Si aad ula socoto Sheekadaan taxanaha ah qeybtaan tii ka horeysay halkaan ka aqriso: http://www.tukesomalism.com/archives/10555


Siciid Cali Cismaan wuxuu ahaa arday laba waallalo ah kala dhaleen cabdirashiid diiriye jaamac. Wuxuu dugsi dhexe ka dhigan jiray magaalada Heego. Wuxuu ahaa arday jacel inuu barto dhammaan ba dhaqanka iyo hiddaha. Sidaas daraadeed, xiliga fasax dugsiyeedka lagu jiro wuxuu u caano-doonan jiray Miyiga. Markii la gaadhay Fasaxii waynaa ee sannad dugsiyeedka, Siciid wuxu aaday deegaanka reerkoodu dago. Xilli barwaaqo ah buu gaadhay, reerahoo deggan Dhumay oo aad u deellan, waa meel jawi fiican, kulayl iyo qabowna daa warkii. Waa meel hawo dhexdhexaad ah. Waa dooxo balaadhan oo tigaadu aad u baxday, jiidhaamo iyo mugucyana ku dhexyaallaan.

Hablayahow halkii sharaf lahaa ma aydin haysaane
Haasaawihiyo guurku way kala horeeyaane
Annagoo habaas taagan baad nala hadlaysaane
Hore nooga mar meel xunbaad nagu horjoogtaane. Sheekadan oo ah mid dhab ah, xaqiiqana ku salaysan, aniga ayaa ka qoray.

Xoolaha meelo fog fog looma daaq geeyo. Aqal walba agtiisa ayey xooluhu ku dhawyihiin. Geela waa la xigsin maalaa, Nirgaha iyo qurbacduna way ag joogaan. Dooxadan waxaa soo biyeeya togga la yidhaahdo Xeeridheere, ee soo mara meesha hodanka ah ee aad suugaanta ku maqasheen ee dhaho, Xalin la Sayid Maxamed Cabdille Xasan markuu bixinayay faraskii la odhan jiray Xiin fiin waa meeshii uu lahaa:

Xayskaa da’aayaan lahaa xalin ka dooyeeye

Meesha iyo xeebbaan lahaa xiito ka eryood

Biyaha toggaas ka yimaadda baa Dhumay fadhiista. Waxaana daga ilaa labiyo toban kun Tigaad mooyee dhir sare maleh, waxa dooggaasi kaa qariyo mooyee, meel walba waxbaad ka arkaysaa. Waxay weeye meel aan magaallo waxba ka hoosayn. Waayo, waabab baa laga dhisaa, waxaana laga furaa kaamam.

Sidaas baan qofku magaalaba ugu baahanayn. Oo kaamamkaa la keenaa wixii magaalo yiilba. Siiciid markuu reerkii soo gaadhay, wuxuu lakulmay walaalkiis Cabdirashiid, si duu u kala siibtay hamiga, hurdad laa’anta, cunto laa’anta, fakarka iyo muuqaal xumada ka muuqata. Cabdi wax uma sheegin balse bulshadii kale baa warkii tafatiran u dhiibtay.

Siciid go’aan buu qaatay kaasoo ah inuu waxkasta ha ku qaadatee gabadhaa walaalkii u dhimanayo gacanta ka soo saaro, isagoo ku dhaqaaqaya tilmaamihii laga siiyay Saafi Ciid Bulaale. Meesha lama dhaansado gaadiid Waayo, mugucyadii baa u wada dhaw haraadna maleh. Gabdhaha ayaa joog ama kildhi wayn oo wax lagu xalo soo dara mugucyadaa. Saafi sidii ay go’aanka u gaadhay ilaa hadda rag kama qaado salaanta. Markasta oy ka soo dhaaminaysa jiidhaanta, ragga waddada ka raaca afka uma furto.

Dhumay waddooyin xiligii jiilaalka ay bixiyeen nugulka, sida fardaha oo meesha aad ugu badan; nooca loo yaqaan Suunaari ayey caanka ku tahay Dhumay. Dhumay lo’da inaad hesho mooyee ma dhex mari kartid, waayo tigaad baa ku xidhaysa taasoo u badan geedka la yidhaahdo Gargaro. Waddada ay hayso Saafi sii socodkana waxaa u fadhiista dhalinyaro, soo socodkana la mid. Balse marna isma taagto. Siciid oo warkeed la cabsiiyay aqoona ayna isu lahayn, soona raadiyay baa ku soo baxay iyadoo biyihii ka soo baxday.

Wuxuu soo qaaday waddo tay hayso gudubta ama ay isgoyaan ba, in yar bay ka hor goysay. Balse hadalka maa aha tayaag ee way isku dhawyihin. Wuu og yahay inayna Saafi istaagin, wuxuu ku yidhi ” gabadha waan ku salaamay ” Waxay ugu jawaabtay “waa lagaa qaaday” iyadoo socota oo laafyonaysa.

