Waa infekshan uu sababo gooryaanka loo yaqaano Ambeebe, waxa uu caabuq ku keenaa mindhicirada caloosha.Waxaa lagu tiriyaa cudurka saddaxaad ee sababo dhimashada dadyowga ku nool Dunida.Waxaa la aaminsanyahay 500 oo million oo dad ah in uu hal mar saameeyeey caafimoodkooda, halka  ay u dhimato (100,000)boqolkun oo qof si sanadle ah guud ahaan aduunka oo idil.

Dhimashada uu sababo Ambeebaha  waxaa ugu badan oo ay ka dhacdaa qaaradda Afrika, gaar ahaan wadamadda soo koraayo, sababtuna waxa ay tahay haaf kamid ah dadka ku nool qaaradda Afrika ma helaan biyo nadiif ah oo ay cabbaan. 

Wadankeenna Hooyo waxa uu kamid yahay wadmada dhibaatada ba’an uu ku haayo Cudurka uu sababo Ambeebaha.Cilmi baaris ay sameeysay UNICEF waxa ay ku sheegtay 27% in ay helaan biya nadiif ah dadka ku nool Dalkeenna Hooya, halka 37%aysan helin biyo nadiif ah.

Cabitaanka biyaha aan nadiifka aheeyn waxa ay keenaan in uu soo galo jirkaada gooryanka Ambeebaha loo yaqaano. 

Haddaba Kaalay Aan Isla Aragnee Calaamadaha Lagu Garto Ambeebaha:

  1. Shuban gaar ahaan caruurta .
  2. Calool xanuun.
  3. Saxaro uu soo raaco dhiiga.
  4. Dhecaanno in ay ku aruuran beerka(liver Abcess).

Yaa Halis Ugu Jiro In Uu Ku Dhaco Gooryaanka Ambeeba:

  1. Dadka aan helin in ay cabbaan biyaha nadiif ah.
  2. Dadka difaac ahaan liito.
  3. Ilmaha ka yar 12sano.
  4. Dadka kaweeyn 65sano.
  5. Hooyada uurka leh.
  6. Dadka cabbo sigaarka iyo qamriga.

Guud ahaan dadka aan kor kusoo xusnay waxa ay halis ugu jiraan cudurka uu sababo Ambeebaha.

Cawaaqibaha Ka Dhahsha Cudurka Uu Sababo Ambeebaha waxaa kamid ah:

  1. Mincirada caloosha oo isku furmo (Bowel perforation).
  2. Caabuq ku dhaca dahaarka caloosha (Peritonitis).
  3. Dhiig-bax ku imaado hab dhiska dheefshiidka (Gastrointestinal bleeding).
  4. Maskaxada oo dheecaano ay ku aruuraan (Brain abscess).

Gunaanad,

Waxa aan ugu baaqayaa Bulshadeenna Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan cabista biyaha nadiifka ah, markaste waa in aan ogaannaa gacmo dhaqshada joogtada ah in ay naga caawin karto ka hortagga cudurka uu sababo Ambeebaha.Waa muhiim in ay caruurta isticmaalaan biya iyo saabuun suuliga ka dib, sidoo kale caruurta iyo annagaba in aan ku dadaalno cunista cunno nadiif ah. Dadka cunnada kariya waa in aan ka taxadarnaa caafimaadkooda sababta oo ah waxa ay si sahlan ku gudbin karaan cudurda faafaa sida cudurka uu sababo Ambeebaha.

Fikirkaada Waa Muhiim