Xanuunka garbo gooye waa xanuun ku dhaca Lo’da, Riyaha iyo idaha, sidoo kalena khatar baahsan ku leh waylaha yar yar ee Lo’da, taas oo ay keento mid ka mid ah bakteeriyooyinka jidhka sunta ku sameeya ee la dhaho “Clostridium chauvoei” bakteeriyadan oo caadiyan ku noolaan karta carrada korkeeda wakhti badan.

Xanuunkani waxa uu ku dhacaa waylaha da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 2 sanno, sidoo kale xanuunkan waxa la arki karaa wakhti kasta oo sannadka ka mid ah, haba u badnaato wakhtiga kullaylaha iyo bilaha huurku jiro.

Sidee ayuu ku gudbaa cudurkani?

Cudurkani waxa ku gudbaa ama ay qaadi karaan xooluhu wakhtiga daaqa. Daaqaas oo ka baxay carro wasakhaysan oo la falgashay bukaano hore ugu bakhtiyay, bakteeriyadan oo wakhti dheer ku noolaan karta awgeed. ka dibna sidaas ayay jidhkooda uu ugu gudbaa cudurku.

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

Xanuunkani waxa uu ku dhacaa waylaha da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 2 sanno, sidoo kale xanuunkan waxa la arki karaa wakhti kasta oo sannadka ka mid ah, haba u badnaato wakhtiga kullaylaha iyo bilaha huurku jiro.

  • Ugu horaynba xanuunkan xoolaha lagu arki karaa waa waylaha da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 2 sanno.
  • Calaamadda ugu muhiimsan ee xanuunkani leeyahay waa inay curyaamaan wayluhu, isla markaana ay muruqyadu bararaan.
  • Xummad daran
  • Daaqa oo ay joojiyaan xooluhu.
  • Inay noqdaan kuwo xanuunku soo rito oo aan kici karin.
  • Dhimasho deg deg ah.

  Astaamaha ka muuqan kara bukaanka marka uu dhinto:

  • Neefka xanuunkan u dhinta waxa lagu arkayaa xumbo afka iyo sanka ah, dhogorta oo si fudud uga daadata iyo muquryada jidhka oo madoobaada.
  • Marka la jeexo murqaha bararsan waxa lagu arki karaa dhiig madaw iyo ur xun.

Ka hortagga iyo daawaynta cudurka:

  • Cudurkan waxa lagu daawayn karaa in bukaanka lagu duro Penicillin iyo Tetracycline.
  • Xanuunkani waxa uu leeyahay tallaal ka hor tag ah, isku day in aad xoolahaaga ka tallaasho xanuunkan .
  • Waxa dhakhaatiirta xooluhu ku taliyaan inaan la furin bakhtiga la xaqiijiyo inuu xanuunkan u dhintay, si dhakhso ahna loo aaso ama loo gubo.
  • Xoolaha xerada soo gala waa in meel gaar ah lagu hayaa muddo 2 usbuuc ah.
  • Ha qalan hana cunin hillibka bukaan looga shakiyay cudurkan.

Fikirkaada Waa Muhiim