Noloshu waa mid gaaban waqtiguna waa mid kooban. Haddii aynan waqtigeenna wax macno leh ku qaadanin waxan dareemi doona shalayto iyo isciil kaabin. Waqtigeenna innaanu maal-gashano waxay nagu hoggaamin doontaa horumar iyo harusocod. Waqtigaada maalgasho oo la imaaw wax qabad wanaagsan, waxaad guran doonta miro aad jecleysan doonto, sida nolol qurux badan, lacag iyo saxiibo ku jecel intaba.

Daraasad la sameeyey ayaa lagu heley sirta guusha ama maal gashiga ugu wanaagsan ee la sameeya inay tahay, inaad isbarto caadooyin wan-wanaagsan si ay uga mid noqoto caadooyinkagaga caadiga ah, tusaale maalinkasta ayaad wax cabtaa, cunteysaa, hurudaa iyo i.w.m laakiin haddii aad caado ka dhigato wax aqris inaad maalinkasta wax-aqrisa ama aad wax qortaa, maxa dhici lahaa sanadkasta inaad qorto ama aqriso laheed buuggaag badan oo milyan kor u dhaafaya taasoo hormar kugu hoggaamin laheyd. Qof walboo inaga mida wuxuu haystaa 24-saacadood.

Siddeed u maalgashataa waqtigada? oo miyey kuu kala qeybsanyihiin ilbiriqsi kastaa mise waad dayacda oo bilaash ayuu kaaga lumaa waqtigaada? Aqristoow aan mid ku weydiiye haddii aad raacdo markasto bas/gaari oo u soconaya shaqadaada/waxbarashada, wadadana kusii jiraayo 30-daqiiqo wax ka badan maxa sameyn leheed?

Su’aashan dad badan ayaan weydiiyey jawaabo kala duwan ayey isiiyeen oo u badan wax bila faa’ido ah. Odiyaasha (dadka waaweyn) waxay igu jawaabeen “dadka ayaan dood furan u bilaabi lahaa” Dhalinyarada waxay igu jawaabeen “heeso ayaan iska dhageysan lahaa ama iddaacad” Gabdho badana waxay igu jawaabeen “korsigeyga ayan si edeb leh u fadhiyi lahaa.”

Waa cajaa’ib waqtiga aan gaariga saaranahay miyuusan ahayn waqti nagu socdo oo layna weydiin doono, waxan arkaa dad badan oo leh ama caado ka dhigtey ereyga mashquul baan ahay, war mashquul ma tihidee naftaada been haka sheegin. Markii lagu yiraa buug ma aqrisa? waxad marmarsiyo ka dhigata fursad uma helo sido kale markii lagu yiraah ma wardisaa oo ma tasbiixsata waxa aad tiraahda maya. Jaanis uma helo. Ina keen oo ii ogolow in aan ku tusiyo jaanis yadada qaarkood oo dayacdey.

Subaxdii markii aad guriga ka soo baxdo oo aad usoo socoto busteejada (Goobaha gadiidka dadweynaha) imisaa daqiiqo ayaad lumisa? waad ku tasbiixsan kartaa ama buug maqal ah ayaad ku dhageysan kartaa. Kasoo gudub midaa, inta aad sugeyso gaariga waa waqti kale oo aad ku tasbiixsan karto oo kaa dayacan, illeen markasto gaariga masoo dhaqsado e, bal ila eeg imisa saac baad baska sii saarantahay miyadan buug ku aqrisan karrin oo aadna ka faa’ideysan karrin, ka gudub midaa, waad kasoo rawaxdey shaqadii ama waxbarashaddii baska soo noqodkii waa waqti kale aad lumiso.

Waxan kale oo kuu raacinaya habbeenkii waqtiyada dhan haku dilin asxaabta ama internet hadeysan wax faa’ido ah kaa soo galeynin, howl ku gaara qabso ama iska naso oo maskaxdaada deji. Aan kaga sheekeeyo sheekadii kuusadda ama ashuunka qofba siduu u yaqaan (kuusadda waa weel kasameysan dhoobo oo lagu shuban jirey biyaha).

