Waa dhiig imaado inta hooyadu Uurka leedahay. Waxuuna imaan karaa 24 isbuuc ee uurka iyo waxii ka danbeeyo.

 

Dhibaatada Ka Dhalato Dhiig baxa Imaado Dhalmada kahor:

In cunigu dhinto.
In cunigu dhashto asagoo bila dhammeysan.
In cuniga dhaawac ka gaaro maskaxda iyo neerfayaasha.
In hooyadu dhiig bax u suuxdo.
In hooyado udhimato dhiig baxa.

Calaamadaha lagu garto:

Xanuun saa’id ah
Dhiig bax saa’id ah.
Wadno garaac badan.
Dhiiga oo kor ukaco ama hoosa udhaco.
Hooyada oo koomo gasho.
Wadno garaac cuniga oo isbadalo.

Daawada Dhiig baxa Imaado Dhalmada kahor:

Waddada ugu horeyso waa in hooyada dhiig baxa laga joojiyo oo fuuq celin lasiiyo.
Hooyada waa in dhaqtar lala xariiriyo si ay ubad baadaan nafta hooyada iyo nafta cunigaba.
Waa in kumputarka uur ku jirta lasaaro(Ultrasound scane). Sidoo ogaado caqada meeshay ka jirto.
Waa in hooyada maskax ahaan loo daaweeyo. Ayadoo lasiinayo talooyin anfacayo.

Caqabadaha kadhalan karo hadaan laga hor tagin:

Waxaa ka dhalan karo
Hooyadu in ay suuxdo maadaama ay dhiig baxayso.
In hooyada dhiigu joogsan waayo.
In ibida banaanka usoobaxdo.
In hooyadu dhimato.
In cunigu shook galo.
In hooyadu dhiig la’aan noqoto.
In uu dilaaco xuubka (Rupter membrene).

Fikirkaada Waa Muhiim