___Wuxuu ku yiri fadlan hal kalmad ah ka dibna fasax baa tahay. Saafi way istaagtay

___Wuxuu ku yiri

Inkastoo qa byaladi godoo la isku qabanaayo

Haddaan qoonsimaad maleh waxaan qalad ku dheehnayne

Inanyahay qiyaas loo socdiyo haddalka oo qaybsan

Qumaanatu waay fiicantahay qamar la moodyeeye

Laakiin qabwayn lama rabiyo kor isku qaadqaade

Awal qaali baan kugu watiyo qaayo gabadh wayne

Imikana qashuuc iga baxyoo waan qajilayaaye

Qaayaha wajiga ha igu hodin , qurixi waa duuge

___ waad mahadsantahay buu ku yiri waana ka dhaqaaqay Saafi iyadoo weli taagan, misne la dhacsab bay ku tiri “joog dee ha tagine.”

___ Raali ahaw buu ugu jawaabay. Cabbaar bay sii eegtay iyadoon dhaqaaqin.Waxay la yaabtay aftahanimada ninka ku jirta iyo murtidii uu maanka ugu rusheeyey. Kalsoonida uu ku soo hor istaagay iyo awoodda uu ku istaajiyey naftii aanan u baran dariiq istaagga. Dhumay oo aan lahayn geedo dhaadheer kala qariya bulsha waynta deggan, toos baa loo la socday arrintii Saafi iyo Siciid dhexmartay. Nuxnux hoose iyo guux baa dhalinyaradii ka dhex istaadhmay. “Gabadhii wiil baa helay alleylehe, galab waxay wiil ka dhaqaaqday baa maanta iyada laga dhaqaajiyey. Tallow muxuu ku yidhi….? ” ayey sheeko ka dhigteen galabtii ilaa cawaysimkii. Saafi Ciid sida ay bulshada ay la nooshahay uga dhex tilmaamman tahay, ayey gaadhay heer markii aroosyada laga ciyaarayo, gabdhaha arooska ka dhex boodaya lagu dhaho,

Seenyoo saddexan ma tihide

Sixin guga la lulay ma tihide

Saafi ina ciid ma tihide

Suufka ha iska kala goyn

Ammaanta badan ee Saafi Ciid lagu muunadeeyo baa Siciid dhagaha ka buuxisay. Isaga oo raba ayuu misna qab is galiyey. Saciid maadaama uu arday magaalo ahaa oo nadiif ah, haddan uu ku yiri murti lid ku ah, waligeedna aan lagu oran in la aammano mooyee, way qaadan kari wayday waxayna ku beertay raad gucasho. Waxayna qalbigeeda ku tiri tallow dib maad u arki doontaa?

Saddex cisho ka dib, Siciid waa soo raadiyay isagoo wareeg soo sameeyay oo reerkii saafi ka dhalatay kor kaga yimid, balse dhexday iska heleen inan kale oo ay is muuq yaqaannaan isna magac aqoon. Way isku raad darsadeen iyadoo nin waliba meeshuu u sacodo ka kale ogayn, waxay la kulmeen Saafi iyo ina aadeerteed, ah na saaxiibadeed Caasha iyagoo fadhiya kanbalka guriga; meel aad u qurux badan oo ay ku yaallo doog hadda soo bax ah. Wiilkii ay waddada iskaga soo cag dareen baa durbaba salaan aad moodid ka gaadhsiis gabdhihii ku halgaaday. ” Nabad ma sheegteen gabdhow”, ayuu ka hor yidhi Siciid. Caasha oo markaa ka sokaysay Saafi baa ugu jawaabtay, ” Nabad iyo naruuro weeye walaal”.

Waa la is sheeko fahmay, in cabbaar ah na waa la wada kaftamay. Hase yeeshe, siciid oo aan u bogin sida ay wax u socdaan baa, saluugay hadalka kobta uu ka bilaabay iyo meesha uu marinaayo. Saafi oo show la mid ah Siciid, sheekaduna ku socon baa wiilkii sheekaynayey ku tidhi, ‘Saaxiibkaa ma hadlo miyaa?” Dabcan, way garatay markaa inuu yahay ninkii ku muday qodaxda saddex cisho ka hor. Siciid oo garwaaqsaday in isaga loo dan leeyahay, baa yiri maya ee waan hadlaaye, waxaan idin iri:

Hablayahow halkii sharaf lahaa ma aydin haysaane

Haasaawihiyo guurku way kala horeeyaane

Annagoo habaas taagan baad nala hadlaysaane

Hore nooga mar meel xunbaad nagu horjoogtaane.

___Caashaa ayaa tiri iyada oo qoslaysa ” walaalow meeshu waa gogol madoonto oo anaba waan fadhinaaye, maad iska fadhiisataan?”

___Wuxuu yiri siciid:

Hablayohow haddaan socod ku nimid sabada reerkiina

Waa inaydin sare joogsataan nana salaantaane

Waa inad gobbaa lala socdaa nagu sintaan meele

Salladaale iyo waa inaad suudhi gogoshaane

Sidaan doonaynana waa inaad say ka noqotaane.

___ Caasha aad bay ugu qososhay Siciid, meerisyada kaftanka ah ee uu kolba ku tuurayo. Yaabbad leedahay wiilyahow alleylehe. Saafi baa tiri “nin kan kama lug baxayno ee inna kiciya guriga aynu tagno ee.” Aqalkii gaarka u ahaa Saafi ayey ku soo dhaweeyeen Siciid. Saafi aqalkeeda iyo sida uu u binaysan yahay bilicdiisa, iyo gogosha taal quruxdeeda baa Siciid judhii ba lagu beerqaaday. Dahada aqalka oo ay tiirsanaayeen harar baarka loo tidcay iyo kuwo aan weli farta laga qaadin baa ay ku tiir tiirsanaayeen.