Waxa jirey nin, ninka waxa uu u yimid nin caaqil ah si u wax uga kororsado, kadibna wuxu ku yiri “caaqilow shaqo ii dir si aan uga soo baxo”, caaqilkii wuxuu u dhiibey kuusad wuxuuna ku yiri “dhagaxaan ka soo buuxi”, markii uu ka soo buuxiyey dhagxaantii ayuu u keeney caaqilkii, markas kadib caaqilkii ayaa ku yiri “ninow kuusadda wax kale ma qaadda?”, ninkii ayaa ku jawaabey maya. Wey buuxda. Caaqilkii ayaa ku yiri “ma buuxde carro ku shub”, kuusaddii wey ku shub matey xooga ciid ah caaqilkii baa markale yiri “wax kale ma qaada?”, ninkii baa ku jawaabey maya caaqil, Markan wax kale ma qaadi doonto.

Caaqilkii baa ku yara qoslay oo ku yiri “biyo ku shub kuusadda” ninkii wuu ku shubey isaga oo yaabban, weyna qaadey kis biya ah. Markasuu ninkii yiri “caaqilo wan aqbaley caaqilnimadada ebelna horaan u ogaa”.

Marka ogow waqtiguna waa sida kuusadda oo kale adigo shaqo weyn haayo ayaad shaqo yar ku hoos qaban kartaa, waa haddii ad caaqil tahay. Dhamaanteen waxan leenahay qadar isku wada mid ah e maalinta ah, inkasto oo dadaalkaaga ugu fiican aadan ku heli karrin waqti dheeraad ah ee maalintada ka dheeri ah.

Adiga maxaad ku sameysaa maalintaada?

Miyaad dayacdaa mise waad ka faa’ideysataa waqtigaada firaaqada ah, miyaad ku lumisaa waxyaabaha aan wax micno ah kugu soo kordhineen sida daawashada Tvga, musalsalada, filimaanta, isticmaalka internet-ka, fadhi ku dirirka iyo cunista cuntada faraha badan, intaan iyo ka badanba waa kuwa waqtigeena u dila sida arxan darada ah aan jixinjix lahayn, wana kuwa aan wax macno ah kugu soo kordhineyn waxaan kale oo dhihi karnaa waa maalgashiga ugu liita ee waqtiga.

  • Waqtigu wuuba tagayaaye yuusan micno daro kaga tagin.
  • Waqtigada ku maalgasho wax dib kaa anfici doona.
  • Waqtigaada ku maalgasho wax mustaqbalkaaga kuu damaanad qaadi kara.
  • Waqtiga ku maalgasho guulaha iyo farxada mustaqbalkada.

Aan kula wadaago, habab aad ku maalgashan karto waqtigada:

  1. Qorsheynta: Ku qaadashada qorsheynta waqtiga waxay kuu badbaadisaa waqti kaa dayacmi lahaa oo micno daro kaaga bixi lahaa.

Qorsheyntu waa waxa kaliya aan dhihi karno waqtiga ayaa lagu dhowraa sababtOo ah haddii aad qorsheyso asbuucan wixii aad qaban lahayd oo dhan waxa yaraanayo saacadihii micno darada kaga lumi laha asbuuca oo dhan.

2. Diyaar garow: Inaad isku diyaariso wixii aad qorsheysay sameyntooda oo aadna ku seexato kuna soo kacdo howsha iney adiga un ku sugeyso, sidoo kale waxa meesha imanaya caqabado badan oo isku dayaya iney kaa hor istagaan qorshahada, sida darted waa inaad ka hortagtaa caqabadahas ileen waxan lagu dhibtoon laguma dheefsadee.

3. Tababar: Tababarku waa kan kuu suurta galiya in howshaadu noqoto mid aad jecleysato haddii uu yahay isboortis, farshaxan ama ganacsi. Inta badan tababarku waa kan kuu sahla howsha aad qabaneyso. Tusaale: ciyaartowga inta uusan kulanka ciyaarta dheelin marka horay waa inuu soo mara tababar xili kastana uu tababarta.

Waxa la sheegaa Steve Jobs (aasaasaha shirkada Apple) asbuuc ka hor qud-badihiisa inuu sii tababaran jirey oo isisii tijaabin jirey si ay ugu suura galiso in qud-badiisu u noqoto mid dadka oo idil ku raaxeystaan oo aan wax caajis lahayn.

4. Wax-cusub-baro: Waa maxay xirfadaha cusub ee aad u baahantahay inaad barato? Waqtigaada ku maalgali barashada wax cusub ama xirfad cusub. Haddii aad noloshada ku soo koobto hal xirfad laga yaabe in suuqeedu xumaado ka dibna noloshada mugdi gasho, sida darteed noloshada ha kuso koobin hal xirfad kaliya si aad u noqotid mid meelwalbo kuroon.

