyahay jirka iyo howshiisa ay kobacdaba waxaa iyadana sii kordhaysa aqoontu dadka uyeesho cudurada, ladaggaalankooda iyo latacaalidooda.

Waa Maxay Anatomy iyo Fiisiologiska?

Anatomy waa erey Griig ah oo lamid ah/la macno ah” in lagooyo qeyb” “Cut Off”.

Anatomy waa qeyb muhiim u ah barashada caafimaadka waxayna kuu kala caddeyneysaa maada-daan qeybaha jirku uu kakoobanyahay, sida ey iskula shaqeeyaan, sida ey isugu dhagganyihiin, sida ey ukala muhiimsanyihiin, sida ey isu difaacaan, sida ey u noolyihiin iyo sida ey u kala weyn yihiiin intaba.

Physiology waa barashada sida-ey organada u shaqeeyaan una sameystaan noloshoooda.

Anatomy waa maado aan cinwaanno lagu sookoobi Karin, barasha-deeduna ay aad ubaaxad weyn tahay, waxa eyna muhiim u tahay qof walibo oo baranaya caafimaadka sida:

  • Nursing waa kalkaaliye, waana xubinta uusan kamaarmin Cisbitaal kasta.
  • Dentist waa barashada ilkaha.
  • Medicine & Surgery waa qofka barta daaweynta iyo qaliimada.
  • Pathologist waa qoka ku taqasusa cuduradda.
  • Ophthalmologist’s waa taqasuska barashada indhaha.
  • Midwifery waa umuliso.
  • Gynecologist waa qofka ku taqasusa barashada cudurada taranka ee ku dhaca haweenka iyo latacaaliddooda.
  • Anesthesiologist waa qofka kaliya ee wax suuxinkara xiliga qaliinka.
  • ENT specialist waa barashada sanka,cunaha iyo dhagaha.
  • Cardiologyst waa qofka ku taqasusa barashada cilmiga wadnaha.
  • Dermatologist waa qofk barta ama ku taqasusa cudurada ku dhaca maqaarka, Tinta iyo Cidiyaha.
  • Orthopedic waa qofka barta ama ku taqasusa cudurada ku dhaca lafaha iyo latacaalidooda.
  • Pediatrician waa qofka barta ama ku taqasusa daaweynta caruurta.
  • Dietitian waa qofka barta ama kutaqasusa cuntooyinka si uu cuntada kala taliyo dadka qaba cudurada nolol qeybsiga (chronic disease).
  • Psychiatrist waa qofka ku taqasusa cudurada maskaxda ku dhaca.

 

Lasoco casharka xiga…………..Waxaa diyaarisay Dr.Ilhaan Ciise Maxamed

Fikirkaada Waa Muhiim