Mirta dhexe sidii aar mirkacay Muuday kaligaye
Macaluul la jiifsaday dugsiyoo maalmo kuu qadaye
Ka mad luubay naagaha kaliyo midab haldhaaleye
Adaa maanka iga jiitayoon kuu muhanayaaye
Ma mid maahsan baad tahay rayiga waan mitamiyaaye

Waxaa isku beegnaa Siciid iyo Saafi, iyada oo hararkii qabyada ahaa dacal u fidisay, iyadna dacalka kale kaga fadhiday. Sheeko waa hasaawe iyo shubkax. Haddii ba in badan la is xog dhaafsaday, kor iyo hoos ba, Saafi iyo Siciid waxa ay ku ballameen, caawo fiidkii in la isu yimaaddo. Waana la is nabadgalyeeyay, isaga oo leh “caawo sanqadhii baxdaa waa aniga ee la soco.”

Abbaaro 8:00 fiidnim, Saafi kolkii ay hawshii dhan ka soo fara madhnaatay, ayey u diyaargarawday la kulanka Siciid. Habluhu badanaa cawaysinka markii ay gaadho, waxaa u dhaqan ahayd inay ardaaga hore ee guriga harar dhigtaan, oo ay kobtaas maxaa la yidhi da hayaan. Ballantu sidii ay ahayd Saafi oo maanka ku haysa, imaanshaha iyo sanqadha Siciidna u dhag taagaysa baa ardaaga caawa keli fadhida. Caawa se, maxaa la yidhi iyo maanta maxaa ka dhacay magaaladii, inay dhagaheedu maqlaan ma rabto.

Sida oo kale, caawa ma rabto inay Ina-adeerteed Caasha wehliso, cid kalena iska daa hadalkiisa ee. Muddo yar kaddib, Siciid oo aan dhag la qabto lahayn baa yimid. Oo maad ba isii sugaysay, haddii uu salaantii ka horays iiyey, waa uu salaamay Siciid, Saafi. Qosol yar oo aan dhoollacadayn dhaafsiisanayn kaddib, waa ay ka qaadday salaantii Saafi, Siciid. Siciid oo ay dani tukhaan tukhinayso baa markii uu ogaaday inay Saafi ka raali tahay hadalkiisa, u soo bandhigtay jacayl.

Murti iyo maahmaah ba waa uu ugu soo bandhigay kalgacaylka uu u qabo baaxaddiisa. Saafi oo aan weli garanayn inay Siciid Iyo Cabdirashiid labo walaalo ah kala dhaleen, bay xishood dartiis iskugu adkaysay Siciid. Iyada oo jacayl bay isku giijisay….. Balse Siciid waa uu ugu celceliyey inuu jecel yahay wuu ku adkaystay inuu jaceyl yahay goor uu u caal wayay ayuu ugu catabay:

Hindisiyo ardow waxa iwaday haybta guudnimo e

Hummaagiina uun baan arkee sooma hoyaneene

Hagaagiinu waa inad salan naga horkeentaane

Waa inad haasaawisan hodaney maantaase

Marse haddaan halkaan doonayiyo hagarbax kaa waayay

Oo maan hadhkii geedka iyo doonto halahayga.

Dhawrkaa meeris ee gabayga ah intuu dhagaha ugu riday buu ka soo tagay, Siciid. Saafi oo mar danbe isla yaabtay, khalad inay ka gashay nafteedana ogaatay baa, Siciid soo raadisay; iyada oon baal ka marayn dhaqankii gabdhaha Soomaaliyed, ayey labo cisho kaddib u soo kicitimtay Siciid gurigoodii. Waxayna xidhiidh la samaysay Sahra Cali Cismaan, oo ah Siciid walaashiis ka yar. Kaddib, farriin bay ugu dhiibtay Sahra, Siciid. Markii ay aragtay farriintii ayey Siciid ku tidhi, ” Gabadhii la faanin jiray baa ku doonaysay oo, waxay igu tidhi, Siciid ha ii yimaado.” Waa yahay intuu yidhi buusan u tagin. Laba cisho kaddib bay Saafi haddana Sahra u timid. Waxoogaa sheeko ah kaddib, waxay Saafi tiri, “miyaadan u sheegin fariintii.” “Oo miyaanu kuu imaan” bay degdeg Sahra ugu jawaabtay. Maya, iima imaan ee walal ku adkee fariinta ayey Saafi ku tidhi. Haye, walaal ayey Sahra tiri. Sidaas ayeyna ku kala tageen.

Markii soo xerogalay Siciid fiidkii, bay Sahra u sheegtay fariintii, mar labaad. Waa yahay buu ku yiri Siciid. Waa intuu doonayey ee markii uu ogaaday Saafi inay shabaqa caashaqa ku jirto, buu sanka taagay. Maalin saddexaadkii bay saafi ugu timid guriga isagoo jooga, waxay ku tiri “soo tiraba labba goor faariin kuuma dhigin gurigga?” Dabcan, waan se l mashquul sanaye, caawa ayaan kuu iman walaal. Nabadgaliyo.. Haye, nabaaddiinoo.. Saafi sidaas ayay kusoo dheelmatay.

