Waa maxay cudurka susunku?

Cudurkan susunka ay soomaalidu u taqaan waxa keena fayras la dhaho (peste des petits ruminantes virus).

Waa xanuun ku dhaca inta badan Riyaha, dhimasho bandanna ku keena, sidaas si la mid ah waxa uu ku dhacaa Idaha inkasta oo aanu ku badnayn iyaga.

Sidee buu ku gudbaa cudurkani?

Cudurkani waxa uu ku gudbaa taabashada tooska ah ee ka dhex dhacda xoolaha, gaar ahaan dareerayaasha kala duwan ee ka soo baxa xoolaha sida, dhareerka, waxa kale oo cudurkani in uu fido ka qayb qaadata ganacsiga ay xooluhu ugu kala gudbaan waddamada, cuntada iyo biyaha ay wadaagaan neefka jirran iyo ka fayaw, saxarada wasakhaysan, qufaca iyo neefsiga.

Maxaa lagu garan karaa cudurkan?

Calaamadaha ugu badan ee cudurkani leeyahay waxa ka mid ah:

  • Cudurkani wuxuu bukaanka kaga muuqan karaa muddo 3-6 maalmood ah.
  • Xummad daran 40-41Ċ ah .
  • Daaqa oo uu joojiyo neefku
  • Dareere biyo ah oo afka, sanka iyo indhaha ka yimaada bukaanka.
  • Duuf adag oo guduud ah oo bukaanka lagu arko.
  • Nabaro iyo barar cirridada iyo faruuryaha ah
  • Shuban daran oo adhiga lagu arko
  • Culayska bukaanka oo is dhima
  • Waxa uu ku sababi karaa mararka qaarkood dhicis neefka riman
  • Xanuunkan waxa aad ugu nogul riyaha marka xoolaha kale loo eego, waxaana uu ku keenaaa dhimasho badan.
  • Xaabuq sambabada ah iyo hawo qaadashada oo neefka ku adkaata.

Astaamaha ka muuqan kara bukaanka marka la qalo:

Astaamaha ugu muhiimsan ee bukaanka lagu arki karo marka la qalo ama uu dhinto waxa ka mid ah:

  • Midab doorsoon, finan, barar iyo qalafsannaan ku samaysanta afka, cirridada, dibnaha hoose iyo carrabka.
  • Barar iyo dhiig guntan oo lagu arko qanjidhada neefka
  • Dhiig ku samaysma iyo diirka oo ka dhaca mindhicirada.

Cudurada kale ee xanuunkan lagu khaldi karaa waa daba-ka-ruubka, sambabka adhiga iyo cabeebka. Haddaba sida ugu fiican ee xanuunkan lagaga sooci karo xanuunadan kale, waa in calaamadahan aynu soo xusnay si taxadir leh loo eego iyo in shaybaadh caaafimaad oo dhiig ah bukaanka laga qaado.

Fiiro gaar ah: Dadka wax saamayn caafimaad ah kuma laha cudurkani.

Ka hortagga iyo daawaynta cudurka:

  • Xanuunkan oo uu keeno mid ka mid ah fayrasyadu (virus-ku) ma laha wax daawo ah oo sax ah.
  • U isticmaal bukaanka daawooyinka lagula tacaalo bakteeriyada, si aanay ugu raacin bukaanka xanuuno kale.
  • Laakiin waxa muhiim ah in la joojiyo isku socodka xoolaha wakhtiga xanuunkan la ogaado in uu dilaacay.
  • In aad xoolaha u isticmaasho tallaalka ka hor tagga xanuunkan (PPR Vaccine) wakhtiga uu dilaaco xanuunkani.
  • Ku kala saar xerada xoolaha jirran iyo kuwa fayaw.
  • Waxa kula gudboon marka aad cudurkan aragto in aad u gudbiso dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha iyo hay’adaha ku shaqada leh.

Fikirkaada Waa Muhiim