Goormaad qancaysaa nafyahay

Miyaad quustaba aqoon

Qofkii hore kuu dayacay

Maxaad ka doonaysaa?

 

Ammintu waa 12:30 duhurnimo, cadceedu kala barka cirka ayey joogtaa, Jawigu kulayl iyo huur ayuu leeyahay, kulayl dartii shimbirihii hawada sare duulayey baa geedihii qallalay ee dhulka qod ahaan u taagnaa, miciin bidaya.Waxaa dhacaya hanfi, dabayshii xagaaga oo olol iyo humre wadata baa wajiga ka leefaysa, indhahana aragga ka naaqusinaysa. Dhulka waxaa ka kacaysa siigo ilaa cirka isku sii dhererinaysa, dadku waxay ku jiraan abaar ba’an iyo macluul, ceelashii ay dadka iyo duunyadu ka cabbi jireen baa wada gudhay, Iska daa geed midhood iyo xaab ay afka saaraan e, geed adaygii ay wakhtiga adag cuni jireen baa gabaabsiyey.

Dheeftii iyo nacfigii lagu qabay baa yaraaday: Caano iyo cad ba. Daaqa ka dhammaaday iyo biyo la’aanta isugu biirsamay baa xoolihii lagu dhaqnaa saameeyey. Wayd, lafta duudka iyo calooshu is galeen weeye neefkiiba, inta waydnimo iyo gaajo ku nool waxaa ka badan, inta bakhtiga ah bannaanada wadhan, Caddaanka xoolihii bakhtiyey lafahooda baa ku cawiray.

Dadkii intii jilicdasanayd haraad iyo gaajo ayey u dhinteen, waxaa dillaacay cudur abaarta ka dhashay, Intii yarayd ee abaarta ka badbaaddayna, waxaa soo ritay cudurkii. Duurjoogtii oo ay qudhoodu abaartu saamaysay baa tuullada usoo dheef doontay. Weerero badheedh u badan bay hadba ku soo qaadaan intii yarayd ee waydda ahaa. Nasiib wanaag se, abaartu waxay barwaaqo sooran u ahayd haadda hilib cunta ah: gorgor, geel toosiye, durmi, yuli iyo tuke ah.

Markaad laba tallaabo qaadid ba, waxay dhayahaagu qabanayaan, shimbirihii oo cunaya bakhtigii xoolihii abaartu dishay, Ax! tiiraanyo badanaa. Saafi Ciid reerkoodu waxay go’aansadeen inay ka guuraan deegaankoodii abaartu halakaysay, oo ay raadsadaaan baad iyo biyo xooluhu u cuna. Waxay u boqolayn degaanka Ramaas oo raxmad alle ka da’day. Siddeed caano maal ayey jidka ku soo jireen, intaasna maalin maysan helin biyo aay cabaan iyo cunto ay jiddiinka mariyaan. dhibaato, silic, balan-bal, rafaad, dar-xumo iyo diif ayaa ka muuqata korkooda.

Gaajo iyo silic ayuu bogga iyo laabtu iskugu dhageen. Rafaad iyo daal badan ka dib, waxa soo gaareen Degaanka Ramaas. Reer Ramaas waxay u so dhaweeyeen dadkii doolka ugu yimid, si wallaaltinnimo iyo qadarin leh, waxaa ay ka caawiyeen dhisida aqal soomaaliga, tusida ceelasha biyaha, iyo soo dhaaminta xareeda; waxaa kale oo ay reer Ramaas yiraahdeen, “sanadka wax beer ah lama qodi karo, si gaar ah na seero looma oodan karo e, tigaada si walaaltinimo ah ha loo wada daqo.

Saafi Ciid Bulaale waxay ahayd inan qurux ilaahay ku manaystay, Waxay ahayd gabadh cas, dheer, san dhuuban oo dheer, timo jilicsan oo miskaha dhaafaya, ilko xooga dabar leh, kub wayn. Midda kale, quruxdeeda waxaa u sii dheerayd edab wanaagsan iyo xishood ninkii indho ka qaada ba, wuxuu hawaystaa, isla jeerkaana niyadda geliyaa inay oridiisa noqoto!