Hadduu habeenkii u tagayna, waa la isla gartay in jaceylka lawada sido oo aan la isku keliyeyn. Balse, waxaa Siciid la soo darsay walwal iyo walbahaar badan, isagoo maskaxdiisa waydiinayay “tallow markay ogaato Cabdirashiid unuu walalkaa yahay maxay Saafi samayn doontaa? tallow se ma kaa yeeli doontaa mase kuu suura galayaa jaceylkan maqaarsaarka ah. Taariikhdaas Siciid iyo Saafi mar xalad badan baa soo dhex martay. Sida habeen iyagoo labadooda qudha ah ay jilayaan jaceylka bay

___Saafi ku tiri waxa baa igu leh jaceylku waa kaligaaye Siciid kuma jaceyla.

___Waayo, Siciid baa ugu jawaabay

___Dee kaama muuqdaan indho jaceyl u buko bay Saafi tiri

Siciid wuxuu yiri :

Mirta dhexe sidii aar mirkacay Muuday kaligaye

Macaluul la jiifsaday dugsiyoo maalmo kuu qadaye

Ka mad luubay naagaha kaliyo midab haldhaaleye

Adaa maanka iga jiitayoon kuu muhanayaaye

Ma mid maahsan baad tahay rayiga waan mitamiyaaye

___Maxaa habeen iyo maalin ikaa duldhigay haddaan jaceylku dhab iga ka hayn buu Siciid ku yiri. Muddo haddii ay si hoose isu jeclaayeen, oo ay siraysteen in badan, Siciid iyo Saafi jaceylkoodii waa kashifmay. Waayo, degaankii oo dhan baa laga ogaaday. Yeelka see, dadkii isku ogaaday inay is caashaqsan yihiin uma ayn joojin hadaladoodii. Mid ba midkan kale ayaa uga dhignaa adduunyadii oo dhan. Waxay saa ahaadaan ba oo ay sir iyo caad isu jeclaadaan ba, habeen kale oo ay balansanayeen buu fiidkii ugu yimid nin ay col ahaayeen, oo hadda ka hor Siciid gabadh ku diray ay sheekaysan jireen.Waxa uu arkay gogoshii ay ku fadhiday Saafi, isaga oo dhinac kaga fadhiya. Si fiicanna la isoo la jabinayo qosolka. Judhii ba Siciid waa shakiyey isaga oo u ku tuhmaya inuu Saafina ku dirayo ninkani.

Siciid: Assalaamu calayku?

Casayr: Calaykum wasalaam. Soo dhawaw, buu ugu jawaabay.

Siciid: Maa labbadiinna oo qudhaa?

——Dabcan, haa waa labbadayadee soo fadhiiso. Saafi iyo Casayr baa isku mar yidhi.

Siciid: Maya, ee iga raali ahaada. Intuu yiri buu dhaqaaqay. Saafi oo dareensan dhaqaaqa Siciid baa, ka soo daba dhaqaaqday.Dabadeed, guriga duleedkiisa ayey ku soo gaadhay.

__waxay ku tiri, “maxaa ku helay ood la noqotay, sow ballan ma aynaan lehayn?

Siciid isagoo Saafi Casayr ka fogaynaya ayuu yidhi:

Gabadhyahay gayaan bay nu nahay guurna way galaye

Waxay galay inaan guursadaa geenyadaad tahaye

Ballankaynu wada goosanaan galiyay laabtiye

Adigaana gooyo haddana waan ku garansiine

Gabaygaan inoo tiriyayoon gees walba u jeedshay

Gufaacada dabayshiyo wuxuu galay daruurtaase

Gobtase aanu nahay gabadh hadday galin la haasawdo

Oo ay guddoon wada dhigtaan gar iyo xaajo dhan

Gunta Iyo gumburada u yimid gogol hadday siiso

Waliba ayan guulguulinine gooha maqashiiso

Mid kaloo illaah noo gartaba waan ka gudubnaa

___Saafi waa ku dhegtay Siciid, iyadoo leh, miyaad hinaastay? Ninkani wuxuu sugayay Caasha oo xafada ku maqan ee ina keen.

___Wuxuu ku yiri, haddaan ku raaco waxaa loo qadanayaa nin la soo cadho celiyay ee, hadhow baan kuu imanayaye iska tag.

___Saafi oo hadallada Siciid ka yara shakisan baa ku tiri “I dhaaro”

__Wallaahi waan kuu imanayaa, ayuu Siciid ugu dhaartay gacalisadiisii Saafi. In cabbaar ah haddii uu ka maqnaa, Siciid waa u yimid Saafi oo uu ka tagay Casayr.

