Sonkortu waa cudur kamid ah cudurada wakhtiga dheere hayo qofka. Sonkorta waxaa lagu gudbiyaa dhiiga waxaan lagaliyaa unugyada. Caadi ahaan qofka binu’aadanka ah jirkiisu waxuu ubaahanyahay tamar iyo sonkor uu ku dhaqdhaqaaqo. Meelaha ugu badan ee qofka sonkorta ka helo  ayaa ah Karbonhayderatka. Halka 10% lagu sheego inlaga helo dufanka. 60% waxaa laga helaa potiinka.

Cudurka sonkorta waxuu qofka ku noqon karaa

Hyperglycemia (waa marka ay qofka sonkortiisa ku badato dhiiga).
Hypoglycemia (waa markii qofka sonkortiisa ku yaraato dhiiga).

Waxyaabaha Sababo Sonkorta: Sonkorta waxa sababo wali mala cadeyn laakiin waxa la isku raacay in ay ku imaan karto:

Dhaxal ahaan iyo
Deegaan ahaan

Maxaa yeelay waxaa cudurka sonkorta loo qeybiyaa labo qeybood:

Sonkorta Nuuc Koowaad ( type 1 diabetes):

Nuucaan waxaa lagu arkaa ciyaalka waxaa lagu tilmaamaa in dhaxal ahaan uu keenay.

Sonkorta Nuuc Labaad (type 2 diabetes):

Nuucaan waxuu qofka kudhacaa markii uu gaaro 40 iyo waxi ka sareeyo waxaan loo aaneeyaa qofka hab nolaleedkiisa.

Tusaale: Qofka hadduu cayilan yahay wey u sahlantahay in uu haleelo cudurka sonkorta nuuciisa labaad. Sidoo kale qofku hadduu walwal badanyaahy ama uusan sax nayn hab-nolaleedkiis.

Calaamadaha Lagu Arko Qofka Sonkorta Qabo:

Qofka sonkortu markey haleesho waxa jirka ku dhacayo isbadal maxaa yeelay sonkorti ayaa dhiiga ka badaneyso.

Waxa ugu caansan ee dareemayo waxa lagu soo gabiyaa sadex P (Triple P).

1: polyuria (Kaadi badan).
2: polydipsia (Oon badan).
3: polyphagia (Baahi badan).

Xanaanada Ugu Wanaagsan Ee Lasiiyo Qofka Sonkorta Qabo:

Qofka haddii cudurka sonkorta haleesho inta badan maka bogsado inkastoo qadarta iyo xukunka Alle meesha ku jiro.
waxyaalaha ugu muhiimsan ee lagu daaweeyo:

1: Inla kontaroolo qofka sonkortiisu meeshey mareyso.
2: Inla siiyo cunto isku dheeli tiran lagana joojiyo wax yaalaha sonkorta ku kicin karo.
3: Inlaga hortago cudurada kale ee qofku qatarta kugali karo.

Fikirkaada Waa Muhiim