Cabdirashiid Cabdi Cismaan wuxuu ahaa wiil reer badiye ah, oo ku nool deegaanka Ramaas. Isagga oo jooga reerkooda oo deggan meel la yidhaahdo dhumay, oo ah dooxo ku wanaagsan xool daajinta, ayaa uu si kamma’a u arkay Saafi Ciid oo caws ka dhex guranaysa dooxada. Eegmadii hore haddii uu u maleeyey mudutuul, mar labaad waakan daymo u celiyey dhankii Saafi ka xigtay. Quruxdii Rabbaaniga ahayd ee Saafi, ayaa soo jiidatay sidii magnad qalbigii Cabdirashiid. Waa kan ku indho go’san inanta. Kalgacayl iyo jamasho ayey ku abuurtay aragtidii koobaad, Cabdirashiid. “Waa tan inantii aan raacdada ugu jiray muddo badan”, ayuu hoos keligii isugu la hadlay.

Habeen habeennada ka mid ah, ayaa sidii dhaqanka iyo hiddaha innoo ahayd cawaysinka markii ay tahay, Cabdirashiid Cabdi iyo dhalinyaro saaxiibbadiis ah go’aansadeen innay u ciyaar gudaan barxad guriga Saafi Ciidiyo u dhaw. Jaandheer oo ah ciyaar degaanka laga ciyaaro, ayey reerka Saafi Ciid iyo ku ag qabsadeen tumisteeda. Cabbaar haddii ay ciyaarto u socotay, Saafi iyo Ina-adeerteed Caasha oo wada socda baa jiibta iyo jaanta ku soo darsaday ciyaarta.

Jaandheer waa ciyaar ka mida ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxaana laga ciyaaraa meelo badan oo looga hadla afka Soomaaliga. Jaandheer asal ahaan waxay ka timid deegaanada Howdka iyo soolka. Jaandheer waa ciyaar qadiim ah.

Habeenkaas oo dhan hididaa la hayay, oo hadba jiibta iyo jaanta ayaa la isla helayey. Marku waagu soo dhawaaday, welina cirka iyo dhulku isku jiraan bay soo afmeereen ciyaartii, Intii lagu guda jiray ciyaarta, is barashada iyo haasaawuhu kama madhnayn. Cabdirashiid oo ciyaarta ba u yimid Saafi barashadeeda ayaa fursad uu ku barto ku helay Saafi, Inkastoo Saafi ina-adeerteed welinaysay, haddana uma joojin e wuu bartay.

Isaga ayaana soo dhaweeyey oo keenay gurigoodii. Aadan Cali oo la socday Cabdirashiid baa furasad u siiyey inay Cabdirashiid iyo Saafi gaar u wada socdaan, isaga iyo Caashana ay daba socdaan. Cabdirashiid oo kolba su’aal wayddiinaya Saafi baa ku yidhi, “Ciyaarta aad baad u taqaan jiibta iyo jaanteeda.” “Dabcan, adba iga ma liidatid oo si wacan baad u taqaannaa.” ayey si kalsooni ka buuxdo ugu jawaabtay. Gurigii bay soo gaadheen iyaga ood mooddo inayna waxba soo wada socon. Saafi ayaa ku soo dhawaysay gurigoodii Cabdirashiid. Waxay u gogoshay harar. halkii baa sheeko qurux badan la is dhaaf saday. Dabadeed, markii uu waagu soo casaday baa la is nabad galyeeyay.

Aftahanimadii iyo hadaladii xigmadda aha buu Cabadirashiid la dhacday. Saamayn wayn iyo raadad bay ku reebeen qalbigiisii. In yar haddii uu jooga ba, wuxuu xasuusanayaa Saafi hadaladeedii. Si wayn bay qalbigiisa u degtay.Waa uu jeclaaday jacayl ayna la ogayn.

Laba maalmood ka dib, Cabdirashiid wuxuu yimid gurigii Saafi; aqalkii gaarka u ahaa ayay ku soo dhawaysay. Waxay tustay soo jiidasho aad u qurux badan oo gobanimo ku dheehantahay. Kaftan la isku dhiidhiibay ka dib, Cabdi rashiid wuxuu u soo bandhiggay innay xidhiidh yeeshaan. Saafi Kuma gacansaydhin e, si carablaab ku jiro ayay ugu jawaabtay. Taasoo ay leedahay dhib ma leh haddaynu xidhiidh yeelano Cabdirashiid oo xiisihii iyo boholyawgii uu u hayey ku sii laba jibbaarmeen ayaa isa siiyey Saafi.

Waxa uu go’aan ku gaadhay in uu sameeyo wax walba uu ku helikaro. Dabaddeed, la kal tag maalintaa. hase yeeshe, Saafi gurigooda lagama qoob qaado: hadday tahay haasawe tag ama ciyaar gud. Iyada oo sida Cabdi Rashiid u danaynayo si ka wayn loo danaynayo, Saafi sheekadaa iyo cayaartaa wax kale uma dheera. Nin waliba oo usoo haasaawe taga kolnna sidii ay Cabdirashiid ugu carab laad laadisay ama u soo dhawaysay uma soo dhoweyn.