Barashada xirfadaha cusub waxay kaa caawinaysaa inaad isbedel weyn ku sameyn karto noloshaada. Halkeed ka baran kartaa xirfado cusub? waxaa jira meelo badan ee aad ka baran karto, deeganada aad degantahay ka raadi goobo waxbarasho oo aad xirfadaada kor ugu qaadi karto, sidoo kale waqtiyadaan dambe waxaad waxwalbo wax baran kartaa adigoo gurigaaga jooga, waxaa jira akademi ay wax ka dhigaan aqoonyahaano Soomaaliyeed oo ku kala nool daafaha dunida kuwaas oo intooda badan kunool qaarada Yurub waxaana la yiraahdaa Somalism Worldwide Academy – guji halkaan – https://somalism.org/ si aad u hesho koorsooyinka ay kuu haayaan.

5. Illaali caafimadkaga: Tani waa midda ugu muhiimsan. Caafimaadku waa midka kuu suurta galinaya badqabka jir ahaan iyo maskax ahaanba iyo dhamaan dhinacyada kala duwan ee nolosha.

6. Samee jimicsi: Jimicsigu waa midka la dagaalamo caajiska, wehsida, istareeska iyo cuduro kalo badan. Cudurada waxa kamid ah sida wadna garaaca, korostoroolka, dhabar xanuunka, kor xanuunka, dhiig karka iyo sokortaba. Samee jimicsi si uu caafimad-qabkada u badbaado waxa aad kalo ku ilaalisa caafimadkaga cunnooyinka vitamins ka leh iyo kuwa borotiinka leh, aadna u isticmaal qudrada iskana ilaali dharagta badan waa gogol dhigga ama bilowga cudurada, cun cunnooyin fudud si dheef shiidkaagu u badqabo oo u wanagsanaado.

In badan oo inaga mida ayaa aaminsan in baahida badani keento gaaska laakiin taa waxan dhihi laha waa fakrad aan ila sax saneyn sababto ah, gaaska waxa keena dheefshiidka o xumaada dheefshiidka inuu xumadana waxa keena dharagta badan, sidaa aawadeed gaaska iyo cuduro kalo badan ayaa ku yimada dharagta, taas waxan ku cadeyn kara dadka ku nool miiga waa kuwa naga gaajo/baahi badan misna wax gaasa kuma dhoco laakiin dadka badana ku nool magaalka waa kuwa ugu yaran seddexda waqti wax cunna misa aan jirro ka bixin, tusaale kale ayaan kuso qaadana bisha ramaadan oo dhan oo maalintiyo dhan la baahanyahay, dad aan gaas qabi jirin oo gaas ku dhaca badana lama arko waa sababta uu allah usoo dajiyey bisha soon ay ka mid tahay in baahidu ay dawo tahay.

Cilmi baaris uu sameeyey dhaqtar aan islaam ahayn, aadna qabiir u ah ayaa cadeeyey in sannadkii bil laga soomaa ay cuduro badan dawo uga tahay sida kanserka. Sidaa daraadeed dharagtu waxan dhihi karna waa cudur ee ka taxadir si caafimaad kagu uu u nabad galo.

7. Aqri buuggaagta iyo wabseydyada: Markasto o aad la hadasho ama aad dhageysato milkiilayaasha ugu caansan dunida talada koobaad ay ku siinayaan ayaa ah iney ku dhahaan wax aqri. Buuggaagtu waxay ku siinayaa awood ah in aad wax cusub barato, sido kale wax aqrintu waxay kuu gaar siinaysa meel uusan ku gaarsiin fikirkaaga sida daraadeed wax aqri si aad u noqoto ruux isu dheelli tiran dhan walba. Wax aqrintu waxan kale oo dhihi karna waa awooda ugu weyn ee abuurta caqligan maanta dunidan kala hagaya.

8. Ha joojin waxbarashada: Inaad joojisa waxbarashada waa adiga oo adduunyada god ka galey oo kale sababtoo ah maalinkasta waxaa lasoo kordhiyaa tijaabooyin cusub oo la sameeyey haddii aad tahay dhaqtar waxad u baahantahay inaad la socoto oo aqriso buuggaagtii ugu danbeysay ee caafimadka ama tijaabooyinkii ugu danbeyey ee lasoo saarey haddaadan la socon xirfadaadu waxay noqon mid duq ah oo duugowdey sababto ah 2010-kii qalabkii wax lagu qali jirey miya maanta qaalinada lagu fuliya waa maya iyo waxyaabo kalo badan.

