Xanuunka uu keeno dhiigga caadaada waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada, laakin waxuu ku faafi karaa dhabarka iyo lugaha. Xanuunka caadada waxuu ka dhici karaa minka asagoo noqonkaro mid caadi ah iyo mid aan caadi ahayna oo cudur sababay. Xanuunada ugu badan ee ku dhaco dumarka waa Pelvic inflammatory disease (cudurka caabuqa miskaha) kaas oo qaldo caadada.

Waxaa lagu sheegaa in uu yahay cudur ka kooban infakshan kasto oo ku dhaco miskaha ayaa la isku dhahaa (Pelvic inflammatory disease) waxaa loo soo gaabiyaa PID. Waan infakshan ka bilowdo minka afkiisa ilaa uu gaaro ilmo galeenka kadibna sameeyo wakhtigacaadada iyo uurka.

Hadii aan la iska daaweyna waxuu noqonkaraa mid qatar badankeeno. Kalamediya(Chlamydia) waa mida uga caansan ee sababta PID. Taas oo hadaan la hortagin keeni karto madhaleysanimo.

Calaamadaha cudurka caabuqa miska (PID):

  • Caado warreer.
  • Qandho
  • Qeybta hoose ee caloosha oo xannuunta qofka.
  • Dhabar xannuuna.

Waa maxay daaweynta caado mareenka? 

Intaan daawada la raadin waxaa muhiim ah in la ogaado waxa sababay xannunka caadada. Ma cudurbaa mise waa xanuun caadi ah. Kadib ayaa waxaa heli kartaa daawada saxda ah ee xannunka.

Hadii uu noqdo xanuunka caadada waxa lagu daaweynkaraa laba qaaba:

1. Pharmocological( Daawoyinka Caadiga ah)
2. Non pharmocological(Daawoyinka Dabiiciga ah).

1. Pharmocological( Daawoyinka Caadiga ah)

Xanuunka haduu saaid uu yahay waa in dhaqtar la xariirtid. Lakin haduusan xanuunka saaid ahayn waa in aada qaadatid paracetamol. Balse intaas oo dhan waxa kaaga wanaagsan in aad dabiici isku daweyso.

2. Non pharmocological (Daawoyinka Dabiiciga ah):

Daawo dabiici ah waa in aad isku daaweyso dhirta sida:

In aad hal xabo oo liin dhanaana ah dhuuqdid ama miirtid oo cabtid adoo wax ku darin.
In aada biyo badan cabtid.
In aad biyo iyo sanjabiila intaada karisid cabtid.
In aad jimicsi sameysid.

Fikirkaada Waa Muhiim