Siciid oo ah hal-abuur aftahan ah baa ku jalbeebiyey Saafi, ammaan middii ugu qiimaha badnay ee ku jirtay maskaxdiisa. Waxa uu ku yidhi:

Gobanimo rugteedaay

Garashiyo aqoontana

Tii lagu galadayeey

Guurti iyo wax qabadeey

Guddi aan baqayneey

Garta abaheeday

Gundhig iyo xishooday

Mabda’ iyo go’aaneey

Murti gogol dhigadeey

Maguuraan xigmadaheey

Gabadhii adduunkee

Rabbigay gargaaraay

Gololoy jaceylkii

Ayu gabagabaynee

Galbi hadaladayoo

Soo gunaanad caashaqa

Saddex bilood kaddib, Siciid oo aan ogayn baa reerkii saafi ka dhalatay guureen. Waxayna ku noqdeen dageenkii ay awal ka yimaadeen, oo ahaa lama deggaan. Deegaankoodii oo roob ku da’ay, abaartiina ka baxday bay ku soo noqdeen. Laba habeen haddii ay ba ka sii maqan yihiin reerkii ay ka dhalatay Saafi Ciid, deegaankii uu Siciid ka dhashay ee Ramas, fasaxii dugsigunna u gaadhay misne ma ogaan guuridii reerkii Saafi iyo. Siciid oo ahaa nin dhalinyaradu aad u jeceshahay oo sheeko badan, aadna u xigmad badan, ka sokow da’yaridiisa, bay habeen habeennada ka mid ah wiilal dhawr ah oo ka mid ah kuwii xiisayn jiray Siciid ku yidhaahdeen, sheekoolow “Baryahanan kaftankii iyo sheekadaadii ma aanan maqal ee, haddii ay kaa fogaatay gacalisadaadii Saafi, maxaad noogu imaan wayday?” Sicii oo ku halqabsanaya wiilkii su’aasha kaga nixiyey, isna leh yaan la dareemin inuu yahay maqaarsaar jacaylkaadu yidhi:

Cabdiyow hadday guur qasdigii qabato labtaadu

Oo qirihu gabadh kaaga dhaco waa qisiyo yaabe

Anigu qaayis baan ahay intaad wadda qoslaysaane

Qulbayoo inaadeer lafahoo qawan bay hadhaye

Qalbigaygii inantaa casbaa qaaday waa hore’e

Waa quliyad iimuuqatiyo qoomka saadada’e

Jeer ay qadraay maheriyaan qaddigiyo sheekhu

Ay aniga ii qalad baxdaan qun ula haasaawo

Qancimaayo oo iga wallaanan qaayo u lahayn.

Dhalinyaradii qosol bay la dhaceen, iyagoo ninba meel ka soo tuurayo, ileen ninku ma noola, ileen jaceylbaa dilay.___ kaddib waxay yidhaahdeen, jacaylkaadu goormuu kugu darnaa?

___Wuxuu yiri, aniga oo hurda bay riyo iigu timid Saafi, iyadoo ila baashaalaysa baan is iri qabso, saa anigii baa isku dhagay arbaan intaaan soo booday gogosha dhinacyadeeda ka

baadhay. Waxaanse ogaaday inay iga maqantahay ee aan riyooday ka dibna hurda way igu soo dhici wayday.___dhalinyaradii iyagoo ka xun jabka igu dhacay runa u haysta bay I yiraahdeen miyaadan arintaa ka gabyin.___Maye, waan ka gabyay, oo maxaad tiri habeenkàas? ___Waxaan iri:

Inantaan haraadkaan u qabay heeg u ladi waayay

Marka aan hurdada jiifsadaa la I horkeenaye

Haddan sida hilaacoo kalaa laga huf siiyaye

Hareerahaan ka baadhaa intaan soo hambaaburo e

Hawadaan ka eegaa indhuhu kor I hanqarmaane

Sida hadda samadaa martaa lay hawadiyaaye

Markaan hoolad waayaan sidii harag islaabaye

Waa mid aan huqdeeda u dhintiyo hadimadeediiye

Hadlimaayo jeer aan habboon hoy la jiifsado.

Dhalinyaradii waxay yiraahdeen, wallaahay ninkani halis buu ku jiraa. Ilowba waa in Saafi la helaa oo loo dhisaa, haddii kale sidii boodhari ayaa loo aasi. Ayaamo  kaddib,  Siciid  oo   ambabax ah fasaxii ka dhamaaday, ayaa uu maqlay Cabdi Maxamed Xirisi oo leh qaalin geel ah baa naga halaawday, oo waxaa loo maleenayaa reerii guuray inay raacday, markaa waan ka dab tagayaa. Siciid baa u yeedhay oo yiri ma Lama daga baad aadaysaa?

Wuxuu yiri, haa. Waayahaye fariinta iga qaad oo Saafi iga gee. Wuxuuna yiri siciid:

Cabdiyow sadcaashayee haddaad suunta nabad qaadid

Waxaad sagal lamoodii ku oran saacadaad aragto

Sidii gaal santari loo diroo saacaddii dayaya

Ama macalin sowdkii quraan sugaya eedanka

Sawirbaad ku tahay laabta iyo saabka feedhaha dheh

Mana seexdo soortana macuno mooyi saan ahay dheh

Sagalbaxay la moodyey adan kuu sahwiyayaa dheh

Bal inaad sidaydaa tahiyo samir inaan qaato

Su’aal igu sheeg taladu yay suurka kaa xulin dheh

Siciid wuu tagay Heego iyo waxbarashadii. Cabdina fariintii ma geyn. waayo, qaalintii meel sokuu ka helay. Siciid intuu waxbarashada joogay, wuxuu qalbigiisu lahaa run iyo beeni kala raad roon Jaceyl waayay xannaano xabaalba u danbayso. 10 bilood oo uu ku mashquulsanaa waxbarashadiisa, ayuun jacaylkii maqaarsaarka ahaa oogadiisa saamayn. Waa uu ka walwal la’aa. Ma jirin dareen sidii Cabdirashiid, hadba kusoo laba kaclaynayey qalbigiisa. Fasixii danbe markii la gaadhay, ayuu Siciid ku soo noqday reerkoodii iyo beeshii uu ka dhashay. Waxa uu yimid iska oo naftiisa la sheekaysanaya dooxo la yidhaahdo, Qowlo. Qowlo oo ahayd meel daaq fiican leh, aad na u deellanayd.