Sidoo kale haddii aad injineer tahay qalabkii wax lagu cabiri jire 2010 kii maanta waa la casriyeeyey sida darteed waxbarashadu ma aha wax dhamaad leh labadan kaliya ma ehee xirfadkasta oo jirto waa la hormariyaa sidan wada ognahayba.

 

Jaban-ku maxay waqtiga ka aaminsanyihiin?

Jabbaanku waxa la sheega in ee ay yihiin dadka dunida ugu maal gashiga wanaagsan dhanka waqtiga waana dad neceb iney waqtigooda micno daro ku lumiyan taaso ugu wacantahay ereyga ay ku caan bexeen oo ah “KAROSHI” (work until die) oo micnihiisu yahay shaqeey inta aad ka dhimaneysid. Dadka Jabaaneesku waxay aaminsanyihiin in loo abuurey shaqo kaliya oo aanba loogu talogalin wax micno daro ama waqti lumis ah.

Xita dadka da’da ah waxa ay leeyihiin shaqooyin loogu talagaley oo ay qaban karan si firaaqu xanuun nafsiya ugu ridin.

Jabaaneesku waqtigooda dhan waxay u huraan wax qabadkooda iyaga oo shaqeynaya waqti aad u dheer misna wax yar ayeey seexdan qaarkalana miiska shaqada ayeey isaga hurdaan.

Jabaaneesku waa dad ku caan baxay qiimeynta waqtiga iyaga oo fahmey qiimaha waqtigu leeyahay waana sababta keentey iney ka mid noqdaan dalalka horumaray.

Miyeysan dadkan mudneyn in looga daydo maalgashiga waqtiga? waxaad arkeysa meelaha basaska laga raaco ama meelaha tareenada laga raaco waxay ku leeyihiin ‘library’ meel wax aqris oo bilaash ah, sido kale tareenada dhexdooda waxaa laga helaa library oo bilaash ah oo buug kasta aad ka heli kartid. Waxaa cajaaib ah shaqsiga jabaaneeska ah marka uu baska sugaya wax buu aqrinaya, markuu baska saaran yahay wax buu aqrinaya misna xita waxa la arkaa qaar inta ay shaqada u siisocdan buugaag maqal ah sii dhageysanaya.

Tani layaab malaha sababto ah waa wacadkii uu marey madaxweynihii ree jabaan uu yiri “waxan wacad ku maraya inaan qodi doono maskaxda muwaadinka jabaaneeska ah maadaama aan heysan dhul beered aan qodono” waana uu ka dhabeeyey wacadkiisi oo waa taa dunida oo idil layaabantahay wax qabadkooda iyo horumar kooda dhaqaale oo sida dhaqsa ah u koraya.

Sheeko ku saabsan maalgelinta waqtiga:,

Waxaa jiray wiil maskiin ahaa oo agoonimo ku soo korey oo ku noolaa miiga, wuxuu ku shaqeysan jirey qowsaarnimo oo dadka ayuu geela u raaci jiray si uu uga helo masaariiftiisa nolosha waxaana lagu magacaabi jirey Cali.

Cali iyo wiilal kale oo saaxiibadiis ah wey is raaci jireen, si ay geela duurka ugu soo wada daajiyaan markii uu geela daaqa billaabo, Cali saaxiibadiis wey iska ciyaari jireen, sida iney bootimeystaan ama ay jar ciyaaran ama iney iska sheekeystaan,

Laakiin Cali ma ahay mid waqtigiisa ku lumiya ciyaarahaas ee wuxuu waqtigiisa ku qaadan jirey barashada shiishka falaarta iyo gamuunka/qaansada, wuxuu sameysan jirey calaamad si uu ugu shiish barto, inta uu shiishka ku mashquulsanyahay ayaa geela ka kala baxsan jirey, markaa ka dib wuu fakarey si uu xal ugu raadiya geelan ka kala baxsanaya intuu ciyaarta shiishka ku mashquulsanyahay, markii danbe wuxuu fakaraba wuxuu sameystey afar baabacadood.

Baabacad waxan kala jeedaa shey uu ka sameyey harag uu ku toley maro-mado.

