Cudurka cabeebku waa xanuun ku dhaca Lo’da, doofaarka, idaha, riyaha. Xanuunkan waxa keena cudur dhaliyaha loo yaqaan fayraska, gaar ahaan nooca “Aphtho virus” haddaba waxa jira todobba nooc oo jeermiskani leeyahay mid kastaana xanuunka gaar ahaantiisa u sababo sida (Nooca A,O,E, Asia,South 1,2,3) mid kastaana waxa uu leeyahay tallaal u gaar ah oo lagaga hortago.

Cudurka cabeebku waa xanuun ku dhaca Lo’da, doofaarka, idaha, riyaha. Xanuunkan waxa keena cudur dhaliyaha loo yaqaan fayraska, gaar ahaan nooca “Aphtho virus” haddaba waxa jira todobba nooc oo jeermiskani leeyahay mid kastaana xanuunka gaar ahaantiisa u sababo sida (Nooca A,O,E, Asia,South 1,2,3) mid kastaana waxa uu leeyahay tallaal u gaar ah oo lagaga hortago.

Xanuukani xoolahan kala duwan astaamo kala gedisan ayuu ku leehayay marka uu hayo, sida lo’da oo ah xoolaha ugu badan ee calaamadihiisa lagu arki karo, doofaarka oo ah xanuun fidiyaha ugu badan wakhtiga uu jeermisku jidhkiisa ku jiro, nooca ugu dambeeya oo ah adhiga (idaha iyo riyaha) wax calaamado ah ma muujiyaan inta uu xanuunkani jidhkooda ku jiro laakiin isla wakhtigaas way gudbiyaan xanuunka iyaga oo aanay wax astaamo xanuun ahi ka muuqan, waana xoolaha ugu khatarta badan maaddaama aan laga dareemi karin cudurka.

Sidee ayuu ku gudbaa cudurkani?

haddaba xanuunkani waxa uu ku gudbaa neefsiga tooska ah, taabashada neefka xanuunka qaba, dareerayaasha bukaanka ka soo baxa meelaha kala duwan, qalabka kala duwan eee xerada xoolaha lagaga shaqeeyo, waylaha yaryari waxa uu ugu gudbi karaa cururkani caanaha ay ka jaqayaan hooyada, cuntada wasakhaysan iyo waliba wakhtiga xoolaha lagu samaynayo gacan ku rimiska (Artificial insemination).

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

Cudurkani waxa uu kaga duwan yahay xanuunada kale oo lagu garan karaa:

  • Cudurkani waxa uu ku dhacaa xoolaha aynu hore u soo xusnay,isaga oo meelaha uu jidhkooda ka muuqan karaana ay tahay lugaha iyo afka.
  • Cudurkani waxa uu muujiyaa nabaro, lugaha iyo gafuurka xoolaha lagu arko.
  • Dhareer, xummad, dhutin waa astaamaha ugu badan ee lagu aqoonsan karo cudurkan.
  • Xummad daran ee neefka lagu arko
  • Dhicis uu mararka qaar uu neefka riman ku keeno.
  • Caabuq iyo finan dheecaano leh oo ka soo baxa afka gudihiisa
  • Neefka oo joojiya daaqa isla markaasna muujiya dhogor madoobaad.

Mar haddii la aqoonsado calaamadahan oo ah kuwa ugu badan ee xanuunkani caanka ku yahay, sidaas si la mid ah wakhtiga ugu badan ee xanuunkani calaamado keeni karaana ay tahay 1-2 cisho.

Waliba iyada oo lagu ladhaayo in loo eego cimilada deegaan ee uu xanuunkani ka soo if-baxay in ay tahay cimilo qabaw , taas oo uu khaas ku yahay cudurku. Wasxa si rasmiya loogu xaqiijin karaa in la qaado shaybaadh laga qaaday dheecaannada nabarada ama dhiig nooca shaybaadh ee xanuunkan lagu ogaado, kaas oo loo yaqaano (Elisa Test) ama shaybaadhka degdega ah ee la dhaho (FMD NSP AB test).

Ka hortagga iyo daawaynta cudurka

Cudurkani sida saxda ah waa cudur uu keeno cudur dhaliyaha jeermiska (virus), sida la ogyahayna ilaa hadda wax daawo ah looma hayo cudurada noocan ah caalamka.

Haddaba waxa muhiim ah si loo yareeyo dhibaatada fiditaan ee jeermiskani leeyahay, in la raaco talaabooyinkan hoose:

  • Fayraska cudurkan keenaa waxa uu ku fidaa cimilada qabaw laakiin waxa uu ku dhintaa heer kulka ka sarreeya 56C” sidaas darteed waxa muhiim ah in kor loo qaado jawiga Kulayl ee xerada iyo xoolaha xanuunku hayo.
  • Jeermiskani waxa uu ku yaraadaa fiditaankiisu dareerayaasha asiidha ah, sidaas darteed waa in bukaanka loogu dadaalaa in cuntooyinka loo raaciyo asiidhada aan khatarta lahayn.
  • In nabarada si joogto ah loogu nadiifiyo biyo kulul, isla markaasna daawooyinka asiidhiga ah loogu maydho, si looga hortago in ay bakteeriyadu ka faa’idaysato.
  • In bukaanka xumadda laga jabiyo si aanay dhiig yaraani ugu raacin xanuunka.
  • Ku kala saar xerada iyo wakhtiga daaqa xoolaha jirran iyo kuwa fayaw, si aanu cudurku u wada gaadhin xerada.
  • Daryeelayaasha caafimaadka xoolaha waxa la gudboon marka ay arkaan cudurkan in ay ogaysiiyaan dhakhaatiirta xoolaha.
  • Ugu dambayn xanuunkani waxa uu leeyahay tallaal ka hortag ah, haddaba waa in marka hore la ogaado nooca fayras ee keenay xanuunka deegaankaas ka jira, si loo helo talaalka ku habboon, iyada oo la samaynayo shaybaadh sax ah oo laga qaaday bukaanka xanuunku helay.

Fikirkaada Waa Muhiim