Waa maxay cudurka Daba ka-ruubku?

Xanuunkaan Soomaalidu u taqaano daba ka-ruubka waa xanuun ku dhaca Lo’da iyo buufalada, waxaana keena nooca xanuun dhaliyaha fayras ee loo yaqaan “Rinder pest virus.” Xanuunkaan waxa ay aad iskugu dhaw yihiin cudurka loo yaqaan susunka,.

Xanuunkaan Soomaalidu u taqaano daba ka-ruubka waa xanuun ku dhaca Lo’da iyo buufalada, waxaana keena nooca xanuun dhaliyaha fayras ee loo yaqaan “Rinder pest virus.”

Siddii aynu hore u soo xusnay xanuunkaan waxa ay aad iskugu dhaw yihiin cudurka loo yaqaan susunka,.

Sidee buu ku gudbaa cudurkani?

Cudurkan waxa la iskugu gudbin karaa taabashada tooska ah, cuntada iyo cabitaanka la wadaago, neefsiga iyo waliba dareerayaasha kale ee bukaanka ka soo baxa sida saxarrada wasakhaysan.

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

Cudurkani waxa uu caan ku yahay oo lagu garan karaa calaamadahan hoose:

  • Dhimasho aad u sarraysa oo uu lo’da ku keeno.
  • Xummad daran, duuf iyo dareerayaal dheecaan weheliyo oo sanka iyo indhaha ah.
  • Nabaro afka iyo cirridada bukaanka ka soo baxa.
  • Shuban iyo fuuq bax aad u sarreeya
  • Lo’da oo ah xoolaha ugu badan ee uu cudurkani saameeyo.
  • Caanaha iyo wax soo-ssarka kale ee xoolaha oo hoos u dhaca.

Astaamaha ka muuqan kara bukaanka marka la qalo:

Astaamaha ugu muhiimsan ee bukaanka lagu arki karo marka la qalo ama uu dhinto waxa ka mid ah:

  • Nabaro lagu arko afka iyo cirridada bukaanka dhintay.
  • Diirka oo ka dhaca mindhicirada iyo caabuq ku samaysma mindhicirada.

Fiiro gaar ah: cudurkani wax saamayn caafimaad ah kuma laha dadka balse waxa uu ku keeni karaa saamayn dhaqaale oo baahsan hadaan si dhakhso ah looga hortagin loogana taxadirin marka uu qarxo cudurkani.

Ka hortagga iyo daawaynta cudurka:

Cudurkan daba ka-ruubku ma laha wax daawo ah oo la isku raacay maaddaama oo uu cudur dhaliyuhu fayras (virus) yahay. Laakiin waxa la rumaysan yahay in meelo badan oo dunnida ah lagaga cidhib tiray tallaal ka hortag ah.

Sidaas si la mid ah waxa jiri kara wax ka mid ah xanuun dhaliyaha oo ku baaqday meelo ka mid ah dunida isla markaasna mararka qaarkood qarxi kara.

Haddaba si loo yareeyo dhibaatadiisa caafimaad iyo dhaqaaleba waxa dhakhaatiirta xooluhu ku taliyaan in la raaco talaabooyinkan:

  • In la siiyo neefka daawooyinka lagula tacaalo shubanka sida Sulphanomides iyo dareerayaasha kale ee Milan.

  • In si dhakhso ah loo joojiyo isku socodka xoolaha ee deegaanka xanuunku ka qarxay.

  • In si dhakhso ah fariinta loogu gudbiyo halka dhakhar caafimaad ama hay’adaha ku shaqada leh kuugu dhaw.

  • In la takooro ama gooni loo saaro, xoolaha inta xanuunka lagu arkay.

  • In laga takhaluso lana laayo dhamaan xoolaha xanuunku asiibay iyada oo dawladu dammaanad qaadayso dhaqaalaha iyo bedelka xoolahaas la laayay.

  • In la aaso isla markaasna aan loo ogolaan in la cunno hilibkaas wasakhaysan dad iyo xayawaanba.

  • In tallaal degdeg ah lagu wareejiyo dhamaan xoolaha deegaaankaas ku nool.

  • Ugu dambayna in la suggo nadaaafada xereda, qalabka waraabka, daaqa IWM ee xoolaha.

Fikirkaada Waa Muhiim