Siciid waxaa loo sheegay, inayna imaanayn reerkii Saafi ka dhalatay sannadkan Ramaad. Waayo, barwaaqo ayaa ka dhacday Lama-daga, ayaa aad u deellan. Siciid talaa ku caddaatay isaga ooo leh, guul baa kuu muuqatee misaasad kaga hadhaysaa? Wuxuu waraystay dhalinyaradii, oo waydiiyey, wax reerkeena ah oo Lama-daga deggani ma jiraan?

Dabcan, haa ayey ku dhaheen, oo waxay usheegeen geelal iyaga ah oo dhowr kadin ah, inay reerka ciid bulaale oo ah kay Saafi ka dhalatay meel u dhow galaan. Siciid markii loo sheegay wuu gartay geelashii ka dibna go’aan buu gaaray. Wuxuuna u dhaqaqay Lama-daga. habeen haddii uu dhexda ku sii jiray, waxa uu aroortii danbe u tagay geelashii. Waa ay is garteen nimankii geela hayey iyo Siciid. Balse waxay uga dhigeen salaan, ” Maa tii yarayd baad soo raadisay? ” Haaye, aaway reerkoodu ayuu ugu halceliyey.

Haddii ba la is ujeeddo fahmay, waxay u tilmaameen kayn aan ka ba fogayn kobta ay geela ku hayaan, oo uu reerkooda oo qudhihi deggan yahay. Dabaddeed, waxay u xigsin liseen halo dhalay oo hareeri soo daaqay, xili barwaaqo ah. Galabtii buu soo saqaafay isgoo u daqaqamay kayntii loogu sheegay reerka , meeshu waa Lama-daga, waxay hodan ku tahay geedka la yidhaahdo galoolka: Kaas oo markaad ag marayso foodhya, dareemo daaqsinta ku wanaagsan. Isaga oo ku dhex dhuumanaya, dareensanna, haddii la arko in saafi gaadh laga qabanayo. Ileen waatii la isku ogaa jaceylkooda ee.

Nasiib wanaag, goor cadceedu dhacday, xiliguna yahay hiimse hiimse buu arkay Saafi oo geedo galool ah hoostooda xabka ka jabinaysa. Isaga oo shanqadh badan iska dhawraya buu meel gaaban kagasoo baxay, si kadis ah…! ___saafi markii ay aragtay Siciid, mar way naxday waayo, mayna ka filanayn inuu ugu iman laba-daga. markalena way faraxday, oo waxay u boholyawsanayd aadna u jacelayd aradtidiisa.

Siciid: Saafi salaan jaceyl iga gudoon

Saafi: Gudoomay bay cod macan oo naxariis leh ku tiri ___Gacaliye markaan dhayaha kaa qaaday jidhkaa dhamaan I jidhidhicooday __ aniguba kula mid ayaan ahay isoogoo muusoonayo ku yiri __ ma fiicantihiin___Haaye bal waran bay tiri Saafi___ Siciid wuxuu ugu jawaabay:

Dalshisheeye iyo waxan ka imid daanki xaysimo e

Duudii bahday waxay dagtaa damashi qowloode

Waxa geelu noo daaqi jiray daafti marag maale

Doobaa karuur noogu jiray dacarta jilaale

Dacalada nuguul bay farduhu deedamahayne

Dushan hawdkan uma soo baxeen dowdan boorka lehe

Adigaan qalbiga kaa damcee maan dalxiisoone

Dib inaan ulaabmiyo inaad ila dakaynaysid

Aniguba dantaydaan hadlee dahabo sheegtaada

Duray iyo duray bay xarago nagu daboolayde

Doonyuhu waxay noo sidaan damash magaalade

Darban gabadha ah reerahayagay daris wadaageene

Dadkana way ka buuxdaa mid yar oo dahab la moodaaye

Adigaan qalbiga kaa damcee maan dalxiisoone

Dib inaan ulaabmiyo inaad ila dakaynaysid

Aniguba dantaydaan hadlee dahabo sheegtaada

___Saafi waxay tiri iyada oo wajigeeda farxadi ka muuqato, ma sidiibaad wali gabaygii u waddaa…?

__Wakhti ma haysto, haddii la I arkana waad garanaysaa in wardiye culus lagu saarayo ee, wixii aad sheegaysay hadday run kaa tahay inna dhaqaji, waan kula baxayaaye. Waxa uu u sheegay geelashan reerkooda inuu maanta u yimid meelna u dhaaf karin. Saafi waxay tiri ” waa kuwan aqaladannadii ee, geedkaa madow ee dhirta ugu gaaban hadhow igu imo marka saqda dhexe lagu jiro”. Haye iyo hawraarsan ayey ku kala tageen. Siciid oo aan nimanka geela haya mooye cid kale ka aqoon Qowlo, ayaa ku soo laabtay geelashii.

