Maantay waxa aan hordhac kabixineynaa maadada lagu diraaseeyo barashada Daawooyinka.

Pharmacology waxaa lagu qeexaa waa barashada daawooyinka iyo saameynta ey kuyeelan karaa noolayaasha. Daawooyinka waxa aad kaheli kartaa meel waliba, gaar ahaan goobaha caafimaadka. haddii aad u takto dhaqtar ilkood ama dhaqtarka dhagaha waxa ey ku siin doonaan daawooyin. Taas oo looga gol-leeyahay in xanuunka ama caabuqa looga yareeyo.

Daawooyinka Maxaa Loo Isticmaalaa:

  1. Kahortag:in looga hortago cudurada sida cagaarshowga beerka.

  2. Daaweyn: waxaa loo isticmaalaa in lagu daaweeyo cudurada jirka soogala.

  3. Ogaansho: in lagu ogaado jirka meelaha ey wax kajiraan.

Daawooyinka Sanad Waliba Waa la cusbooneysiiyaa iyada oo loo maraayo hannaankaa:

  1. Waxaa lasoosaaraa daawooyin cusub, si loo hubiyo in ey cudurka meesha ka saari karto.
  2. Waxaa lahormariyaa tayada daawada.
  3. Waxaa lagu dadaalaa sida loo yareyn lahaa dhibaatooyinka daawada ey ugeystaan jireka aadanah.
  4. Waxaa baaris lagu sameeyaa sababta ey dadka ugu kala gaddisanyihiin falcelinta daawooyinka ey qaataan.

Haddii Aad Jeceshahay In Aad Soosaarto Daawooyinka Waxaa Lagaaga Baahanyahay:

Waa in aad diraaseysaa maadooyinkaan hoose sida:

  1. Bio-medical science.

  2. Bio-chemistry or Chemistry.

  3. pathology.

  4. And micro-biology.

Barashada sanceynta daawooyinka waa mid aad muhiim ugu ah dalkeenna Hooyo iyo dunida inteeda kalaba, Maxaayeelay daawooyinka waxaa loo isticmaalaa in lagu hormariyo caafimaadka malaayiin qofood sanad waliba. Waxaana la’og yahay faa’iidooyinka iyo waxtarka daawooyinka ey ulleeyihiin aadanaha.

Farqiga U Dhaxeeya Farmashiile Iyo Daawo Sameeye{Pharmacist}

Daawo sameeye{pharmacist: waa qofka barta sida loo soo saari lahaa daawooyin cusub.

Farmashiile: waa qof leh qibrad, heystana shahaado caafimaad taas oo u ogalaaneyso in uu dadka daawo siin karo una diyaarin karo.

Fikirkaada Waa Muhiim