Cabdirashiid oo ay awood ka tan badani jiidanayso baa ku soo laba noqoday gurigii Saafi. Hase ahaatee, wakhti fiican kama helin Saafi oo mashquul badnayd darteed. Saafi waxay ahayd inan yar oo markaa gashaanti noqotay. Laf dhabartii reerka Ciid Bulaale ku dhisanyahay bay ahayd. Waxay ahayd boqolkiiba siddeetan, ta qabata hawsha guriga. Markii ay ogaatay tartankuu inan-ragged ugu jiro, go’aan waxay ku gaadhay inayna rag ba salaan ka qaadin. Nasiibdarro, Cabdirashiid go’aankii ay Saafi gaadhay ayaa saamayn ku yeeshay xidhiidhkii bilawga ahaa ee uu la lahaa Saafi. Oo wuxuu la mid noqday inan-raggeed oo dhan.

Jacaylkii Cabdirashiid galay oo aanan warka hayn go’aankii ay Saafi gaadhay, ayaa ladh ho rleh ku soo laba kiciyey qalbigii Cabdirashiid. Waxa uu gaadhsiiyey heer uuna seexan, hadhsan, wax cunin, biyo mooyee baad kale afkiisa saarin. Aroortii, galbtii iyo habeenkii ba waa uu ka fikiri jiray. Xasuusteeda ayaa harqisay qalbigiisii. Cabdirashiid Saafi aad ayuu u jeclaa, naftiisa ayuu ka jeclaa. Muddo hadimada jacaylku waxay keli ku ahaataba qalbigiisa, Saafina ku adkaysato go’aankii ba’naa ee ay gaadhay warli’i; maalin maalmaha ka mid ah buu fursad ka helay saafi ciid. Wuxuu is tusay inuunan beerdarayn fursaddan. Min Alif ilaa Y inuu usheego kalgacaylka uu u hayo ayuu ku tashaday. Dabadeed salaan kadib, wixii qalbigiisa gubayey ee u diiday jiif iyo joogtoona ayuu si qurux badan ugu soo bandhigay.

Heerka la marayo iyo sida uunan keligii wax uga qaban karin buu dhegta u galiyey. Haba yaraatee, haddii ay wax un la qabato, sidan uu hadda ku jiro inuu dhaami lahaa ayuu u sheegay. Nadiibdarro se, dhag-jalaq uma siin warkii Cabdirashiid. si foolxun oo ay nacasnimo ku jirtana way ugu gacansaydhay. Si ay is tidhi waad ugu qoos-goysay misne Cabdirashiid quus u noqonayn bay kaga dhaqaaqday. Cabdirashiid ay talo ku caddahay, xaalad xunna ku jira, baa rejo la’aanta iyo waji-gabaxii uu kala kulmay Saafi, la sii wareeray.waxaa ku dhacay:

Dhibaato jaceyl la dhaanteeyoo

Qofkaan isku dhiibay iga dheer

Jaceylka waa dabayl taasoo cid walba ka adag, da’ kasta ha ahaadee. Cabdi rashiid wuxuu ka mid noday dadka jaceylka aadka ugu nugul, intuu qonbobay oo qalalay ayuu kala siibtay, wuxuu ku hadaaqi jiray ‘ma la dhuubtay awgaa’ Sida uu ugu xanuunsanayo jacaylka, gabadhii uu darteed u xanuunsadayna ay u xasilan tahay baaa bulshadii fajac iyo amakaag ku noqotay. Jaceylka daran ee haya Cabdirashiid, waxaa ka adkaysan waayey dhalinyaradii ay isku xidhnaayeen, markaasay weerar afka hadal u badan ku qaadeen Saafi Ciid Bulaale. Laakinse, wax ba ma soo kordhin dedaalkii ay sameeyeen dhalinyaradii Cabdrashiid la saaxiibka ahayd. Inna inay bal Saafi soo dabacdo halkii ay ka sugayeen bay kag sii darnaatay sidii ay awal hore ahayd.waxa laga joogsaday quus balse isagaa xanuunkaasi wuxuu ku noqday boog aan cidina dhaymadeeda hayn.Qalbigiisana wuu ka tirtiri kariwaayey Saafi Ciid Bulaale

Fikirkaada Waa Muhiim