Salaan kaddib, waa uu u warramay raggii ay wax isku ahaayeen. Waxa uu usheegay inay caawa saqda dhexe guurayaan. Waxa ay siiyeen caano uu ku casheeyo. Dabadeed, markii la gaadhay xiligii ay ballantu ahayd, noola socdana uun jirin buu geedkii isugu yimaadeen. Waayo waayo iyo mid walba wixii uu sii mutay intay kala maqnaayeen bay isooga sheekeeyeen. Siciid oo ku han wayn in ay raacdo, iyadna yara cago jiidayso buu ku yidhi:

Sambabka iyo beerkiyo

Halkaa saabka iyo wadnaha

Saafiya adigaa hurdoo

Sariirbaa kuu dhextaal

Saaxiibaday ways nacnoo

 

Sanqadha ka ilaaliyaan

Dhamaan isku seegnayoo

Cidlaan kaligay socdaa

Sidii aan kuu bartan

Waxbaa ila sarakacoo

 

Anigu soortaba ma cuno

Jaceylka sabaaliyoo

Sagsaagka ilaaliyoo

Saafiya iga daa sahwiga

Aniga, adigaa ileh Ilaahay ka sakow. Siciid wuxuu jaclaa inay sheekadu caawo dhamaato balse, saafi uma diyaar ahayn. Markuu damco inuu soo gabagabeeyo bay u saartaa laamo aan laga gayoonayn. Siciid oo is xanaajinayo ayaa kacay oo yiri:

Inanyahay siraad u eg hablaha wawgu sidataaye

Soomaali dumarkooda waad ugu saraysaaye

Sarajooga goortaad kacdaa samay la moodaye

Socodkaaga iyo laafyahaa lala sarkhaamaye

 

Inaad soo kacaysiyo wallaal samir inaan qaato

Si wanaagsan baa loo hadlaa waan ku sugayaa

Inta kacday bay tiri ” gabay lagaa karimaaye waxaad yeeshaa waa xili danbe, haddii aynu baxno subaxba waa la ina tabi oo waa la inaga daba iman karaaye, haddaba, kayntaa madow galoolka badan subax soo gal. Gudun baan soo qadanayaa anigoo ku marmarsiyoonaya iyo maydhax baan soo diranayaa ee sidaa iga yeel, subuxaba waynu baxaynaaa si aan habeen danbaba Ramaas ugu dhaadhacno e.” Siciid wuu ka yeelay isagoo ugu maahmaahaya waayahay “kaadi badane waa loo gogal badayaye.” Si qurux badan ayaa la isku nabad galiyay.

Wuxuu soo baxa cadceeda tiigsada ba, waxaa u baryey waagii. Go’aanku siduu ahaa isaga oo madaxa ku haya buu horay u toosay. Hal dhashay oo ay nirigteedu ag taagan tahay buu gaawaha la hoos galay. Degdeg intuu u maalay buu horay caanihii ka sii qaatay. Waxa uu soo ambabaxay xidhkii ay ku tidhi igu sii sug. Waa yimid kayntii jiqda ahayd. Isaga oo kolba qoor diinlaynaya ayuu reerka eeggaa. Xoolihii oo wada kala dareeray iyo dadkii oo wada kala shaqa tagay buu arkay. Waa la gaadhay xili barqo kulul ah. Hase yeeshe, weli ishiisu ma qaban Saafi Ciid, goor cadceedii sii kululaatay oo ay barqo dheertahay, wataas saafi oo bila gudin ah socoto.

Balse, wax bay xambarsantahay. kaynta meeshay kaga soo beegnayd buu u sii galay. la isu yimid. Indho jacayl la isku eeg. Salaam kaddib, waxay ila tahay inaan waxba kaa danbayn oo aad soo diyaar garoowday, ayuu ku yidhi. Maya, maya awrtaa xidhxidhan inaan anigu seeteyo oo, aan maqasha adhiga ee edagta ku jirtana inaan banaanka u sii daayo baa la iga rabaa, ee waxaan isi idhi u soo sheeg.

Siciid wuu cadhooday isaga oo u arka inay waxay sheegaysay oo dhan ay been yihiin, oo ay doonayso siday Cabdirashiid u gashay inay u gasho buu ku yidhi:

Guurtidaanu nahay golola dhool waadan garanayne

Waxaanu nahay raggaan guur u dayayn gaashka naagahe

Gola joogga laafyahay midii gacanta saydhaysa

Ee gaari loohubo hablaha waanu gadanaaye

Geeli iyo waxaan siisanaa googo lacageede

 

Galabtaa dambeetaa aroos laga gigsiiyaaye

Gool baa halkaa lagu qalaa gananaanjiraye

Goonyaha waxaa laga ridaa gumuc rasaaseede

Gowdaa ciyaar lagu hayaa gaadh habeenimoe

 

Gayaanku adiga amahoo gayiga gabadhi waa buuxe

Gow iga sii hadal cadbaa lala gedoomaaye.