Kadib baabacadii ayuu ka soo laalaadshey geedo ilaa afar geed oo uu ugu tala galey xad, si uusan geelo u dhaafin meesha, marka wuxuu iska sii watey tababarkiisii, markuu geela isku dayo inuu xadka u dhawaado Cali wuxuu shiishi jirey baabacada marku gamuunku ku dhoco ayeey lulman jirtey geelana wuu ka soo noqon jirey, sidaanu wada ognahay geelu wuu ka baqaa sheyga madow. Marka Cali wuxuu sii wadan jirey shiishkiisa markuu qoraxdu dhacana saaxiibadii ayuu la hoyaadi jirey.

Wuxuu waqtigu is guraba Cali wuxu noqdey mid shiishka aad ugu wanaagsan. Maalinbuu tagey meel ay odiyaashu tuulada ku tartamayan shiishka dadka tuuladuna wada daawanayan Cali wuxu daawanayey tartanka xamaasadda badan, kadib tartankii waxa dhacdey in oday kamida odiyaashii in loo gali waayey oo lawaayey wax la tartama cidkasta wuu ka guuleysanayay. Markasu odaygii yiri si ay isla weyni iyo kibir ku dheehantahay “yaa ku dhiiran karo inuu ila tartamo” Cali ayaa yiri “ma isku dayi karaa” odaygii ayaa ugu jawaabey “cunugadan caano nuugga ma adiga ila tartamaya, aabayaashaa ayaba ila tartami waayeene” dadkii tuulada ayaa ka codsadeen inuu jaanis siiyo cunuga yar odaygi ayaa ogolaadey, meeshana waxa guuldaro lagu jiidey odaygii wax ismoodayay Cali na waxa tuuladii looga aqoonsadey inuu yahay shiishanka tuuladiisa.

Cali ma uusan ka caajisin tababarkisii inuu sii wato wuxu waqtigu is guraba waxa la qabtey tartan u dhexeeyey tuulooyinka gobalka Cali ayaa kowga ugu soo baxay wuxuuna noqdey halyeyga tartanka shiishka ee gobalkiisa, arrintii waxa ay gaartey wadanka oo idil ilaa madaxdii wadanka ay qabteen tartanka shiishka ee gobolada dalka oo dhan, wixii la hardamaba waxaa markale kowga usoo baxay Cali wuxuuna ku guuleystey billado kala duwan.

Cali waa uu ka baxay noloshii mugdiga ahayd ee gaajada badneyd wuxuuna yeeshey reer, waxa uu noqdey mid noloshiisa ku faraxsan oo xoolo iyo beero intaba leh, wuxu waqtigu is guraba dowlada ayaa loo soo bandhigey in ay ka soo qeyb galan tartanka 10-ka dal ee shiishka marka ka dib madaxweynihii ayaa Cali wafdi usoo direy si loogu soo sheego inuu u tartami doono dalka si uu usoo difaaco sharafta dalka.

Cali markii loo sheegey arrinta wuu diidey isagoo diidan inuu ka tago reerkiisa iyo xoolihiisaba, markey arrin halka mareyso, ayaa arrintii shacabka gaartey in Cali uu diidey inu tartanka ka qeyb galo, shacabkii ayaa codsiyo kala duwan usoo direen si uu u difaaco sharafta dalkiisa, al muhim Cali kama danbeyntii waa uu aqbaley asiga oo caga jiid ah, waxa la keeney caasimadii dalka si uu uga amba boxo.

Kadib Cali waxa u tagay garoonka weyn ee uu tartanka ka dhacayay waa uuna ka qeyb galey tartankii laakiin wuxu ku soo harey wareegii 8-aad, wuxuuna galey kaalinta 3-aad.

Shacabkii oo dhan ayaa ka niyad jabbey, Cali wadankiisa ayuu ku soo laabtey isaga oo wax guula wadin aadbey arrinta ula xumaatey, Cali xittaa habbeenkii wuu seexan waayey wuxuna wacad ku marey in sanadka xiga uu guusha keeni doono naftiisa ayuu balan ka qaadey, Cali wuxu bilaabey tababar aan harsiyo hooy lahayn.

