Muhiimadda ugu wayn ee laga leeyahay in duruus khusaysa cudurada u kala gudba dadka iyo xoolaha la siiyo daryeelayaasha caafimaadka xoolaha ayaa ah in ay foojignaan dheeraad ah u yeeshaan wax kasta oo saamayn taban u soo jiidi kara caafimaadkooda, sababta oo ah cuduradani way ka halis badan yihiin cudurada kale ee u kala gudba xoolaha dhexdooda, waxaana ay galaafan karaan nafaha dad iyo xoolaba.

Ahmiyadda labaad ee casharkan laga leeyahay waxa ay tahay in ay daryeelayaasha caafimaadka xooluhu ay si fiican u bartaan isticmaalka daawada, xaddiga la siinayo bukaanka iyo muddada ay jidhka kaga bixi karto daawadaasi. Muddada ay daawadu jidhka xoolaha ku jirto waxa mamnuuc ah in la qasho neefka, caanihiisa la quuto ama la suuq-yeego.

Cudurada dadka iyo xoolaha u kala gudba waxa ka mid ah:

  • Qoodhe-walaha
  • Kudka
  • Xanuunka rifti faali
  • Dhukaanka
  • Iyo qaar ka mid ah cudurada ay shilintu gudbiso.

Waa maxay cudurada dadka iyo xoolaha u kala gudba?

Cudurada gudba waa cudurada u kala gudba xoolaha iyo dadka.

Inta badan cuduradan waxa la iskugu gudbiyaa neefsiga, taabashada caadiga ah, caanaha ama hillibka xoolaha iyo dareerayaasha ka yimaada wakhtiga uu bukaanku ku jiro dhalmada. 

Cudurka Sida uu ku gudbo
Kudka Taabashada bukaanka, dhiigga iyo maxsuulka ka yimaadda, quudashada hillibka neefka jirran.
Qoodhe-walaha Quudashada caanaha aan la karin, hillibka bukaanka ee aan la karin, quudashada dhiigga iyo dareerayaasha wakhtiga dhalmada.
Reebis/ruquus Qaniinyada bukaan cudurku hayo
Xanuunka Rifti faali Taabashada bukaanka ama quudashada hillibkiisa
Dhukaanka Qaniinyada cayayaanka   keena cudurkan
Hargabka shimbiraha Taabashada iyo quudashada hillibka digaaga buka.

 

Cudurada deegaanada u kala gudba:

Cuduradani way ka duwan yihiin kuwii aynu hore u soo aragnay, sababta oo ah iyagu inta badan dadka saamayn xoog leh kuma laha balse, waxa ay khasaare nafeed oo baahsan ku keenaan xoolaha, sidaas si la mid ahna dhibaato dhaqaale oo aan yarayn ayay ku yeeshaan xoolo dhaqatada.

Cuduradani waxa ay u kala gudbaan degaano kala duwan iyo dalal xuduudo leh, sidaas daraaeed waxa daryeelayaasha caafimaadka xoolaha waajib ku ah in ay si dhaw uga war hayaan isku socodka xoolaha iyo saamaynta cudur ee ka dhalan karta. Waana cudurada ugu badan ee keena in ay istaagaan suuqyada ganacsi ee xooluhu, isla markaana hoos u dhac xoog leh ku keena dhaqaalaha wadamadda xoolaha dhoofiya ee uu ka mid yahay dalkeenu.

Cudurada Ahmiyadda ay u leeyihiin dhakhaatiirta xoolaha.
Cabeebka Si fudud ayaa uu ku fidaa, ganacsigana wuu saamayn karaa.
Susunka Dhimasho badan oo xoolaha ah ayaa uu leeyahay.
Xanuunka new castle Si fudud ayaa uu ku fidaa, shimbiro badanna wuu dilaa.
Garba-gooye Dhimasho badan ayaa uu ku keenaa xoolaha, si fuduna waa uu ku fidaa.
Sambabka lo’da Dhimasho badan ayaa uu ku keenaa xoolaha.
Sambabka adhiga Dhimasho badan ayaa uu ku keenaa xoolaha.
East coast fever Dhimasho badan ayaa uu ku keenaa xoolaha, ganacsigana waa uu xannibaa.
Heamorhagic septicemia Dhimasho badan ayaa uu ku keenaa xoolaha.
Daan barabka Si fudud ayuu ku fidaa, wuxuu keenaa dhaqaale burbur
Furuqa adhiga Si fudud ayuu ku fidaa, ganacsigana wuu joojiyaa.
Daba ka-ruubka Wuxa uu keenaa dhimasho iyo caabuq.
 

 

 Cudurani waxa ay saameeyaan dadka:

Kudka Dhimasho badan ayaa uu ku keenaa xoolaha, si fududna waa uu ugu gudbaa dad iyo xooloba.
Xanuunka rifti faali Waxa uu keenaa dhicis, dhimasho xoolaha ah, dadkana waa uu u gudbaa.
Qoodhe walah Waxa uu leeyahay dhicis badan, dadkana waa uu u gudbaa.
Hargab shimbireed Si fidud ayaa uu ku faafaa, waxa uu leeyahay dhimasho shimbiraha ah, dhibaato ganacsi iyo caafimaadka dadka oo uu saameeyo.
Reebis/ruquus Waxa uu keenaa caabuq iyo cudur dad iyo xayawaanba leh.
Dhukaan Waxa uu keenaa caabuq dadka ah

 


Ma rabtaa inaad waxbarato adigoo jooga gurigaaga ama goobta shaqadaada. Guji halkaan  https://somalism.org/ si aad u hesho waxbarashada ay kuu hayso Somalism Worldwide Academy.

 

Fikirkaada Waa Muhiim