Iyadoo leh gabay lagaa karimaayo mise waad xanaaqday, adigaan kugu eegayee. Waxaan xambaarsanahay waa dharkaygiiye ina mari. Saciid oo neef wayni ka soo booday, farxadna oogadiisa saaqday baa yiri “ina mari dhib miiran baad tahaye.” Way soo boqooleen iyaga oo sii dhex jibaaxaya kaymaha iyo juuqyada jiqa ah. kaftan iyo haasaawe gacaltooyo bay shidaal ay waddada ku maraan ka sii dhigteen. Goor ay tahay casar gaabad qorraxdii baalka dhigatay godkeedii bay ilihii Ramaas u soo dhaahdheceen. Waxay goor fiid ah u yimaadeen reer ay hayb garanayaan oo carisyada yaal. Reerkii baa soo dhaweeyey, waxayna u loogeen wan Sumal ah, balse meel maynan wada seexan.

Xili ay ku beegan tahay labadii habeenimo, buu siciid ka soo toosiyey Saafi aqalkii ay huriday. Waana dhaqajiyeen, jarmaado xoog leh bay galeen. Oogtii waabari bay dhumay dhinac ka dhaafeen, waxayna tageen markay libdhadu soo baxday dooxadii qowlo. Qowlo oo deegaan u ah qoys badan bay soo dhex galeen. Gurigii Siciid iyo oo ka mid ah guryaha Qowlo ku yaalla bay dhankiisa soo abbaareen. Cabdullaahi Cali Cismaan oo ay Siciid walaalo yihiin, dhawr bahna ku qaba Qowlo bay, aqalkii bahdiisii yarayd yimadeen. Dadkii ehelka u ahaa iyo dhalinyaradii ay saaxiibada ahaayeen baa gurigii ku soo xoomay. Damaashaad iyo dabbaaldeg baa aqalkii ka bilaabmay.

Dhawr neef ayaa farxaddii birta laga aslay. Siciid oo ka faa’iidaysanaya farxada dhacaysa bas Daahir farax cartan oo ay isku dhawaayeen ku yidhi “Dhumay orodoo, wadaad iga soo kaxee gabadha ii maheriya” Markiiba qalqaalo baa la galay, iyadoo loo diyaar garowbayo arooska; laguna faraxsan yahay. Siciid aabbihii oo ahaa nabadoonka beelaha ayuu kala dardaarmay Daahir inuu san wax ogaysiin. Mar kale waxa uu doortay Siciid, mixiis iyo mixisad isaga oo ka dhigay: Cabdirashiid iyo Sahra oo ah walaashii.

Waxaa la cunay qadadii, tii sheekha wax mehrinaya iyo daahirna intii loo daboolay baa meel gooniya loo dhigay. Duhur dabadii mar ay tahay, afartoodiina aqalka ku wada jiraa buu Siciid Sahra diray. Waxaa isku soo hadhay Siciid, Saafi iyo Cabdirashiid oo dhinacyada ka fadhiya. Siciid wuxuu yiri “Saafiyeey imisa ayeynu is jeclayn? ” “Maxaad ka wadaa” haddii ay ugu halcelisay, “Sow ma badnayn ayuu ku yidhi” Haa, ayey ku tidhi. Waxa uu ku yidhi, wixii aan jacayl kuu soo bandhigayey habeen kuguma seexan maalinna kuguma hadhsan.

Qalbigii bukay ee aan kaaga sheekaynayay ma ahayn ka aniga igu jira ee, wuxuu ahaa qalbiga cabdirashiid ee iga gudoon. Saafi oo degdeg wajigeedii u baddelmay sagaal midabna yeelatay baa ku tidhi,

Kaa guddoomay ee mid ayaan codsanayaa ee yaan la i mehrinin caawo” Saafi oo dhako faarsan baa go’aan degdega ku gaadhay inay berri aroortii nabaddoonka u tagto. Arrintan amakaagga ku dhalisay bay rabtay inay usoo bandhigto. Waxay ogayd inay ka gar helayso, haddii ay la gar dhigato. Laakin, codsigii Saafi waa uu u cuntami waayey, Siciid. Dabadeed, waa iska soo taagay codsigeeddii, wuuna ka diiday. Iyaga oo murmaya oo is af garan la’, buu u soo galay Daahir oo wadaadkii wada. Waxa uu ku yidhi “Waakan sheekhii bannaanka taagan e, ma soo xareeyaa? ” Siciid oo degdeg inay wax ku dhacaan rabay baa yidhi, “Soo gal dhe, sheekha.” Muran badan iyo dood dheer kaddib, Saafiwayogolaatayinuuguursado,

Cabdirashiid. Cabdirashiid oo la yaabban sida ay wax usocdaan, jacaylkii Saafina la bohoyawsan baa loo mehriyey, Saafi. Jacaylkii sirta ahaa ee uu Siciid ku soo khayaamay Saafi Ciid Bulaale, Waxaa uu noqday mid lagu guulaystay. Saafi waxay u dhashay Siciid 11 wiil iyo 6 gabdhood. Kaddib, Cabdirashiid wuu dhintay, Saafi Ciid Bulaale oo nool na waxay guryo waa wayn ku leedahay magaallada Heego, iyada oo gabowday, da’na ah.

Sheekadan oo ah mid dhab ah, xaqiiqana ku salaysan, aniga ayaa ka qoray.

Fikirkaada Waa Muhiim