Wuxu waqtigu isguraba waxa la gaarey ama soo dhawaadey tartankii sannad laha ee 10-ka dal. Cali wuxu yimid magaalada, madaxdii ayaa soo dhaweysey wuxuuna ka codsadey iney markale jaanis siiyan weyna ka ogolaadeen arrintii, idaacadaha iyo telefashinadii ayaa laga baafiyey shacabkii ayaa dib u farxay oo shucuurtoodii soo noqotey si ay u dhiiri galiyan Cali.

Cali wuxu jeediyey qudbad aad u qiiro badan wuxuuna shacabkiisa u balan qaadey inuusan dalkiisa kuso noqon doonin isaga oo guusha gacmaha ku wadin, waxay ahayd maalin aad iyo aad u qiiro badan Cali waa uu ambabaxay, wuxuna tagay dalkii tartanka lagu qabanayey Cali waa uu faraxsana shacabkiisuna waa ay faraxsanaayeen maalintii tartanka u dhacayey habbeenkii ka horeyyey ayaa waxa dhacdey in Cali uu jaranjaro ka dhacay oo ay lug ka jabtey, waxaa loola cararey isbitaal subaxdii ayaa lagu soo celiyey hotelkii uu dagana, dhaqatiirtuna waxay u shegeen inuusan wax dhaqdhaqaaq ah sameynin, haddii kale uu sii darsan doono, Cali ma uusan quusan mana maqal waxa ay leeyihiin dhaqaatiirtu wuxu ku madax adeegey inuu tartanka ka qeyb galayo, shacabkiisii aad bey uga niyad jaben arrinta, wararka idaacadahana waxa ay hadal hayey Cali iyo dhibka soo garay, waxa kale oo aqbaarta lagu sheegay inusan Cali ka qeyb kali doonin tartanka, shilka soo gaaray awgiis.

Hadda waxaa si rasmi ah u bilaaban rabo tartankii, oo ciyaartoyada shiishka ayaa garoonka soo wada galay, laakiin Cali loogama dhex jeedo tartamayaasha, waxa mar qura kamirooyinka qabteen Cali isagoo lagu wado korsiga curyaamiinta oo garoonka lasoo galinaayo, shacabkisii ayaa kacay oo dhigey dabaal-dagyo lagu dareensiinayo iney la jiraan ayna garabkiisa taagan yihiin, tartankii ayaa bilawdo daawadayaashu aad bey u badnaayeen xittaa kuwa aan ku sugneeyn goobta ay tartanka ka dhacayo, waxay indhaha kuwada hayaan TV yada. Wixii la islagdaba Cali ayaa kowga usoo baxay wadankiina waxa ka dhacay dabaaldegyo aan caadi aheyn oo maalmo socdey.

Cali wuxu ku guuleystey bilada dheymanka ah, wadankiisi ayuu kuso noqdey dadkii fuqarada ah ee dalkiisa ayuu mashaariic fara badan u sameyey oo u dhaqaale badana ugu deeqey waxa kale uu furey iskuulaad bilaasha ah wuxuna ka mid noqdey maalqabeenadii wadanka wuxuuna aad u jeclaa caawinta dadka danyarta ah markastana uu garabtaagna dadkiisa.

Noloshu waa kolba ceyn mugdi kastaa waxa ka danbeeya nolol iftiin badan laakiin waa haddii aad sababteeda la timaadid. Cali wuxu la yimid sabab noloshiisi badashey. Cidwalba waxay sugtaa in mar un nasiibku saacidi doono, laakiin dunidan ma jirto wax nasiib lagu helo inkastoo ay jirto qadar, qadartuna waxay caawisaa cidii dadaasho. Kawaran haddii aad rajeyso in mar un abuur kuu soo bixi doonto adiga oo wax aad abuuratey aysan jirin.

Sharciga dunidan oo illaahey dhigay ayaa ah inaad waxaad beerato un guran doonto, lama diidano wax rajeyn, laakiin marka horey ficil la imaaw oo wax un beero kadibna Alle wax wanaagsan ka rajey taa ayaa ah mida saxda ah. Cali wuxu beertey xirfad oo waqtigiisana u hurey, Allah na wuu ka abaal mariyey. Haddii aad sugeyso in mar un nasiibku ku caawin doono waad sugi inta cimrigaada ka hadhay hadadan wax beeran.

Almuhim nuxurka sheekada waxa waaye in aad waqtigaada iyo aayahada danbe aad ku maal-gashato wax anfacaayo naftaada iyo dadkaada iyo dalkaadaba.

Fikirkaada Waa Muhiim