Faradhaqu waa nadiifinta faraha iyo ka hortagida qatarta noolayaash yar yar ee isha qaban.
Waa midka ugu horeeyo, ugu yar, ugu raqiisan, ugu muhiimsan hababka looga hortago cudurada soo weeraro jirka.

 

Goormee ladhaqaa Gacamaha.

Faradhaqa waxaa loo bahan yahay xilikasto aad faraha wax ku qaban rabto iyo markaad wax ku qabatid kadib.

Tusaale hadaad kamid tahay kooxda ka shaqeyso caafimaadka ama ispitaalada.
Waxa lagaga baahan yahay in aad fala xalato ka hor bukaanka intaadan taaban.

Sababtoo ah waxaad ka hortagee qatarta noolayaasha yar yar ee isha qaban ee gacamahaaga saaran in ay u gudbaan bukaanka.

Sidoo kale markaad dhameyso adeegaa aad bukaanka u qabaneysay waa in aad falaxalato.
Sababto ah waxaad ka hortagee qatarta noolayaasha yar yar ee isha qaban ee bukaanka saaran in uu u gudbaan jirkaaga.

 

Sidee loo faradhaqdaa ama loo falaxashaa:

1. Hadii sacad ama faraanti aad wadatid waa in aad iska siibto maxaa yeelay ilma aragtida ayaad galeyso.
2. Hadii aad wadato maro gacamo dheero ah waa in aad laabto oo aad gaarsiiso ilaa xusulka.
3. Waa in aad qoyso gacamaha.
4. Waa in aad ku dhaqatid jeermis dile sida oomo ama alkahool.
5. Waa in aad dhaqdo faraha ilaa xusulka.
6. Waa in aad wasaqda ka bixiso cidiyaha hoostooda adigoo xoqeyna cidiyaha.
7. Waa in aad iska biyo raaciso gacamaha.
8. Waa in aad ku qalajiso maro ama tiisha nadiif ah adigoo meelkale taaban.
9. Tuubada waa in aad ku xirto xusulka oo aadan ku taaban gacamahaaga maxaayeelay tubada korkeeda waxaa saaran ilma aragto.
10. Markasto aad dooneyso in aad gacamahaaga nadiifiso mar xeerkaan. Si aad uga hortagtid qatarta ilmo aragtada yaa u geysan lahayda jirkaaga

Fikirkaada Waa Muhiim