Isibitaalku waa meesha uu imaado qof waliba oo ka cabanaayo xanuun,waana goobta kulmiso bukaanno badan oo qabo cuduro kala-gadisan.

Meesha ugu badan ee uu ku faafo ifenshanka laga qaado isbitaalka gudihiisa waa gacmaha shaqaalaha caafimaadka, halkaas ayaa ah ilaha ugu badan ee illaa iyo hadda la’ogyahay. Kumanaan qof ayaa si sanad la’ah ugu dhimato infekshanka laga qaado isbitaal dhexdiisa.

Bukaanada jiifo  Isbitaalka  waxa ay  halis ugu jiraan in uu ku dhaco infekshanka laga qaado isbitaalka, taas oo ay sabab u tahay qalabka loo isicmaalayo bukaanka inta lagu guda jiro daaweeyntiisa, sidoo kale waxaa kaqeyb ah bukaanka oo waqti badan isbitaalka jiifo.

Meelaha ugu badan uu ku fidi karo infekshanka Isbitaalka laga qaado waxaa kamid ah : In ay ku muddo ciribad lagu duray bukaan xanuunsan, sidoo kale dheecaanada bukaanka oo si toos ah u soo gaaro meelaha jilicsan ee jirkaada sida afka ,indhaha iyo sanka.

Haddaba Side Ayaan Uga Hortagi  Karnaa  Infekshanka In Uu Ku Fido Isbtaalka Dhexdiisa?

  1. Waxaa looga hortagi karaa in la iska ilaaliyo dhiigga,dheecanadda ka imaanayo bukaanka oo si toos ah jirkaada u soo gaari karo, gaar ahaan meelaha jilicsan ee jirkaada kamidka ah (Mocus membrane),iyo  meelaha uu jirkaada ka furan yahay sida dhaawaca maqaarka oo kale(skin penetrate).
  2. In laga hortago wax walibo oo ku duri karo sida cirbadaha .
  3. Shaqaalaha caafimaadka in ay qaataan tallaalka cagaarshowga B” (Hepatitis B) waxa ay ka qeeyb qaadataa ka hortaga infekshanka isbitaalka dhexdiisa.
  4. In aan iska illaalino, bukaanadana aan ka illaalino agabka caafimaadka oon u isticmaalnay bukaan kale.
  5. Shaqaalaha caafimaadka waa in ay xirtaan gacma gashi (gloves).

  6. Bukaanka kasta marka aad u adeegeysid waa in aad gacmaha

  7. Cirbadda marka aad ku durto bukaanka waa in aad si taxadar leh ugu ridaa meesha loogu talagalay cirbadaha in lagu rido.

  8. Ka taxadar mar walibo naftaada ,bukaanada,iyo agabka aad isticmaaleeysid .

Ma is weeydisay sababta qaliinka marka ay dhaqaatiira ay galayaan  u xirtaan  gacmo gashi(gloves),waji xir(face mass),dharka qaliinka (aprone)?.

Waxaa loogu talalgaly bukaaanka  qaliinka galaayo in aysan ku dhicin infekshanka isbitaalka, maadama uu qofka noqonaayo qof liito difaac ahaan.

Fikirkaada Waa Muhiim