Qanqadu waa kulleelka jirka ka soo baxaayo. Kaas oo hooyada jirkeeda dhibaatay naayo.

Heerkulka jirka waa cabbira awooda jirka uu u leeyahay innuu kuleylka keeno Marka jirku aad u kulul yahay, xididdada dhiigga ee maqaarka ayaa sii fida, dhidid badana wuu imaada ayadoo maqaarka lagu qaboojinayo

Heer kulka caadiga ah ee jirka waa 98.6 F (37 C). Inta badan waxa uu heerkulka jirka u dhaxeeyaa 97 (36.1) and 99 (37.2). Kulka jirka wuxuu ku jaan go’anyahay waqtiga ay hooyadu joogto, maalin iyo habeen.

Sababaha heerkulka jirka uu sare ugu kaco:

Daawooyinka qaarkood oo loo isticmaalo daweynta cudurada, sida antihistamines-ka iyo antibiyootigyada, waxay si toos ah kor ugu qaadaan heerkulka jirka.

Waxaa jira sababo badan oo keena heer kul in uu kaco, Waxaan ka mid yihiin:

Infekshan: Sababta ugu badan ee keenta qandhada waa infekshan, taas oo saameysa jirka oo dhan, gaar ahaan marka fayraska cudurku uu weerar badan ku hayo xubnaha muhiimka ah ee jirka. Asagoo dilayo unugyada iyo bakteeriyada faa iidada leh ee iska caabisa cudurada jirka.

Dawooyinka: Daawooyinka qaarkood oo loo isticmaalo daweynta cudurada, sida antihistamines-ka iyo antibiyootigyada, waxay si toos ah kor ugu qaadaan heerkulka jirka.

Calaamadaha Lagu Arko:

In hooyo uur leh ama dhashay dareento qandho waxaa keeni karo infakshan minka. waxaana hòoyada lagu arki karaa:

  • Qandho saa’id ah.
  • Jareysa
  • Xanuun iyo damqasho minka ah.
  • Qoyaan ka imaado xubinta dhalmada(Vagina).

Sida Qandhada badan hoose loogu dhigo:

Qandhada waxaa hoos loogu dhigi karaa in la daaweeyo infakshanka ama malaria( dumada) hadii ay hooyadu qabto.
Intii hooyada ispitaal laga geynayo waa in la siiyo paracetamol.

Hooyo uurleh lama siin karo daawo aan loo soo qorin. Intaan ka ahay paracetamol. Dabiici ahaan hooyada hadii qandho heyso waa in ay qubeyska badsato.
Si ay qandhada uga yaraato.

Fikirkaada Waa Muhiim